Axad 14, Sep 2025 {HMC}Taliyaha Ciidanka Dhulka”’AS ilaa hadda waxay aqbali la yihiin wixii kula dhacay Ceel-dheer”
Maxaabiis nolol looga qabtay Al-shabaab iyo hub badan oo lagu soo bandhigay degmada Ceeldheer?
Axad 14 Sep, 2025 {HMC} Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa galinkii dambe ee Shalay kusoo bandhigay gudaha degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud hub iyo maxaabiis nolol looga qabtay kooxda Al-shabaab dagaalkii ka dhacay degmadaas Jimcihii lasoo dhaafay.
Maxaabiista nolosha lagu qabtay oo ahaa laba nin ayaa warbaahinta kasoo muuqday iyagoo garbo duub u xiran, waxana saraakiisha ciidamadu balan qaadeen in si wanaagsan loola dhaqmi doono inta looga wareejinayo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Goobta lagu soo bandhigay maxaabiista iyo hubka laga furtay maleeshiyaadka Al-shabaab waxaa ku sugnaa Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Maxamed Dhagaweyne, Taliyaha qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Saahid Jaamac Faarax Jareere iyo saraakiil kale.
Saraakiisha ayaa sidoo kale isla goobta abaalmarin lacageed ku guddoonsiiyay askari la sheegay inuu ka hortagey gaarigii kooxdu kasoo buuxisay walxaha qarxa oo ay ku doonayeen iney ku qabsadaan degmada Ceeldheer.
Ugu dambeyntii weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Jimcihii degmada Ceeldheer ayaa la sheegay inuu ahaa weerarkii ugu weynaa oo ay kooxdu ku qaado degmadaas tan iyo markii la xureeyay Ceeldheer sanadkii 2022-kii.
Trump oo Shuruud ku xiray cunaqabateyn la saaro Ruushka.
Axad 14 Sep, 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu cunaqabateyn adag ku soo rogo Ruushka, balse waa haddii dalalka Nato ay buuxiyaan shuruudo gaar ah oo ay ka mid yihiin joojinta iibsashada saliidda Ruushka.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social, Trump wuxuu ku sheegay inuu “diyaar u yahay inuu soo rogo cunaqabatayn weyn oo ka dhan ah Ruushka” marka ay waddamada NATO “isku raacaan, oo ay bilaabaan, inay sameeyaan isla arrintaas.”
Trump ayaa marar badan hanjabaado culus u jeediyay Moscow, laakiin ilaa hadda wax tallaabo ah ma qaadin, xilli Kremlin-ku uu iska indhatiray waqtiyadii kama dambaysta ahaa iyo hanjabaadihiisa cunaqabataynta.
Wuxuu ku tilmaamay iibsiga shidaalka Ruushka mid “yaab leh” wuxuuna sidoo kale soo jeediyay in NATO ay saarto canshuur dhan 50 ilaa 100% Shiinaha, isagoo ku andacoonaya in tani ay daciifin doonto “xakamaynta xooggan” ee Ruushka.
Haddii aan dagaal la hurayn gacanta ugu horeysa Anagaa qaadeyno”’Madaxweyne Putin”
Axad 14 Sep, 2025 {HMC} Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ay is hayaan xulufada isbahaysiga NATO ayaa sheegay hadal u muuqda in uu ku dhiirragelinayo ciidankiisa u dhaqaaqay dhinaca saldhigyada ugu waa weyn ee isbahaysigaas.
Waxa uu sheegay in haddii aan laga fursananay dagaal in ay habboon tahay in aad noqotid qofka ugu horreeya ee gacan qaada, tani waxa ay si cad u muujinaysaa sida uu u doonayo inuu kala hormaro NATO dagaalka uu damacsan yahay.
“Haddii aan dagaal la hurayn noqo kan gacanta la hormara, Ruushka waxa uu diyaar u yahay in uu ka takhaluso cid weliba oo kahor imaada danihiisa ama isku dayda in ay soo raacdo Dalalka ka dhanka ah” sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda ee Ruushka ayaa soo bandhigtay muuqaallo ay kasoo duubtay Maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka oo u ruqaansaday dhinaca meelaha u dhow saldhigyada Isbahaysiga NATO.
Madaxweynaha Ukraine Volodymr Zelensky oo dalkiisa lagu daawaday duullaankii uu kusoo qaaday Ruushka ayaa markaan helay fursad uu kusii hurin karo xiisadda taagan, waxa uu wax laga yaqyaqsado ku tilmaamay in NATO ay u cudurdaarto diyaaradaha Ruushka uu u diray Poland & Romania.
Maxaa ka jira in Madaxweyne Deni uu yahay musharax u taagan Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.
Axad 14 Sep, 2025 {HMC} Wasiirka Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu yahay Musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2026 isla markaana uu yahay hoggaamiye waxqabadkiisa la hubo.
Dirir ayaa sheegay in xaaladda Dalka marka la eego loo baahan yahay in Siciid Cabdullaahi Deni uu ka samatabixin karo dhibaatooyin siyaasadeed uu sheegay in uu waddanka ku jiro sidaas awgeed uu markale isku soo taagayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
“Puntland waxa ay u diyaarsan tahay samatabixinta dowladnimada Soomaaliyeed, sidii ay horay ugu samatabixisay xilligii Madaxweyne hore Cabdullaahi Yuusuf, Mar kale Madaxweynaha Puntland Saciid Deni waxa uu samatabixin doonnaa dowladnimada Soomaaliyeed, xilligaan ma jiro hoggaamiye kale oo waxqabadkiisa la hubo” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta DG Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.
Awoodaha maamulka ee Dowladda Dhexe iyo Dowlad-Goboleedka ayuu sheegay in Dowladdu ay ku gardaran tahay tallaabada ay ka qaadday arrimaha dhinaca socdaalka, waxa uu dooddiisu ku adkeeyay in keliya ay maamusho Muqdisho isla markaana aanay sharci kusoo rogi Karin qofka galaya Puntland iyo Jubbaland.
{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYN: Maxaabiis laga Haayo AS, iyo Khasaaraha Dagaalkii Ceeldheer oo kordhay.
Sabti 13, Sep 2025 {HMC} FALANQEYN: Maxaabiis laga Haayo AS, iyo Khasaaraha Dagaalkii Ceeldheer oo kordhay.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 13-09/2025
Sabti 13, Sep 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.Somali history books
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.
{DAAWO MUQAALKA} Ruushka oo laga Difaacayo weerar uu ku qaadayo Poland
Sabti 13, Sep 2025 {HMC} Ruushka oo laga Difaacayo weerar uu ku qaadayo Poland
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} Cabdi Rashiid Janaan oo Fagaaro kula hadlay ciidamada Dowladda.
Sabti 13, Sep 2025 {HMC} Cabdi Rashiid Janaan oo Fagaaro kula hadlay ciidamada Dowladda.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya oo Muqdisho looga yeeray.
Sabti 13, Sep 2025 {HMC} vSafiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya oo Muqdisho looga yeeray.



