Home Blog Page 580

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dugsiyada Muqdisho faray in la suro Calanka Somalia.

Agaasinka Waxbarashada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amray Dugsiyada Ku yaalla Magaalada Muqdisho in la suro Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu intaas ku daray in lagula xisaabtami doonno dugsigii kahor yimaada amarkaan.

War uu soosaaray Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in amarkaan uu kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolkaan ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab una sii gudbiyeen Bahda Waxbarashada.

Ujeedka laga leeyahay in Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la suro Dugsiyada Waxbarashada Gobolka Banaadir ayuu Agaasinku ku sheegay in Sare loogu qaadayo Waddaniyadda, Anshaxa iyo Asluubta Ubadka Soomaaliyeed.

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in uu kormeer ku samaynayo Dugsiyada si loo hubiyo in uu suran yahay Calanka Sooomaaliya, isla markaana ka qiimayn doonnaan dhinaca tayada adeegyada Waxbarasho ay bixiyaan.

“Waxaan go’aansannay in dugsi kasta oo ku yaalla Gobolka Banaadir la suro Calanka Soomaaliya midabkiisa saxda ah, isla markaana la hirgeliyo barnaamijyo kor u qaadaya wadaninimada iyo akhlaaqda ardayda Soomaaliyeed. Si loo xaqiijiyo hirgelinta arrimahan, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir wuxuu sameyn doonaa kormeer joogto ah oo lagu hubinayo in Calanka Soomaaliyeed laga taagay dugsi kasta, iyo guud ahaan tayada iyo adeegyada waxbarasho ee ay dugsiyadu bixiyaan”. Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Agaasinka Waxbarashada Maamulka Gobolka Banaadir

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay Goobaha Ganacsiga ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ku amri jiray in Calanka Soomaaliya ku xirtaan marka la gaaro Todobaadka Xorriyadda oo ah dhammaadka Bisha June ilaa billowga Luuliyo (July).

Maxkamadda CQS oo toogatay Rag lagu eedeeyay in ay Kadameyen dilal.

Isniin, 1 September, 2025 (Hmc)  Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa aroornimadii hore ee maanta dil toogasho ah ku fulisay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo sidoo kale loo garanayay (Maaxi & Yoonis) iyo Ibraahim Aadan Maadeey oo horay dil ugu xukuntay.

Cabdiraxmaan iyo Ibraahim ayaa lagu eedeeyay in ay dilal ka gaysteen Magaalada Muqdisho iyada oo Maxkamadda ay horay u dhagaysatay dacwadda ka dhanka ah ee Xafiiska Xeer Ilaalintu soo gudbisay iyo doodda qareennadii ka difaacayay eedahaas.

Guddoonka sare Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo goobjoog ka ahaa xukunkaan markii la fulinayay waxa ay sheegeen in xukunkaan uu yahay qisaasta Dadkii ay horay u dileen Cabdiraxmaan Maxamed iyo Ibraahim Aadan sida ay hadalka u dhigeen.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhisay fulinta xukunnada toogashada ah iyada oo ay weli xiran yihiin Rag qaarkood horay loo xukumay iyo kuwo kale oo xukun sugayaal ah.

In ka badan 2 Milyan oo ruux oo ka barakacday daadad ka dhacay Dalka Pakistan

Isniin, 1 September, 2025 (Hmc)  Gobolka Punjab ee dhaca Bariga Dalka Pakistan oo daadad xooggan oo ka dhashay Roob mahiigaan ah oo ka da’ay dalkaas ayaa salkiciyay dad kor u dhaafaya 2 Milyan oo haatan hooy la’aan ku haysato qaybo kamid ah Waddankaas.

Dadka deegaanka ee Punjab oo adeegsanaya doomo ayaa isaga baxay deegaannadooda, muuqaallo lasoo duubay waxaa ka muuqda dadkaan oo xitaa qaatay waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha iyo Gaadiidka fudud sida Mootooyinka labada lug leh iyo baaskiilo.

Teleefishinka Pakistan ayaa sheegay in dadkaan intooda badan lagu guulaystay in laga saaro goobaha halista xooggan ka jirto balse cabsida taagan ay tahay in qaadka Doomaha uu bato miisaan ahaan isla markaana rogmadaan.

“Daadadku si xooggan ayay u socdeen, guryaheenna waan joogi waynay oo cabsi darteed ayaan isaga baxnay, intii aan awoodnay in aan la baxno ayaan horay usii qaadanay si aan nafteenna u badbaadsano” Sidaasi waxaa yiri qaar kamid ah Dadka Gobolka Punjab.

Qaybo badan oo kamid ah Dalalka isku dhow ee Pakistan, Afgaanistan iyo kuwo kale oo dhaca Qaaradda Aasiya waxaa saamayn taban ku reebay aafooyinka ka dhashay isbaddelka Cimillada iyada oo malaayiin ruux ay barakaceen halka tobanneeyo ay ku dhinteen.

Puntland oo walaac weyn ka muujisay xaaladda dalka.

Isniin, 1 September, 2025 (Hmc) Puntland ayaa walaac xooggan ka muujisay waxay ugu yeertay jahwareerka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya iyo in geeddi socodka dowlad dhiska uu sii xumaaday.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud (JFS) uu ku tagri falayo  heshiisyada iyo qodobbada Dastuurka, taasoo ay Puntland ku tilmaamtay mid keeni karta burbur siyaasadeed.

