Home Blog Page 605

Ukraine oo wacad ku martay in dagaalka Ruushka Kala dhaxeeyo ay sii wadidoonto.

0

Axad 24, Aug 2025 {HMC} Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ukraine ay sii wadi doonto dagaalka ay ugu jirto xorriyaddeeda, isaga oo khudbad u jeediyay shacabka dalkiisa maalinta madaxbannaanida.

Waxa uu yiri: “Waxaan u baahan nahay nabad caddaalad ah, nabad mustaqbalkeennua aan go’aamino annaga oo keliya.” Waxa uu intaas ku daray in Ukraine ay iska difaaci doonto Ruushka “ilaa iyo inta laga dhageysanayo baaqeeda nabadda.”

Wuxuu sidoo kale yiri: “Ukraine weli guul ma gaarin, balse sidoo kale ma aysan guuldareysan.”

Hadalka Zelensky ayaa yimid kadib markii Moscow ay sheegtay in Ukraine ay weerar ku qaaday xarumo koronto iyo tamar oo ku yaalla gudaha Ruushka, taasoo lagu eedeeyay duqeymo drone loo adeegsaday ay sabab u noqotay dab ka kacay warshad tamar nukliyeer ah oo ku taal gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka.

Mareykanka oo maraakiib Dagaal geeyay biyaha u dhow Venezuela?

Axad , 24 Aug 2025 {HMC} Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro ayaa si adag u cambaareeyay in Maraykanku uu sadex markab dagaal uu geeyay biyaha caalamiga ah ee u dhow xeebaha Venezuela.

Maduro ayaa ku tilmaamay tallaabadaas isku day sharci-darro ah oo lagu doonayo in xukunka lagaga tuuro, isagoo ku eedeeyay Mareykanka inuu qorsheynayo weerar ciidan iyo “xukun beddelid.”

Mareykanka ayaa sheegay inuu diyaarinayo ciidamo marines ah oo gaaraya ilaa 4,000 askari, halka sidoo kale maalmo kahor maraykanku balan qaaday abaalmarin lacageed oo gaaraysa $50 milyan in lasiinayo qofkii keena xog horseedaysa qabashada Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro

Maduro, oo arrintan kaga jawaabaya ayaa ku goodiyay in dalkiisu uu difaaci doono dhulkiisa, cirka iyo badaha Venezuela, isagoo sheegay in weerar lagu qaado Venezuela uu yahay weerar lagu qaaday guud ahaan Latin America.

Xiisada siyaasadeed iyo mid ciidan ee udhaxaysa labada dal ayaa cirka isku shareertay, iyadoo Venezuela ay isku diyaarineyso difaac, halka Mareykankuna cadaadis militari iyo mid sharciyeedba uu saarayo Maduro.

 

Sheekh Aadan Madoobe oo kulan miro dhal ah la qaatay James Swan?

Axad , 24 Aug 2025 {HMC}Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa xoojinta wada shaqeynta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu Guddoomiyaha Golaha shacabka faahfaahin ka siiyay howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmaed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku amaanay wadashaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa Golaha Shacabka, waxa uuna uga mahadceliyay taageeradda ay mar walba la garab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda, waxa uuna ku booriyay in ay sii laba jibbaaraan taageeradadooda Soomaaliya.

{DAAWO MUQAALKA} Howlgal qorsheeysan oo ka dhacay bakool

0

Axad, 24 Aug 2025 {HMC}  Howlgal qorsheeysan oo ka dhacay bakool

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Masar oo tababar usoo Xertay Ciidamo loo soo Dirayo Soomaaliya

0

Axad, 24 Aug 2025 {HMC}  Masar oo tababar usoo Xertay Ciidamo loo soo Dirayo Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle

Axad , 24 Aug 2025 {HMC} Madaxweynaha  Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay bahda waxbarashada Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir kuwaas oo magaalada Jowhar u yimid shaacinta natiijada imtixaanka dugsiga sare iyo shirka wadatashiga arrimaha waxbarashada Soomaaliya.

Saadaq Joon oo mar kale kursigiisa Xildhibaannimo soo ceshanaya ?

Axad , 24 Aug 2025 {HMC} Magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamulka Galmudug , waxaa goordhaw gaaray Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Joon), oo horey usoo noqday xildhibaan iyo taliye kuxigeenka Hay’adda Nabbadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya .

Sida aan xogta ku heleyno Saadaq Joon , ayaa magaalada Dhuusomareeb u aaday sidii uu mar kale dib ugu soo ceshan lahaa kursigiisa xildhibaannimo uu ka tagay markii loo magacaabay in uu noqdo taliye kuxigeenka Hay;adda Nabbadsugidda Soomaaliya.

Kursiga xildhibaannimo ee Sadaaq Joon ka tagay , ayaa bilo kahor waxaa loo doortay oo ku fariistay Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo laga soo daayay xabsi kuyaalla Yurub uu sanado badan ku xirnaa, iyada oo loo heestay in uu kamid ahaa burcad-baeeda Soomaalida.

Saadaq Joon, ayaana markii hore la sheegay in Afweyne kursiga ugu sii dhiibtay in uu ugu sii fadhiisto inta uu xilka hayo, waxa uuna hadda ka dalbaday in uu iska casilo kursiga xildhibaannimo dibna ugu soo laabto Saadaq Joon , oo hadda ah bannaan yaal aan wax xil ah heyn.

Madaxweyne Qoor Qoor, ayaana la sheegay in uu ka shaqeeyay in Saadaq Joon kursigiisa dib loogu soo celiyo, waxaana Dhuusomareeb lagu wadaa in ay ka dhacdo doorasho ku sheeg mar kale Saadaq Joon dib loogu soo dooranayo .

Konteenaro maandooriye ka buuxeen oo Dekada Muqdisho lagu qabtay ?

Axad , 24 Aug 2025 {HMC} Laamaha ammaanka dowladad Soomaaliya , ayaa dekadda weyn ee magaalada Muqdisho waxa ay ku qabteen konteenar ay ka buuxeen waxyaabaha maanka-dooriya oo ay sida weyn waayahan dambe u isticmaalaan dhallinyarada Soomaaliyeed .

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, oo warbaahinta kula hadlay gudaha dekadda ayaa sheegay in laamaha amniga qabteen labo kunteenmar oo maan-dooriyaha lagu soo qariyay kaddib xog ay heleen booliiska.

Waxa uu sheegay afhayeenka maan-dooriyaha booliiska qabteen ay ku jiraan kaniiniga loo yaqaan Taramadool oo ka koobnaa 17 kartoon, kaniiniga bili bili 120 kartoon ah, Sharoobada loo yaqaan koodhiin oo iyana maan-dooriye ahaan loo isticmaalo oo 120 kartoon iyana aheyd.

Booliiska, ayaa sheegay in tallaabo adag ka qaadi doonaan ganacsatadii waxyaabahan maanka-dooriya soo galinayay magaalada Muqdisho, si loogu fidneeyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee mustaqbalka leh, kuwaa oo muddooyinkan si weyn u isticmaalayay kaniiniyaashan .

Tallaabadan dowladda Soomaaliya ku qabatay waxyaabahan maanka-dooriya , ayaa kusoo aadaya xilli shalay sidana oo kale garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyana loogu qabtay maan-dooriyaal kale oo magaalada lasoo galinayay.

Diyaarado oo duqeymo ka fuliyay Buuraha Calimiskaad.

Axad , 24 Aug 2025 {HMC}Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen saldhigyo ay Maleeshiyaadka Daacish ay ku leeyihiin Buuraha Calimiskaad ee Gobolkaasi.

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa xalay duqaymo culus ka fuliyey togga Baallade, gaar ahaan nawaaxiga Ceelka Maraagade, oo ay ku go’doonsan yihiin firxad ka tirsan mileedhiyaadka Daacish.

Duqaymahaan oo ka dhacay aagga Maraagade, ayaa lala beegsaday godad ay ku dhuumaalaysanayaan firxadka Daacish, oo la rumaysan yahay inay ku jiraan saraakiil sarsare oo Soomaali ah.

Saacadihii ugu dambeeyay ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa hawlgal culus ka fuliyey laba jiho oo dhaca togga Baallade, uuna kamid yahay ceelka Maraagade, halkaas oo lagu diley xubno katirsan kooxda Daacish.

Ma cadda Khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Saraakiil katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in firxadka Daacish ee ku go’doonsan Cal-miskaad aysan ka badnayn 100 dagaalame oo dhuumaalaysi ugu jira godad iyo deegaamo aad u durugsan.

{DAAWO MUQAALKA} Maandooriye nuucyada halista ah oo lagu qabtay Muqdisho.

0

Axad, 24 Aug 2025 {HMC} Maandooriye nuucyada halista ah oo lagu qabtay Muqdisho.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA