Talaado, 18 Aug 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo : Abdiqani Abduaahi Abdi
Farsamadii :: Mustaf Ali Ahmed
Talaado, 18 Aug 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo : Abdiqani Abduaahi Abdi
Farsamadii :: Mustaf Ali Ahmed
Talaado, 19 August 2025 {HMC} Barnaamijka Dhacdooyinka Caalamka 19-08-2025
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Talaado, 18 Aug 2025 {HMC} Somaliland ayaa weli ku taamaysa soo celinta Laascaanood iyo inta badan gobolka Sool oo haatan uu ka arrimiyo maamulka Waqooyi Bari, oo ka dhashay maamulkii KMG ahaa ee SSC-Khaatumo.
“Somaliland xuduudkeeda wey soo xidhi doontaa. Waxaana leeyahay dadka jooga Laascaanood Hargeysa ayaa idinka dhow Xamar, Hargeysa wax wada leedihiin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.
“Shacabka Sool-Barina waa reer Somaliland, waxaanu leenahay Sool-Barina kama maaranto Somaliland. Somaliland waqtiga ku munaasabka ah nabadeeda iyo xuduudkeeda way sugi doonta,” ayuu yiri Cirro.
Inkastoo Madaxweynaha Somaliland uu sheegay in aysan cidna duulaan ku aheyn, balse wuxuu si cad u sheegay in ay difaacayaan Somaliland iyo dadkeeda wax walba oo ay ku kaceyso.
“Shacabka reer Sanaag waxaa ugu baaqnay gogol nabadgalyo, waana laga soo wada jawaabay gogoshaas, Insha Allah dhaqso ayaa loo qabanayaa gogogaashi oo nabadgelyada dalkana waa la dhameystirayaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
Si kastaba, Somaliland oo si adag uga hortimid maamulka cusub ee laga dhisay Laascaanood ayaa horey wakiilada beesha caalamka ugu baaqday inay isha ku hayaan arrimaha kasoo kordhay Sool iyo Sanaag oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, uuna hurinayo colaad hor leh.
Talaado, 19 Aug 2025 {HMC}Baarlamanka Woqooyi Bari ee dhawaan lagu dhisay magaalada Laascaanood ayaa maanta shaaciyey jadwalka doorashada guddoonka.
Doorashada guddoonka Baarlamaanka oo ay ku xigto midda Madaxtooyada, ayaa waxaa lagu dhameyn doona wax walba toddobaad gudihiis, sida uu muujinayo jadwalka doorasho ee uu soo saaray baarlamaanka.
Ansixinta habraaca doorashada iyo shaacinta guddoonka Golaha Wakiillada ayaa maanta dhacday, iyadoo qabashada araajida musharaxiinta iyo diiwaan-gelintooda ay bilaaban doonto maalinta berri ah, waxayna socon doonta illaa 22-ka bishaan.
“Qabashada codsiga musharaxa, diiwaan-gelinta iyo qabashada khidmada musharaxiinta waxay qabsoomi doonaan Agoosto 20-22, 2025, laga bilaabo 8:00 subaxnimo illaa 8:00 habeennimo,” ayaa lagu yiri jadwalka kasoo baxay baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari.
Hadal-jeedinta musharixiinta iyo qabashada doorashada Guddoonka Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa iyadna dhacaysa 23-ka bishaan, sida lagu shaaciyay jadwalka doorashada ee kasoo baxay Baarlamaanka.
“Shahaada siinta Musharaxiinta ku guulaysta Guddoonka Golaha Wakiillada iyo dhaarinta Guddoomiyaha iyo labada ku-xigeen ayaa sidoo kale dhaceysa isla maalinta la doorto,” sida lagu shaaciyay jadwalka.
Shaacinta jadwalkan doorasho ayaa imanaya xilli uu soo baxayo guuxa in kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka loo xiro beesha Fiqishinni, taasi oo ay miiska soo saareen xildhibaannada kasoo jeeda beeshan ee Baarlamaanka Waqooyi Bari.
Doorashada guddoonka marka laga dhamaado ayaa waxaa si rasmi ah loo guda-geli doona tan hoggaanka maamulka, taasi oo la sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay u wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo galaangal xooggan ku leh hanaanka doorasho ee maamulkaasi.
Dowladda dhexe ayaa dooneysa in maamulka cusub uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Firdhiye oo kumeel-gaarkii kasoo saaray, halka ay jagada madaxweyne ku-xigeenka la sheegay inay u xulatay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Jibriil oo ka soo jeeda gobolka Sanaag.
Talaado, 18 Aug 2025 {HMC}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa goordhow gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.
Boqolaal shacab ah ayaa garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo loo galbiyay Madaxtooyadda Galmudug.
Waxaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho Madaxda sare ee Maamulka Galmudug, qeybaha bulshada iyo saraakiisha ciidanka.
Kulamada ayaa lagu wadaa in looga hadlo dagaalka AS iyo sidii la isugu duba ridi lahaa howlgallada ay wadaan ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka.
Sidoo kale, waxaa qorshaha yahay in Madaxweyne Xasan Shiikh xarriga ka jaro Garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb iyo mashaariic kale oo laga hirgalayay gudaha caasimadda.
Faahfaahin kooban ayaa ka soo baxaysa gabar 27-jir ahayd oo lagu dilay bariga magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo qoyskeedu ku tilmaamen in ay ahayd shaqsi wanaag iyo naxariis u saaxiib ahayd, aadna ay uga murugeysanyihiin geerideeda.
Booliska ayaa markaa bilaabaya baaritaan dhacdadaan ah oo la xiriira sida uu u dhacay dilka gabdhaas.
Zahwa Saalax Mukhtaar ayaa ku geeriyootay halka lagu magacaabo Chadwell Heath Lane, Romford, kadib markii la weeraray saacadihii hore ee subaxnimadii Sabtida, sida ay booliisku sheegeen.
Qoyskeeda ayaa yiri: “Zahwa waxay ahayd qof naxariis badan oo leh akhlaaq wanaagsan, waxayna lahayd himilooyin sare oo nolosha ah.
Waxey intaa ku dareen in aysan marnba quluubtooda ka biix doonin xusuuta gabadhooda.
Booliska Metropolitan ayaa sheegay inay xireen afar qof kuwaas ooh adda ku xabsiga.
Nin 35-jir ah ayaa la xiray Axadda isagoo loo haysto inuu caawiyay qof dembiile ah, sida ay booliisku baahiyeen.
Arrintan ayaa daba socota xiritaanka nin kale oo 35-jir ah oo loo haysto tuhun dil ah, iyo laba nin oo kale, da’doodu tahay 21 iyo 22 jir, oo iyaguna loo haysto inay caawiyeen qof dembiile ah.
Booliiska iyo gawaarida gurmadka degdeg ah ee ambalaasta ayaa lagu wargeliyay abbaaro 05:30 subaxnimo Sabtidii, kadib markii la soo sheegay haweeney lagu weeraray Chadwell Heath Lane.
Qoyska Zahwa ayaa sidoo kale yiri: “Geerida murugada leh ee Zahwa waxay qalbiyadeenna ka dhigtay kuwo dareemay xanuun. Waxaana si dhab ah u tabin doona dhammaan dadka garanayey ama jeclaa. Qoyskeeda iyo saaxiibadeed aad iyo aad ayay u jeclaayeen.”
Taliyaha booliska Brian Hobbs ayaa yiri: “Waxaan la murugoonaynaa qoyskeeda iyo asxaabteeda iyadoo dhacdadani ay tahay mid xanuun iyo qalbi leh.
“Inkastoo aan xiray dad, haddana dadka deegaanka waxay arki doonaan booliis tiro badan oo ka hawlgalaya agagaarka inta baaritaanku socdo.
“Waxaan codsanayaa in qof kasta oo ku sugan agagaarka Romford, una malaynayo inuu arkay ama maqlay wax shaki leh, uu nala soo hadlo.”
Inkastoo gabadha iyo halka asalkeeda ay ka soo jeeddo aaney boolisku faahfaahin ka bixin, haddana dadka qaar ayaa sheegaya in ay gabadhu ahayd Soomaali hase-yeeshee arrinta aweli BBC-du ma xaqiijin.
Muuqaallo iyo qoraallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa dadka qaar waxaa ay ku tilmaamayaan in gabdhu ahayd Soomaali, dilkeeda ay aad uga xumaadeen.
Talaado, 18 Aug 2025 {HMC}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira barnaamijka la-xisaabtanka Xukuumaddiisa, ayaa maanta su’aallo ka weydiiyey wasaaradaha kala ah, Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, isaga oo dul istaagay waxyaabaha uga hirgalay qorshaha wax-qabadka sannadlaha ah ee Xukuumadda.
Isla-xisaabtankan ayaa diirradda saaraya mideynta dadaalka dowladda, taasi oo xoojinaysa kalsoonida shacabka ay ku qabaan hay’adaha dawladda, maadama Qorshaha Xukuumadda uu yahay mid ka jawaabaya baahiyaha shacabka, isla markaana horseed u noqonaya dowlad-wanaag.
Wasaaradahan ayaa sanadkan hirgeliyey waxqabadyo muuqda, oo ay ka mid yihiin xoojinta nidaamka Federaalka, dib-u-heshiisiinta bulshada, iskaashiga caalamiga ah iyo difaaca danaha Qaranka, adkeynta amniga gudaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka sida, dib-u-xoreynta, iyo horumarinta adeegyada cadaaladda iyo dib-u-eegista dastuurka dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay joogtaynayso isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta ayna noqon doonto sifo saldhig u noqota hirgalinta qorshayaasha dowladda.
Talaado, 18 Aug 2025 {HMC}Boqolaal shacab ah ayaa garoonka magaalada Buurhakaba ku soo dhaweeyay diyaaraddii ugu horreysay oo sida rakaab, taasi oo ka soo degtay Garoonka magaaladaasi.
Muddo dheer, Buurhakaba ma lahayn garoon diyaaradeed rasmi ah, waxaana dadka deegaanka iyo ganacsatadu ku qasbanaayeen inay adeegsan garoonka magaalada Baydhabo.
Hirgelinta garoonkan cusub ayaa Buurhakaba si toos ah ugu xirtay magaalooyinka kale ee dalka, taas oo fududeyneysa isu socodka, horumarinta ganacsiga iyo helidda adeegyada muhiimka ah.
Masuuliyiinta deegaanka iyo bulshada rayidka ah ayaa ku tilmaamay furitaanka garoonka “tallaabo istiraatiiji ah oo dhiirrigelin doonta dhaqaalaha iyo horumarka gobolka Baay”.
Garoonka cusub ee Buurhakaba ayaa la filayaa inuu kor u qaado isku xirka gobolka, isla markaana abuura fursado shaqo iyo ganacsi cusub oo ay bulshada si weyn uga faa’iideysan doonto.
Talaado, 18 Aug 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacaabay Danjire Maxamed Cali Nuur Ameriko inuu noqdo maareeyaha cusub ee Dekedda Muqdisho, taas oo ah tallaabo istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo hufnaanta iyo howlgalka dekedda oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.
Dowladda Soomaaliya Safiirkii hore ee Kenya waxa ay ku bedashay maareeyihii hore, Axmed Washington, oo xilka laga qaaday, Isbedelkan maamulka ah ayaa loogu talagalay in lagu keeno hoggaan cusub iyo aragtiyo horleh oo kor u qaadi kara maamulka iyo wax-soosaarka dekedda.
Danjire Maxamed Ameriko, oo caan ku ah waayo-aragnimadiisa diblomaasiyadeed, ayaa la filayaa inuu xirfadiisa ku wajahayo hagaajinta howlaha dekedda iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.
Shaqooyinkii hore ee uu soo qabtay ayaa si fiican ugu hogaaminaya inuu la tacaalo caqabadaha iyo fursadaha ka jira xarunta ganacsi ee muhiimka ah ee dalka.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu dhisayo lana casriyeynayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.
Qaybaha kala duwan ee daneeyayaasha ganacsiga iyo maalgashiga ayaa rajo wanaagsan ka qaba in hoggaanka cusub uu horseedi doono koboca ganacsiga iyo horumarka gobolka.
Talaado, 19 August 2025 {HMC} Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Dowladda oo looga Digay Halista Maandooriyaha
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA