Home Blog Page 610

wasiir gaashaandhiga Israa’iili oo sheegay in Gaza la burburin doonaa haddii aysanXamaas hubka dhigin

Sabti, 23 Aug 2025 {HMC} Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in magaalada Qaza la burburin doono haddii Xamaas ay aqbali waayaan in hubka laga dhigo oo la sii daayo dhammaan la haystayaasha.

Hadalka Israa’iil Katz ayaa yimid ka dib markii golaha wasiirrada Israa’iil ay ansixiyeen qorshayaasha weerarrada ballaaran ee lagu qaadayo magaalada Gaza, inkastoo ay jiraan mucaaradad baahsan oo caalami ah iyo mid gudaha ah.

Isniintii, Xamaas waxay ogolaatay soo jeedinta dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar ee xabbad joojinta 60-ka maalmood ah, taas oo sida ay Qatar sheegtay lagu sii dayn doono kala bar la haystayaasha ku haray Qaza.

Balse ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sida muuqata ku gacan seyray arrintan, isagoo sheegay inuu amray in wada xaajood la bilaabo si loo sii daayo dhammaan la haystayaasha harsan iyo soo afjaridda dagaalka Gaza isagoo ku tilmaamay “ay aqbali karto Israa’iil”.

Israa’iil ayaa aaminsan in 20 ka mid ah 50-ka la haystayaasha ay weli nool yihiin 22 bilood oo dagaal ah ka dib.

Israeli soldiers clean tank chains at a position near the border with the Gaza Strip, upon returning from a mission there on February 1, 2024, amid ongoing battles between Israel and the Palestinian militant group Hamas. (Photo by JACK GUEZ / AFP)

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Waqooyi bari oo maanta ka dhacaysa Laascaanood

Sabti, 23 Aug 2025 {HMC} Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool waxaa maanta ka dhacaysa Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Waqooyi bari, waxaana u tartamaya musharrixiin muddooyinkii dambe waday olole mid weliba uu ku doonayo in uu uga adkaado kan kale.

Saacadihii lasoo dhaafay Magaalada Laascaanood waxaa ka socday diyaargarow xooggan oo la xiriirta dhinaca Guddiga Doorashada, Guddoonka Kumeel-gaarka ah oo xoogga saaraya nidaamka goobta codbixinta iyo kala xod-xodashada Xildhibaannada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa goobjoog ka ah howlaha dib u dhiska maamulka cusub ee Waqooyi bari, waxa ay talooyin siinayaan guddiga farsamo iyo kan howshaas wada.

Marka la doorto guddoonka Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Waqooyi bari waxa uu guddoonkaas shaacin doonnaa guddi kale oo ka shaqeeya doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Maamulkaas sida ay sheegeen xubno kala duwan.

Ciidanka xooga Dalka oo Howlgalo Culus ka wado Koofur Galbeed.

0

Jimco, 22 Aug 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 8-aad ee qeybta 60-aad, ayaa saaka howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaano dhaca galbeedka gobolka Baay, halkaasi oo gabaad ay kadhiganayeen maleeshiyada Khawaarijta.

Deegaanada si gaar ah howlgalkan sifeynta ah looga fuliyay waxaa kamid ah Garas-gamaan, Xinshiloole iyo deegaanka Waneey, kuwaas oo qiyaastii 40km u jira degmada Waajid ee gobolka Bokool.

Taliyaha Ururka 45-aad ee Guutada 8-aad qeybta 60-aad ee CXDS, Dhamme Onkod Macallin Aadan, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanku ku guuleysteen inay ka hortagaan dhagarta iyo falalka ay maleegayeen kooxaha Khawaarijta.

Howlgallkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu jiraan sifeynta degaanada khawaarijta kudhuumanayaan iyo sugidda nabadda shacabka Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo uga digay Mucaaradka inay isku dayaan inay hub kala hortagaan Dowladda.

0

Jimco, 22 Aug 2025 {HMC} Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag u weeraray qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dalka, isaga oo uga digay in aysan isku dayin inay ku kacaan abaabul ciidan ama hubeysan.

Hadalkan ayaa yimid xilli ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo cakiran, kadib markii wada-hadallo dhowaan Muqdisho ku dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay guuldareysteen.

Wasiirka ayaa si gaar ah u magacaabay madax hore oo dalka soo hoggaamiyay, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad

Fiqi ayaa ku eedeeyay siyaasiyiintan inay hurinayaan khalkhal siyaasadeed, isla markaana ay suurtagal tahay inay wadaan qorshayaal ciidan oo wax u dhimi kara amniga dalka.

Waxa uu sheegay in haddii ay isku dayaan abaabul ciidan ama kicin bulsho, dowladda aysan ka labalabeyn doonin inay tallaabo adag ka qaaddo.

Hadalkan ayaa daba socday kadib markii uu fashil ku dhammaaday kulankii siyaasadeed ee dhowaan ka dhacay Muqdisho, kaasoo lagu doonayay in xal laga gaaro khilaafaadka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Mucaaradku waxa ay cabasho ka muujiyeen hanaanka doorashada ee la filayo, maamulka doorashooyinka, iyo doorka dowlad-goboleedyada.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadeed waxay aaminsan yihiin in hadalka Fiqi uu yahay isku day lagu cabsiinayo mucaaradka si ay uga waantoobaan abaabulka siyaasadeed ee ay wadaan, Halka kuwa kalena ay rumeysan yihiin in ay jirto cabsi dhab ah oo la xiriirta suurtagalnimada in mucaarad hubeysan uu kusoo laabto siyaasadda Soomaaliya, taas oo waayaha dhow ay dalka marar badan horey ugu dhaceen.

Iiran oo markii ugu horraysay tijaabisay awoodda ciidankeeda badda kadib dagaalkii ay dhawaan la gashay israail.

0

Jimco, 22 Aug 2025 {HMC}  Ciidammada badda ee Iiraan ayaa sheegay in ay badda ku ganeen saddex gantaal oo magacyadooda lagu kala sheegay “Nasir, Ghadir, iyo Ghader” leyliga gantaalaha “Eqtdar Paydar 1404”.

Waa dhoolatuskii ugu horreeyay ee ay Iiraan sameyso tan iyo dagaalkii 12-ka maalmood socday ee ay la gashay Israa’iil.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidammada badda Iiraan, dhoolatuskan gantaalaha ayaa bilowday (Khamiis, August 21) iyadoo ujeedadu tahay in la muujiyo “awoodda difaaca iyo tijaabinta hubkii ugu dambeeyay” ee waqooyiga badweynta Hindiya iyo badda Cummaan, oo ay qayb ka yihiin “cutubyo ciidanka lugta ah, cirka iyo badda iyo kuwa kale”.

Sida laga soo xigtay talefishanka qaranka Iiraan, intii uu socday dhoolatuska, waxaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu garaacay bartilmaameedyo ku yaalla biyaha badweynta Hindiya.

XIGASHO BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi oo la kulmay ciidankiisa ka dagaalamay Ukraine

0
jumco  , 22 August 2025 {HMC} Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi oo la kulmay ciidankiisa ka dagaalamay Ukraine

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Iiraan iyo reer Yurub oo ka wadahadlaya barnaamijka nuclear-ka.

0

Jimco, 22 Aug 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabbaas Araqchi ayaa Jimcaha si wada jir ah khadka taleefoonka kula hadli doona dhiggiisa Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka, si ay uga wadahadlaan barnaamijka Nukliyeerka iyo cunaqabataynta saaran dalkaasi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA.

Saddexda quwadood ee ka tirsanYurub ayaa ku hanjabay in ay cusboonaysiin doonaan cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee Iiraan saaran, haddii aanay Iiraan ku soo laaban miiska wada xaajoodka ee barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Wadammadan oo uu weheliyo Mareykanka, ayaa ku doodaya in Iiraan ay u adeegsaneyso barnaamijka Nukliyeerka si ay u horumariso dhinaca hubka.

Hay’adda caalamiga ah ee tamarta atoomikada adduunka ayaa sheegtay in Iiraan aanay sinaba u doonayn in ay samaysato bam Nukliyeer ah, waxaana agaasimaha sirdoonka qaranka Maraykanka Tulsi Gabbard uu bishii March sheegay in saraakiisha sirdoonku aanay helin caddaymo muujinaya in Iiraan u dhaqaaqday farsamaynta hub nukliyeer ah.

Ilhaan Cumar oo la safatay musharraxa Taageerada Lagala noqday ee Cumar Faatax.

0

Jimco, 22 Aug 2025 {HMC} Ilhaan Cumar oo xubin ka ah Aqalka Congress-ka Dalka Maraykanka oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa garab istaagtay musharraha xarajada laga qabay in uu baratamo kursiga duqa Minneapolis.

Barteeda X ayaa Ilhaan waxa ay ku tidhi “Waa wax aan cudurdaar lahayn in laga laabto taageerada DFL ee Cumar Faatax. Koox yar, oo intooda badan ku nool meel ka baxsan Minneapolis, ayaa si gaar ah u kulantay si ay u horjoogsadaan rabitaanka Minneapolis ah oo iskood isu xilqaamay, abaabulay, oo ka qaybqaatay ololaha xisbiga maxalliga ah ee DFL. Lama aqbali karo.

Geestiisa Cumar Faatax oo hadlay ayaa yidhi: “28 ka mid ah xubnaha xisbiga ayaa si gaar ah ugu kulmay shir ay albaabadu u xidhnaayeen. waxayna u codeeyeen in ay meesha ka saaraan ansixintayada. Waxaan caddaynayaa weli halganka ayaan ku jirnaa. Waana ku guuleysan doonnaa.”

Cumar Faatax, oo 35 jir ah, waa Dimuqraaddi, hadda waxa uu mar labaad u tartamayay in uu noqdo Senator-ka gobolka Minnesota ee degmada 62aad isagoo u tartamaya inuu qabto jagada duqa xiga ee Minneapolis.

Ninkan oo ku dhashay Washington, D.C, waxa uu sheegay in uu yahay wiil ay dhaleen waaliddiin soo galooti ah oo ka yimid Soomaaliya, dhawaanna uu noqon doono aabbe.

Waxa uu shahaadada ee maamulka dadweynaha ka qaatay Jaamacadda George Mason, waxaana uu hore uga soo shaqeeyay khabiir ku takhasusay bulshada Minneapolis, iskuduwaha mashaariicda ee Waaxda Gaadiidka ee gobolka iyo falanqeeyaha ganacsiga ee Jaamacadda Minnesota.

Maxkamad Federaal ah oo joojisay diidmada Fiisaha Mareykanka oo uu Horay u Mamnuucay Trump.

0

Jimco, 22 Aug 2025 {HMC} Garsoore federaal ah oo Mareykan ah ayaa go’aamiyay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda aysan adeegsan karin mamnuucidda socdaalka ee uu Donald Trump soo rogay si ay u diido fiisaha dadka ajaanibta ah ee codsada.

Go’aankan wuxuu khuseeyaa 82 qof oo doonayay inay fiiso helaan, balse weli waxaa suurto gal ah in loo diido inay gudaha u soo galaan Mareykanka marka ay yimaadaan garoomada ama shirkadaha diyaaradaha loo diro amar ah in aanay soo qaadin.

Garsooraha ayaa sheegtay in sharciga uu Trump ku salleeyay mamnuucidda uusan siin Wasaaradda Arrimaha Dibadda awood ay fiiso ku diido, inkastoo weli la celin karo dadka marka ay yimaadaan.

Dacwadda waxaa gudbiyay dad ka kala yimid Afghanistan, Burma, Togo, Soomaaliya iyo Iiraan oo ku guuleystay barnaamijka diversity visa.

Qareenka dacwadda, Curtis Morrison, ayaa sheegay in go’aanka uu yahay horumar yar, inkastoo aanu dadkaasi weli siin fursad ay ku galaan Mareykanka.

Bishii la soo dhaafay, garsoore federaal ah oo ku sugan Seattle ayaa xukumay in mamnuucidda socdaalka ee ugu dambaysay ee Trump aan loo adeegsan karin in lagu hor istaago qaxootiga xaqa u leh inay galaan Maraykanka, taasoo ka dhalatay amarro hore oo lagu muransanaa maxkamadihii la xiriiray hakinta gelitaanka qaxootiga ee Trump.

Si kastaba ha ahaatee, maxkamad rafcaan federaal ah ayaa dhowr maalmood ka dib hakisay xukunkaas.

{DAAWO MUUQAALKA} Saameeyn Nuucee ah ayaa ka dhalan karto Hadalada ay hawada isku marinayaan Mucaaradka iyo Dowladda.?

0

jumco  , 22 August 2025 {HMC}  Saameeyn Nuucee ah ayaa ka dhalan karto Hadalada ay hawada isku marinayaan Mucaaradka iyo Dowladda.?

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA