Home Blog Page 603

Koofur Galbeed, Galmudug & Hir-Shabeelle oo Dadka sameysanaya NIRA lacag looga qaado ?

Isniin 25 , Aug 2025 {HMC}Xarumaha Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed, Galmdugu iyo Hir-Shabeelle ee lagu bixiyo Kaarka aqoonsiga Muwaadinka waxaa dadka doonta kaarkaas laga qaadaa lacag dhan $2.5 sida ay Mustaqbal ku heshay xog-baaris ay ku samaysay.

Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Jowhar oo ah xarumaha saddexdaas Dowlad-Goboleed oo laga bixiyo kaarkaan waxa ay Dadka lacagaha ku tuuraan u tuuraan labo qaab oo kala ah:

Xarumaha qaar marka qofka uu gudbiyo dukumiintiyada muhiimka ah Dhalashada iyo Sugnaanta, Ruqsad ama Baasaboor isla markaana la xaqiijiyo sax naashiyahooda waxa laga hormariyaa lacag halka meelaha qaar marka uu kaarka soo baxo laga qaado.

Inta aan ku jirnay baaristaan waxa aan ku ogaanay in teleefannada lagu tuuro lacagaha ay aanay ahayn kuwa ku xiran Koontooyinka balse waxaa ku qoran Xafiiska NIRA ee Magaaladaas sida Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Jowhar.

Magaalada Muqdisho waxa ay Dadka kaarka Aqoonsiga Muwaadinka ku qaataan si bilaash ah, billowgii dalbashada NIRA ee Caasimadda waxa uu ahaa $5 Laakiin muddo kaddib ayaa la joojiyay lacagahaas.

Doorashada kursiga Golaha shacabka ee HOP248 oo lagu kala baxay?

Isniin 25 , Aug 2025 {HMC}Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP248 ee Golaha Shacabka, doorashada kursigaan ayaa goordhow ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa la tartamay musharax malxiis ahaa oo lagu magacaabo Shafici Ahmed Ali

Kursigan ayaa waxaa iska casilay Xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne), sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan qoyskiisa, si dhab ah looma shaacin sababta ka dambeysa in uu iska casilo kursigaan uu ku fadhiyo muddo 5 bilood ah.

Sadiiq Afweyne oo ah wiilka Xildhibaan Afweyne ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri, “Waxaan halkaan ka cadeeynaya in aabahey Xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) iska casilay xilkii Xildhibaanimo ee uu ku matalaayay bulshada reer Galmudug gaar ahaan reer Cadaado isaga oo uga tagay sababo jiro awgeed.

Afweyne ayaa ku guuleystay kursiga HOP#248 kaddib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug 4tii Maarso sanadkaan 2025, waxa uu sidaas ku buuxiyay kursigaan oo muddo bannaanaa

{DAAWO MUQAALKA} Weerar jid gal ah oo lagu Sameeyay AS iyo Khasaaro ka dhashay.

0

Isniin 25 Aug 2025 {HMC} Weerar jid gal ah oo lagu Sameeyay AS iyo Khasaaro ka dhashay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Rag ka tirsanaa AS oo maanta la geeyay Tiirka toogashadda.

0

Isniin 25 Aug 2025 {HMC} Rag ka tirsanaa AS oo maanta la geeyay Tiirka toogashadda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo dil toogasho ah ku fulisay Laba Rag .

Isniin 25 , Aug 2025 {HMC}  Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku fulisay Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud “Salmaan” iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow oo lagu eedeeyay in ay gaysteen qaraxyo iyo dilal ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee DG Puntland.

Raggaan waxaa horay dil toogasho ah ugu ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida kaddib markii fadhi ka yeelatay dhagaysiga eedaha loo jeediyay iyo difaaca Qareennadooda balse ugu dambeyn waxaa ku dhacay xukunka saakay fulintiisa lagu sameeyay.

Dadka la xusay in ay dileen Anas iyo Aadan waxaa kamid ah Nabadoonno ku sugnaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo qaybta uu maamulo Maamulka Puntland sida lagu sheegay warka kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka..

Xabsiyada Dowladda waxaa ku xiran Rag lagu xukumay dil toogasho ah kuwaas oo ku eedeysan in ay dilal iyo qaraxyo gaysteen, muddooyinkii dambe waxaa si isdaba joog ah u fuliyay xukunno ay ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo yeeshay wadahadal khadka Tilifoonka ah?

Axad 24, Aug 2025 {HMC} Warar hoose oo aan helay ayaa sheegaya in khadka telefoonka ay ku wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Wadahadalkan ayaa la sheegay inuu fududeeyay Taliyaha Sirdoonka Kenya Noradin Yusuf Xaaji oo maalmo ka hor safar qarsoodi ah ku tagay Kismaayo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wada hadalka taleefanka uu ahaa mid koobnaa oo Taliyaha Sirdoonka Kenya ku doonayo inay billow u noqotay qaboojinta xiisada Jubbaland iyo DFS, iyadoo wixii wada hadalka taleefankaas ka dambeeyay uu shalay Axmed Madoobe gaaray magaalada Nairobi.

Khilaafka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kasoo bilowday shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee bishii October 2024, markii la isku mari waayey ajandayaashii la xiriiray guddigii doorashada iyo in doorashooyinka qof iyo cod lagu soo doorto madaxda maamullada, iyadoo xilligaas uu Axmed Madoobe ku dooday in doorashooyinka maamullada ay gooni u qabsadaan, halka Villa Soomaaliya ay ku adkeysaneysay hal guddi doorasho oo ay dowladda federaalku gacanta ku hayso inay qabtaan doorashada labada heer, waxaana markaas wixii ka dambeeyay khhilaafkaas uu isu bedelay dagaallo culus oo ka dhacay Raaskambooni bishii December 2024 iyo Beledxaawo July 2025, taas oo keentay in ciidamo labada dhinac ah ay xadka Soomaaliya iyo Kenya ka tallaabaan.

Haddaba waxaa isweydiin mudan: maxay tahay danta Dowladda Kenya ee ay ka leedahay in ay waqtigan dhexdhexaadiso labada dhinac, iyadoo la ogyahay inay hore uga caga-jiidaysay? Mala oran karaa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo gaaray marxalad aqbalaadda dhex-dhexaadinta isaga iyo Axmed Madoobe, mise dowladda Kenya ayaa ka cabsi qabta dhismaha Jubbaland-ta cusub oo DFS ay qaban qaabadiisa ka wado Garbahaareey?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay in ay u badan tahay in Maraykanku Aqoonsado Somaliland.

Isniin 25 , Aug 2025 {HMC}  Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Aadan Bakaal, ayaa sheegay in ay u badan tahay in Maraykanku dhawaan Somaliland aqoonsado, isaga oo sheegay in ay mideeyeen danaha Hargeysa iyo Washington.

Wasiir Bakaal oo waraysi siiyay muuqbaahiyaha xukuumadda, ayaa sheegay in kadib muddo ka badan 30 sano oo Somaliland ay ictiraaf raadinaysay, uu ugu dambayntii arko iftiinka ictiraafka.

“Socod dheer ayaynu soo galnay, laakiin hadda iftiinkii ictiraafka ayaa inoo muuqda, inyar ayaynu u jirnaa. Waqti yar ayuu qaadanayaa, waan ogahay. Dareenkayguna wuxuu ii sheegayaa oo aan aaminsanahay in uu muddo dhow imanayo,” ayuu yidhi Bakaal.

Waxa uu sheegay in dadaallo aad u badan oo lagu doonayo in Somaliland lagu aqoonsado ay hadda ka socdaan gudaha Maraykanka, isla markaana ay awoodda saareen in ay qanciyaan xildhibaannada golayaasha, maadaama xildhibaanadu ay iyagu siyaasadda hagaan oo ay sameeyaan xidhiidhada.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay joojisay siyaasadii hore ee qaawanayd, oo ay hadda isticmaalayso diblumaasiyad aamusan, isla markaana dhawaan ay hawlo ka wadaan gudaha qaaradda Afrika, kuwaas oo dhawaan la arki doono natiijada waxqabadkooda gudaha qaaradda.

Wuxuu inta ku daray in danaha ugu waaweyn ee Maraykanku Somaliland ka leeyahay ay yihiin iskaashiga amniga iyo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland ku jira, kuwaas oo labada dhinac ay doonayaan in ay iska kaashadaan, isla markaana madaxdii ka socotay AFRICOM ee dhawaan madaxweynaha la kulmay ay kala hadleen iskaashiga amniga.

Mar wax laga waydiiyay sababta uu Maraykanku wakhtigan u aamini karo Somaliland, ayuu ku jawaabay: “In Somaliland aanay heshiisyada ka bixin ama aanay maskaxdeeda beddelin marka xukuumaduhu is beddelaan, oo xukuumad kasta ay fuliso heshiisyadii xukuumaddii ka horreysay gashay.”

“Danta uu Maraykanku Somaliland ka leeyahay waa mid aan indhaha laga qarsan karin, sidoo kale danta Somaliland Maraykanka ka leedahay waa mid aan indhaha laga qarsan karin. Marka waxaannu fahannay in aanu danahayaga mideyno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Bakaal.

Somaliland ayaa awoodda saartay sidii ay maamulka Trump ugu qancin lahayd madaxbannaanideeda, halka dowladda Soomaaliyana ay waddo olole lagu hor istaagayo dhaqdhaqaaqyada Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo sheegay in Somaliland ay aad ugu dhowdahay in la aqoonsado?

Axad 24, Aug 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Aadan Bakaal, ayaa sheegay in ay u badan tahay in Maraykanku dhawaan Somaliland aqoonsado, isaga oo sheegay in ay mideeyeen danaha Hargeysa iyo Washington.

Wasiir Bakaal oo waraysi siiyay muuqbaahiyaha xukuumadda, ayaa sheegay in kadib muddo ka badan 30 sano oo Somaliland ay ictiraaf raadinaysay, uu ugu dambayntii arko iftiinka ictiraafka.

“Socod dheer ayaynu soo galnay, laakiin hadda iftiinkii ictiraafka ayaa inoo muuqda, inyar ayaynu u jirnaa. Waqti yar ayuu qaadanayaa, waan ogahay. Dareenkayguna wuxuu ii sheegayaa oo aan aaminsanahay in uu muddo dhow imanayo,” ayuu yidhi Bakaal.

Waxa uu sheegay in dadaallo aad u badan oo lagu doonayo in Somaliland lagu aqoonsado ay hadda ka socdaan gudaha Maraykanka, isla markaana ay awoodda saareen in ay qanciyaan xildhibaannada golayaasha, maadaama xildhibaanadu ay iyagu siyaasadda hagaan oo ay sameeyaan xidhiidhada.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay joojisay siyaasadii hore ee qaawanayd, oo ay hadda isticmaalayso diblumaasiyad aamusan, isla markaana dhawaan ay hawlo ka wadaan gudaha qaaradda Afrika, kuwaas oo dhawaan la arki doono natiijada waxqabadkooda gudaha qaaradda.

Wuxuu inta ku daray in danaha ugu waaweyn ee Maraykanku Somaliland ka leeyahay ay yihiin iskaashiga amniga iyo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland ku jira, kuwaas oo labada dhinac ay doonayaan in ay iska kaashadaan, isla markaana madaxdii ka socotay AFRICOM ee dhawaan madaxweynaha la kulmay ay kala hadleen iskaashiga amniga.

Mar wax laga waydiiyay sababta uu Maraykanku wakhtigan u aamini karo Somaliland, ayuu ku jawaabay: “In Somaliland aanay heshiisyada ka bixin ama aanay maskaxdeeda beddelin marka xukuumaduhu is beddelaan, oo xukuumad kasta ay fuliso heshiisyadii xukuumaddii ka horreysay gashay.”

“Danta uu Maraykanku Somaliland ka leeyahay waa mid aan indhaha laga qarsan karin, sidoo kale danta Somaliland Maraykanka ka leedahay waa mid aan indhaha laga qarsan karin. Marka waxaannu fahannay in aanu danahayaga mideyno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Bakaal.

Somaliland ayaa awoodda saartay sidii ay maamulka Trump ugu qancin lahayd madaxbannaanideeda, halka dowladda Soomaaliyana ay waddo olole lagu hor istaagayo dhaqdhaqaaqyada Somaliland.

Itoobiya oo beenisay in ay istaageen Wadahadaladii farsamo ee dhamesytirka baaqii Turkiga ee Somaliya iyo Itoobiya.

0

Axad 24, Aug 2025 {HMC} Adem Mohammed, Safiirka wadanka Itoobiya ee Turkiga, ayaa beeniyay in la joojiyay kulamadii farsamo ee lagu dhameystirayay fulinta baaqii Ankara.

Danjiraha Ethiopia ee Magaalada Ankara ayaa sheegay in inkastoo wareegga labaad ee wada-hadallada farsamo aan weli la qaban, haddana xiriirka labada dal uu weli wanaagsan yahay. Waxa uu rajo ka muujiyey in wada-xaajoodyadu sii socon doonaan, isla markaana aanay jirin sabab ay u istaagaan.

“Ma jiraan taariikh rasmi ah oo la isla oggolaaday wareegga labaad ee wada-hadallada farsamo,” ayuu yidhi. “Waxaan aaminsannahay in Heshiiska Ankara uu weli shaqeynayo.”

Safiirku waxa uu xusay in wada-hadallo hore uga dhaceen heer hoggaamiye iyo heer wasiir, isagoo carrabka ku adkeeyey in magacaabista safiirka cusub ee Itoobiya u fadhiya Muqdisho ay calaamad u tahay xiriir caafimaad qaba oo ka dhaxeeya labada dal.

Waxa uu intaas ku daray in Heshiiska Ankara uu door weyn ka qaatay fududeynta wada-hadallo nabadeed, isla markaana dhinacyadu muujiyeen ballanqaadkooda ku aaddan nabadda gobolka, taas oo uu ku rajo weyn yahay inay horseedi doonto xiriir miro dhal ah oo lagu sii wado wada-xaajoodyada.

Waxa uu ammaanay doorka Türkiye ee ku aaddan ilaalinta nabadda iyo amniga Geeska Afrika, isagoo xusay in Heshiiska Ankara uu ka dhashay wada-hadallo uu dhexdhexaadiyey Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdoğan.

Waxa uu sheegay in tan iyo markii Itoobiya heshiis la gashay Somaliland bishii Janaayo 2024, si ay u isticmaasho dekedda Berbera ee Badda Cas, Türkiye ay dadaal ugu jirtay xallinta xiisadda ka dhex aloosan labada dal.

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo la kulantay Wasiirka Hormarinta Caalamiga ah ee Norway.

0

Axad 24, Aug 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa kulan kula yeelatay magaalada Oslo ee Dalka Norway Wasiirka Hormarinta Caalamiga ah ee Norway Åsmund Grøver Aukrust .

Labada Wasiir ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka labada Dowladood iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha hormarinta ee laxiriira Carruurta, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, iyadoo labada wasiir ay isla meel dhigeen sidii loo hirgalin lahaa arrimaha ay kawada hadleen waxaana kulanka wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Mohamed Bashir Omar.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Khadija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Oslo ee caasimadda Dalka Norway uga qeybgashay Shir looga hadlayay Doorka Haweenka ee Dib-u-dhiska Qaranka taasoo ay kasoo qeyb galeen madax kala duwan oo ka kala socday Soomaaliya iyo Dowlada Marti galisay ee Norway.

Kulanka oo ay soo Agaasintay Hay’adaha NOREAF ayaa waxaa furay Wasiir Khadija Mohamed iyadoo sidoo kale madasha ay kasoo qeyb galeen Wasiirka Hormarinta Caalamiga ah ee Noray, Duqa Magaalada Oslo iyo XIldhibaanno ka kala socday Dowlada Soomaaliya iyo Norway iyo madax kale oo badan.

Madashan oo aheyd tii u horeeysay ee noocan oo kala ah oo lagu qabto Oslo ayaa waxaa si qoto dheer loogu qaadaa dhigay kaalintii ay kasoo ciyaareen haweenka soomaaliyeed nabadeynta iyo dib-u-yagleelida Dowladnimada Soomaaliya kadib buruburkii Dowladdii Dhexe.Kulanka waxaa kasoo qeyb galay guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Norway iyo qaar kale oo ka kala yimid guud ahaan caalamka waxana la isla gartay in lasii laba jibaaro dadaalka ay haweenka Soomaaliyeed ugu jiraan xaqiijinta Qaran xooggan oo dib ula fal gala Aduunka.