Home Blog Page 606

{DAAWO MUQAALKA} Dab khasaaro Hantiyadeed geeystay oo ka kacay Hargeeysa.

0

Axad, 24 Aug 2025 {HMC} Dab khasaaro Hantiyadeed geeystay oo ka kacay Hargeeysa.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Saakay ka cusub deegaanka Bariire.?

Axad, 24 Aug 2025 {HMC}Maxaa Saakay ka cusub deegaanka Bariire.?

 

HOOS KA DAAWO MUQALKA

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo markii ugu horraysay meel ka baxsan Muqdisho ka shaacinaysa Natiijada Imtixaanka .

Axad , 24 Aug 2025 {HMC} Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa gelinka dambe maanta ku dhawaaqaysa natiijada Imtixaan sanadeedka 2024/25  Dugsiga Sare (Fasalka 12aad) oo ay galeen Arday gaaraysa in ka badan 39 kun.

Ardayda ugu badan ee Imtixaanka gashay waxa ay wax ka barteen dugsiyada ku yaalla Gobolka Banaadir, waxa ay sugayaan Natiijada ay ka heleen Imtixaankii ay galeen Bartamihii Sanadkaan iyaga oo qaarkood hadal haya natiijadaas maanta soo baxaysa.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale shaacineysa saddexda Arday ee galay Kaalmaha hore iyo fursadda la siinayo si ay usii wataan hayaankooda Waxbarashada.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in markii ugu horraysay natiijada Imtixaanka Dugsiga sare ka shaacin doonto Meel ka baxsan Magaalada Muqdisho waana Magaalada Jowhar xarunta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay la wadaageysaa bulshada in Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 12aad ee sanad-dugsiyeedka 2024/2025 markii ugu horreysay lagu soo bandhigi doono meel ka baxsan caasimadda dalka, iyadoo munaasabadda rasmiga ah lagu qaban doono magaalada Jowhar, caasimadda dowlad-goboleedka Hirshabeelle.” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS.

 

Qarax sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Magaalada .

Axad , 24 Aug 2025 {HMC}  Hal qof oo rayid ah ayaa dhintay halka ay dhaawacmeen askar katirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya kaddib markii Qarax uu ku haleelay Xaafadda Suuqa Xoolaha Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray ciidamo katirsan Kuwa ammaanka Dowladda Federaalka oo billaabay baaris la xiriirta qaraxaas sida uu u dhacay iyo raadinta dadka ay ku tuhmayaan in ay ka dambeeyeen.

Waxaa muddo kooban xirmay isu socodka waddada isku xirta Isgoyska SOS iyo Suuqa Xoolaha inkasta oo daqiiqado kaddib dib loo furay waddadaas, waxaana goobaha Caafimaadka loo qaaday Askartii dhaawaca soo gaaray.

Masar oo soo gebogebeysay tababarkeedii ugu horreeyay ee ciidankeeda Midowga Afrika ,

Axad , 24 Aug 2025 {HMC}  Xarunta Qaahira ee Nabadda, Halganka iyo Tababarka (CCCPA) ayaa ku dhawaaqday inay soo gabagabeysay tababar markii ugu horreysay loo qabtay cutubyo kamid ah ciidamada Masar oo ku biiraya howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Tababarkan oo si wadajir ah u qabanqaabiyeen CCCPA iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Masar, ayaa waxaa ka qeyb qaatay dowladda Japan oo door muuqda ka qaadatay taageerada farsamo iyo mid dhaqaale.

Hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (#AUSSOM) ayaa lagu beddelayaa howlgalkii hore ee ATMIS, iyadoo diiradda la saarayo dhismaha awoodaha amni ee Soomaaliya, taageeridda ciidamada qaranka iyo hubinta in kala guurka amni uu noqdo mid deggan oo guul leh.

Masar ayaa markan noqotay dal kaalin muuqata ka qaadanaya xoojinta amniga Soomaaliya, iyadoo cutubyadeeda la diyaarinayo ka hor inta aanay u dhaqaaqin goobta hawlgalka.

Tababarka ayaa xoogga lagu saaray xirfadaha ilaalinta nabadda, iskaashiga caalamiga ah iyo la qabsiga xaaladaha adag ee gudaha Soomaaliya.

Qaramada iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera nabadgelyada Soomaaliya ayaa sii xoojinaya dadaallada lagu dhisayo awoodaha ciidan ee la geeyo gudaha Soomaaliya.

 

Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya Kani Torun, oo ka digay aqoonsiga Somaliland

Axad , 24 Aug 2025 {HMC}  Kani Torun, oo ah diblumaasi iyo safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, ayaa sheegay in aysan jirin wax qodob ah oo sharci ahaan lagu aqoonsan karo Somaliland, oo qayb ka ahayd Soomaaliya ka hor intaanay ku dhawaaqin gooni-isu-taaggeeda sannadkii 1991.

Torun ayaa ku dooday in waxa keliya ee Somaliland iyo Soomaaliya ku kala duwan yihiin ay yihiin qabiil iyo federaal, balse arrintaasi si buuxda looga gudbi karo haddii dhinacyadu ka tanaasulaan mowqifyada adag oo ay qaatan midnimada diinta iyo afka ay wadaagaan.

“Madaxbannaanida Somaliland macno ma samaynayso marka laga eego jinsiyadda, diinta, mazhabta iyo luqadda. Somaliland iyo gobollada kale ee Soomaaliya farqi kuma jiraan qodobadan. Farqiga kaliya waa qabiilka iyo federaalka, kuwaas oo si fiican ugu shaqayn kara Soomaaliya oo dhan. Haddii qabiil kasta dawlad u gooni ah la siiyo, Afrika waxay yeelan lahayd in ka badan 500 dal,” ayuu yiri safiirkii hore ee Turkiga.

Si kastaba ha ahaatee, Torun waxa uu ku adkaystay in dowladda federaalka Soomaaliya ay tahay inay xalliso dhibaatooyinka amniga si ay u hesho kalsooni siyaasadeed oo dhammaystiran, loona gaaro nabad waarta kadib 30 sano oo colaado ah. Tani waxa ay ku jirtaa la dagaallanka Al-Shabaab oo weli khatar weyn ku haya xasilloonida dalka.

“Haddaba, mushkiladda ugu weyn ee arrinta Soomaaliya iyo Somaliland waa Muqdisho. Haddii Muqdisho xalliso dhibaatooyinka siyaasadeed iyo amniga ee gobollada kale, Somaliland ma heli lahayn sabab adag oo ay ku doodo. Sidaas darteed ku eedeynta Somaliland waxba ma tarayso, ee aynu Muqdisho ka shaqeysiino,” ayuu yiri.

Hadalladiisu waxay lamid yihiin kuwii safiirkii hore ee Maraykanka u joogay Soomaaliya Larry Andre, kaasoo sheegay in aqoonsiga degdegga ah ee Somaliland uu dhalin karo xasillooni darro dheeraad ah. Waxaase uu soo jeediyay in Maraykanku ka furan karo qunsuliyad magaalada Hargeysa si ay ugu fuliso adeegyada diblomaasiyadeed.

Gyokeres scores twice as Arsenal crush Leeds.

Saturday, 23 Aug 2025 {HMC}  Viktor Gyokeres scored his first Arsenal goals as the Gunners put five past Leeds after unveiling new £60m signing Eberechi Eze before kick-off.

It was a jubilant atmosphere in north London as Eze was introduced to the crowd before the game and the energetic crowd seemed to give the team a lift.

Jurrien Timber scored the opening goal, heading in a trademark set piece before providing an assist for Bukayo Saka for Arsenal’s second.

Saka smashed a shot past Lucas Perri just before half-time but then the England winger was forced to limp off injured in the second half.

Striker Gyokeres, a £64m signing, jinked into the box to score Arsenal’s third with a low strike before Timber scored his second from another corner.

Mikel Arteta also handed a Premier League debut to 15-year-old Max Dowman, who replaced Noni Madueke, who had been making his first start for the Gunners.

Dowman had an immediate impact, winning a penalty after being brought down by Anton Stach and Gyokeres slammed the ball into the bottom corner with almost the last kick of the game.

Dowman became the second youngest player to play for the club at 15 years and 234 days old, only behind his team-mate Ethan Nwaneri who made his debut at 15 years 181 days in September 2022 against Brentford.

Arteta will be concerned though by the injury to Saka, while he was also forced to replace Martin Odegaard in the first half after his captain limped off with an injury on his 200th appearance for the Gunners.

Leeds were outclassed for most of the match and only really threatened the Arsenal goal once when Pascal Struijk had a header saved by Raya.

Arsenal analysis: A near perfect day but injuries a worry for Arteta.

It was nearly a perfect afternoon for Arsenal with a new signing unveiled, Gyokeres getting off the mark and a debut given to the highly rated Dowman.

Injuries derailed Arsenal’s title bid last season and with Kai Havertz unavailable with a knee injury and now question marks over the fitness of Odegaard and Saka, Arteta will be hoping he won’t have to contend with the same issues this season.

Arsenal came into this transfer window with the aim of increasing the depth and quality of the squad and Arteta will now have to use the £250m of resources that he has brought in during this summer window to bring silverware to the club.

When Eze entered the pitch wearing his new number 10 shirt the noise inside the stadium was nearly as loud as the celebrations that followed each of the five goals that the Gunners scored. Eze’s quality is going to bring a different dynamic to the Arsenal attack.

Dowman has been one of Arsenal’s brightest sparks throughout pre-season and had already won two penalties against Newcastle and Villarreal.

He again showed why there is so much excitement about his potential when he came on against Leeds and the winger’s ability to beat his defender was shown again when he won a penalty for Arsenal’s fifth goal.

Arsenal are cautious about putting too much pressure on the 15-year-old but when he continues to impress at senior level, they will find it hard to stop the hype around him.

Analysis: Leeds well beaten but defeat won’t define season.

Leeds started their season with a win over Everton and that three points gave their supporters some hope coming to Arsenal.

However, Leeds had lost 10 of their past 12 Premier League away games against the Gunners and they never looked like improving that record in this match.

Arsenal are a completely different prospect from the Everton side they beat last Monday and apart from the header from Struijk, Daniel Farke’s side did not threaten the Gunners.

Leeds were able to give a debut to new £18m striker Noah Okafor and, along with Lukas Nmecha, they will hope that he can get the goals they need to break the trend of the newly promoted sides going straight back down to the Championship.

Their task does not get any easier as they take on Newcastle next and they will have to show more resilience in that match to avoid the chance of a repeat result.

BBC SPORTS,

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Xariga ka jaray Xarunta La socdka waxqabadka Dowladda.

0

Sabti, 23 Aug 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xukuumadda DanQaran ku bogaadiyey guulaha iyo wax-qabadka muuqda ee ay xaqiijiyeen sanadkii la soo dhaafay, taasi oo horseeday in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiiyo adeeg dowladdeed oo hufan iyo xaqiijinta hiigsiga Xukuumadda.

Madaxweynaha, ayaa xariga ka jaray Waaxda la-socodka wax-qabadka hey’adaha dowladda, kaddib munaasabad ka qabsoontay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, oo lagu soo xirayey la-xisaabtanka Xukuumadda DanQaran, taasi oo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, uu ku qiimaynayey wax-qabadka iyo qorshayaasha wasaaradaha wixii ka hirgalay ballanqaadkii ay kala saxiixdeen.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo Madaxweynaha Qaranka la wadaagay in sanadkii dhammaaday Xukuumadda DanQaran, ay hirgalisay wax-qabad muuqda, ayaa ku adkeeyey wasaaradaha dowladda in ay ka dhabeeyaan ballanta ay la galeen shacabka Soomaaliyeed, isla xisaabtuna noqon doono mid joogto ah.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, ayaa si wadajir ah abaalmarinno u guddoonsiiyey qaar ka mid ah Madaxda Wasaaradaha, kuwaas oo ku mutaystay u adeegidda bulshada, hufnaanta iyo wax-qabadkooda.

Hantidhowrka Guud Qaranka oo eedeeyn culus u jeediyey Maxkamadaha dalka.

0

Sabti, 23 Aug 2025 {HMC} Hantidhowrka guud Qaranka Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale oo Shirjaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in Maxkamadaha dalka ay diideen ka qaybgalka iyo fulinta baarista sanadlaha ah uu Xafiiskaan sameeyo.

Mr Guutaale ayaa sheegay in Maxkamadaha dalka aanay caddayn sabab & cudurdaar maangal ah oo ay ku diideen baaris sanadeedka Xafiiska Hantidhowrka Qaranka oo Hay’ado kala duwan oo Dowladda ay mareen.

Maxkamadda Sare ee dalka oo Miisaaniyadda dowladda sanadkii tagay 2024 ah $2,715,177 ayuu Xafiiska Hantidhowrku sheegay in ay diiday barista.

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir oo iyanna miisaaniyadda ku lahayd $937,179 & Maxkamadda gobolka Banaadir oo ah $2,110,504 ayaa qudhooda diiday sida uu warbaahinta u sheegay Axmed Ciise Guutaale.

Edeyntaan ayaa yimid xili uu horey u jiray khilaaf iyo muran u dhexeeya gudoonka maxkamada gobolka Banaadir iyo Hantidhowrka guud Qaranka JFS Abuukaate Axmed Ciise Guutaale kaasoo markii dambe gaaray meel adag.

 

President Hassan Sheikh Congratulates New Speaker of North Eastern State Parliament.

0

Saturday, 23 Aug 2025 {HMC} The President of the Federal Republic of Somalia, H.E Hassan Sheikh Mohamud, has congratulated Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan on his election as Speaker of the Parliament of the North Eastern State of Somalia.

The President described the election as an important step in strengthening state-building and the institutions that serve the interests of the people and the development of the region.

“I wish the new Speaker success in carrying out the heavy responsibilities entrusted to him, confident that he will play a key role in advancing governance, completing the electoral process, and upholding the rule of law,” President Hassan Sheikh said.

The President also commended the parliamentarians of the North Eastern State and wished them success in completing the remaining tasks of the electoral process and state-building.