Warka waxaa soo jeedinayo :Shukri Baryare /Rooodo Xuseen
Farsamadii ::Ismail Abdiqadir
Warka waxaa soo jeedinayo :Shukri Baryare /Rooodo Xuseen
Farsamadii ::Ismail Abdiqadir
Isniin,11 Aug 2025 {HMC} Askar Qarax ku dilay taliyahooda oo maanta Fagaaro lagu toogtay.
Axad 10, Aug 2025 {HMC}Askar Qarax ku dilay taliyahooda oo maanta Fagaaro lagu toogtay
Isniin,11 Aug 2025 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Baladxaawo iyo Ciidankii Jubaland oo taliye laga dilay.
Isniin 10, Aug 2025 {HMC} FAAH-FAAHIN:- Dagaal Culus oo ka dhacay Baladxaawo.
Isniin , 11 August 2025 {HMC} Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo in uu ka saaro dadka hoy la’aanta ah ama darbijiifka ah magaalada Washington isla markaana uu xiro kuwa dambiyada galay. Isagoo soo dhigay sawirro muujinaya teendhooyin iyo qashin, Mr. Trump wuxuu sheegay in dadka hoy la’aanta ah “loo wareejin doono meel ka fog caasimadda” si looga dhigo “goob ammaan ah oo qurux badan.
Warbaahinta Maraykanka ayaa soo warinaysa in Aqalka Cad uu soo jeedinayo in ilaa kun askari oo ilaalada qarank ka mid ah loo diro magaalada, inkasta oo duqa magaalada, Muriel Bowser, ay ku adkaysanayso in dambiyada rabshaduhu sababeen ay hadda marayaan heerkii ugu hooseeyay muddo 30 sano ah.
Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyey in dadka hoy la’aanta ah laga yaabo in loo raro xarumo xiran oo la mid ah kuwa lagu hayo muhaajiriinta. Mr. Trump ayaa la filayaa inuu qabto shir jaraa’id oo ku saabsan arrintan Isniinta maanta ah.
Isniin , 11 August 2025 {HMC} Ciidamo ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa ku dagaalamaya duleedka Magaalada Balad xaawo gaar ahaan tuulada Amiin, waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo khasaara maaliyadeed oo labada dhinac soo kala gaaray.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalkaan dadka ku dhintay uu ku jiro sarkaal katirsan ciidamada dowlad-Goboleedka Jubbaland oo saacadihii lasoo dhaafay qayb ka ahaa saansaanta colaad sida ay sheegeen ilo kala duwan.
Tuulada Amiin oo ay ku dagaalamayaan ciidamadaan waxa ay dhacdaa duleedka Magaalada Balad Xaawo, waxa ay saldhig u tahay ciidanka Dowlad-Goboleedka Jubblanad ee kol hore laga saaray Magaaladaan iyaga oo difaacyo ka qotay waddooyinka gala.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa guullo ka sheegtay dagaalka, waxa ay shaaciyeen in ay qabteen qaar kamid ah ciidamadii dagaalka kala soo horjeeday, halka ay ka saareen difaacyadii ay joogeen ciidankaas sida ay hadalka u dhigeen.
Dhanka Dowlad-Goboleedka Jubbaland ma jiro war kasoo baxay dhankooda oo looga hadlay dagaalkaan, waxaa sidoo kale jirin warar madaxbannaan oo si dhab ah u xaqiijin kara dhimashada inta ay gaarsiisan tahay.
Isniin , 11 August 2025 {HMC} Ciidanka Israa’iil ayaa weerar ku dilay Suxufiyiin katirsan Teleefishinka Aljazeera kuwaas oo isugu jiray Wariyeyaal iyo muuqaal duubayaal sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Teleefishinkaas oo xogtaan lagu xaqiijiyay.
Anas Shariif, waxa uu ahaa Suxufiga Aljazeera ee xaaladda Magaalada Gaza ugu soo gudbin jiray isaga oo tagi jiray goobaha duqeymaha ka dhacaan, xeryaha ay degen yihiin dadka macluushu heyso iyo meelaha kale ee Yuhuuddu beegsato.
Dilka Anas iyo Howlwadeennadii kale ee shaqo wadaagga la ahayd waxa uu qayb ka yahay beegsiga Israa’iil ee ka dhanka ah Dadka indhaha u ah dhibbanayaasha Falastiin ee soo gudbiya saameynta taban ee ka dhalatay duullaanka iyo Go’doonka Yuhuudda saartay Gaza.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa qiray in dagaalka dhinaca Warbaahinta looga adkaaday, Aljazeera ayaa si joogta ah usoo bandhigtay khasaaraha gaara dhinaca Yuhuudda, weerarrada lagu beegsado iyo tacadiga kale ee reer Gaza ka dhanka ah.
Xukuumadda Netanyahu ayaa horay u qaadday tallaabooyin ka dhan ah Teleefishinka Aljazeera si ay xirtay xarumo muhiim ah, askar si toos ah u gashay gudaha xarumahaas iyo Suxufiyiin ay ku dishay weerarro bareer ah (ula kac ah).
Isniin , 11 August 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo :mustaf cali cadoow
Farsamadii :: Muuse Cali Xeroow
HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO
Axad 10, Aug 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.