Home Blog Page 637

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Koofur Afrika oo Dib u fasaxday Dukaaman ay lee yihiin Soomaalida

0
Talaado,12 Aug 2025 {HMC} Dowladda Koofur Afrika oo Dib u fasaxday Dukaaman ay lee yihiin Soomaalida.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta qaatay Kaarkiisa codeynta ee doorasho

Talaado 12, Aug 2025 {HMC}Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta qaatay Kaarkiisa codeynta ee doorasho qof iyo codka ah.

Xilli Mucaaradka maalinto barito la kulmi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh, si uu ugu laabto Cutubka 4aad ee dastuurka?

Somaliland oo bogaadisay hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Trump’

Talaado 12, Aug 2025 {HMC}Maamulka Somaliland, ayaa bogaadiyay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo sheegay in ay ka fiirsanayaan in dal madaxbannaan u aqoonsadaan maamulka Somaliland oo doonaya in Soomaaliya inteeda kale ka go’do.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Md. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay ku ammaanayaan Madaxweyne Trump go’aan qaadasgadiisa la xidhiidha inuu xoojinayo wada shaqeynta Somaliland iyo Maraykanka.

“Anigoo ku hadlaya afka Madaxweynaha iyo Xukuumadda Somaliland, waxaan halkan uga gudbinaynaa mahadnaq qoto dheer Madaxweyne Trump, oo asna bogaadinayno hoggaamintiisa aragtida dheer leh iyo go’aan qaadashadiisa ku wajahan xoojinta iskaashiga Somaliland,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxweynuha.

Afhayeenka ayaa xusay in hadalka Madaxweyne Trump ka turjumayo sida uu u arko kaalinta Somaliland ka ciyaari karto horumarka iyo nabada Geeska Afrika. Wuxuuna yidhi “Hadalkii uu jeediyey Madaxweyne Trump 8-dii bishan Ogost 2025, wuxuu ku yaqiinsaday 34-kii sanno ee la soo dhaafay sida daacadnimada ah ee Somaliland ugu taagnayd nabadda, dimuqraaddiyadda, iyo horumarka, waxaannu hadalkiisu iftiiminayaa doorka muhiimka ah ee Somaliland ku leedahay ilaalinta xasilloonida iyo horumarinta gobolka Geeska Afrika.”

Mr. Deyr waxa kaloo uu u mahadnaqay Dawladda Mareykanka oo uu ku sifeeyay bahwadaag mabda’ leh oo ay aqoonsatay guullaha ay gaadhay Somaliland. Wuxuuna tilmaamay in Maraykanku xaqiijiyay aragti wadaaga mideeya labada dal.

“Hoggaaminta Madaxweyne Trump iyo taageerada joogtada ah ee Aqalka Sare, Golaha Wakiillada, iyo Wasaaradda Difaaca ee Mareykanku waxay xoojisay xidhiidhka iskaashi iyo ixtiraamka wadajirka ah ee ka dhexeeya labadeenna shacab,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland.

Ugu dambeyn afhayeenka ayaa sheegay inay Xukuumadda Somaliland ay u heellan tahay inay mar walba dhidibada u adkayso iskaashiga istaraatajiga ah ee ay la leedahay dawladda Maraykanka, kana wada shaqeyn doonaan ammaanka, horumarka Somaliland iyo guud ahaanba mandaqada oo dhan.

Mucaaradka oo kulan xasaasi ah ku yeeshay guriga Rooble kadib fashilka wada-hadallada Xasan’

Talaado 12, Aug 2025 {HMC}Hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble kadib markii ay natiijo la’aan ku soo dhamaadeen wada-hadalladii kala dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaan ayaa waxaa looga arrinsanayay tallaabooyinka xiga ee mucaaradku qaadi doono haddii wada-hadalladu si rasmi ah u fashilmaan.

Guddiga wadajirka ah ee loo xilsaaray diyaarinta war-saxaafadeed la filayay ayaa hakiyay kulamadoodii. Si kastaba, rajo yar ayaa laga qabaa in dhinacyadu gaaraan heshiis, maadaama khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada garab uu sii xoogeysanayo.

Kooxda Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si gaar ah iskugu haya cutubka 4-aad ee dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyadoo mucaaradka ay dalbanayaan in laga laabto wax ka beddelka.

Mucaaradka ayaa Madaxweynaha ka dalbaday tanaasul dhab ah oo aan leex-leexad lahayn, si ay u guuleystaan wada-hadallada loona soo gaba-gabeeyo shirarkooda oo daba dheeraaday.

Si kastaba, is-mari waaga jira ayaa iftiiminaya kala fogaanshaha siyaasadeed ee sii ballaaranaya, xilli dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah oo isbeddelo doorasho lagu wado in dhawaan la dhaqan-geliyo.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ka caddeysay muhiimadda ilaalinta sharciga badda’

Talaado 12, Aug 2025 {HMC}Intii lagu jiray dood furan oo ku saabsan amniga badda oo ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) qabtay, ayaa Dowladda Soomaaliya waxay adkaysay muhiimadda ay leedahay Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (UNCLOS) oo ah aasaaska isticmaalka badaha dunida si nabad iyo iskaashi ah

 

Wafdiga Soomaaliya ayaa sheegay in u hoggaansanaanta sharciyada badda ee caalamiga ah ay lagama maarmaan u yihiin dhisidda kalsoonida dalalka iyo u suurta-gelinta tallaabo mideysan oo wax ku ool ah oo lagula tacaalayo caqabadaha badda, sida burcad-badeednimada, kalluumaysiga sharci darrada ah, ka ganacsiga sharci darrada ah iyo khataraha deegaanka

“Xushmaynta sharciyadan, iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida dowladnimada, waa tallaabo muhiim ah si loo dhiso kalsooni loona xaqiijiyo guusha dadaallada wadajirka ah,” ayaa lagu yiri bayaanka Soomaaliya.

Dooddan ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay dalal xubno ka ah Golaha Ammaanka, mas’uuliyiin Qaramada Midoobay iyo khubaro badeed, iyadoo Soomaaliya ay muujisay sida ay uga go’an tahay iskaashiga gobolka iyo caalamka ee lagu xaqiijinayo badbaadada iyo amniga badda.

Soomaaliya, oo leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, ayaa sanadihii la soo dhaafay wajahaysay caqabado waaweyn oo dhinaca badda ah, gaar ahaan burcad-badeednimada iyo kalluumaysiga sharci darrada ah ee saameeyay nolol maalmeedka bulshada xeebaha ku nool iyo dhaqaalaha dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iskaashiga caalamiga ah iyo u hoggaansanaanta UNCLOS ay kaalin weyn ka qaadan karaan ilaalinta kheyraadka badda, horumarinta dhaqaalaha badda (blue economy) iyo dhiirrigelinta nabadda gobolka Geeska Afrika.

{DAAWO SAWIRADA} Dhismaha Wado laga dhisay Muqdisho oo xariga laga jaray.

Talaado 12, Aug 2025 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarriga ka jaray afar waddo oo laami ah, taasi oo laga hirgeliyay waaxda Oktoobar ee Degmada Hodan, iyadoona dhismaha waddooyinkaan ay iska kaashadeen bulshada, Maamulka Degmada iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in in dhismaha waddooyinka ay kaalin wayn ka qaadanayaan, horumarka caasimadda, waxa uuna sheegay in ay socdaan qorshayaal kale oo lagu dhisaayo waddooyin muhiim ah iyo furista waddooyinka xirn ee Magaalada Muqdisho kuwooda aan culeesyada amni ka jirin si loo fududeeyo isku socodka bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan horumaradda ka socda caasimadda ee dhanka dib-u-dhiska, soo celinta bilicda, amniga iyo dimuqraadiyeynta dalka si ay bulshada usoo doortaan Maamulkooda heer Degmo illaa heer Gobol.

kaalmada lagu bixiyo Xeryaha Kaakuma & Dhadhaab oo hoos loo dhigayo.

Talaado 12, Aug 2025 {HMC} Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostagta WFP ayaa ku dhawaaqday in ay sii dhintay gargaarka bani aadamnimo ay siiso qaxootiga isugu jira Soomaalida iyo Suudaaneeska ee ku nool xeryaha Kaakuma iyo Dhadhaab ee Dalka Kenya.

WFP oo markii horay dhintay 60% ayaa markaan gaarsiisay 80% oo ka dhigeysa in qoysaska qaarkood aanay xitaa heli Karin kaalmo dhinaca cuntada ah, sababta go’aankaan cusub waxa ay ku sheegtay in culeys dhinaca dhaqaalaha ah uu soo koray.

Hay’addu kama gamban in ay si toos ah u sheegto xaaladda ka dhalatay kaalmada ay ka jaratay Waaxda Horumarinta Dibadda Maraykanka ee USAID, waxaana intaas sii dheer colaadda ka jirta dunida oo sii korortay sanadihii u dambeeyay.

Haweenka Uurka leh iyo Dadka baahiyaha gaarka ah qaba (Naafada ah) ayay Hay’addu sheegtay in kaalmadeeda siineyso 60% halka dadka kale ee leh fursado ay ku sameysan karaan dakhli soo gali kara ay ka jartay 80% deeqaha ay siineysay.

Labadaan xero ee Kaakuma & Dhadhaab waxaa ku nool dad gaaraya 800,000 oo Soomaali iyo Suudaanees ah, waxa ay dalalkooda uga tageen colaadda ka jirta iyo xaaladaha kale ee dhinaca bani aadamnimada sida lagu sheegay bayaanka hay’adda WFP.

Ukraine oo kulanka Trump & Putin ku tilmaamtay mid lagu soo Afjarayo.

Talaado 12, Aug 2025 {HMC} Mas’uuliyiin katirsan Ukraine ayaa ka niyad-jabay hadalka muddada labada jeer uu sheegay Madaxweynaha Maraykanka ee Donald Trump ee ah in dhulka Ruushka uu xoogga uga qabsaday in qayb kamid ah lasoo celin doonno halka inta kale uu qaadan doonno dalkaas.

Kulanka Jimcaha ee dhexmaraya Donald Trump iyo Vladimir Putin oo markii hore muhiimad gaar ah u lahayd dalka Ukraine ayay micno la’aan u noqotay kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka oo wax laga weydiiyay dhulka Moscow qabsatay uu bixiyay jawaabtaas.

Waxaa kale oo miiska saaran in Ruushka uu doonayo sidii Ukraine ay u baabi’in lahayd ciidankeeda Militariga, tani waxa ay si cad uga hor imaaneysaa haddii uu Maraykanka aqbalo qorshaha is difaacadda Kyiv sida ay sheegeen mas’uuliyiin kala duwan.

Ruushka ayaa horay u qabsaday qaybo kamid ah dhulka Ukraine, waxa uu kala kulmaa iska caabbin culus dadka degen, ciidamada Ukraine oo inta badan ku fuliya weerarrada dhinaca diyaaradaha duulliye la’aanta iyo dalalka reer Galbeedka oo Moscow culeys saaraya.

 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Hiiraannweyn 012-08-2025

0

Jimco , 08 August 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo :yasiin cali axmed

Farsamadii :: Muuse Cali Xeroow

HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Xaalada Duleedka Magaalada Balad xaawo oo saakay Dagan

0

Talaado,12 Aug 2025 {HMC}Xaalada Duleedka Magaalada Balad xaawo oo saakay Dagan

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA