Home Blog Page 654

Khasaaraha ka dhashay Suuq Bacaad oo la baarayo.

Taado 05 August 2025 {HMC}Waxaa socda baaris lagu ogaanayo inta uu gaarsiisan yahay Khasaaraha Hanti ee ka dhashay Dabka saacadaha badan gubayay Suuq Bacaad oo ugu dambeyn xalay waqti dambe lagu guuleystay in la damiyo.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Fargax ayaa tilmaamay in dabkaas uu ka dhashay korontada dishay halka Gabar ee geerideeda la xaqiijiyay, waxa uu u tacsiyeeyay ehelkeeda isaga oo xaqiijiyay in aanay jirin qof kale oo waxyeello kasoo gaartay.

Ibraahim Muuse oo kamid ah Ganacsatada Suuq Bacaad ayaa Warbaahinta u sheegay in ay ka gubteen saddex caro iyo Dukaamo kale oo Hooyadiis lahayd, taasi waxa ay muujineysa xadda khasaaraha xooggan ee gaaray ee Qoyskaas.

Kooxaha Dab damiska ayaa isku dayay in ay xakameeyaan dabkaas si uusan ugu faafin qaybaha kala duwan ee Suuq Bacaad maadaama dabayl ay socotay, waxa ay xooggooda isugu geeyeen sidii loo damin lahaa oo ugu dambayn u suuragashay.

Maanta ayaa lagu wadaa in loo xilsaaro guddi ka kooban Ganacsatada Suuq Bacaad si loo qiimeeyo khasaaraha hantida ku gubatay suuqaas, xubnaha guddigaan ayaa la kulmi doonna dadka leh goobahaas gubtay.

La soco wixii kasoo kordha

{DAAWO MUUQAALKA} Israa’iil oo isku Diyaarisay Weeraro culus oo ay ku qaado Qassa.

0

Talaado  05 August 2025 {HMC}Israa’iil oo isku Diyaarisay Weeraro culus oo ay ku qaado Qassa.

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAKA

Ciidamada Jabuuti ee kusugan Jalalaqsi oo baaqay loodiray

Taado 05 August 2025 {HMC} Taliyaha Qeybta 4-aad ee AUSSOM, Kornayl Cabdiraxmaan Rayaale, ayaa kormeer ku tegay ciidamada Jabuuti ee ku sugan degmada Jalalaqsi si uu u qiimeeyo xaaladda amniga ee gobolka Hiiraan.

Kornayl Rayaale ayaa ciidamada ku ammaanay xirfaddooda sare iyo dadaalkooda joogtada ah ee ay ugu jiraan la-dagaallanka kooxda AS , isagoo sidoo kale ku boorriyay inay sii xoojiyaan feejignaanta.

Intii uu safarkiisu socday, Kornayl Rayaale wuxuu kulan la yeeshay mas’uuliyiinta deegaanka, oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi, Nuur Absuge, iyo Taliyaha Ciidamada Degaanka, Kornayl Cabdinasiir Cali.

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray adkeynta iskaashiga amniga iyo horumarinta howlgalka wadajirka ah ee lagu ciribtirayo AS.

Kornayl Rayaale sidoo kale wuxuu booqday Isbitaalka Guud ee Jalalaqsi si uu xog-ogaal ugu noqdo caqabadaha caafimaad iyo bani’aadanimo ee heysta bulshada deegaanka, Ujeeddada booqashadan ayaa ahayd in la baaro fursadaha taageero oo dheeraad ah oo la siin karo dadka deegaanka, iyadoo la eegayo baahiyaha degdegga ah ee ka jira halkaas.

Booqashada Kornayl Rayaale ayaa imaneysa xilli uu socda dadaal xooggan oo wadajir ah oo lagu xasillinayo deegaannada ay saameeyeen colaadaha, iyadoo AUSSOM ay ka go’an tahay in la helo nabad waarta iyo iskaashi u dhexeeya ciidamada, maamulka iyo bulshada rayidka ah.

{DAAWO MUUQAALKA} ”Hantideeydii Majirto hal xabo oo ika Badbaaday”

0

 

HOOS KA DAAWO MUUQAKA 

Growing vegetables in the camps gives Galkayo IDPs new income.

0

Tuesday 5, August 2025 {HMC} Growing vegetables on small plots to eat and sell has given displaced families a new stable source of income in camps in Mudug region.

Seventy displaced households from 11 camps in Harhar, north of the city were selected by Galkayo local government in February to participate in home-gardening skills training.

In May, they began harvesting cucumbers, tomatoes, peppers, watermelons, bananas and cabbages from plots beside their shelters. Most are now making $5-10 a day from local sales, covering their food, education costs, and enabling them to pay off debts.

Darajo Abdi Ali, who lives in Bulonotayo camp with her husband and eight children, is selling vegetables from a small corrugated‑iron stall. Camp dwellers find her prices better than those further away in the city.

“Lunch and breakfast are regular for us now, and in the evening, we cook a light dinner. The family’s life is going well because I used to be a mother who wasn’t with her children most of the time, but now I’m a mother staying at home and cultivating a garden whilst giving full time to my children,” Darajo told Radio Ergo.

Her 30‑square‑metre plot is the first income source the former pastoralist family has controlled since drought killed their herd of 70 goats and 10 cows in Bay Region in 2021.

She has cleared half of an $800 grocery debt and now pays her eldest daughter’s secondary school fees.

“My daughter attends high school; thankfully I can pay for her. Whatever she asks me for, I pay for, like expensive books that teachers require, school uniforms, and transportation fees. I cover those things. Before, when she used to ask me for something, I would feel distressed, but now I don’t worry.”

Darajo hopes to expand the plot and become a full‑time businesswoman. Her husband can’t work because of a chronic illness.

In Mahad‑Alle camp, Maryama Mohamed Ali supports a family of five. She had been travelling eight kilometres into Galkayo to wash clothes and sweep yards, earning small amounts on the days she found work. Ethiopian migrants willing to accept lower pay often took the jobs ahead of her.

The home gardening training has given her new prospects.

“It’s like our eyes were closed and now opened. We have benefited so much from the home gardens. I cook tomatoes and spinach that I picked from my house and watermelon that I picked from my house to eat or make into juice. We have joy, we are feeling blessed! By God, the neighbourhood, the neighbours, and my children are blessed.”

A daily profit of $5-10 allows Maryama to light the cooking fire three times a day, send four children to free primary school meeting costs of uniforms and books, and repay shopkeepers. She has repaid half her $600 debt and bought four goats for $20 each to supply breakfast milk.

“I used to take the bus to town to sweep and wash clothes for people. Now, I tend the garden and sell to whoever wants to buy. I’m sitting at home instead of going out every morning, sweeping and washing clothes for people, and constantly moving around to support the family,” she said. “I will never again think of washing clothes!”

Maryama’s family were pastoralists in Beletweyne in Hiran region, where their livestock died off in the drought in 2019, forcing them into the IDP camps.

The authority’s displacement coordinator, Haruse Osman Dahir, said the gardens were part of a government plan to replace relief hand‑outs with practical skills. They collaborated with Norwegian Refugee Council (NRC) and World Food Programme (WFP) to select the participants for the training.

“They were poor people who showed clear signs of hardship and were very vulnerable. They are people living in internally displaced people camps. Those who benefited were widows whose children were abandoned by their father, those whose relatives died, and those with special needs whose children can’t work,” he said.

NRC and WFP supplied training, tools, seedlings and monthly follow‑up visits. Harvests began in May and participants now rely on their own produce instead of erratic and poorly paid casual labour.

Agricultural officers involved in the scheme say small‑scale farming can free displaced families from chronic poverty if accompanied by knowledge and market access.

{DAAWO MUUQAALKA} Bankiga Dalka itoobiya oo Baarayo Afar shirkadood oo Soomaali ay lee dahay.

0

Talaado  05 August 2025 {HMC}   Bankiga Dalka itoobiya oo Baarayo Afar shirkadood oo Soomaali ay lee dahay.

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAKA 

Soomaaliya oo qorshaynaysa soo saarista lacag cusub oo Shilin ah.

0

Taado 05 August 2025 {HMC} Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay qorshaynayso inay soo saarto lacag cusub oo Shilin Soomaali ah oo la daabacayo. Qorshahan ayaa qayb ka ah dib-u-habeynta dhaqaalaha ee socda, waxaana taageeraya Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa ku dhawaaqay arrintan isagoo ka jawaabayay su’aalo uga yimid warbaahinta dowladda kaddib shir sanadeedkii siyaasadda dhaqaalaha oo uu Bankigu ku qabtay magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in qorshaha lacagta cusub uu weli ku jiro marxaladaha farsamo ee hore, ayna shaacin doonaan faahfaahinta marka diyaar garowgu dhammaado.

“Dowladdu waxay wadataa qorshe ay ku soo saareyso lacag cusub,” ayuu yiri Guddoomiyaha, isagoo intaa raaciyay in faahfaahin dheeraad ah laga sugayo marka geeddi-socodku soo dhamaado.

IMF ayaa sidoo kale war-saxaafadeed ay soo saartay 9-kii Luulyo 2025, kadib markii guddiga fulinta ee IMF uu soo gabagabeeyay dib u eegistii saddexaad ee barnaamijka ECF ee Soomaaliya, ku sheegtay inay ogtahay qorshaha dowladda.

“Mas’uuliyiintu waxay sii wadeen dadaalladooda dib-u-habeynta inkastoo ay jireen caqabado gudaha iyo dibaddaba. Waa muhiim in si taxadar leh loo sii wado geeddi-socodka dib-u-soo-celinta Shilin Soomaaliga iyadoo la adeegsanayo habka currency board,” ayuu yiri Nigel Clarke, ku-xigeenka Agaasimaha IMF iyo Guddoomiyaha shirarka guddiga.

IMF ayaa ballanqaaday inay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku taageeri doonto dhanka farsamada, gaar ahaan naqshadeynta lacagta, horumarinta siyaasadda lacageed iyo kor u qaadidda ka qeybgalka dadka ee nidaamka maaliyadeed.

IMF waxa kale oo ay xaqiijisay taageerada ay u hayso qorshaha dowladda ee ku aaddan dib-u-soo-celinta Shilin Soomaaliga iyadoo la raacayo nidaamka “currency board”, taas oo micnaheedu yahay in lacag kasta oo la daabaco ay khasab tahay inay la siman tahay kaydka lacagaha qalaad ee dalka yaalla.

Soomaaliya ma aysan daabicin lacag rasmi ah muddo ka badan 30 sano, tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991.

Maanta, dhaqaalaha intiisa badan wuxuu ku shaqeeyaa doolarka Mareykanka iyo lacagaha taleefanka gacanta, halka Shilin Soomaaligii jira uu noqday mid duugoobay ama been abuur ah.

Khasaaraha Dabkii Suuq Bacaad oo la baarayo.

0

Taado 05 August 2025 {HMC} Waxaa socda baaris lagu ogaanayo inta uu gaarsiisan yahay Khasaaraha Hanti ee ka dhashay Dabka saacadaha badan gubayay Suuq Bacaad oo ugu dambeyn xalay waqti dambe lagu guuleystay in la damiyo.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Fargax ayaa tilmaamay in dabkaas uu ka dhashay korontada dishay halka Gabar ee geerideeda la xaqiijiyay, waxa uu u tacsiyeeyay ehelkeeda isaga oo xaqiijiyay in aanay jirin qof kale oo waxyeello kasoo gaartay.

Ibraahim Muuse oo kamid ah Ganacsatada Suuq Bacaad ayaa Warbaahinta u sheegay in ay ka gubteen saddex caro iyo Dukaamo kale oo Hooyadiis lahayd, taasi waxa ay muujineysa xadda khasaaraha xooggan ee gaaray ee Qoyskaas.

Kooxaha Dab damiska ayaa isku dayay in ay xakameeyaan dabkaas si uusan ugu faafin qaybaha kala duwan ee Suuq Bacaad maadaama dabayl ay socotay, waxa ay xooggooda isugu geeyeen sidii loo damin lahaa oo ugu dambayn u suuragashay.

Maanta ayaa lagu wadaa in loo xilsaaro guddi ka kooban Ganacsatada Suuq Bacaad si loo qiimeeyo khasaaraha hantida ku gubatay suuqaas, xubnaha guddigaan ayaa la kulmi doonna dadka leh goobahaas gubtay.

Elon Musk oo ku dhowaaqay barnaamij wax badan kusoo kordhinaya Soomaaliya.

0

Taado 05 August 2025 {HMC} Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay dalalka laga heli karo adeegga internet-ka xawaaraha sare leh ee la mariyo dayax-gacmeedka, kadib markii Elon Musk iyo shirkaddiisa Starlink ay ku dhawaaqeen in adeegga uu hadda ka shaqeynayo guud ahaan dalka.

“Starlink hadda waa laga heli karaa Soomaaliya!” ayuu Musk ku qoray bartiisa X (horey loogu yiqiin Twitter), isagoo la-wadaagay khariidad muujinaysa in adeegga laga heli karo dhammaan gobollada Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Boosaaso, iyo Gaalkacyo.

Shirkadda Starlink, oo hoos tagta SpaceX ee uu leeyahay Elon Musk, ayaa iyaduna xaqiijisay arrinta: “Adeegga internet-ka xawaaraha sare leh ee Starlink ayaa hadda laga heli karaa Soomaaliya.” Qoraalku wuxuu la socday xiriir toos ah oo loogu talagalay macaamiisha Soomaaliyeed: starlink.com/somalia, halkaas oo laga dalban karo qalabka adeegga.

Hirgelinta adeeggan ayaa timid kadib markii 13-kii Abriil, 2025, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya (NCA) ay si rasmi ah shatiga isgaarsiinta u siisay Starlink, taasoo shirkadda u oggolaanaysa inay si buuxda uga howl-gasho dalka.

Shatigan waxaa lagu guddoonsiiyay xaflad ka dhacday caasimadda Muqdisho, taasoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka iyo wakiillo ka socday Starlink. Munaasabaddaasi waxay ahayd tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ballaarinta adeegga internet-ka ee dalka, gaar ahaan meelaha fogfog iyo deegaanada aan weli haysan helitaan tayo leh.

Shirkadda Starlink waxaa munaasabadda ku matalay Ryan Goodnight, Agaasimaha Sare ee Suuq-gaynta, iyo Micaela Pawlak, Maareeyaha Suuq-galka, kuwaasoo labaduba caddeeyay in shirkaddu ay ka go’an tahay inay internet-ka dayax-gacmeedka ah gaarsiiso dhammaan Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee NCA, Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in imaanshaha Starlink uu kaalin ka qaadanayo dadaallada qaranka ee lagu doonayo in internet-ku gaaro shacabka oo dhan. “Waxaan filaynaa in adeeggan uu si gaar ah uga faa’iideeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, ganacsiyada, iyo hay’adaha dowladda meelaha aan horey u gaarsiisneyn isgaarsiinta casriga ah,” ayuu yiri.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda, Maxamed Aadan Macallin, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Starlink, isagoo ku tilmaamay mid waafaqsan yoolka dowladda ee horumarinta tiknoolojiyadda. “Aad baan ugu faraxsanahay inaan dalka ku soo dhawayno Starlink. Tani waxay taageeraysaa yoolkeena ah in dhammaan shacabka Soomaaliyeed—meel kasta oo ay joogaan—ay helaan adeeg internet oo raqiis ah oo gaara meelaha fogfog,” ayuu yiri wasiirka.

Soomaaliya hadda waxay ku tiirsan tahay dhowr xarig badeed oo fiber-optic ah kuwaasoo badda hoosteeda mara, kuna xira magaalooyinka xeebaha ah internet-ka caalamiga ah. Balse adeegga cusub ee Starlink ayaa lagu wadaa inuu kaabayaal u noqdo kuwa hadda jira, isagoo gaarsiin doona isku xirka meelaha aan horey u helin.

Khariidadda ay Starlink shaacisay ayaa muujinaysa in guud ahaan dalka laga heli karo adeegga “AVAILABLE,” taasoo micnaheedu yahay in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u dalban karaan adeegsiga bilaa sugaan ama liis sugitaan ah.

Mas’uuliyiinta dowladda iyo khubarada tiknoolojiyadda ayaa rajo ka muujiyay in adeeggani uu kaalin weyn ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah, waxbarashada, caafimaadka, adeegyada dowladda, iyo ganacsiga fog.

Waxaa la filayaa in Starlink ay door muuqda ka qaadato yaraynta farqiga dhanka tiknoolojiyadda ee u dhexeeya gobollada dalka, taasoo sare u qaadi doonta fursadaha horumarineed iyo helitaanka adeeg internet oo loo siman yahay.

{DAAWO MUUQAALKA} Barnaamijka Dhacdooyinka Caalamka 04-08-2025

0

Isniin  04 August 2025 {HMC}   Barnaamijka Dhacdooyinka Caalamka 04-08-2025

 

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAKA