Home Blog Page 616

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 20-08-2025

0

Arboco 20 August 2025 {HMC} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 20-08-2025

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Maraykanka oo ka digay weerarro ay Kafulinkaraan Kenya AS .

Arboco, 20 Aug 2025 {HMC}  Safaaradda Maraykanka ee Magaalada Nairobi ayaa digniin dhanka amniga ah soosaartay iyada oo muwaadiniinteeda iyo Ajaanibtaba uga digtay halista ka dhalan karta weerarrada AS iyo kooxaha kale oo ay ugu yeereen in ay yihiin Argagixisada.

Qoraalka Safaaradda ayaa lagu sheegay in ay Dadka kula talineyso in ay ka fogaadaan meelaha bartilmaameedka noqon kara oo ah goobaha kulanka Bulshadu ku badan tahay sida Hoteellada, Maqaaxiyada, Suuqyada, Iskuullada, Saldhigyada Booliiska iyo kuwa Cibaadada.

Safaaradda ayaa intaas ku dartay in digniin iyo bilaa digniinba ay dhici karaan weerarradaan balse loo baahan yahay in feejignaanta Muwaadiniinta & Ajaanibta kaleba ay marweliba ahaato mid aad u sarreysa sida hadalka loo dhigay.

Ujeedka weerarrada ayay Safaaraddu ku sheegtay in kooxaha fulinaya ay ku maamuusi karaan weerarro horay u dhacay sida kii safaaradda Nairobi, Suuqa Westgate Mall iyo kan Xamaas ku qaadday Israa’iil sida warka lagu yiri.

“Safaaradda waxa ay Dadka muwaadininta ah iyo ajaanibta kale ogaysiineysaa in ay dhici karaan weerarro argagixiso oo kooxaha fulinaya sida AS ay ku maamuusayaan weerarkii Safaaradda ee 7dii Agoosto, kan ka dhacay Maraykanka ee 11kii Sabteember, kii 21 Sabteembar ka dhacay Westgate Mall & weerarkii Xamaas ee Israa’iil 7dii Oktoobar” Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Kenya.

Safaaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa horay usoo gudbisay digniinno la xiriira weerarro ka dhici kara Dalka Kenya, qaarkood ayaa dhacay halka qaar kale aanay dhicin waxaana kamid ah halistii ugu weyneed ay ka muujisay in weerarro dhanka diyaaradaha loo adeegsanayo uu ka dhacayo Kenya.

40 ruux oo isugu jirta Soomaali iyo Suudaanees ku nool Giriigga oo xaalado adag wajahaya.

Arboco, 20 Aug 2025 {HMC} Ku dhowaad 40 ruux oo isugu jirta Soomaali iyo Suudaanees oo ku nool Jasiiradda Chios ee Dalka Giriigga ayaa xaalado adag oo dhanka nolosha ah wajahaya, waxa ay dalbadeen in la siiyo gargaarka ay u baahan yihiin weliba si degdeg ah.

Dadkaan oo u badan Dhallinyaro ayaa dalkaas u tagay in ay uga sii tahriibaan Dalalka kale ee Qaaradda Yurub balse ay ku xayirmeen inkasta oo aan faah-faahin dhammeystiran laga helin sababta ku hakisay Jasiiraddaan.

Tahriibayaasha ayaa naftooda halis u geliya in ay aaminsan yihiin inay helayaan nolol uga wanaagsan tan dalalkooda, waxa ay la kulmaan dhibaatooyin xitaa mararka qaar ay ku waayaan naftooda sida cunno la’aan, biyo la’aan iyo daryeel xumo.

Dalalka dhaca qaaradda Yurub ayaa raadinaya xalka ugu dambeeya oo ay ku xakameynayaan qulqulka tahriibayaasha oo 10kii sano lasoo dhaafay kordhay marka la eego warbixinnada galay diiwaanka hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Qaxootiga iyo socdaalka.

Faahfaahin Dad salaad ku jiray oo lagu laayay dalka Nigeria

Arboco, 20 Aug 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar burcadnimo ah oo ka dhacay gobolka Katsina ee waqooyiga Nigeria, kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 30 qof xilli ay ku jireen tukashada salaadda masaajid halkaa ku yaalla.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Gidan Mantau ee degmada Malumfashi ayaa u sheegay Warbaahinta in weerarku dhacay aroornimadii Isniinta, iyadoo 28-ka qof durba la aasay.

“Waxaan ku jirnay salaaddii markii ay rasaas nagu fureen. Waxaan aasnay 28 qof, oo uu ku jiro aabbahay,” ayuu yiri nin magaciisa la qariyay, isaga oo ooyaya isla markaana ilmada iska tiraya.

“Guriga ayey ku garaaceen [aabbaha], qol ayey ku xireen, baatrool ayey ku shubeen kadibna way gubeen.”

Qof kale ayaa sheegay in kooxda weerarka gaysatay ay gubeen dumar iyo carruurta iyaga oo ku jira guryaha “islamarkaana ay afduubteen ku dhawaad 100 qof.”

Ciidanka Booliska ee Gobolka Katsina ee waqooyiga-galbeed ee dalka Nigeria ayaa sheegay in 15 qof lagu dilay weerarka.

Xigasho BBC

Safiir larry Andre. oo ku baaqay in laga fiirsado Aqoonsiga Somaliland

Arboco, 20 Aug 2025 {HMC}  Safiirkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya, larry Andre. ayaa ugu baaqay dowladda Mareykanka in ay si taxaddar badan uga fiirsato arrinta Somaliland, xilli ay sii xoogeysanayaan codadka gudaha Mareykanka ee ku baaqaya in maamulka Hargeysa loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Diblomaasigan ayaa sheegay in Geeska Afrika uu ku jiro xaalad aad u kacsan oo ay ka jiraan dagaallo iyo khilaafaad gudaha iyo dal-dal ah, taas oo ka dhigaysa in go’aan kasta oo degdeg ah oo ku saabsan Somaliland uu khatar ku noqon karo xasilloonida gobolka iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Wuxuu ku taliyay in Washington aysan qaadin tallaabooyin hal dhinac ah oo iskeed ah, balse ay wadatashi ballaaran la sameyso dalalka deriska sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Uganda, iyo sidoo kale hoggaanka Midowga Afrika, si loo hubiyo in go’aanka la gaarayo aanu waxyeello u geysanayn gobolka.

Ergaygu wuxuu soo jeediyay saddex waddo oo Mareykanku qaadi karo: in xaaladda lagu sii hayo sidii ay ahayd, in la furo xafiis diblomaasiyadeed oo Hargeysa ah iyadoo weli safaaradda Muqdisho shaqeyneyso, ama in si rasmi ah loo aqoonsado madax-bannaanida Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu caddeeyay in doorbiddiisu tahay ikhtiyaarka dhexe, kaas oo ah in la furo xafiis Hargeysa laga maamulo si diblomaasiyaddu ugu fududaato labada dhinac, isla markaana Washington ku dhiirrigeliso Hargeysa iyo Muqdisho inay dib u bilaabaan wada-hadallo rasmi ah oo lagu gaaro xal siyaasadeed.

Diblomaasigan ayaa si gaar ah uga digay in aqoonsi hal-dhinac ah oo Mareykanku siiyo Somaliland uu dhaawici karo xiriirka uu la leeyahay shacabka Soomaaliyeed ee taageersan midnimada, isla markaana uu sii hurin karo khilaafka qabiillada oo ah arrin nugul oo gobolka ka jirta.

Isagoo ka hadlayay xaaladda gudaha Somaliland, wuxuu sheegay in maamulka Hargeysa uu leeyahay heer amni iyo maamul ka wanaagsan inta kale ee dalka, balse taasi aysan meesha ka saari karin xaqiiqda ah in arrinta Somaliland u baahan tahay xal waara oo lagu wada qanco. Waxa uu intaa ku daray in Puntland iyaduna gaartay guulo la mid ah amni iyo horumar iyadoo weli qayb ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya ayaa sheegay in guusha Soomaaliya iyo Geeska Afrika guud ahaan ay ku xirnaan doonto laba arrimood oo waaweyn: dib u heshiisiinta iyo xalinta arrinta Somaliland, iyo xoreynta dhulka ay weli gacanta ku hayaan Al-Shabaab. Wuxuu shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay nabad, xasillooni iyo guul mustaqbalka dhow.

Mareeykanka oo RW israa’iil ku tilmaamay Geesi Dagaal.

Arboco, 20 Aug 2025 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Muxaafidka ah waxa uu ku amaanay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo dambiyo dagaal culus galay isla markaana ay raadsaneyso Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee (ICC).

Donald Trump ayaa mar wax laga weydiiyay sida uu u arko Dagaalka ka socda Gaza iyo culeyska xooggan ee saaran Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu waxa uu si fudud ula soo booday in uu yahay “Geesi Dagaal”.

“Waa nin wanaagsan, waa dagaal yahan, waa geesi aan si wadajir ah u wada shaqeyno, waxa ay isku dayayaan in ay xabsiga dhigaan”. Ayuu yiri Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku dheeraaday sifada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Falcelin xooggan ayaa kasoo laabatay hadalkaas, xubno kamid ah muxaafadka iyo mucaaradka Israa’iil ayaa ku tilmaamay ka badbadin aan la barxin, waxa ay sheegeen in haddii Netanyahu uu hayay geesi dagaal uu soo furan lahaa Maxaabiista laga hayo.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay wareysiga uu bixiyay kuna bogaadiyay Dagaalka uu ku jiro Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo diiwaanka loo geliyay xasuuq, cunaqabatayn iyo dayac mas’uuliyad oo Israa’iil dhexdeeda ah.

Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 20-08- 2025

0

Arboco 20 August 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :Yaasiin Cali Axmed

 

Farsamadii :Ismail Abdiqadir

 

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Soomaaliya oo Mashaariic Horumarineed ka Daah furayo dhuusamareeb Manta

0

Arbaco, 20 August 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya oo Mashaariic Horumarineed ka Daah furayo dhuusamareeb Manta

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Abgaal iyo DFS oo isku dhaar saday Dagaalka AS ee Sh/dhaxe

0

Arbaco, 20 August 2025 {HMC} Abgaal iyo DFS oo isku dhaar saday Dagaalka AS ee Sh/dhaxe

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Abgaal in Dagaal Xurnimo leh uu qaato ayuu go’aan ku gaaray.X/Xaadoole

0

Arbaco, 20 August 2025 {HMC} Abgaal in Dagaal Xurnimo leh uu qaato ayuu go’aan ku gaaray.X/Xaadoole

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA