Warka waxaa soo jeedinayo : Roodo XuseenĀ Ā
FarsamadiiĀ ::Ismail Abdiqadir>
Warka waxaa soo jeedinayo : Roodo XuseenĀ Ā
FarsamadiiĀ ::Ismail Abdiqadir>
jimco 15, Aug 2025 {HMC} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 15-08-2025
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
jimco 15, Aug 2025 {HMC} Senataro mareeykan ah oo olole Xoogan ku Bixinaya sidii Somaliland loo aqoonsa lahaa
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Jimco 15 , Aug 2025 {HMC} Raāiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo safar dibadda ah ku maqnaa ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, Wasiirro katirsan Xukuumaddiisa ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku maqnaa Dalka Turkiga, Xukuumaddu ma faah-faahin ujeedka socodkiisa iyo natiijada kasoo baxday safarkiisa.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dhowaan waday Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Raāiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, waxa ay xubnahaas diyaariyay soo jeedinta ay sheegeen in ay la sugayaan furmashada kalfadhigooda dhowaan la filayo in uu furmo.
Xamsa Cabdi Barre waxaa Xukuumaddiisa horyaalla dardargelinta howlaha la xiriira dhinacyada Amniga, Doorashooyinka iyo diyaarinta hindise sharciyeedyada ay u gudbineyso Golaha Shacabka oo kalfadhigiisa furmaya.
Jimco 15 , Aug 2025 {HMC} Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka SoomaaliyaĀ Abuukar Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed la wareegi doonaan deegaanada iyo degmooyin gacanta ugu jira Al-shabaab.
Afhayeen Abuukar Maxamed ayaa xusay inĀ ciidamada dowladda ay ku jiraan diyaar garow iyo abaabul sare oo ka dhan ah Maleeshiyaadka ASĀ ee ku howlan dhibaateynta iyo boobka hantida shacabka Soomaaliyeed.
āMaalmaha soo socda shacabka Soomaaliyeed waxay maqli doonaan war ay ku farxaan ooah in deegaano iyo degmooyin muhiim ah laga saari doono cadowga argagixisada, waliba sida ugu dhaqsiyaha badanā ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Abuukar Maxamed.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga in diyaar garowga iyo abaabulka ciidanka xoogga dalka ay si weyn uga socdaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada kala ah Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.
Ugu dambeyntii Afhayeenka ayaa codsaday in shacabka Soomaaliyeed ee ku noolĀ gobolada dalka iney ka qeyb qaataan howlgalada cusub ee la qorsheynaayo in lagu qaado deegaanada gacanta ugu jira Maleeshiyaadka kooxda AS .
Jimco 15 , Aug 2025 {HMC} Ā Taliyaha Nabad Sugidda Jubbaland, Cabdirashiid Janan, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu yahay qaran diid dhibaato ku ah shacabka Jubbaland”, isla markaana dowladda Soomaaliya ay ka goāan tahay inay Jubbaland ka xoreyso gacantiisa.
Janan oo horey usoo noqday wasiirkii amniga Jubbaland, ayaa sheegay, Axmed Madoobe inuu Jubbaland u beddelay maamulka qofka keliya gacanta ugu jira, isagoo sheegay inuu cadaadis ku haya cid kasta oo ka aragti duwan.
“Waxaan ognahay in Axmed Madoobe uu u sheegay saraakiil kasoo jeeda Gedo in ay Gedo tagaan, guryahoodana soo dumaan, isagoo u ballan qaaday darajooyin iyo hanti,ā ayuu yiri Janan.
Wuxuu intaas ku daray in qaar kamid ah saraakiishaas ay durba kusoo biireen dowladda federaalka, halka kuwo kalena uu rajaynayo in marka ay yimaadaan gobolka ay iyaguna doortaan inay ka mid noqdaan ciidanka qaranka.
Waxa uuĀ sidoo kale sheegay in Axmed Madoobe uu isagu hortaagan yahay in la xoreeyo degmada Buāaale oo ah caasimadda Jubbalad. Janan wuxuu sheegay, Axmed Madoobe inuu aaminsan yahay in haddii la xoreeyo Buāaale maamulka lagala wareegayo.
Jimco 15 , Aug 2025 {HMC}Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya degmada Philippi oo ka mid ah degmooyinka hoostaga magaalada CapeĀ ee dalka Koonfur Afrika in Xalay lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed.
Dilka Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa ka dhacay xaafada Philippi Valley, waxaana dilkiisa geystay burcad hubeysneyd oo u dhalatay dalkaasi Koonfur Afrika, kuwaas oo isaga baxday goobta dilka kadib.
Ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koonfur Afrika oo gaaray dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay baarayan dhacdada falka dilka ah iyo burcada ka dambeeysay, walow aysan jirin cid ay u soo qabteen dilka Marxuumka.
Si kastaba ha ahaate magaalooyinka dalka Koonfur Afrika waxaa inta badan dil, dhaawac iyo boob loogu geysta dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku leh ganacsiyada, waxaana dowladda Koonfur Afrika ay sheegta mar waliba iney wax ka qaban doonto dhibaatooyinka ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda.
jimco 15, Aug 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo Billaabeeyso Howlgalo ka dhan ah AS
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
jimco 15, Aug 2025 {HMC} Dhaqdhaqaaqyo ka socda ka socda Gobolka Gado.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
jimco 15, Aug 2025 {HMC} Madaxweynayaasha Mareeykanka iyo Ruushka oo Maanta Kulmaya.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA