Home Blog Page 607

Maxeey ka wada Hadleen Wasiir Fiqi iyo Guddoomiyaha Gobolka Gedo.?

0

Sabti, 23 Aug 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga  Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir).

Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimaha difaaca iyo amniga iyo sidoo kale dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab, si loo adkeeyo difaaca shacabka iyo ciribtirka Khawaarijta ku sugan deegaanada ka tirsan Gobolka Gedo.

Prime Minister Hamza Receives Chinese Ambassador to Somalia.

0

Saturday 23 Aug 2025 {HMC} The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, H.E Hamza Abdi Barre, today received the Ambassador of the People’s Republic of China to Somalia, H.E. Wang Yu, for discussions on strengthening bilateral relations and deepening cooperation between the two countries.

The Prime Minister expressed gratitude to China for its continued support to Somalia, particularly in the areas of politics, security cooperation, economic development, and humanitarian assistance.

For his part, Ambassador Wang Yu highlighted the longstanding partnership between Somalia and China and reaffirmed his country’s commitment to further supporting the Somali people and government.

Somali government presents drugs seized at Mogadishu Airport.

0

Saturday 23 Aug 2025 {HMC} The government of Somalia has presented the photos of the drugs seized at the Aden Adde airport, containing 48 bags that were intended to be brought into the country, and investigations are underway to find out the individuals and networks involved in the export of these drugs.

The Office of the Attorney General announced that 48 bags of heavy drugs were seized, each containing 52 packages, which is a total of 2,496 packages and six cartons packed with the drug.

These drugs, which are a threat to public safety, were brought down from Aden Adde Airport in Mogadishu, and were caught before they left the airport.

The office said that official investigations are underway to find out who is involved in drug importation, and will be brought before the competent court.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 23-08-2025.

Sabti, 23 Aug 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbindoonaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} Daroogadii lagu qabtay Garoonka Aadan cadde oo la soo bandhigay.

Sabti, 23 Aug 2025 {HMC} Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo bandhigay Sawirrada Daroogada lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde oo ka kooban 48 jawaan, la doonayey in dalka la soo geliyo, waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo shakhsiyaadka iyo shabakadaha ku lugta leh soo dhoofinta daroogadaas.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Garoonka Aadan Cadde lagu qabtay Daroogo

0

sabti  , 23  August 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay Daroogo si qarsoodi ah lagu soo galiyay Dalka, taasi oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay daroogo culus oo ka koobnayd 48 jawaan, mid kasta oo ay ku jirto 52 baakadood, taas oo wadarteedu noqoneyso 2,496 baakadood iyo lix kartoon oo xaashiyo lagu xirxiray daroogadaas.

Daroogadan khatarta ku ah badqabka bulshada ayaa laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo la qabtay intii aanay ka bixin garoonka.

Xafiiska ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno rasmi ah si loo ogaanayo cida ku lugta leh soo gelinta daroogada, iyadoo la horgeyn doono Maxkamada Awoodda u leh.

Ugu dambeyn, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa udigay cid kasta oo isku dayda inay ka ganacsato daroogada oo khatar ku ah caafimaadka iyo amniga bulshada Soomaaliyeed.

Sidaan oo kale, Maxkamadaha dalka ayaa la horgeeya dad ku eedeysan in ay si qarsoodi ah daroogo ku soo galeen gudaha dalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Dhacdooyinkii ugu dambeyay Caalamka 23/8/2025

0

sabti  , 23  August 2025 {HMC} Dhacdooyinkii ugu dambeyay Caalamka 23/8/2025

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Qaabkee Ayeey u dhacday doorshada guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.?

0

Sabti, 23 Aug 2025 {HMC} Xildhibaannada dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomalaaya ayaa maanta u dooratay guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo ka mid ahaa musharaxiintii u tartamay xilkaas.

Doorashada guddoonka golaha wakiilada ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa waxaa soo xaadidray 83 xildhibaan, waxa uuna ku guulestay Dr. Aadan 53 cod halka musharaxii kula tartamayay doorashada Cabdiqafaar Maxamuud Maxamed uu helay 29 cod.

Guddoonka maamulayay doorashada ayaa sheegay in hal cod uu xumaaday sidaasina uu Dr. Aadan ku noqday guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari.

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari ee Soomaaliya ayaa gor dhow doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad.

Amran Axmed Xasan ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada maamulka Waqooyi Bari, halka Cabdirisaaq Jaamac Warsame loo doortay guddoomiye ku xigeenka labaad

Codeynta kaddib guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa u yeeray Cabdiqafaar oo ahaa musharaxii laga guuleystay in uu halkaas ka jeediyo sida uu arko habka ay doorashada u dhacday iyo sida uu ugu qanacsan yahay in looga adkaaday doorashada.

Cabdiqafaar Maxamuud Maxamed ayaa ugu horeyn u mahadceliyay guddiga doorashada iyo xildhibaanada baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya

“Waxaan halkan u soo istaagay in aan aqbalo guul-darrada, waxan u tahniyeynayaa walaalkey Aadan” ayuu yiri Cabdiqafaar oo intaas ku daray in sida ay wax u dhaceen ay dhaawaceyso nidaamka awood-qeysbiga ee maamulka.

“Waxaan rabaa in aan kalmad ku daro doorashada sida ay u dhacday iyo hufnaanteeda, lakiin waxay dhaawac weyn ku tahay, hab qeybsigii iyo awood qeybsigii dadweynaha maamulka Waqooyi Bari, taasna waaan u deynayaa isimada iyo dadka ay quseyso”.

Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo isna doorashada kaddib hadal kooban u jeediyay xildhibaannada baarlamaanka ayaa marka hore u mahadceliyay dhammaan xildhibaanada kuwii u codeeyay iyo kuwii aan u codeyna, wuxuu sheegay in dhammantood uu guddoomiye u yahay, uuna si siman ugu adeegi doono.

“Mas’uuliyadda ballaaran aad i sarteen waxaan idinka codsanayaa in aad igula shaqeysaan oo aad inoo fududeysaan dhammaanteen si aynu horumarka aan hiigsneyno u gaarno” ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari.

Guddoomiye Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan ayaa ka hor codeynta hadal uu jeediyay ku sheegay waxa uu qabanayo iyo sida uu doonayo in uu u hoggaamiyo baarlamaanka.

Wuxuu sheegay Dr. Aadan in uu ka shaqeyn doono dajinta xeerarka muhiimka u ah dowlad goboleedka Waqooyi Bari.

“Waxaan xoojin doonaa sharciyo lagu horumarin doono dhaqaalaha, dowladda iyo la dagaalanka musuqmaasuqa”

Dr. Aadan wuxuu sheegay in uu doonayo sidii uu u xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya baarlamaanka iyo shacabka

“Waxaan ka shaqeyn doonaa hannaan lagu dhisayo kalsoonida shacabka si ay inoola xisaabtamaan” ayuu yiri Dr. Aadan oo sheegay in ay adeegsanayaan nidaam odaytinimo.

“Shirarka iyo doodaha baarlamaanka waxaanu u mareynaa si ay ku dheehan tahay odaytinimo iyo xilkasnimo”

Mar uu ka hadlayay sida uu ku maareyn doono xildhibaanada kala aragtida duwan, waxa uu sheegay in uu noqonayo guddoomiye dhexdhexaad ah.

“Waxaan noqon doonaa guddoomiye dhex u ah dhammaan xildhibaannada, xisbiyo haddii ay jiraan iyo dhammaan koox walbo oo siyaasadeed”.

Amniga iyo difaaca maamulka ayuu guddoomiye Aadan sheegay in uu wax ka qaban doono sidii lagu soo celin lahaa dhul uu sheegay in maamulka uu ka maqan yahay.

“Waxaan xukuumada kala shaqeyn doonaa soo celinta dhulka iyo deeganada naga maqan”.

Dowladda Fedeeralka Soomaaliya ayaa maamulka Waqooyi Bari ugu hambalyeysay sida ay u dhacday doorshada guddoonka baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee maamulka Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashadan ay muujineyso tallaabo muhiim ah oo hore loo qaaday.

“Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajaynayaa in Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, anigoo aaminsan in uu door muuqda ka qaadan doono xaqiijinta dowlad-dhiska, dhammaystirka geeddi-socodka doorashada iyo ilaalinta sharciga”.

Taariikhda Waxbarasho

Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood sanadku markii uu ahaa 1954-tii.

Waxbarashadiisa dugsiga hoose wuxuu ku qaatay Yagoori halka dugsiga dhexena uu kaga baxay Laascaanood sanadkii 1973-dii.

Dugsiga sare waxa uu kaga baxay iskuulka Sheekh Bashiir ee magaalada Burco sanadkii 1977-kii.

Kaddib markii uu dhameeyay iskuulka waxa uu sii watay waxbarashadiisa jaamacadeed isagoo galay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, wuxuuna ka bartay cilmiga beeraha.

Dibada ayuu u aaday waxbarashada heerka labaad ee jaamacada, wuxuuna dhaqaalaha beeraha master kaga qaatay jaamacad ku taal Mareykanka sanadkii 1988-kii. Isla Mareykanka waxa uu sanadkii 1992-kii ka qaatay shahaadada PHD.

Guddoomiye Aadan waxa uu sheegay in uu ka shaqeeyay dalka inta uusan ka bixin.

“Lix sano ayaan ka shaqeeyay Soomaaliya inta aana dalka ka bixin, markii aan wadanka ka baxayna waxaan 24 sano u shaqeynayay hay’ad cilmibaaris dhinaca beeraha ah”.

XIGASHO BBC

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Aweys oo ka hadlay dhulbeered la isku haysta oo ku yaal duleedka Afgooye

0
sabti  , 23  August 2025 {HMC}  Xildhibaan Aweys oo ka hadlay dhulbeered la isku haysta oo ku yaal duleedka Afgooye

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Soomaaliya iyo Mucaaradka oo u Hambalyey Gudoonka cusub ee M/Waqooyi bari.

0

sabti  , 23  August 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya iyo Mucaaradka oo u Hambalyey Gudoonka cusub ee M/Waqooyi bari.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA