Home Blog Page 642

Qorsho lagu tirakoobayo dadka Soomaaliyeed oo la gaarsiinayo dalka oo dhan.

Axad 10,August 2025 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soosaartay waxa ay uga hadashay muhiimadda uu leeyahay adeegga Dad-dhigista iyo tirakoobka madaniga iyada oo la adeegsanayo hab casriga ah.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in 10ka Agoosto loo asteeyay  in Afrika ay xusuusatayo maalintaan loo gaarka yeelay in lagu ogaado raadinta xuquuqda Dadka degen meelaha fogfog ee aan marin nidaamka dad-dhigista iyo tirakoobka.

Maalintaan waxaa la asteeyay 10kii Agoosto sanadkii 2018 kaddib shirweynihii 32aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika maadaama ay jiraan Dad badan oo aanay ku jirin diiwaanka Dowladahooda duruufo isbiirsaday dartood.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka ay ka hirgelisay adeegga dhijitaalka dad-dhigista mideysan kaas oo laga heli karo degmooyin kala duwan si loogu diiwaangeliyo Dhalashada, Guurka, Furiinka & Dhimashada.

Halkaan ka aqriso Warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:

May be an image of text

May be an illustration of text

Lacag laga uruuriyay Gobolka Ohio oo la gaarsiinayo Dadka Awdal

Axad 10,August 2025 {HMC} Magaalada Columbus Gobolka Ohio Dalka Maraykanka waxaa lagu soo gabagabeeyay wajiga 1aad ee dhaqaale uruurinta loogu talagalay in lagu garab istaago qoysaska saameynta taban ku reebtay abaarta ka jirta Gobolka Awdal.

Xubno isugu jiray Culimo, Ganacsato & qaybaha kale ee Bulshada ayaa kulankaan inta uu socday ku bixiyay lacago ay ugu talagalay in ay ku garab istaagaan qoysaska dhibaateysan ee xaaladaha dhinaca nolosha ah wajahaya.

Lacagtaan ayaa la sheegay in lagu dari doonno dhaqaalaha kale ee laga soo uruurinayo Gobollada Kale ee Dalka Maraykanka oo jaaliyadda Soomaaliyeed isku qaybisay sida ay u garab istaagi karaan dadka Abaartu saameynta taban ku reebtay ee Gobolka Awdal.

Waxyaabaha ugu horreeya ee laga caawinayo dadkaan waxaa kamid ah in marka hore loo helo biyo nadiif ah oo ay cabbaan, Xoolaha kooban ee abaarta ugu badbaaday in ay u helaan Bargado ay ka waraabiyaan maadaama uu haraad darran hayo.

Ciidanka Xooga oo Shaaciyay in aay Hoolga Ku Dileen Horjoogyal AS

0

Axad 10,August 2025 {HMC} Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu shaacinayaa in saaka abaare 7:00 subaxnimo howlgal qorsheysan laga fuliyay deegaanka Warta Eey Duure, oo 30 km waqooyi kaga beegan magaalada Xudur, lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Abuukar Cali ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha sare ee Khawaarijta, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay gobolka Bakool. Waqtigan, wuxuu Khawaarijta ugu magacaawnaa madaxa maaliyadda kooxda ee gobolka, sidoo kalena wuxuu ahaa horjoogihii u qaabilsanaa askareynta carruurta yaryar ee si qasab ah loogu daro maleeshiyaadka.

Taliska CXDS wuxuu caddeynayaa in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo bartilmaameed gaar ah lagu qaaday, isla markaana lagu burburiyey shabakad Khawaarij ah oo ka howlgeli jirtay deegaankaas.

{DAAWO MUQAALKA} Waa imisa Tirada Akoonada ay Xayiraada kusoo Roogtay Dowladda Itoobiya.?

0

 Axad 10 Aug 2025 {HMC}  Waa imisa Tirada Akoonada ay Xayiraada kusoo Roogtay Dowladda Itoobiya.?

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Shirka Mucaaradka iyo Madaxda Dowladda oo Furmayo Muqdisho.

0

 Axad 10 Aug 2025 {HMC}  Shirka Mucaaradka iyo Madaxda Dowladda oo Furmayo Muqdisho.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka jira inuu kulan dhaxmaray madxawynaha Kenya iyo madax sare oo ka tirsan AS.?

0
 Axad 10 Aug 2025 {HMC} Maxaa ka jira inuu kulan dhaxmaray madxawynaha Kenya iyo madax sare oo ka tirsan AS.?
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA</https://youtu.be/UZ42oKSwwSg?t=3

{DAAWO MUQAALKA} Banaanbaxyo waa weeyn oo ka dhacay Israa’iil.

0

 Axad 10 Aug 2025 {HMC}  Banaanbaxyo waa weeyn oo ka dhacay Israa’iil.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Dowladda Howlgalo kala Duwan ka wada sh/Hoose.

0

 Axad 10 Aug 2025 {HMC} Ciidamada Dowladda Howlgalo kala Duwan ka wada sh/Hoose.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Banaanbaxyo waa weeyn oo ka dhacay Israa’iil.

0

Axad 10 Aug 2025 {HMC} Banaanbaxyo waa weeyn oo ka dhacay Israa’iil.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

DF & Madasha Samatabixinta oo maanta shir uga furmayo Muqdisho.

Axad 10,August 2025 {HMC} Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka qabsoomo shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah oo xilal kala duwan dalka kasoo qabtay.

Qodobo la xiriira dib u eegista Dowladdu ku sameysay Dastuurka oo Madasha Samatabixinta miiska soo dhigeen halka Dowladda Federaalka ay dhankeeda wadato ajande ah in dhinaca amniga gaar ahaan la dagaalanka ‘AS’ xoogga la saaro si wadajir ah.

Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, waxaa saacadihii u dambeeyay kulamo ay yeesheen xubnaha Madasha Samatabixinta si ay isaga xog-dhageystaan qodobada ay la shirtagayaan & haddii ay waayaan sida ay wax u doonayaan wixii ay sameyn lahaayeen.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa qudhooda kawada hadlay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ mar haddii nabadgalyadu ay laf-dhabar u tahay Doorashada qof iyo codka ah ee Dowladdu shaacisay in ay Dalka ka qabaneyso.