Home Blog Page 638

Tahriibayaal khayaano cusub ku gali rabay Dalka Ingiriiska oo La qabtay.

0

Monday 11, Aug 2025 {HMC} Waxaa la soo werinayaa in tiro dad Eriteriyaan ah la helay iyaga oo si halis leh ugu dhuumanaya gaari qaboojiye ah oo khudaar daabulayey.

Dadkan Eriteriyaanka ah oo tiradooda lagu sheegay 15 qof oo uu ku jiro ilmo yar ayaa ku dhuumaalaysanayay gaari qaboojiye ah, waxayna ku sii jeedeen dalka Ingiriiska, ayagoo ka yimid Faransiiska, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Faransiiska ee AFP.

Qaxootiga Eriteriyaanka ah ayaa laga helay qeybta qaboojiyaha ee gaariga Sabtidii, waxaana darawalka gaariga uu sheegay inay u waceen qabowga daran awgiis.

Wakaalada wararka ayaa sheegtay in xirfadlayaal caafimaad oo Faransiis ah ay gargaar caafimaad u fidiyeen dadka sharci darada ah ee la ildaran qabowga daran.

Gaarigan khudaarta siday oo u rarnaa dalka Ingiriiska ayaa ku hakaday waqooyiga Faransiiska markii uu darawalku sheegay in uu maqlay oohin iyo qaylo ka dibna uu farriin u diray maamulka deegaanka.

Warbixin ay soo saartay wakaalada wararka ee AFP ayaa lagu sheegay in darawalkii waday gaariga xamuulka ah ee siday khudaarta barafaysan oo ay ku dhex dhuumanayeen dadka Eriteriyaanka ah aysan boolisku baarin.

Suxufiyiintii Israa’iil ku dishay Magaalada Qasa oo la aasay.

0

Monday 11, Aug 2025 {HMC} Aas ayaa loo sameeyay shan wariye oo ka tirsan Al Jazeera, kuwaas oo ka mid ahaa toddobo qof oo lagu dilay weerar ay Israa’iil ka fulisay magaalada Gaza, sida uu sheegay telefishanka Al Jazeera.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay beegsadeen weriyaha 28 jirka ah ee Anas al-Sharif, iyagoo ku eedeeyay inuu ahaa “madaxii unug argagixiso” oo ka tirsan Xamaas, balse ma aysan bixin caddayn badan oo taageerta sheegashadaas.

BBC-da waxay fahansan tahay in Sharif uu la shaqeyn jiray koox warbaahineed oo Xamaas ah gudaha Gaza ka hor dagaalka hadda socda – qaar ka mid ah qoraalladiisa baraha bulshada ka hor geeridiisana wuxuu ku dhaliilay Xamaas.

Al Jazeera waxay ku tilmaantay dilkiisa “khaarijin si gaar ah loo beegsaday” iyo “weerar kale oo cad oo horay loo qorsheeyay oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda”. Suxufiyiinta kale ee la dilay waxaa ka mid ahaa Mohammed Qreiqeh, iyo filim qaadeyaasha kala ah Ibrahim Zaher, Mohammed Noufal iyo Moamen Aliwa – sidoo kale waxaa ku dhintay weerarka wariyaha madaxa-bannaan ee Mohammad al-Khaldi.

Qaramada Midoobay waxay cambaareysay dilalkooda iyagoo ku tilmaamay “jab weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada”, halka Ururka Difaaca Wariyeyaasha (Committee to Protect Journalists) uu sheegay in 186 wariye la dilay tan iyo markii ay Israa’iil bilowday weerarka militari ee Gaza bishii Oktoobar 2023.

Israa’iil ma ogola hay’adaha wararka caalamiga ah, oo ay ku jirto BBC, inay si xor ah uga warbixiyaan gudaha Gaza, sidaas darteed warbaahinta badankeed waxay ku tiirsan yihiin wariyeyaasha ku sugan gudaha Gaza si ay u helaan macluumaad.

Qab-qabasho ka dhan ah dadka aan guryaha haysan oo Ka bilaabatay Mareykanka.

0

Monday 11, Aug 2025 {HMC} Madaxweynaha Wadanka Maraykanka Donald Trump ayaa maanta sheegay inuu amray in Ciidanka Ilaalada Qaranka (National Guard) loo diro magaalada Washington, D.C., isla markaana uu hoos keeni doono ciidanka booliska caasimadda Maraykanka gacanta dowladda federaalka.

Warbixintan, oo laga sheegay shir jaraa’id oo ka dhacay Aqalka Cad, ayaa timid ka dib markii madaxweynuhu ku tilmaamay magaalada mid ka mid ah kuwa ugu khatarta badan gudaha Maraykanka, isla markaana uu ku booriyay dadka hoy la’aanta ah inay u guuraan meelo kale.

“Qofna ma rabo in la dhacdo, la kufsado, la toogto, ama la dilo,” ayuu yiri madaxweynaha, isaga oo xusay in heerka dilalka ee magaalada Washington, D.C. uu ka sarreeyo qaar ka mid ah “meelaha ugu xun adduunka” isla markaana ay kordheen dhacdooyinka gaadiid la boobay iyo tuugada hubaysan.

Si kastaba ha ahaatee, diiwaannada booliska magaalada ayaa muujinaya in sanadkan ilaa hadda ay 7% hoos u dhacday guud ahaan dambiyada magaalada, halka dambiyada rabshadaha wata ay 26% hoos u dhaceen guud ahaan. Dilalka ayaa sidoo kale hoos uga dhacay 12% isla muddadaas.

 

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Boosaaso oo guri ku wareejiyay C/laahi Xasan Cali oo baahiyaha gaar ah qabo.

Monday 11, August 2025 {HMC} Dr Cabdiraxmaan Cabdullahi Cali oo ah Duqa cusub ee Magaalada Bosaaso ayaa guri hanti ah ku wareejiyey Cabdulaahi Xasan Cali oo labadiisa lugood ku waayey shaqo ay u dirtay dowladda hose sanadkii 2023.

Shaqada uu lugihiisa ku waayay ayaa aheyd duminya dhismayaal sharcidaro ah oo laga dhistay hareeraha wadooyinka Magaaladaas.

Talaabadan uu qaaday Duqa Cusub ee Magaalada Boosaaso ayaa ah mid dhiiri gilineyso howlwadeenada kale ee ka shaqeeya Dowladda hoose.

{DAAWO MUQAALKA} “DFS Ayaa Weerar kusoo qaaday Ciidanka Jubbaland Dacwo ayaana ka Gudbi Doonaa” Maxamuud Siyaad

Isniin,11 Aug 2025 {HMC} “DFS Ayaa Weerar kusoo qaaday Ciidanka Jubbaland Dacwo ayaana ka Gudbi Doonaa” Maxamuud Siyaad

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} Cabdirashiid Janan”’Baabuurta Kenya ayaa Difaacyada u qoda Ciidanka Axmed Madoobe”

Isniin,11 Aug 2025 {HMC}Cabdirashiid Janan”’Baabuurta Kenya ayaa Difaacyada u qoda Ciidanka Axmed Madoobe”

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidanka Dowladda oo la Wareegay Fariisamihii Ciidanka jubbaland

 

Isniin,11 Aug 2025 {HMC}  Ciidanka Dowladda oo la Wareegay Fariisamihii Ciidanka jubbaland

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo si Adag uga Hadashay Dagaalka Gedo.

 

Isniin,11 Aug 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo si Adag uga Hadashay Dagaalka Gedo..

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Wararka Caalamka 11/08/2025

Isniin,11 Aug 2025 {HMC} Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Wararka Caalamka 11/08/2025

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 11-08-2025

Isniin,11 Aug 2025 {HMC} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 11-08-2025

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA