Home Blog Page 588

Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo ka bilaabanaysa Laascaanood?

Jimco 29-Aug 2025 {HMC}Waxaa goor dhow Magaalada Laascaanood ka bilaabanaysa doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya. Amniga magaalada ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo magaalada lagusoo rogay Bandow.

Ololaha Doorashadan ee musharaxiinta ayaa galay saacadihii ugu dambeeya, iyadoo loolanka siyaasadeed ee doorashada uu si xawli ah u socdo haatan. Hoolka doorashada ayaa goor dhow waxaa ka bilaabanaysa khudbadaha musharaxiinta.

Musharrixiinta u taagan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo dhan toban musharax ayaa tan iyo xalay si xooggan ugu loolamayay kasbashada xildhibaannada, waxaana xog lagu kalsoon yahay ay xaqiijinaysaa in lacago dhowr boqol oo kun oo dolllar ay musharaxiintu ku bixiyeen xildhibaannada si ay codad uga helaan.

Hoggaamiyihii ku meel gaarka ahaa ee SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa kamid ah musharrixiinta ugu cadcad doorashada, halka dhinaca kale qaar kamid ah musharrixiinta mucaaradka ay ku heshiiyeen in ay taageeraan cid kasta oo iyaga kamid ah oo gaarta wareegga ugu dambeeya ee doorashada, si ay codadkooda u mideeyaan, ugana guulaystaan haddii Firdhiye uu gaaro wareegga ugu dambeeya ee doorashada.

Doorashadan oo mid xiiso leh oo aad loo sugayo waxay go’aamin doontaa jihada siyaasadeed ee maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya iyo sida uu ula macaamili doono Dowladda Federaalka.

Magacyada musharaxiinta madaxweynaha.

Abdiqaadir Axmed Cali Firdhiye.

Rashiid Faarax Maxamuud.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Jamaal Maxamed Xasan.

Maxamuud Yuusuf Xasan.

magacyada musharaxiinta madaxweyne ku xigeenka.

Cumar Daahir Xasan.

Abdirashiid Yuusuf Jibriil.

Cabdirisaaq Maxamed Jaamac.

Cabdisataar Sheikh Cismaan Cumar.

Maxamed Cabdi Bulaale.

Below-normal rains and warmer-than-usual conditions are expected over most parts of the Greater Horn of Africa.

0

Kenya, 26 August 2025: {HMC} The IGAD Climate Prediction and Applications Centre (ICPAC), in collaboration with the National Meteorological and Hydrological Services (NMHSs), WMO, and development partners, has officially released the seasonal climate outlook for October to December (OND) 2025 during the 71st Greater Horn of Africa Climate Outlook Forum (GHACOF 71).

The forum brought together experts and decision-makers to assess the impact of the June to September season and to present the consolidated regional outlook for the upcoming OND 2025 rainfall season.

OND is an important rainfall season for the equatorial Greater Horn of Africa, contributing up to 70% of the annual total in parts of Kenya and Somalia. The forecast points to a higher likelihood of below-normal rainfall across most parts of the region except parts of south-eastern South Sudan, north-eastern and south-western parts of Uganda, where wetter than usual conditions are forecasted.

Key highlights of the OND 2025 Outlook Rainfall Forecast

Below-normal rainfall is expected over most parts of the Greater Horn of Africa, with the strongest signal over eastern parts of the region, including southern Ethiopia, much of Somalia, eastern Kenya, and parts of central and southern Tanzania.

On the other hand, above-normal rainfall is expected in western parts of the region, particularly in south-eastern South Sudan, north-eastern and south-western Uganda, northern Somalia, and parts of northern Rwanda.

There is a high likelihood (>70%) of exceeding 300 mm of rainfall in parts of western Kenya, southern Uganda, much of Rwanda and Burundi, and north-western Tanzania.

Regions such as south-western Ethiopia, northwestern Kenya, central to northern Uganda, most of Rwanda, and western Burundi present equal chances for rainfall.

A delayed onset is predicted over the eastern parts of the region, particularly in southern Somalia, eastern/central Kenya, and parts of southern and eastern Tanzania.

In contrast, early to normal onset is expected over much of the western parts of the region, including south-western Ethiopia, much of southern South Sudan, Uganda, western Kenya, much of Burundi, Rwanda, and western as well as central Tanzania.

Temperature Outlook Generally, the forecast indicates an increased likelihood of warmer-than-average surface temperatures across the GHA, with the highest likelihood over the eastern part of the region.

Average to cooler-than-average conditions are expected over cross-border areas of Uganda, South Sudan, and Kenya, as well as north-western Sudan.

H.E. Mr. Mohamed Ware, Deputy Executive Secretary of IGAD, emphasised the need for collaboration, stating, “The Greater Horn of Africa is at the frontline of the climate crisis.

Climate information must reach the last mile, and only through collaboration and early action can we turn forecasts into meaningful messages that drive timely action.”

Dr. Deborah M. Barasa, Cabinet Secretary, Ministry of Environment, Climate Change and Forestry, Kenya, noted, “Bridging the early warning gap requires shared knowledge, timely information, and a united regional approach.

Kenya remains committed to supporting regional frameworks that strengthen climate resilience across our communities.

”Mr. Edward Muriuki, Acting Director, Kenya Meteorological Department (KMD) stated, “Early warning systems save lives only when they reach everyone, including the most vulnerable. At KMD, we remain committed to providing accurate and timely climate services that support communities to plan, adapt, and build resilience.”

-End-

Howlgal Ka dhan ah AS oo ka socdo Gobolka Shabeellaha Dhexe.

0

Jimco 29-Aug 2025 {HMC} Howlgal Xoogan Oo Ka dhan ah kooxda Al shabaab Ayaa si Dardar leh Uga Socda Guud ahaan Dalka Gaar ahaan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ujeedka howlgalka Ayaa ah in Kooxaha Al shabaab Laga saaro Deegaano iyo Degmooyin Dhaca Gobolka Shabellaha Hoose sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka.

Taliyaha qaybta 1-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle dhexe Saahid Jamaac Faarax’’Jareere’ Ayaa gaaray Furumaha Gobolka Shabelllaha Dhexe,si loo Xoojiyo Ciidanka Qaranka Ee ku howlan Baacsiga khawaariijta.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Xaq udirika Deegaanka ayaa Guulo Waa wayn ka gaaray Howlagaladii Ugu Dambeeyay ee ka dhacay Gobolka Shebeellaha Dhexe,halkaas oo lagu Naafeeyay Kooxaha Khawaariijta ah.

Gaashaanle dhexe Saahid Jamaac Faarax’’Jareere’ Taliyaha qaybta 1-aad Ee Kumaandooska Gorgor ayaa Ciidanka Qaranka Ujeediyay Kalmado Dardaaran iyo Dhiira-gelin ah,Waxaana uu kula balamay Howlgalka in la xoojiyo.

Kooxda khawaarijta ah ayaa Gabood-falo ka fog Diinta iyo Shaqanka ka geeysatay Gobolka Shabeellaha Dhexe iyadoo taas laga duulayo Ayaa Qorshahu yahay in Dhawaan laga xoreeyo Guud ahaan Gobolkaas.

Taliyaha qaybta 1-aad kumaandooska Gorgor Gaashaanle dhexe Saahid Jamaac Faarax’’Jareere’ ayaa Dhiig Cusub Ku shubay Howlgalada ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 29-08-2025.

Jimco 29-Aug 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

ChatGPT oo wajaheysa dacwad dil ah.

Jimco 29-Aug 2025 {HMC} OpenAI, oo ah shirkad garaadka macmalka ah, ayaa wajahaysa dacwad ka dhaceysa California, halkaas oo lammaane ay ku eedeeyeen in barnmajikaasi uu sababay dhimashada wiilkooda oo dhalinyara da’yara, iyagoo ku eedeeyay in barnaamijka shirkadda ChatGPT uu ku dhiirigeliyay inuu isdilo.

Matt iyo Maria Ryan ayaa dacwadda u gudbiyay Maxkamadda Sare ee California Talaadadii, taasoo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah oo shirkadda ku eedaysay dil khaldan ka dib markii uu is dilay wiilkooda oo 16 jir ah, Adam Ryan.

Qoyskan ayaa soo gudbiyay dacwad ah wiilkooda iyo barnaamijka oo ka wada sheekeeysanaya kuna wada sheekaysanaya afkaara ah is midaamin, taas oo Adam uu ku cabirayo fikirkiisa is-dilka ah, halka qoysku ay ku andacoonayaan in barnaamijku taageeray “fikradihiisa ugu waxyeelada badan ahna naf gooysnimada”.

Dhinaceeda, shirkaddu ayaa BBC-da u sheegtay hadal qoraal ah oo rasmi ah oo ay ku sheegtay inay dib u eegis ku samaynayso faylka.

Shirkadda ayaa sidoo kale bayaan ay ku soo daabacday boggeeda Talaadadii, ku sheegtay, “Xaaladaha ugu dambeeyay ee xanuunka badan ee ChatGPT ee loo adeegsaday xilliyada xasaradaha ba’an in ay culeyskeeda leedahay”

Shirkaddu waxay intaas ku dartay in barnaamijka “loo diyaariyay inuu dadka ku hago si ay u raadsadaan caawimo xirfadeed,” sida ku boorinta shakhsiyaadka inay wacaan 988-ka khadka caawinta is-dilka iyo dhibaatooyinka ee Maraykanka, ama Caawinaadda Ingiriiska.

Djibouti FM Abdikadir Hussein Omar Hails AUSSOM on First Somalia Visit

0

Friday 29-Aug 2025 {HMC} Djibouti’s Foreign Affairs Minister, H.E. Abdikadir Hussein Omar, made his maiden visit to Somalia, praising AUSSOM for its immense contribution to peace & stability.

In Mogadishu, the Minister visited the AUSSOM HQ, where Deputy SRCC Amb. Mouktar Osman Karie and senior officials briefed him on the mission’s objectives and progress.

He later traveled to Beletweyne, where he was welcomed by Hirshabelle leaders and AUSSOM Sector 4 Commander Abdirahman Royale Hared. The Minister met with local authorities & AUSSOM leaders to discuss the region’s security & stabilisation efforts.

Amb. Karie said the Minister’s visit to the forces was a morale booster, adding that Djibouti is a key partner and force contributor to AUSSOM and has played an important role in Somalia’s stabilisation.

Minister Omar reaffirmed Djibouti’s commitment to supporting peace in Somalia, praising AUSSOM peacekeepers for their sacrifice.

“We came to visit our troops and to witness the important work AUSSOM is doing to safeguard communities,” he said, conveying greetings from President Ismail Omar Gueleh and Djibouti’s military leadership.

Hirshabelle’s Minister of Interior, Abdirahman Dahir Gure thanked the delegation for the visit and lauded AUSSOM’s continued collaboration with Somali forces in the fight against Al-Shabaab.

The delegation included Somalia’s Ambassador to Djibouti Salad Ali Jelle, Djibouti’s Ambassador to Somalia Mohamed Ibrahim Yusuf, Senior Advisor Amb. Mohamed Idriss, and senior civilian and military officials.

{DAAWO SAWIRADA} Mudo dheer kadib Halkee ayeey ku socotaa jabhada ONLF.

Jimco 29-Aug 2025 {HMC} Kow iyo afartan sano oo ay dagaal xornimo doon ah kula jirtay dowladda Itoobiya kadib, mustaqbalka Jabhadda Wadaniga Xorreynta Ogaadeeniya ee loo garan og yahay ONLF ayaa waxaa ku gadaaman weydiimo weyn.

Wax ka badan soddon sano ayay dagaallo xooggan kula jirtay dowladahii kala duwanaa ee Itoobiya soo maray.

Gobolka Soomaalida oo ay saameyn weyn iyo taageero baaxad leh ku yeelatay, iyo is-hor-istaaggii shidaal baadhista gobolka kadib, Isbeddelkii xukun ee Itoobiya ka dhacay ee uu horseedka u ahaa Raysal Wasaare Abiy Axmed ayaa horseeday in ONLF heshiis siyaasadeed lala galo.

Taas oo sababtay in jabhadii hubeysnayd ay soo xarooto, noqota na urur siyaasadeed oo dalka ka jira, doonistiisana ku raadinaya wadiiqo nabdoon oo siyaasadeed.

Haddaba, afartan sano ka dib, miyuu guuleystay mise guuldareystay? Maxaa se isbedelay?

Arrintaasi waxay soo afjartay halgankii hubeysnaa oo ahaa mid ka mida dhaqdhaaqyada gobonimo doon ee ugu cimriga dheeraa guud ahaanba Afrika.

Dowladda Itoobiya ayaana ka saartay ururka ONLF diiwaanka argagaxisonimo ee ay ku jireen muddo badan una aqoonsatay xisbi siyaasadeed oo si xor ah uga qeybgela siyaasaddaha iyo doorashooyinka heer gobol iyo heer qaran.

Gobolka Soomaalida ayaana noqday tan iyo heshiiskaas midka ugu xasilloon, uguna nabdoon Itoobiya oo dhan.

Waxayna yididiilo weyn ku abuuray bulshada iyo gobolka Soomaalida ee Itoobiya, iyadoo jabhadda ONLF ay dib u noqotay xisbi siyaasadeed oo la aqoonsan yahay tan iyo markii dowladda Itoobiya ee Meles Zenawi hogaaminaayay xukunka ka tuurtay jabhadda oo ahayd xisbi siyasaadeed islamarkaasna ku guuleystay cododka ugu badan ee doorasho dadweyne oo ka gobolka Soomaalida 1994, markaas oo ay dib ugu noqdeen duurka iyo jabhadeyn iyaga oo qoriga qaatay.

Guddoomiyaha Ururka ONLF, Cabdiraxmaan Sheekh maxamed Mahdi (Maadey) o xilkiisa lagu muransan yahay, waxa uu BBC u sheegay inay ku guuleysteen inay qadiyaddii gobolka Soomaalida ay ka ka dhigeen mid aan ahayn xad labo waddan isku hayaan.

“ONLF waxay xaqiijisay in shacabka Soomaalida Ogaadeeniya qadiyadiisu ayna ahayn qadiyad labo dowladood isku haysato sida lixdameeyadii, todobaatameeyadii iyo sideed-tameeyadii looga dhigay ee adduunka loogu fidiyay.”

”Laakiin ay tahay qadiyad dal iyo dad soomaaliyeed oo ay Itoobiya haysato oo xaqoodda u halgamaya,” isaga oo hadalka sii wata.

“Waxay qirtay in shacabkani xaqiisa u istaagi karo, dagaalami karo mintidna yahay.” Ayuu raaciyay isoo tilmaamaya in halgankoodu yahay mid shacab.

Ururkii hubeysnaa ee xisbiga u digo-rogtay markuu heshiiska qaatay khilaafaad siyaasadeed ayaa dhexdiisa hadheeyay hadeerna waxaa jira garab kale oo sheegta iyaguna in ay yahiin ONLF-ta saxda ah.

Waxaana garabkaa dhawaan guddoomiye loogu doortay magaalada Jigjiga, Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo muddo dheer ka mid ahaa madaxda ururka.

Maadey iyo Qalbi-dhagax waxay labadaba hoos u dhigayaan saameynta mustaqbal ee khilaafka dhexdooda ah ku yeelan karo Ururka ONLF.

Laakiin Maxamed Xaaji Ingiriis oo ka mid ah cilmibaadheyaasha daraaseeya jabhaddaha hubeysan ee Afrika waxa uu BBC u sheegay in khilaafka ONLF dhexdooda ah uu saameyn taban ku yeelan karo mustaqbalka jiritaan, hiigsiga himiladooda iyo aayo-ka-telinka gobolka Soomaalida.

Waxa uu ku baaqayaa inay tahay inay gaadhaan xal dhexdooda ah, oo ay markale mid ku noqon karaan si ay u gaadhaan hiigsigooda xornimo doonnimo.

“ONLF waxay ka mid ahayd jabhaddii dhashay xilligii ka dambeeyay gumeysiga, waxayna dhalatay iyadoo lagu dhex-jiro kuleylka wixii loo qiyiinnay dagaalka qabow. Waxay caawimaad ka heli jirtay dowladdii kacaanka Soomaaliya, kaalmadaas oo istaagay 1988kii. Laakiin kaalmadaas joogsatay iyo xitaa burburkii dowladda Soomaaliya wax saameyn ah kuma yeelan jabhadda,” ayuu yidhi Maxamed Xaaji Ingiriis, oo mar la taliye arrimaha dibeda u ahaa Ururka.

Waxa uu intaa ku daray waxa qaabeeya ee saameya ONLF ma ahan wax ka yimaadda arrimaha dibedda iyo gobolka ba, laakiin waa waxa ka socda gudaha Itoobiya iyo iyaga dhexdooda.

Laakiin Janaraal Ibraahin Aaadan Xaalxaali (Doolaal) oo ka mid ah indheergaradka deegaanka waxa uu sheegay in uusan jirin walaac weyn oo laga qabo mustaqbalka ONLF.

“Waa laga yaabaa in shaqsiyaad meesha ka tagaan, laakiin ururku ma baaba’ayo. Kuwa kale ayaa beddeli kara, jiil kale ayaana dhallan kara, marka ururkaan mustabal ahaan ma baaba’ayo,” Ayuu Ibraahim sheegay BBC-da.

”Marxalad adag baan maraynaa, Itoobiyaana si guud ahaan marxaladaas bay maraysa; waxaan hadda socdana waa iska kumeel gaadh.”

Laakiin Maxamed Xaaji Ingiriis waxa uu ka digayaa in khilaafka iyo kala-tega dhexdooda ah, in uu soo dedejin karo “sooyaalkooda iyo raadka halgankoodii gobonimo oo waxyeelooba”.

ONLF iyo suurtagalnimada inay dib isu-hubeyso.

Si la mid ah jabhadda ONLF, Itoobiya waxay hadda mareysaa mar xalad xasaasi ah, iyada oo uu sii xoogeysano xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea, iyo xitaa Masar oo ay Addis Ababa isku-hayaan biyo-xireenka laga dhisay webiga Nile, kaas oo saameyn weyn ku yeelan karo nolosha bulshada Masar ee ku tiirsan biyaha webigaas.

Eritrea iyo Masar ba waxaa muddo dheer la la xiriirinayay inay taageero siiyaan jabhaddaha Itoobiya oo ay ka mid tahay ONLF, Iyada oo ay dowladda Eritrea kaalin weyn ku laheyd heshiiskii horey u dhexmaray ONLF iyo dowladda Raysal Wasaare Abiy Axmed.

Dhanka kale isla gudaha Itoobiya waxaa wali ka socdo dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo ka jira gobolada Amxaarada, Oromada iyo Tigreyga.

Sanadihii dambe na, dowladda Itoobiya waxay ku eedeysan dowladda shisheeye oo la tuhumayo inay Masar iyo Eritrea ula jeedo inay taageeraan.

Cabdiraxmaan  Sheekh Maxamed Mahdi (Maadey) waxuu sheegay in haddeer ayku halgamayaan wadiiqo nabad ah.

“Adduunka halgamada nabadda siday u halgamaan ayaanu u halgamaynaa, halgankuna wuu soconayaa, shucuubta itoobiyana xidhiidh baan la yeelaynaynaa” ayuu yidhi isaga oo qeexaya qorshaha ururka ee haddeer.

“oo siyaasad furan oo dastuurka itoobiya ku qorana la hirgeliyo. Itoobiyana dastuurkeeda ayaan kula dagaalamynaa.” Ayuu yidhi.

Waxse xusid mudan, Guddoomiye Cabdiraxman Mahdi waxuu horey BBC ugu sheegay in garabkoodu diyaar yihiin inay hubka qaadaan islamarkaasna ay weli diyaar yihiin shan kun oo ciidan iyo wiilal hubeysan ah, haddii lagu qasbo.

Laakiin Garabka ONLF ee Cabdikariim Qalbi-dhagax waxay sheegeen in iyagu weli ku taagan yihiin heshiiskii ay horey ula galeen dowladda Itoobiya, iyaga oo isku arka garabka sharciga ah ee ONLF.

Maxamed Xaaji Ingiriis, oo mar la-taliye u ahaa Jabhadda Wadaniga Xorreynta Ogaadeeniya Waxuu qabaa in Masar iyo Eritrea ay marwalba taageeri doonaan ONLF kasoo horjeedda dowladda Itoobiya.

Itoobiya iyo Eritrea oo bilowgii xukunka Abiy Axmed loo arkayay inay isu-soodhawaanayaan, waxaa xiisadooda cusbooneysiiyay dagaalkii ka dhacay gobolka Tigrey iyo sida loo maareeyay, iyo tuhunka laga qaaday Raysal wasaare Abiy Axmed oo ku celceliyay in dalkiisu u baahan yahay marin badeed toos ah, taas oo cabsi ku abuurtay Eritrea.

“Shaki la’aan, Masar iyo Eritrea waxay mar walba taageeri doonaan garabka ka hor yimaadda dowladda Itoobiya,” ayuu yidhi Maxamed Xaaji Ingiriis.

Xuska ururka oo 41 sano jirsaday, warsaxaafadeed ay baahiyeen garabka guddoomiye Maadey ururka ONLF boggooda X waxay ku eedeeyeen dowladda Itoobiya, in xafiisyadooda siyaasadeed la xidhay. ”Xafiisyadii waaweynaa ciidamo ayay geeyeen” ayuu Cabdiraxmaan Mahdi u sheegay BBC-da.

”Xafiis caadi ah waala xidhi karaa laakiin qalbiga xubnaheenna ayaa xafiis ah qalbiga shacabkeenna ayaana xafiis ah” ayuuna sheegay isaga oo xusaya taageerada ururku haysto.

Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo garab kamida ay dhawaan guddoomiye ugu doorteen magaaladda Jigjiga ayaa warraysi uu BBC-da horey u siiyay ku sheegay in ururka ONLF wax weyn oo caqabad ah aysan ka haysan deegaanka.

”Caqabad uu guddiga fulintu ka wada hadlay ma jirin, saaxiibkayo waxuu ka calaacalayo ama uu ku diidanyahay in uu yimaado deegaankii ayaan fahmi la’anahay” ayuu yiri.

XIGASHO BBC

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Jabuuti oo si diirran loogu soo dhoweeyay Baladweyne.

0

Jimcaha 29-Aug 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Jabuuti Iyo Safiirka Soomaaliya ee Jabuuti Salaad Cali Jeelle oo si diirran loogu soo dhoweeyay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne waxaa ku soo dhaweeyey Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdi daahir guure Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse salaad iyo saraakiil Ciidan oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Wafdiga ayaa kulammo la yeelan doona maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee Hiil-walaal, ka hor inta aysan u gudbin magaalada Dhuusa-mareeb. Safarkan ayaa qeyb ka ah booqasho afar maalmood ah oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti uu ku joogo Soomaaliya.

 

 

 

Kenya oo Maxkamad u gudbineysa Gabdho Soomaali ah .

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Wax kasoo baxay Waaxda dambi baarista Kenya ayaa lagu sheegay in howlgal daba socday xog badan oo ay hayaan kaddib in ay kusoo qabteen labo Gabdhood oo Soomaali ah oo boorso ku waday lacag badan oo been abuur ah sida hadalka loo dhigay.

Magacyada Gabdhahaan waxaa lagu kala sheegay Ifraax Cali Jayte iyo Qamar Salaad Cabdi, lacagta lagu qabtay oo ah Doollar waxa ay DCI sheegtay in ay gaaraysay $560,000 oo u sameysan boqol-boqol doollar una dhiganta 70 Milyan oo shillinka Dalkaas ah.

Waxaa lagu hayaa xarunta dhexe ee Waaxda baarista iyo dabagalka dambiyada Kenya ee DCi kuna taal Magaalada Nairobi, waxaa kiiskooda loo gudbiyay xafiiska Xeer ilaalinta si ay ugu gudbiyo Maxkamadda awoodda u leh qaadista dacwaddaan.

Waxaa la baahiyay Sawirka Gabdhahaan iyo Boorsada lacagta ku jirto balse waxaa la qariyay goobta sida rasmi ah lagu qabtay, haddii ay socdaal ahaayeen, haddii ay safar ka yimaadeen iyo Su’aalo kale oo dadku is weydiinayaan in ay helaan jawaabahooda.

La soco wixii kasoo kordha

Masuuliyiinta Soomaaliya iyo Yemen ayaa isku raacay in la xoojiyo wada shaqeynta iskaashiga amniga.

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC}  Danjiraha Safaaradda Dowladda Soomaaliya ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiiim Maxammad Axmed ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaas Ibrahim Ali Ahmed Haidan.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay adkaynta iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan arrimaha amniga, ilaalinta xuquuqda qaxootiga iyo sidii loo fududeyn lahaa adeegyada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan guud ahaan dalka Yemen

Masuuliyiinta Soomaaliya iyo Yemen ayaa isku raacay in la xoojiyo wada shaqeynta labada dowladood iyo in la hormariyo xiriirka u dhaxeeyo labada shacab.