Puntland waxay soo dhoweysay baaqyada kasoo baxaya Madasha samatabixinta, iyadoo ugu baaqday madaxweyne Xasan Sheikh inuu talada dhulka dhigo, si heshiis midaysan looga gaaro doorashada baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha, waqtigaas ka horna ay muhiim  tahay in laga wada hadlo sidii uu dalku u aadi lahaa doorasho loo dhan yahay.

Bayaanka kasoo baxay Puntland waxaa lagu sheegay in muddo xileedka madaxweynuhu ku egyahay 15ka bisha May 2026. Puntland waxay geesta kale madaxweyne Xasan Sheikh uga digtay faragalinta ururada siyaasadeed ee u taagan toosinta dowladda.

Puntland waxay sidoo kale taageertay in doorashada dalka ay ku dhacdo si waafaqsan Dastuurka, waxayna ka digtay wax kaste oo khatar ku ah amniga iyo xasiloonida siyaasadda dalka.

Saraakiil ka socota Masar oo AUSSOM & DFS kala hadlay goobaha la dajinayo ciidankooda.

Isnii 1, Sep-2025 {HMC} Saraakiil Militari oo ka socota Dowladda Masar ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay saraakiisha ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyaga oo kala hadlay goobaha la dajinayo ciidankooda.

Wafdiga Masar ayaa Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya u sheegay in dufcada ugu horreysa lasoo dejinayo dhowaan iyada oo la geyn doonno goobaha loo asteeyay in ay ka howlgalaan ciidamada Masaarida.

Kooxda saraakiisha ah ee Masar ka socotay waxaa hoggaaminayay Janaraal Islaam Radwaan waxaana soo dhaweeyay saraakiil sare oo Howlgalka AUSSOM iyo Dowladda Federaalka katirsan iyaga oo daqiiqado wada hadlayay.

Ciidamada Masar ayaa qayb ka noqonaya howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM oo taageerrada ka haysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxa ay buuxin doonnaan booska Ciidanka Burundi oo Dowladdooda ku dhawaaqday in ay la baxayso ciidankaas.

Ku dhowaad 1,100 Askari oo Masaari ah ayaa loo daabulayaa Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle halkaas oo ah qaybta Ciidanka Burundi maamulaan kana baxayaan sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan AUSSOM.

Fanaan Caan ah oo ku Geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaalada Hargaysa

Isnii 1, Sep-2025 {HMC}  Fannaanka Da’da yar ee Safwaan Xasan Aadan oo ku magac dheeraa (Safwaan Halac) ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay Magaalada Hargaysa sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan qoyskiisa iyo qaar kamid ah fannaaniinta ay asaxaabta ahaayeen marxuumka.

Safwaan Halac oo qurbaha ka yimid ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Hargaysa, waxaa maydkiisa la dhigay Isbitaalka Magaaladaas, mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan Maamulka Somaliland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Fannaankaan.

Waxaa dhaawac lasoo gaaray qaar kamid ah dhallinyaro la socotay oo lagu daweynayo Isbitaalka Magaalada Hargaysa, Gaariga waxaa la xaqiijiyay in uu gacantiisa ku watay Marxuum Safwaan Halac sida uu sheegay walaalkiis.

Saddexdii bil lasoo dhaafay ayuu joogay deegaannada Somaliland isaga oo ku noolaa ama degenaa Dalka Jarmalka, waxa uu kamid ahaa tiro fannaaniin da’yar ah oo soo caanbaxay sanadihii lasoo dhaafay.

Deegaannada Somaliland waxaa ku batay shilalka Gawaarida ee galaafta nolosha Dad badan oo qaarkood dalxiis u tagay Maamulkaas, sababta ayaa lagu sheegaa wadayaasha oo xawaare sare ku wada iyo waddooyinka oo meelaha qaar burbursan.

In ka badan 600 oo qof oo ku dhintay dhulgariir ku dhuftay Afghanistan.

Isnii 1, Sep-2025 {HMC} In ka badan 600 oo qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen dhulgariir cabirkiisu yahay 6.0 oo ku dhuftay bariga Afqaanistaan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Taliban.

Dhul-gariirkan ayaa ruxay dhismayaal laga soo bilaabo Kabul ilaa caasimadda Pakistan ee Islamabad – waa xogta ilaa hadda la ogyahay.

Aagga fog ee dhulgariirku ku dhufty ayaa adkeyneysa in la ogaado tirade saxda ah ee ku waxyeeloowday dhiulgariirka, iyadoo dhanka kalena ay saraakiishu ka digayaan tiro badan oo dhimasho ah.

Tobaneeyo guri ayaa “burbur ku hoos jira”, sida ay sheegayaan ilo wareedyo ka tirsan xukuumadda Taalibaan halka ay saraakiishu sheegeen in dhammaan tuulooyinka burbureen.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio HIiraanweyn 1 09 2025

ISNIIIN , 1 SEPTMPER 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Radio Hiiraanweyn merchandise

Warka waxaa soo jeedinayo : Yasiin Ali Ahmed

Farsamadii :: Muuse Cali Xeroow

                 HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} “Dana-gaar ah in nalooku soo dhex dhuunto aqbali mayno”” Guddoomiyaha gobolka Sanaag.

0
Isniin 1, Sep 2025 {HMC} “Dana-gaar ah in nalooku soo dhex dhuunto aqbali mayno”” Guddoomiyaha gobolka Sanaag.

 

 HOOS KA DAAWO  MUUQALKA

{DAAWO MUQAALKA} Dil toogasho oo lagu fuliyay Xubno ka tirsanaa AS.

0
Isniin 1, Sep 2025 {HMC} Dil toogasho oo lagu fuliyay Xubno ka tirsanaa AS.

 

 HOOS KA DAAWO  MUUQALKA