Home Blog Page 538

Maxaa ka jira xil ka qaadista Muungaab.?

0

Isniin 15 Sep 2025 {HMC} Sida muuqata dagaal adag ayaa ka socda Facebook, kadib markii maalmahii lasoo dhaafay uu Muungaab lacagta ka jartay dad u badnaa masaakiin & shaqaale hoosaad, kadibna uu ku bedelay kuwa ay qaraabo yihiin, waxaana la abuuray dacaayad lagu baahiyay suuqa, si loo khaldo ra’yul caamka guud.

Markii lagasoo gudbay boosaskii dadkii hoose, waxaa jiray maalmahii lasoo dhaafay dhowr qof oo kale oo boosaskii laga tuuray, waxaana lagu bedelay xigtada Guddoomiyaha, taas oo ayaana abuurtay kacdoonka cusub, muddo si hoose loo qarinayay kadib hadda ayuu bannaanka usoo baxay.

Guddoomiye Muungaab waxa uu hadda wajahayaa laba mushkilad oo waaweyn, waana musuq baahsan & kacdoon isaga ka dhan ah oo ka imaanaya beelaha ay kasoo jeedaan dadka uu boosaska ka tuurtay.

Ma jirto illaa & hadda in la go’aamiyay xil ka qaadistiisa, laakiin waxaa haysta culeys ku filan.

Boqol maalin oo musuq maasuq ah.

WQ Abdi Aziz Ahmed

{DAAWO SAWIRADA} Madaxwayne Xasan Sheekh oo caawa gaaray magaalada Doxa

0

Axad 14 Sep 2025 -{HMC} Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qadar, isaga oo ku biiraya hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka oo ka qaybgali doona Shirwaynaha Dalalka Islaamka iyo Carabta.

Madaxwayanha ayaa inta uu Shirku socdo waxaa uu sidoo kale kulamo-doceedyo la yeelan doonaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dhiggiisa ah ee goobjoogga ah.

{DAAWO SAWIRADA} Khasaare ka dhashay Roobab ka da’ay Magaalada Ceerigaabo.

0

Axad 14 Sep 2025 -{HMC} Roobab xooggan oo baaxad weyn lahaa ayaa Maanta ka da’ay magaalada Ceerigaabo Gobolka Sanaag ee Soomaaliland.

Roobabka xooganaa ayaa sababay khasaare maaliyadeed oo ballaaranan, kuwaas oo sameyntooda si weyn looga dareemaya Magaalada iyo deegaanada hoos yimaado.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qaybgalay Dooxa kulanka heer Wasiir ah.

0

Doha, 14 Sep 2025 -{HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qaybgalay Dooxa kulanka heer Wasiir ee loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaalan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah kaga qeybgalay magaalada Dooxa shirka heer Wasiir ee loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka deg-degga ah ee ay iskugu imaanayaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Iskaashiga Islaamka, kagana hadlayaan weerarka Israa’iil ku qaaday dalka Qatar.

Shirka ayaa lagu faaqiday weerarkii Israa’iil ku qaaday Qatar 9-kii Septembar, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada wadamada Carabta iyo Islaamka si looga tacaalo arrintan, iyadoo go’aannada ku xusan war-murtiyeedka shirka la go’aamiyay in loo gudbiyo shir-madaxeedka beri oo Isniin ah furmaya si loo meel-meeriyo.

Waxaa la filayaa in Shir-madaxeedka degdegga ah uu soo saaro mowqif mideysan oo ka tarjumaya welwelka hoggaamiyeyaasha gobolka ee ku aaddan saameynta weerarka ku yeelan karo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Somali FM participates in preparatory meeting for Arab-Islamic summit in Doha.

0
Doha, 14, Sep 2025 {HMC}  The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, participated on Sunday in the preparatory ministerial meeting for the emergency joint Arab-Islamic summit in Doha, held to address the Israeli attack on Qatar.
The meeting discussed the Israeli attack on Qatar on September 9, emphasizing the importance of Arab and Islamic unity in dealing with the issue and considering a draft resolution scheduled for submission to the summit for adoption on Monday.
The emergency summit is expected to formulate a unified position on the attack, reflecting regional leaders’ concerns over its potential impact on security and stability in the region.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 14-09/2025

0

Axad 14, Sep 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.Somali history books

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Somali Speaker meets U.S. Ambassador to discuss strengthening bilateral ties

0

Sunday September 14, 2025 {HMC} U.S. Ambassador to Somalia Richard H. Riley, accompanied by Deputy Ambassador Justin Davis and Political Director Matthew Younger, held a meeting in Mogadishu with the Speaker of the House of the People, Sheikh Aden Madoobe.

The talks focused on strengthening relations between Somalia and the United States, with particular emphasis on cooperation in politics, security, and economic development.

During the meeting, Ambassador Riley praised Speaker Madoobe for his leadership in advancing the work of the House of the People, particularly in passing key legislation for state-building and consolidating Somalia’s constitutional institutions.
For his part, Speaker Madoobe expressed gratitude to the U.S. government for its ongoing support to Somalia, highlighting Washington’s role in strengthening government institutions, enhancing security, and driving economic reforms.

Both sides agreed to deepen bilateral cooperation in order to achieve sustainable development for the benefit of both nations.

 

Somali army displays captured as fighters and weapons in El-Dheer district

0

Sunday September 14, 2025 {HMC} The Somali National Army (SNA) on Saturday afternoon displayed weapons and prisoners captured from Al-Shabaab militants during the recent battle in El-Dheer district of the Galgaduud region.

Two militants captured alive were presented to the media in handcuffs, with military officers assuring that they would be treated in accordance with the law before being transferred to the Military Court.

The display was attended by senior military officials, including the commander of the 21st Division of the SNA, Colonel Mohamed Dhagaweyne, and the commander of the 1st Division of the Gorgor Commandos, Saahid Jama Farah Jareere.
During the event, officers also presented a cash reward to a soldier credited with stopping a vehicle packed with explosives that Al-Shabaab had planned to use in seizing the district.

The death toll of Al-Shabaab militants killed in the El-Dheer clashes has risen to 71, after authorities discovered additional bodies of the attackers, according to District Commissioner Abdirahman Ahmed Omar.

The battle, which lasted several hours, also left casualties among government forces. The Ministry of Defence confirmed that six soldiers were killed and 14 others wounded.

Source Hiiraan online

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul wasaare Xamse iyo Safiirka Jaamacadda Carabta?

0

-Axad 14 Sep, 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Cabdalla Cuteybi.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyay Ururka Jaamacadda Carabta, taageerada iyo iskaashiga ay wadaagaan, gaar ahaan wadashaqeynta kala dhaxeysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha Jaamacadda Carabta, Cabdalla Cuteybi, ayaa xusay in ay sii xoojin doonaan doorka Soomaaliya ay ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan Ururka.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa shaaciyay in dhawaan ay Soomaaliya soo gaari doonaan wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo hirgelin doona mashaariic kala duwan.

Safiirka Mareykanka oo gudoomiyaha golaha shacabka kala hadlay howlaha horyaala BFS?

0

-Axad 14 Sep, 2025 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Richard H. Riley oo ay wehliyaan kuxigeenkiisa Justin Davis iyo Matthew Younger oo ah Madaxa Siyaasadda ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku amaanay Guddoomiyaha Golaha Shacabka hoggaankiisa iyo kaalinta uu ku leeyahay horumarinta shaqooyinka Golaha, gaar ahaan meelmarinta sharciyada muhiimka u ah dowladnimada iyo xoojinta hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhankiisa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay kaalinta ay ka qaadato dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Ugu dambeyn labada dhinac ayaa isku raacay in la sii adkeeyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.