Home Blog Page 548

Wararkii ugu dambeeyey Dibad-baxyo rabshado wata oo ka socda Faransiiska

0

Khamiis 11, Sep 2025 {HMC Dibadbaxyo rabshada wata oo lagaga soo horjeedo siyaasadaha dhaqaale ee madaxweyne Emanuel Macron, ayaa hareeyey guud ahaan dalka Faransiiska.

Dibedbaxyadan oo ay hormuud ka yihiin ururrada shaqaalaha oo ka gedoodsan wax-ka-beddel lagu sameeyey xeerarka shaqada iyo daryeelka bulshada, ayaa ku soo beegmay xilli Ra’isul Wasaare cusub uu xilka la wareegey, kaddib markii horraantii todobaadkan kalsoonida lagala noqday xukuumaddii talada haysay.

Dibad-baxayaashu waxay xidheen waddooyinka, waxayna dab qabadsiiyeen goobo dhowr ah, iyaga oo carqaladeeyay kaabayaasha dhaqaalaha iyo iskuullada dalka oo dhan.

Ku dhawaad ​​250 qof ayaa la xidhay subaxnimadii hore ee shalay, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xilka laga tuuray Bruno Retaillea

Madaxweynaha Israa’iil oo bogaadiyay weerarkii Israa’iil ee Dooxa

0

Khamiis 11, Sep 2025 {HMC Isaga oo ka hadlaya xubnaha Xamaas ee lagu bartilmaameedsaday weerarkii Talaadadii ka dhacay Dooxa ayaa madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog waxa uu sheegay in weerarradu ay ahaayeen kuwo laga ma maarmaan u ah “in dadka qaar laga meesha laga saaro haddii aysan diyaar u ahayn in ay heshiis helaan”.

Waxa uu sheegay in Israa’iil ay doonayso in dagaalka la joojiyo, waxaanu uu ku dooday in go’aanka Xamaas uu ku xidhan yahayin hal qof oggolaado ma diido taasi oo meesha ka saarayso suurtogalnimada heshiis la gaadho.

“Haddii aad rabto in aad hore u socotid, waa in aad meesha ka saartaa qaar ka mid ah dadka aan doonaynin in ay heshiis qaataan,” ayuu yidhi.

Nootaayooyin ka Shaqeyo jiray Garowe oo shaqo joojin Lagu sameysay.

0

Arbaco  10, Sep 2025 {HMC} Wasaaradda Caddaaladda maamulka Puntland ayaa shaqo-joojin ku sameysay dhammaan nootaayooyinkii ku-meel gaarka ahaa ee ka howlgeli jiray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Warqad rasmi ah oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maryan Maxamed Abshir, ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 10/09/2025 la joojiyay adeeggii ay bixinayeen nootaayooyinkaas, iyadoo laga jawaabayo ku dhaqan la’aanta xeerka cusub ee Nootaayooyinka Puntland oo dhawaan kasoo baxay wasaaradda Caddaaladda.

Shaqo-joojintan ayaa saameysay nootaayooyinkii ku-meel gaarka ahaa ee shaqeynayay muddo ku meel gaar ah, kuwaas oo aan wali si buuxda u buuxin shuruudaha ku xusan xeerka cusub.

Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay waxay ugu yeertay dadaallada lagu tayeynayo nidaamka nootaayooyinka Puntland iyo in la hirgeliyo adeegga casriga ah habka Online ka ah ee lagu dalbanayo adeeggan.

Hay’adaha Booliiska iyo Maxkamadaha ayaa lagu wargeliyay inaysan aqbalin wax adeeg sharciyeed ah oo kasoo baxa nootaayooyinkii shaqada laga joojiyay.

Qaar kamid ah Nootaayooyinka shaqada laga joojiyay oo aan la xiriirnay ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka wasaaradda Cadaaladda, iyagoo sheegay in wasaaradda adeegsanayo tallaaboouin sharci darro ah oo lagu caburinayo qaar kamid ah nootaayooyinka Puntland, iyadoo ujeeddadu tahay in suuqa laga gaaro naataayooyinka madaxa bannaan.

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYN CAAWA: Biyo Xireenka Itoobiya iyo Xiisada Cusub ee ka dhalatay.

0

Arbaco  10, Sep 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Falanqeynta oo aan Caawa ku eegi doono Biyo Xireenka Itoobiya iyo Xiisada Cusub ee ka dhalatay.

HOOS KA DAAWO FALANQEYNTA CAAWA.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan shiikh oo dalka dib ugu soo laabtay kadib Booqashadii Itooobiya.

0

Arbaco  10, Sep 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan shiikh oo dalka dib ugu soo laabtay kadib Booqashadii Itooobiya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaad ka og tahay Xarunta Nukliyeerka ee ay dhiseyso itoobiya.?

0

Arbaco  10, Sep 2025 {HMC} Maxaad ka og tahay Xarunta Nukliyeerka ee ay dhiseyso itoobiya.?

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 10-09/2025

0

Arbaco  10, Sep 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.Somali history books

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} Odayaasha dhaqanka Sh/Hoose iyo Taliyaha ciidanka dhulka oo ka wada hadlay Dagaalka AS

0

Arbaco  10, Sep 2025 {HMC} Odayaasha dhaqanka Sh/Hoose iyo Taliyaha ciidanka dhulka oo ka wada hadlay Dagaalka AS

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 10-09-2025

0

Arbaco  10, Sep 2025 {HMC} Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 10-09-2025

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

Xasan Sheekh iyo Abiye Axmed oo ka wada hadkay xalka xiisada labada dal?

0

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo dan wadaag ah oo gobolka khuseeya, iyaga oo mar kale adkeeyay go’aankooda ku aaddan xoojinta nabadda, amniga iyo horumarka gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo qoraal soo saaray ayaa yiri: “Waxaan mar kale xaqiijinay go’aankeena xoojinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka.”

Kulanka waxaa xaadiray Wasiirka amniga guddaha Jen. Fartaag oo si gaar ah u xiisaynaya amniga Gobolka Gedo oo ku yaalla xuduudka Soomaaliya la wadaagto Itoobiya iyo Kenya.