Home Blog Page 614

Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), magacaabay Guddoomiye Ku-Xigeenka Amniga Gobolka Gedo

Khamiis, 21 Aug 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga ee Gobolka Gedo u magacaabay Cusmaan Nuux Xaaji Macalimuu, oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay gobolka, gaar ahaan isagoo mar ahaa Guddoomiyaha Gobolka Gedo.

Magacaabistan ayaa imaneysa xilli Jubaland ay wado dadaallo lagu xoojinayo maamulka iyo amniga gobolka Gedo, oo muddo dheer uu ka jiray khilaaf siyaasadeed iyo amni darro, gaar ahaan xiriirka kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

Macalimuu ayaa lagu tilmaamaa siyaasi awood leh oo si weyn loogu xushmeeyo gobolka Gedo, Dadka deegaanka iyo falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda ayaa rumeysan in Mucalimuu uu yahay shaqsi adag, lehna go’aan adag oo laga filaayo inuu wax weyn ka beddelo xaaladda gobolka, gaar ahaan dhinaca amniga.

Magacaabistiisa waxaa lagu micneeyay mid qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo uu wado Madaxweyne Axmed Madoobe oo ku saabsan dib u habeynta maamulka gobolkaas iyo ka hortagga saameynta dowladda federaalka ee deegaankaas.

Waxaa xusid mudan in sanadkii 2020 uu Macalimuu door muhiim ah ka ciyaaray dhacdooyinkii dagaalka ee ka dhacay degmada Baladxaawo, Xilligaas, wuxuu ahaa wakiilka Dowladda Federaalka halka Cabdirashiid Janan uu metelayay Jubaland.

Dagaalkii dhexmaray labada dhinac ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, wuxuuna ahaa mid si weyn u muujiyay kala fogaanshaha labada maamul.

Hadaba, isbeddelka cusub ee Mucalimuu uu ku noqday masuul sare oo ka tirsan maamulka Jubaland ayaa dad badan la yaab ku noqday, iyadoo sidoo kalena loo arko inuu yahay tallaabo xeeladaysan oo dib-u-heshiisiin siyaasadeed lagu muujinayo ama mid xooggan oo Jubaland ku dooneyso inay ku xoojiso gacanteeda gobolka Gedo.

Magacaabista Macalimuu waxay si cad u muujinaysaa isbeddelka dhanka siyaasadda ee ka socda gobolka Gedo, Waxa ay noqon kartaa fursad lagu mideeyo dadka deegaanka iyo maamulka, balse sidoo kale waxay horseedi kartaa xiisado cusub haddii aysan jirin wada shaqeyn dhab ah oo lala yeesho dowladda dhexe.

Sida xaaladdu noqon doonto waxay ku xiran tahay sida Macalimuu u wajahayo xilka cusub, iyo sida uu ula shaqeyn karo dhammaan daneeyayaasha gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Mucaaradka Dowladda aysan lahayn aragti mideysan.

Khamiis, 21 Aug 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo si gaar ah u dul istaagay aragtidiisa ku aaddan mucaaradka iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Madaxweynaha oo ku sugan magaalada Dhusamareb, ayaa tilmaamay baahida loo qabo in dalka uu yeesho nidaam siyaasadeed oqaan-gaadhr ah, islamarkaana lagu dhiso axsaab siyaasadeed oo leh aragti cad.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in mucaaradka hadda jira aysan ahayn koox mideysan oo leh aragti horumarineed oo qaran, Isagoo tusaale u soo qaatay xilligii uu isagu mucaaradka ka tirsanaa 2022, wuxuu sheegay in farqi weyn uu u dhexeeyo mucaaradkii markaa iyo midka hadda.

“Mucaaradkii aan ka tirsanaa 2022 iyo kan maanta jira waa laba kala duwan Ma jiro wax aragti mideysa, Qof walba jiho gaar ah ayuu u socdaa, taasina horumar ma kkeento” ayuu yiri Madaxweynaha.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay fashilmeen shan kulan oo u dhexeeyey dowladda iyo midowga mucaaradka ee loo yaqaan “Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed” taasoo muujinaysa kala fogaanshaha dhinacyada.

Madaxweynaha wuxuu si gaar ah u adkeeyey muhiimadda ay leedahay in lasoo gabagabeeyo dastuurka dalka, taasoo ah ballan uu hore u qaadag xilligii doorashada, Sidoo kale, wuxuu mar kale caddeeyey in dowladda ay ka go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah:

“Waa in aan ka gudubnaa caqabadaha hadda taagan, sida dhamaystirka dastuurka iyo in awoodda dib loogu celiyo shacabka.”

Hadalkan ayaa u muuqda mid uu Madaxweynaha uga jawaabayo walaac ay mucaaradku ka muujiyeen sida ay wax u socdaan, gaar ahaan dhanka diyaarinta doorashada qof iyo cod ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu u baahan yahay in laga gudbo siyaasadda ku dhisan shaqsiyaadka kaliya, lagana guuro nidaam ku dhisan dano gaar ah.

“Waa in aan ka guurno siyaasadda ay dadka keliya iska wataan, oo aan dhisno axsaab siyaasadeed oo ku dhisan mabda’ iyo aragti cad.” Ayuu yiri Xasan Sheekh

Wuxuu intaas ku daray in nidaamka axsaabta dhabta ah uu horseedi karo isbeddel siyaasadeed iyo mid bulsho oo waara.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli kala aragti duwanaansho weyn ay ka taagan tahay jihada uu dalka u socdo, gaar ahaan dhanka siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka, Inkastoo mucaaradku ay weli walaac ka qabaan arrimo ay kamid yihiin daahfurnaanta iyo fulinta ballanqaadyada dowladda.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne gabadhiisa u magacaabay xil sare iyo dood ka dhalatay.

0

khamiis , 21 August 2025 {HMC} Madaxweyne gabadhiisa u magacaabay xil sare iyo dood ka dhalatay.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Dhagaweyne “Waxa haysanaa Shacab gumeysiga AS ka doortay dagaal”.

0

khamiis , 21 August 2025 {HMC}  Dhagaweyne “Waxa haysanaa Shacab gumeysiga AS ka doortay dagaal”.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xasan Sheekh Ma ahan Soomaaliya in lay Xaqxaqto Soomaaliya waxba uma dhinto”’MW Xasan”

0

khamiis , 21 August 2025 {HMC}  Xasan Sheekh Ma ahan Soomaaliya in lay Xaqxaqto Soomaaliya waxba uma dhinto”’MW Xasan”

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Jabuuti iyo Itoobiya Qeeyb ayey ka Noqon doonaan Dagaalka Hiiraan ka Bilaabanaa.

0

khamiis , 21 August 2025 {HMC} Ciidamada Jabuuti iyo Itoobiya Qeeyb ayey ka Noqon doonaan Dagaalka Hiiraan ka Bilaabanaa.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiyaha Ciise” Dadka reer Maxaas wali isma dhiibin ee Garab Ciidamo ayey ubaahan yahiin.”

0

khamiis , 21 August 2025 {HMC} Gudoomiyaha Ciise” Dadka reer Maxaas wali isma dhiibin ee Garab Ciidamo ayey ubaahan yahiin.”

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Mucaaradka Baarlamaanka ku jira Wixii ay shalay soo saxiixeen ayey hadda diidan Yihiin”MW Xasan”

0

khamiis , 21 August 2025 {HMC} Mucaaradka Baarlamaanka ku jira Wixii ay shalay soo saxiixeen ayey hadda diidan Yihiin”MW Xasan”

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan sheekh oo Xariga ka jaray Xarumo laga hergaliyey Galmudug

0

Arbaco, 20 August 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan sheekh oo Xariga ka jaray Xarumo laga hergaliyey Galmudug

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Cali jeyte oo dagaal ka dhan Ah AS Baladweyne kaga dhawaaqay.

0

Arbaco, 20 August 2025 {HMC} Cali jeyte oo dagaal ka dhan Ah AS Baladweyne kaga dhawaaqay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA