Sabti 16, Aug 2025 {HMC} Maxay Xarumahooda Ganacsi u xireeyn Soomaalida iyo Itoobiyaanka ku nool S/Africa.?
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Sabti 16, Aug 2025 {HMC} Maxay Xarumahooda Ganacsi u xireeyn Soomaalida iyo Itoobiyaanka ku nool S/Africa.?
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Sabdi 16, Aug 2025 {HMC} Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay ilaa 11 Khawaarij ah oo uu ku jiro horjooge sare, isla markaana lagu burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan, ka fuliyay Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud.
Howlgalka koowaad oo dhacay 12-kii Agoosto, ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu shir uga socday horjoogayaal iyo xubno la shaqeynayay Khawaarijta, waxaana halkaas dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo la burburiyay goobtii ay ku shirayeen.
Sidoo kale, 13-kii Agoosto howlgal kale oo laga fuliyay deegaanka Daarunimca ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa looga hortagay maleeshiyaad qorsheynayay weerar ka dhan ah ciidamada difaaca shacabka kaddib markii la helay xogtooda, waxaana halkaas lagu dilay afar xubnood uu ku jiro horjooge Cabdullaahi Ganeey oo ilaa sanadkii 2009, door weyn kulahaa hoggaaminta dagaallada kooxda Khawaarijta ah.
Howlgalka saddexaad oo 14-kii Agoosto ka dhacay deegaanka Nooleeye ee gobolka Galgaduud, ayaa lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah oo ay Khawaarijtu si xad-dhaaf ah ugu soo rareen saanad ciidan, kaas oo ay u wadeen maleeshiyaad qorsheynayay inay carqaladeeyaan amniga degmada Ceeldheer, Ciidanka NISA ayaana ku guuleystay in guud ahaan la gubo gaarigii iyo saanaddii uu siday taas oo fashilisay dhagartii argagixisada.
Sabdi 16, Aug 2025 {HMC} Saraakiisha Ciidamada Amaanka Magaalada Baladweyne ayaa Xarunta Guutada Shanaad waxaa ay ku yeesheyn Shir looga hadlayay xaalada Amaan ee Baladweyne,
Ku simaha Taliyaha Qeeybta 27 ee Ciidanka Xooga Dalka Cabdullaahi Barre iyo Sarakiil kale ayaa iska wareeystay Xaalada Amaan ee Magaalada Baladweyne iyo sidii looga hortagi lahaa ineey ka dhacaan Falal la Xiriira Amni Darro Maadama Kooxda AS dhawaan ay la wareegtay Deegaano Muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Hiraan
Baladweyne ayaa Maalmihi Dambi waxaa ka jiray Falal lidi ku ah Amaanka Magaalada iyadoona shacabka ay Muujinayeen Walaac ay ka qabaan ineey sii kororto Amni Darada
Tan iyo Markii Billowgii sanadkaan Amaanka Magaalada Baladweyne lagu wareejiyey Ciidamada Dowladda waxaa yaraaday Dhibaatooyinkii ay la kulmayeen Shacabka ee u badnaa Dhaca Joogtada ay sameeynayeen Malleeshiyaadka Hubeeysnaa ee ku sugnaa Magaalada,
Si loo siii Xoojiyo amaanka Magaalada ayaa saraakiisha ku kulmay Baladweyne waxay Maanta isla Garteen in la qaado Tallaabooyin lagu Xaqiijinaayo Amniga
Sabti16 , Aug 2025 {HMC} Dagvin R.M. Anderson ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay xilka taliyaha ciidanka AFRICOM, wuxuuna xilka kala Wareegay Gen. Michael E. Langley oo sadexdii sano ee lasoo dhaafay xilka hayay.
Xafladda xil-wareejinta waxey ka dhacday magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka.
Taliyaha cusub wuxuu ka tirsan yahay Ciidanka Cirka Mareykanka, halka taliyihii horena uu ka tirsan yahay Ciidanka Badda Mareykanka.
Sabdi 16, Aug 2025 {HMC} Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in warqaddii uu Senator Ted Cruz kaga codsaday Trump in uu “aqoonsi” siiyo Somaliland ay ahayd mid lagu weeraray xidhiidhka Shiinaha-Soomaaliya, isla markaana ay ahayd faragelin cad oo loo gaystay arrimaha gudaha Soomaaliya.
Safaaraddu waxay sheegtay in arrintani ay muujinayso dhaqanka kali-talisnimo iyo cabbudhin siyaasadeed ah oo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Maraykanku ay kula dhaqmaan dadka Soomaalida.
Hadalka kasoo baxay safaaradda Shiinaha ayaa xusay in ay muhiimtahay ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya, iyo aan la faragelin arrimaha gudaha ee dalalka kale, kuwaasi oo ay ku sheegtay mabaadi’ ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay, oo muhiim u ah nabadda iyo xasilloonida caalamka.
Waxay carrabka ku adkaysay in Shiinuhu aanu marnaba faragelin arrimaha gudaha ee waddamada kale, isla markaana aanu aqbalaynin in cid kale ay farageliso arrimihiisa gudaha.
Sidoo kale, safaaraddu waxay ku celisay mowqifka Shiinaha ee qadiyada Taiwan, iyada oo ku tilmaantay qayb aan ka go’i karin dhulka Shiinaha, taas oo ah taariikh iyo xaqiiqo aan muran lahayn. Waxay si adag uga soo horjeesatay gooni-isu-taaga Taiwan iyo faragelinta kasta oo shisheeye, iyadoo sheegtay in Shiinahu uu xaq sharci ah u leeyahay qaadashada tallaabo kasta oo lagu difaacayo madax-bannaanida qarankiisa iyo midnimada dhulkiisa.
Senatar Ted Cruz oo ah guddoomiyaha guddiga hoosaadka arrimaha Afrika iyo Siyaasadda Caafimaadka Caalamka ee Senate-ka Maraykanka, ayaa si rasmi ah ugu baaqay Madaxweyne Donald Trump in uu aqoonsado Somaliland, sida ku cad warqad uu u gudbiyay Khamiistii (14-kii Agoosto).
Warqadda Cruz ayaa sheegaysa in “Somaliland ay noqotay xulufo muhiim u ah ee amniga iyo diblomaasiyadda Maraykanka,” iyadoo lagu xusay goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo ee xeebaha Gacanka Cadmeed, kaalinta ay ku leedahay la dagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeedda gobolka, iyo xidhiidhada diblomaasiyadeed ee ay horumarisay – oo ay ka mid yihiin martigelinta xafiiska wakiilka Taiwan ee Hargeysa, in ay doonayso in ay xidhiidh la yeelato Israa’iil, iyo taageero u muujisay heshiisyada Abraham Accords.
Cruz ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay cadaadis sii kordhaya kala kulmeyso cadawyo ay ka mid yihiin Xisbiga Shuuciga Shiinaha, oo uu ku eedeeyay in uu adeegsanayo cadaadis dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed si uu Somaliland ugu ciqaabo taageerada ay u fidisay Taiwan iyo la safashada ay la safatay reer Galbeedka.
Waxa uu ku dooday in aqoonsi rasmi ah oo Maraykanku siiyo Somaliland uu suurto-gelin doono iskaashi ciidan oo ballaadhan, horumarinta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha, iyo u adeegista yoolalka amniga guud ee Geeska Afrika.
Somaliland ayaa aad usoo dhawaysay codsiga Cruz uu u diray Trump, halka dowlada Soomaaliya ay sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu horseedi doono in dhaawac soo gaadho ama uu xagal daaco dagalaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya.
Sabti16 , Aug 2025 {HMC}Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in warqaddii uu Senator Ted Cruz kaga codsaday Trump in uu “aqoonsi” siiyo Somaliland ay ahayd mid lagu weeraray xidhiidhka Shiinaha-Soomaaliya, isla markaana ay ahayd faragelin cad oo loo gaystay arrimaha gudaha Soomaaliya.
Safaaraddu waxay sheegtay in arrintani ay muujinayso dhaqanka kali-talisnimo iyo cabbudhin siyaasadeed ah oo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Maraykanku ay kula dhaqmaan dadka Soomaalida.
Hadalka kasoo baxay safaaradda Shiinaha ayaa xusay in ay muhiimtahay ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya, iyo aan la faragelin arrimaha gudaha ee dalalka kale, kuwaasi oo ay ku sheegtay mabaadi’ ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay, oo muhiim u ah nabadda iyo xasilloonida caalamka.
Waxay carrabka ku adkaysay in Shiinuhu aanu marnaba faragelin arrimaha gudaha ee waddamada kale, isla markaana aanu aqbalaynin in cid kale ay farageliso arrimihiisa gudaha.
Sidoo kale, safaaraddu waxay ku celisay mowqifka Shiinaha ee qadiyada Taiwan, iyada oo ku tilmaantay qayb aan ka go’i karin dhulka Shiinaha, taas oo ah taariikh iyo xaqiiqo aan muran lahayn. Waxay si adag uga soo horjeesatay gooni-isu-taaga Taiwan iyo faragelinta kasta oo shisheeye, iyadoo sheegtay in Shiinahu uu xaq sharci ah u leeyahay qaadashada tallaabo kasta oo lagu difaacayo madax-bannaanida qarankiisa iyo midnimada dhulkiisa.
Senatar Ted Cruz oo ah guddoomiyaha guddiga hoosaadka arrimaha Afrika iyo Siyaasadda Caafimaadka Caalamka ee Senate-ka Maraykanka, ayaa si rasmi ah ugu baaqay Madaxweyne Donald Trump in uu aqoonsado Somaliland, sida ku cad warqad uu u gudbiyay Khamiistii (14-kii Agoosto).
Warqadda Cruz ayaa sheegaysa in “Somaliland ay noqotay xulufo muhiim u ah ee amniga iyo diblomaasiyadda Maraykanka,” iyadoo lagu xusay goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo ee xeebaha Gacanka Cadmeed, kaalinta ay ku leedahay la dagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeedda gobolka, iyo xidhiidhada diblomaasiyadeed ee ay horumarisay – oo ay ka mid yihiin martigelinta xafiiska wakiilka Taiwan ee Hargeysa, in ay doonayso in ay xidhiidh la yeelato Israa’iil, iyo taageero u muujisay heshiisyada Abraham Accords.
Cruz ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay cadaadis sii kordhaya kala kulmeyso cadawyo ay ka mid yihiin Xisbiga Shuuciga Shiinaha, oo uu ku eedeeyay in uu adeegsanayo cadaadis dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed si uu Somaliland ugu ciqaabo taageerada ay u fidisay Taiwan iyo la safashada ay la safatay reer Galbeedka.
Waxa uu ku dooday in aqoonsi rasmi ah oo Maraykanku siiyo Somaliland uu suurto-gelin doono iskaashi ciidan oo ballaadhan, horumarinta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha, iyo u adeegista yoolalka amniga guud ee Geeska Afrika.
Somaliland ayaa aad usoo dhawaysay codsiga Cruz uu u diray Trump, halka dowlada Soomaaliya ay sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu horseedi doono in dhaawac soo gaadho ama uu xagal daaco dagalaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya.
Sabti 16, Aug 2025 {HMC} 90 qof oo Soomaali ah ayaa doonta ku Saarneyn 37 qof ayaa ka badbaaday.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Sabti 16, Aug 2025 {HMC} Garbahaarey Oo laga mamnuucay in hub ay ku dhex qaataan ciidamo aan ahayn kuwa Amniga sugaya.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Jimco 16 , Aug 2025 {HMC} Kadib kulan socday ku dhowaad saddex saacadood, labada hoggaamiye ayaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay, iyaga oo soo saaray bayaan kooban kadibna ka baxay goobta, iyaga oo aan wax su’aalo ah ka jawaabin.
Saddex wariye oo ka tirsan BBC oo jooga Anchorage si ay uga warramaan shirka ayaa falanqeynaya waxa uu shirkan uga dhigan yahay madaxda Mareykanka iyo Ruushka — iyo waxa la filan karo inay noqoto tallaabada xigta ee dagaalka Ukraine.
Waxaa si cad loo dareemay layaab iyo yaab marka madaxweynayaashii Putin iyo Trump ay ka tageen masraxa isla markiiba kadib markii ay dhammeeyeen hadalladooda – iyagoo aan ka jawaabin wax su’aalo ah.
Xubnihii wefdiga Ruushka, iyaguna si dhakhso ah ayay uga baxeen hoolka iyagoo iska indha tiraya su’aalihii weriyayaashu si qaylo leh u waydiinayeen.
Tani waxay si cad u muujinaysaa in marka la eego dagaalka Ukraine, ay wali jirto kala duwanaansho weyn oo u dhaxeeya Vladimir Putin iyo Donald Trump.
Donald Trump wuxuu si xooggan u riixayay in Ruushku joojiyo dagaalka. Laakiin Vladimir Putin wuu ka diiday.
Waxaa jiray dareen aad uga duwan maalintii hore. Madaxweyne Trump ayaa roog cas u fidiyay Vladimir Putin, isaga oo hoggaamiyaha Kremlin-ka ula dhaqmaya sidii marti sharaf leh.
Maanta madaxweynaha Ruushka wuxuu helay fursad uu uga muuqdo masraxa siyaasadda caalamka, isagoo garoonka la wadaagaya hogaamiyaha dalka ugu awoodda badan dunida.
Laakiin sidee buu Trump uga falcelin doonaa waxa dhacay? Wali kuma uu guulaysan inuu ku qanciyo Putin inuu joojiyo dagaalka Ruushka ee Ukraine.
Markii hore waxa uu ugu hanjabi lahaa hab adag oo loo wajaho Ruushka, iyada oo ugu dambaynta, waqtiyada kama dambaysta ah iyo digniinaha cunaqabataynta dheeraadka ah haddii Moscow ay iska dhego tirto baaqyada xabbad joojinta.
Dadkii Ukraine sidoo kale way ogyihiin in dhammaan heshiisyadoodii muhiimka ahaa ee Ruushka la galay ay dhammaantood burbureen, sidaas darteed xitaa haddii heshiis halkaa Anchorage laga shaacin lahaa, waxay noqon lahaayeen kuwo shaki qaba.
Dadka reer Ukraine ayaa ka walaacsan, si kastaba ha ahaatee, muuqaalka wadajirka ah ee warbaahinta horteeda Vladimir Putin ayaa mar kale ka hadlay “sababaha asaasiga ah” ee iskahorimaadka oo uu sheegay in ka saaritaankooda kaliya ay horseedi doonto nabad waarta.
Marka laga turjumo hadalka Kremlin-ka, tani waxay ka dhigan tahay inuu weli go’aan ku taagan yahay inuu sii wado ujeeddada asalka ahayd ee “howlgalkiisa milateri gaarka ah” — taas oo ah in la burburiyo Ukraine oo ah dal madax-bannaan. Saddex sano iyo bar oo dadaallo reer Galbeed ah ayaa ku guuldareystay inuu beddelo go’aankiisa, oo u ku jiro shir madaxeedka Alaska.
Hubanti la’aanta sii socota kulanka ka dib ayaa sidoo kale walaac leh. Maxaa dhacaya marka xiga? Weerarada Ruushku miyay sii socon doonaan iyagoo aan kala joogsi lahayn?
Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa la arkayay waqtiyo is daba joog ah oo reer galbeedku oo ku dhamaaday iyagoon aan wax natiijo ah ka dhalan, iyo hanjabaad aan weligood la fulin. Dadka reer Ukraine ayaa arrintan u arka casuumaad uu Putin u fidinayo si uu u sii wado weerarradiisa. Waxa laga yaabaa in ay u arkaan horumar la’aanta muuqata ee lagu gaaray Anchorage si isku mid ah.
X/G BBC
Jimco 16 , Aug 2025 {HMC} Amar kasoo baxay taliska guutada 10aad ee Ciidanka Xoogga Dalka fadhigiisuna yahay Gobolka Gedo waxaa Ciidamada lagu faray awaamiir cusub oo la dul dhigay kuwaas oo la sheegay in lagu xoojinayo amniga sida hadalka loo dhigay.
Awaamiirtaan waxaa kamid ah in Ciidamada Militariga laga mamnuucay in ay hubkooda la dhex tagaan Magaalada Garbahaarey Xarunta Gobolka Gedo xiliyada fasaxa ay yihiin ama danaha gaarka ah ka leeyihiin Magaaladaas.
Sidoo kale, waxaa laga mamnuucay in ay ridaan rasaas, askarigii qaadan waaya amarkaan waxaa la sheegay in la horgeynayo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida laguna soo eedeyn doonno amar diiddo iyo qalqalgelin amni.
Taliyaha guutada 10aad ee Ciidanka Xoogga ee Gobolka Gedo Gaashaanle Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorrax oo la hadlay Ciidamo isugu jiray kuwo cusub oo dhowaan tababar la siiyay iyo askar horay uga soo shaqeeyay Garbahaarey ayaa amarkaan siiyay.
Waxa uu sheegay in hubka iyo rasaasta Dowladda ay kasoo bixiso lacag badan sidaas awgeed aanay la aqbali Karin in si bilaa micno ah loo adeegsado ama loo rido rasaasta, askarigii sameeya sidaasna la horgeynayo caddaaladda sida uu yiri.
“Waa mamnuuc in rasaas amar la’aan ah la iska rido, taas oo shacabka ku abuuri karta qalqal iyo waxyeelo iskugu jirta dhaawac iyo dhimasho, waxaa dhowaan geeriyootay Haweeney kaddib markii rasaas la riday oo aan ku dhicin ay ka naxday.” Taliyaha Guutada 10-aad ee CXDS ee gobolka Gedo Gaashaanle Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorax
Gobolka Gedo waxaa ka socda howlgallo ay wadaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa dhinac socda baaris lagu hayo qaar kamid ah ciidamadaas oo lagu eedeeyay in ay ku dhaqaaqeen falal kahor imaanaya anshaxa sida jirdil, caga-jugleyn & qalqalgelin amni.