Home Blog Page 589

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qaybgalay Kulanka Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay shir muhiim ah oo looga hadlayay Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha, ayaa sharaxay siyaasadaha maalgashiga ee dowladda iyo fursadaha khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale soo bandhigay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay ganacsatada Shiinaha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay soo dhoweyso, isaga oo ku casuumay in ay si toos ah u sahmiyaan fursadaha waaweyn ee dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay meelaha mudnaanta leh ee iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, kuwaas oo ay kamid yihiin:

Horumarinta tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah,Kobcinta beeraha iyo dhaqaalaha xoolaha, iyo Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Shirka oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha iyo Ismaamulka Gobolka Ningxia, ayaa lagu magacaabay “Shirka Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee Ningxia, Waxaana isugu yimid in ka badan boqol shirkadood oo Soomaali iyo Shiinays ah, iyadoo ujeeddadu ahayd in la xoojiyo iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi ee labada dhinac, ayna Soomaaliya noqoto xarun muhiim ah oo ganacsiga iyo isku xirka Carabta,Afrika iyo Aasiya.

Gaari ay leedahay dowladda Hoose oo maanta Dabley hubeysan ku afduubatay Mandhera

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC}Wararka ka imaanaya magaalada Mandhera ayaa sheegaya in dabley hubeysan afduubteen gaari ay leedahay dowladda Hoose ee Mandera gaar ahaan Waaxda Enforcement.

Afduubta gaariga ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Mandhera, gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaano green view, mana la oga ilaa hada halka ay la aadeen gaarigaas dableyda afduubtay iyo sababta ka dambeysa afduubka.

Dableyda afduubka geystay ayaa la sheegay iney ahayeen labo nin oo hubeysan, kuwaas oo la tilmaamay in si nabad ah darawalkii gaariga waday uga dajiyeen, dabadeedna ay la baxsadeen gaariga.

Nooca gaariga la afduubtay ayaa lagu shergay inuu yahay Cagaar, 09 CG, 084A, waxaana warbaahinta u xaqiijiyay afduubka gaariga Taliyaha Waaxda ciidanka dowlada Hoose ee Mandera, Xuseen Cabdullahi.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in haatan ciidamadu wadaan howlgal lagu baadi goobayo gaariga sidii dib loogu soo celin lahaa gaariga dowladda Hoose ee Mandhera leedahay.

Masar: Joogitaanka Ciidamadeenna Soomaaliya waa Sharci, Itoobiya Waxba Kama Sheegan Karto

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Xildhibaan Mustafa Bakhri oo katirsan Baarlamaanka dalka Masar ayaa sheegay in ka qeybgalka ciidamada Masar ee howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya uu yahay arrin caadi ah oo uu go’aamiyo Midowga Afrika, balse aanay Itoobiya waxba kaga hadli karin.

Mustafa Bakhri wuxuu carrabka ku adkeeyay in Masar ka qaybgalkeeda howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya aanu xiriir la lahayn khilaafka biyo-xireenka kala dhaxeeya dalka Itoobiya.

Bakhri ayaa intaas ku daray in ciidamada Masar ee Soomaaliya imaan doona ay gargaar ku yihiin dowladda Soomaaliya si ay ula dagaallanto kooxaha argagixisada ayna taageeraan xasilloonida.

Sida uu sheegay, joogitaankaasi wuxuu ku imaan doonaa casuumaad ka timaadda Muqdisho iyo oggolaanshaha Midowga Afrika, taas oo siinaysa sharciyad buuxda.

Waxa uu dhaliisha Itoobiya ku tilmaamay mid aan la aqbali karin oo lagu doonayo in xiisadda la kiciyo. Wuxuu xusay in joogitaanka Masar uu ku dhisan yahay heshiisyo sharci ah oo ay Qaahira iyo Muqdisho kala saxeexdeen, isla markaana qayb ka ah qaab-dhismeedka Midowga Afrika.

Bakhri waxa uu sheegay in Itoobiya aysan dooneynin in Masar door muuqda ka qaadato gobolka, isagoo xusay in suuragal tahay in ciidamada Itoobiya iyo Masar isku dhacaan haddii xaaladdu kacsato.

Danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Suleyman Didefo, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Soomaaliga ah ee Universal ku sheegay in dalkiisu ka xun yahay qorshaha lagu keenayo ciidamo Masri ah gudaha Soomaaliya.

 

{DAAWO MUQAALKA} Fanaanad Caan Ah oo Ku Geeriyootay Magaalada Hargeysa.

0
Jimco 29 Aug 2025 {HMC} Fanaanad Caan Ah oo Ku Geeriyootay Magaalada Hargeysa.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Mareykanka oo Beeniyay In uu aqoon Sanayo Somaliland

0
Jimco 29 Aug 2025 {HMC} Mareykanka oo Beeniyay In uu aqoon Sanayo Somaliland

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} RW Xamsa oo ka qaybgalay Kulanka Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha

0
Jimco 29 Aug 2025 {HMC}   RW Xamsa oo ka qaybgalay Kulanka Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

Warshadaha ugu weyn bacraminta Afrika oo laga hirgalinayo dhulka Dowlad Deegaanka Soomaalida.

0

Jimcaha 29-Aug 2025 {HMC} Dangote Group ayaa haysanaya 60 boqolkiisa qaybta bacraminta ee shirkada ee laga dhisayo gobolka Soomaalida, halka dowlada Itoobiya ay lahaanayso 40 boqolkiiba.

Sida laga soo xigtay heshiiska ay wada gaareen dowlada Itoobiya iyo Dangote Group, waxaa ay labada dhinac si wadajir ah u maalgalinayaan, u dhisayaan, una maamulayaan warshada.

Shirkada ayaa ka mid noqonaysa mid kamid ah kuwa ugu casrisan ee leh tiknaloojiyada horumarsan.

Shirkada oo la filayo in la dhamaystiro muddo ka yar saddex sano ayaa awood u yeelan doonta inay soo saarto saddex milyan oo metric tan oo bacramin ah sanadkii, markii ay shaqo bilowdo.

Shirkadu waxa ay isticmaali doontaa gaaska dabiiciga ah meel ku dhow goobta oo in ka yar boqol kilometers kaga began gobolka Soomaalida, taasi oo ka dhigaysa mid kamid ah kuwa ugu ballaaran ee lagu nidaamiyo wax soo saarka sanadkii markii ay shaqadeeda bilowdo.

Inta ugu badan shirkadaha bacraminta ayaa u qaada agabyadooda cayriin goobo kala duwan si ay u helaan wax soo saarka ugu dambeeya. Waxa ay kordhisaa qaaditaanka iyo kharashaadka kale.

Waxaa la tilmaamay shirkadu inay si ballaaran u kobcayso laguna daray wax soo saar cusub, taaso oo bixinaysa qaybo kala duwan oo wax soo saarka bacraminta, taasi oo ka dhigaysa Itoobiya xarunta soo saarista bacraminta Afrika.

Marka ay shirkadu shaqo bilowdo ayna gaarto dhammaan awoodeeda, waxa ay noqonaysaa tna ugu ballaaran ee shirkada soo saarista bacraminta ee Nayjeeriya.

Dangote Group ayaa ah maalgeliye weyn oo dhaca Afrika, mid ka shaqeeya wax soo saarka warshadeed ee muhiimka ee kala duwan.

Dangote wax ay leedahay shirkada ugu weyn ee soo saarista bacraminta Afrika oo ku taala meel ku dhow Lagos, Nayjeeriya, taasi oo soo saarta 3 milyan oo metric tan oo bacramin ah sanadkii.

Marka ay shirkada bacraminta Godey ay shaqo bilowdo muddo saddex sano gudaheed ah Itoobiya ayaa ku biiraysa Nayjeeriya, Tanzaniya, Morocco, Masar, Kenya iyo Koonfur Afrika oo ah soo saarayaasha hoggaaminaya bacraminta Afrika.

Waxaa intaasi sii raaa, shirkada cusub ayaa yeelanaysa baaxad soo saaris sare waxayna noqon doontaa mid la ballaariyo, taasi oo ka dhigaysa saddexda warshadood ee ugu ballaaran bacraminta qaarada Afrika.

XIGASHO BBC

Warka Duhurnimo ee Warbaahint Hiiraanweyn 29-08- 2025

jimco 29 August 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo : Shukri Baryare

Farsamadii ::Ismail Abdiqadir

Mareykanka ayaa mar kale sheegay oo baabi’iyey rajadii aqoonsi ee Somaliland

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC}    Dowladda Mareykanka ayaa mar kale sheegtay inay si adag ugu taagan tahay siyaasaddeeda muddada dheer soo jirtay ee ku aaddan taageeridda midnimada Soomaaliya, xilli uu Washington kusii kordhayo cadaadiska lagu doonayo in la aqoonsado dhulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

“Mareykanku wuxuu aqoonsan yahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland,” ayuu afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka u sheegay Fox News. “Ma jiraan wadahadallo toos ah oo aan kula jirno wakiillada Somaliland oo ku saabsan heshiis aqoonsi loogu fidinayo. “

Hadalkaas ayaa hoosta ka xarriiqaya mowqifka rasmiga ah ee Washington: inkastoo Somaliland ay soddon sano ku raad joogtay madaxbannaani, haddana Mareykanku waxaa weli ka go’an taageerada uu siiyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, ololaha aqoonsi-raadinta ee Somaliland ayaa soo jiitay dareen cusub. Madaxweyne Donald Trump ayaa dhowaan si dadban u sheegay in maamulkiisu uu si dhow u eegi karo arrintan. Mar la weydiiyey isagoo jooga Xafiiska Oval Office bishii Agoosto 8-deedii su’aal aheyd in la aqoonsanayo Somaliland haddii ay aqbasho marti-gelinta shacabka Gaza,  Trump wuxuu yiri, “Hadda waan ka shaqeyneynaa taas, Somaliland.”

Mid ka mid ah taageerayaasha ugu adag ee arrintan ayaa ah Senator Ted Cruz (R-Texas), oo ah guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Dibedda ee Aqalka Sare u qaabilsan Arrimaha Afrika. Cruz wuxuu ku doodayaa in aqoonsiga Somaliland uu horseedi doono iskaashi cusub oo dhinacyada militariga iyo dhaqaalaha ah, uu gacan ka geysan doono la dagaallanka Shiinaha iyo Ruushka, isla markaana lagu abaalmarin doono xulufo uu ku tilmaamay “mid la isku halleyn karo oo geesi ah” oo ku yaal gobol kacsan.

“Somaliland waxay u ahayd saaxiib la isku halleyn karo Mareykanka, waxayna ka go’an tahay la dagaallanka argagixisada iyo iska caabbinta saameynta Shiinaha,” ayuu Cruz u sheegay Fox News. Wuxuu si toos ah warqad ugu diray Trump, isagoo ku boorriyay in si rasmi ah loo aqoonsado, wuxuuna Somaliland ku tilmaamay “saaxiib muhiim ugu ah Mareykanka dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda.”

Somaliland waxay madaxbannaanideeda kaga dhawaaqday Soomaaliya sannadkii 1991-kii, tan iyo xilligaasna waxay dhisatay dowlad shaqeysa, ciidammo amni, waxayna gaartay xasilooni la taaban karo.

Hoggaamiyayaasheeda ayaa Washington u soo bandhigay inay ka faa’iideysato dekedda Berbera iyo mid ka mid ah dhabbooyinka diyaaradaha ee ugu dhaadheer Afrika—tasoo bixin karta goob istiraatiiji ah oo muhiim ah oo ku taalla marinka Badda Cas, kana soo horjeedda Yemen kuna dhow marinnada maraakiibta ee uu maro ku dhowaad saddex meelood meel ganacsiga konteenarrada adduunka.

Gobolka ayaa sidoo kale isku soo bandhigay inuu yahay isha laga helo macdanta dhifka ah ee muhiimka u ah warshadaha teknoolojiyadda Mareykanka, taasoo dhinac dhaqaale ku soo kordhineysa dooddooda.

Laakiin siyaasadda Mareykanka isma beddelin. Waqtigan xaadirka ah, Washington waxay sii waddaa taageerada ay siiso dowladda federaalka Soomaaliya, oo la dagaallameysa maleeshiyada al-Shabaab isla markaana wajahaysa saameynta shisheeye ee kaga imaneysa Shiinaha, Turkiga, iyo dalal kale.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa weli rajo wanaagsan qaba. “Aqoonsigu waa soo dhow yahay,” ayuu u sheegay wargeyska Guardian bishii Maajo. “Waa arrin waqti uun ah. Ma ahan haddii, laakiin waa goorma.”