Home Blog Page 537

Ilhaan Cumar oo war kasoo saartay dilkii Charlie Kirk?

0

Isniin, 15-Sep 2025 {HMC} Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa ka hadashay dilkii dhawaan loo geystay Charlie Kirk, aasaasaha ururka Barta Isbeddelka Mareykanka (Turning Point USA), iyadoo sheegtay in rabshadaha siyaasadeed aan marnaba la aqbali karin.

“Rabshadaha siyaasadeed gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin oo aan la difaaci karin. Falalka bilaa caqliga ah lama oggolaan karo in ay ka dhacaan dalkeenna,” ayay tiri Ilhaan Cumar oo war-saxaafadeed soo saartay.

Charlie Kirk, oo ahaa 31 jir, waxa uu caan ku ahaa taageerada aragtida dhaqameed iyo barnaamijyada wacyigelinta ardayda kolejyada Maraykanka. Waxa uu saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne Donald Trump.

Dilkiisa ayaa naxdin weyn ku abuuray bulshada Mareykanka, iyadoo dood xooggan ka dhalatay ammaanka hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo saamaynta rabshadaha la xiriira fikirka siyaasadeed.

Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in lala xisaabtami doonno dadka muuqaallada ku duuba Labiska Ciidanka.

0

Isniin, 15-Sep 2025 {HMC} Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin ka dhan ah dad uu sheegay in ay muuqaallo isaga duubaan dareeska ciidanka.

Cabdifitaax waxa uu sheegay in waaxda ciidamada u qaabilsan dhinaca la socodka Baraha Bulshada ay diiwaangelinayaan ciddii khilaafta ama is hor istaagta go’aankaan si loola xisaabtamo sida uu hadalka u dhigay.

“Hay’adaha, Shirkadaha & cid weliba oo muuqaallada duubta ee isticmaalka dharka ciidamada waxaa la farayaa in ay fasax ka qaataan cidda iska leh dharka ay adeegsanayaan ayna kor joogteeyaan Hay’adaha u qaabilsan Isgaarsiinta” Afhayeenka Booliiska Soomaaliya, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.

Booliiska ayaa digniin u diray Milkiileyaasha leh guryaha ay isugu tagaan Dad u badan dhallinyaro ee muuqaallada ‘Aflagaadada ah’ ku duuba, waxa uu Afhayeenku sheegay in cid weliba oo leh guryahaas lagula xisaabtami doonno.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiray Dad ku eedaysan ‘Anshax xumo’ kuwaas oo Booliisku sheegay in la horgaynayo Maxkamadda awoodda u leh in ay qaaddo Kiiskooda sida hadalka loo dhigay.

Go’aamo noocee ah ayaa kasoo bixi doona shirka dalalka Islaamka iyo Carabta ee Dooxa.?

0

Isniin, 15-Sep 2025 {HMC} Shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan dowladaha Carabta iyo kuwa Islaamka ayaa ka socda dalka Qadar, kaasi oo looga jawaabayo duqeynta ay Israa’iil ku qaadday hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ka dhacay magaalada Dooxa toddobaadkii hore.

Qaraar qabyo ah oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeertay “Falalka cadawtinimada leh ee ay ku jiraan xasuuqa, isir sifeynta, [iyo] gaajada”, taasoo ay sheegtay in ay khatar ku tahay “rajada nabadda iyo wada noolaanshaha”. Israa’iil ayaa si adag u beenisay eedeymahaas.

Ma cadda go’aamada wax ku oolka ah ee la qaadan karo, iyadoo falanqeeyeyaasha ay sheegayaan in nooc kasta oo ka mid ah jawaab celinta milatari aysan su’aal ka taagneyn.

Mar sii horreysay, Ra’iisul Wasaaraha Qadar Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim al-Thani ayaa ku boorriyay beesha caalamka inay joojiyaan ku dhaqanka “caddaalad-darrada” iyo in la ciqaabo Israa’iil.

Isagoo u ambabaxaya Israa’iil Sabtidii, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in Trump “uusan jeclayn qaabkii [Weerarkii Qatar] u dhacay”.

Inta uu ku guda jiro booqashadiisa, Rubio waxa uu la kulmi doonaa madaxda Israa’iil si uu ugala hadlo dagaalka Marinka Qasa iyo arrimo kale oo muhiim ah oo saameeya Bariga Dhexe.

Weerarkii Israa’iil ay ku qaadday caasimadda Qadar waxaa toddobaadkii hore cambaareeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Xubnaha goluhu waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in xiisadda la dejiyo, waxayna muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin Qatar,” 15-ka xubnood ee golaha ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Israa’iil ayaa difaacday tillaabada ay qaaday, iyadoo Madaxweyne Isaac Herzog uu sheegay in duqeyntu ay lama huraan u tahay in dadka qaar laga saaro, haddii aysan raalli ka ahayn in la helo heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.

Xamaas waxa ay sheegtay in kooxdeeda wada xaajoodka ay ka badbaadeen duqaynta Israa’iil 9-kii Sebtembar – laakiin shan ka mid ah xubnahooda ayaa la dilay, oo uu ku jiro wiil uu dhalay madaxa wada-xaajoodka kooxda Khalil al-Hayya. Sidoo kale waxaa la dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada ammaanka Qadar.

Qadar ayaa door muhiim ah ka ciyaartay dhexdhexaadinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu soo afjarayo dagaalka, iyada oo dhexdhexaadiye ka ahayd wada-hadallada dadban ee Xamaas iyo Israa’iil.

Waxay martigelisay xafiiska siyaasadda Xamaas tan iyo 2012-kii, waana saaxiib dhow oo Mareykanka ah, oo martigeliyay saldhig weyn oo ciidamada cirka Mareykanka ah oo ku yaal saxaraha u dhow Dooxa.

Somali army commander visits El-Dheer after troops repel AS attack

0

Monday 15,September ,2025 {HMC}  The Commander of the Somali National Army’s (SNA) Land Forces, Major General Sahal Abdullahi Omar, on Sunday visited El-Dheer following Friday’s fierce clashes in which government forces and local militias repelled an Al-Shabaab assault on the district.

During his visit, Major General Sahal praised the SNA troops and allied local forces for their bravery in defending the town and inflicting heavy losses on the militants.

“I commend the troops for their dedication and reaffirm that counter-terrorism operations will continue until Al-Shabaab is fully eradicated and Somalia is completely liberated,” he said.
According to the El-Dheer District Commissioner Abdirahman Ahmed Omar, more than 70 Al-Shabaab fighters were killed in the battle, which lasted several hours.

The fighting also caused casualties among government forces, with six Somali soldiers killed and 14 others wounded, the Defence Ministry reported.

 

Source Hiiraan online

Somali President arrives in Doha for Emergency Arab-Islamic Summit on Israeli attack,

0

Monday 15,September ,2025 {HMC} Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Doha on Sunday to attend the Emergency Arab-Islamic Summit, scheduled for Sunday and Monday.

Upon arrival at Hamad International Airport, President Mohamud and his delegation were received by Qatar’s Deputy Prime Minister and Minister of State for Defense Affairs, Sheikh Saoud bin Abdulrahman bin Hassan Al-Thani, along with Somalia’s Ambassador to Qatar, Mohamed Ahmed Sheikh Ali.

Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Abdisalam Abdi Ali, took part earlier on Sunday in the preparatory ministerial meeting for the summit. The meeting focused on the Israeli attack on Qatar on September 9, highlighting the need for Arab and Islamic unity in addressing the crisis. Ministers also reviewed a draft resolution to be presented for adoption at Monday’s summit.
The emergency summit is expected to establish a unified regional stance on the attack, reflecting leaders’ concerns about its implications for security and stability in the wider region.

President Mohamud and members of his delegation are also expected to hold bilateral talks with heads of state and officials attending the summit, focusing on Somalia’s security and development priorities.

Source Hiiraan online

{DAAWO MUQAALKA} Israa’iil oo Diyaarisay Weerar ay ku qaadeeyso Qasa.

0

Isniin 15, Sep 2025 {HMC}Israa’iil oo Diyaarisay Weerar ay ku qaadeeyso Qasa.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

 

{DAAWO MUQAALKA} Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kulamo lagu dhiira galinayo ciidanka xooga ka wado Mgaalada Ceeldheer

0

Isniin 15, Sep 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kulamo lagu dhiira galinayo ciidanka xooga ka wado Mgaalada Ceeldheer

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

 

{DAAWO MUQAALKA} Hub lagu Dhacayey Dad shacabka ah oo lagu soo Bandhigay Baladweyne

0

Isniin 15, Sep 2025 {HMC}Hub lagu Dhacayey Dad shacabka ah oo lagu soo Bandhigay Baladweyne

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

 

War cusub oo ka soo kordhay ninka ku eedeysan dilkii Charlie Kirk

Talaado, 16 Sep 2025 {HMC} Guddoomiyaha gobolka Utah, Spencer Cox, ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka in ninka looga shakisan yahay dilka Charlie Kirk “uusan wax wada shaqeyn ah la sameynayn” mas’uuliyiinta, isla markaana uusan qiran inuu isagu geystay toogashada.

Eedeysane Tyler Robinson, oo 22 jir ah, ayaa la qabtay 33 saacadood ka dib markii Kirk, oo ahaa dhaqdhaqaaqe garab midig ah oo 31 jir ahaa, lagu toogtay laguna dilay magaalada Orem Arbacadii.

Cox, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga (Republican), ayaa u sheegay ABC News in dadka u dhow Mr. Robinson ay gacan ka geysanayaan baaritaanka.

Cox wuxuu ka soo muuqday warbaahino kala duwan oo Mareykan ah Axadii, wuxuuna sidoo kale muujiyay welwelkiisa ku saabsan baraha bulshada kadib dhimashada Kirk.

Guddoomiyaha waxaa sidoo kale la weydiiyay warbixin ay qortay New York Times oo sheegtay in Mr. Robinson uu la hadlay dad kale toogashada kadib isaga oo isticmaalaya barta fariimaha ee Discord, iyadoo la sheegay inuu ku kaftamayay inuu isagu ahaa ninkii toogtay.

Cox ayaa u sheegay ABC News: “Waxaan xaqiijin karnaa in wada hadalladaas ay socdeen, mana aysan aaminsaneyn inuu isaga ahaa.”

“Waxay ahayd kaftan, ilaa uu isagu ka qirto inuu isaga ahaa.” Mr. Robinson ayaa la xiray Khamiistii ka dib markii uu isku dhiibay booliska.

Duqeyntii Israa’iil ay ku qaadday dhawaan Qadar oo maanta shir laga yeelanayo.

Talaado, 16 Sep 2025 {HMC} Waxaa maanta dalka Qadar ka dhacaya shir degdeg ah oo ay yeelanayaan madaxda Carabta, kaas oo ka jawaabaya duqeyntii Israel ay toddobaadkii hore ku qaadday hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ku sugan magaalada Doha.

Qabyo-qoraal qaraar oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in weerarkii Israel ku qaadday Qadar, iyo sidoo kale falalka colaadeed ee socda oo ay ku jiraan xasuuq, isir sifeyn, iyo gaajo, ay khatar ku yihiin rajada nabadda iyo wada noolaanshaha.

Ra’iisul wasaaraha Qadar, Sheekh Al Thani, ayaa horay ugu boorriyay beesha caalamka inay joojiso adeegsiga heerarka kala duwan oo ay ciqaabto Israel. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Qadar ay tahay xulufo weyn oo Maraykan ah, isla markaana Israel ay ka fiirsato ka hor inta aysan weerar qaadin.