Isniin 08, Sep 2025 {HMC} Puntland oo Ciidamo badan geeysay Sanaag iyo Xiisad ka taagan.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Isniin 08, Sep 2025 {HMC} Puntland oo Ciidamo badan geeysay Sanaag iyo Xiisad ka taagan.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Isniin, 8 Sep 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Midowga Yurub oo ay hoggaamineyso Danjire Francesca Di Mauro.
Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay Iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee la xiriira dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Safiirka Midowga Yurub ayaa caddeysay in ay Soomaaliya ka taageeri doonto dhinacyada, nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.
Sidoo kale, Ra’iisul wasaare Xamse ayaa soo dhaweeyay Safiirka cusub, isagoo tilmaamay in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo sii wadi lahaa wada-shaqeyntooda.
Midowga Yurub ayaa kamid ah dhinacyada Soomaaliya ka taageera dagaalka AS iyo taageerada caalamiga ah ee binu aadanimada.
Isniin, 8 Sep 2025 {HMC}Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in la dhameystiray dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya (Somalia Meteorological Agency) uu marayo heerkii ugu dambeeyay, isla markaana ay haatan hortaal Baarlamaanka Federaalka si loo ansixiyo. Intii lagu guda jiray Shirweynaha Cimilada Afrika (Africa Climate Summit).
Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in hay’addan cusub loo dhisay si ay ula jaanqaado habraacyada iyo nidaamyada hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan Hey’adda Caalamiga ah ee Saadaasha Hawada (World Meteorological Organization – WMO).
Tani waxay Soomaaliya u suuragelin doontaa inay hesho xog sax ah oo cimilada la xiriirta, taas oo muhiim u ah qorsheynta, digniinta degdegga ah, iyo la tacaalida xaaladaha degdegga ah sida abaaraha iyo fatahaadaha.
Hay’addan ayaa lagu wadaa inay noqoto tiir muhiim u ah dadaallada dalka ee la xiriira La socodka isbedelka cimilada, Digniinaha degdegga ah ee roobabka iyo duufaannada, Taageeridda beeraleyda iyo kalluumeysatada iyo Ka qaybgalka barnaamijyada caalamiga ah ee ilaalinta deegaanka
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in sameynta hay’addan ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda ee dib u dhiska hay’adaha muhiimka u ah horumarka iyo xasiloonida dalka.
Soomaaliya ayaa si weyn uga mid ah dalalka uu si ba’an u saameeyay isbeddelka cimilada, iyadoo sanad walba la kulanta abaaro, fatahaado, iyo khatarta duufaanno, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in hay’addan cusub ay qeyb ka noqon doonto ka hortagga saameyntaasi, isla markaana la dhisi doono awoodaha qaran ee la tacaala isbeddelka cimilada.
Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya waa tallaabo istaraatiiji ah oo dalka ka caawin doonta inuu si firfircoon uga qeyb qaato la tacaalka isbeddelka cimilada, iyo in bulshada Soomaaliyeed laga wacyigeliyo khataraha ay la kulmaan, haddii ay Baarlamaanku ansixiyaan, hay’addani waxay noqon doontaa mid muhiim u ah qorsheynta iyo horumarinta dalka.
Isniin 08, Sep 2025 {HMC} Xabsi Daa’in lagu Xukumay Haweenay sun ku Dishay Ninkii ay kala tageen Qooyskiisa.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Monday 8,September ,2025 {HMC} An armed attack which targeted a police station in Türkiye’s western Izmir province on Monday killed two police officers and injured 2 others, officials said.
The 16-year-old suspect opened fire with a rifle on the Salih Isgoren police station in Izmir’s Balcova district.
In his address at an opening ceremony of the 2025-2026 school year in Istanbul, President Recep Tayyip Erdogan offered his condolences over the loss of lives and wished swift recovery to the wounded officers.
Stressing that the suspected perpetrator had been caught, Erdogan said the suspect’s connections were under investigation.
Justice Minister Yilmaz Tunc also said on NSosyal that a judicial investigation into the attack had been launched by the Izmir Chief Public Prosecutor’s Office.
Speaking to reporters on the incident, Izmir’s governor, Suleyman Elban, said the injured officers were taken to hospital, adding that the assailant was injured and captured.
“We are investigating the incident from multiple perspectives,” he said, adding that the suspect had no criminal record or prior arrests.
Source Hiiraan Online
Monday 8,September ,2025 {HMC}puntland authorities have deployed troops to parts of the Sool region in an attempt to halt voter registration for one-person, one-vote elections launched by Somalia’s federal government and the newly declared Northeastern administration.
Residents told HOL that Puntland forces moved into Boocame district and the nearby Falariyale area, where federal and Northeastern electoral commissions had begun registration.
Both areas are home to Puntland Vice President Ilyas Osman Lugatoor, who has openly rejected voter registration there.
Local sources say the vice president is mobilizing his clan-based forces and has warned that they will resist any attempt to carry out registration. Lugatoor recently visited the contested districts, declaring them part of Puntland and laying foundation stones for development projects funded by his administration.
The moves heighten fears of armed confrontation between Puntland and the Northeastern administration, which broke away earlier this year with backing from Mogadishu. Last week, Northeastern President Abdikadir Ahmed Firdhiye, alongside Somalia’s Interior Minister, inaugurated voter registration for local elections in Las Anod.
Puntland leaders strongly oppose the creation of the Northeastern state and remain at odds with the federal government over territorial claims and election models.
Source Hiiraan Online
Isniin 08, Sep 2025 {HMC} Itoobiya oo Xariga ka jareyso Biyo Xireenka wabiga Niil
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Isniin, 8 Sep 2025 {HMC} Toogasho maanta ka dhacay Magaalada Qudus ee Israa’iil ay xoogga ku haysato waxaa lagu dilay 5 ruux oo Yuhuud ah halka lagu dhaawacay tiro intaas ka badan sida laga soo xigtay Saraakiil katirsan Booliiska oo la hadlay Warbaahinta.
Goobta toogashadu ka dhacday waxaa gaaray ciidamo katirsan booliiska Israa’iil ee loo tababaray kahortagga rabshada iyo falalkaan oo kale, waxa ay isku gedaameen goobtaas iyaga oo hakad galiyay isu socodka Dadka si loo yareeyo khasaaraha sida hadalka loo dhigay.
Idaacadda Ciidamada Israa’iil ayaa sheegtay in suuragal ay tahay kororka khasaaraha ka dhashay weerarka toogashada ah ee ka dhacay Bariga Qudus, waxa ay intaas ku dartay in uu socdo baaritaan lagu raadinayo xogta guud.
Weerarrada toogashada ah iyo kuwa loo adeegsado mindida ayaa bilihii dambe ka dhacayay Magaalooyinka Israa’iil ay xoogga ku haysato, digniin uu soosaaray Booliiska waxa uu shacabka uga digay isu imaanka Dadka badan.
La soco wixii kasoo kordha
Isniin, 8 Sep 2025 {HMC} Hay’adda Socdaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si adag uga shaqeynayso la dagaallanka xagjirnimada iyo sugidda ammaanka xuduudaha iyadoo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah, sida uu sheegay Agaasimaha Guud, Mustaf Sheekh Cali Dhuhulow, oo la hadlay wakaaladda wararka Anadolu oo laga leeyahay dalka Turkiga.
Mustafe Dhuhulow ayaa sheegay in hay’addu si gaar ah xoogga u saareyso ka hortagga xubnaha Al-Qaacida, ISIS iyo Al-Shabaab si aanay dalka ugu soo gudbin ama uga bixin. Saddex bilood ka hor ayuu agaasimuhu sheegay inay hirgeliyeen nidaamka PISCES, oo ay Mareykanku taageereen, kaas oo xaqiijinaya inaan qofna dalka uga bixin ama ugu soo gelin iyadoo aanay jirin diiwaan rasmi ah. Wuxuu intaas ku daray inay heshiis la galeen Interpol si loo adeegsado liiska kormeerka caalamiga ah.
Sidoo kale wuxuu xusay in hey’addu xiriir dhow la leedahay dalal ay ka mid yihiin UK, Jarmalka, Iswiisarlaand, Norway iyo Finland, kuwaas oo ballan qaaday inay sii xoojinayaan iskaashiga dhinaca socdaalka iyo amniga.
Markii uu ka hadlayay kaalinta Turkiga, Dhuhulow wuxuu ku tilmaamay in Turkigu yahay xulafo aad ugu dhow dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo ku sifeeyay walaal muddo dheer garab taagan Soomaaliya.
Dhuhulow wuxuu hoosta ka xarriiqay in hay’addu si adag uga shaqeyneyso la dagaallanka xagjiriinta. Waxa uu xusay in hay’addu hubiso inaanay jirin socdaalayaal sharci-darro ah oo ka imaanaya ama u socda Soomaaliya, isla markaana dadaallada socda ay horseedeen in socdaalka Soomaaliya uu noqdo qayb muhiim ah oo ka mid ah nidaamka dowliga ah.