Home Blog Page 661

Trump envoy visits Gaza aid sites as Israel accused of starvation policy

0

Saturday 2,August  2025 {HMC} United States President Donald Trump’s special envoy, Steve Witkoff, has travelled to Gaza to inspect aid distribution as pressure mounts on Israel over its starvation policy in the war-torn Palestinian territory.

Witkoff and Mike Huckabee, the US ambassador to Israel, visited aid distribution sites run by the controversial US- and Israeli-backed GHF on Friday.

Condemnation of Israel is growing over famine in Gaza and reports that more than 1,000 desperately hungry Palestinians have been killed since May at the GHF sites.

The diplomats “spent over five hours inside Gaza”, Witkoff said in a post on X, accompanied by a photo of himself wearing a protective vest and meeting staff at a distribution site.

He added that the purpose of the trip was to “help craft a plan to deliver food and medical aid to the people of Gaza”.

But during Witkoff’s visit, medical sources reported that elsewhere in Gaza, Israeli forces killed at least 36 Palestinians seeking aid, including a 12-year-old boy who was reportedly shot dead while he tried to find food for his family.

“We were hopeful about Witkoff’s visit. We were saying, ‘Thank God, maybe he’ll help, maybe he’ll push for a ceasefire,’” local resident Mahmoud Awad told Al Jazeera.

“But instead, the gunfire increased, and there was even more insistence on killing as many young men and children as possible,” he said. “We were hoping for a ceasefire, but instead a child died. Why did the child die?”

Witkoff’s trip came a day after more than 50 Palestinians were killed in Israeli attacks across the territory and health officials reported the deaths of two more children from starvation.

According to the Gaza Health Ministry, at least 162 people, including 89 children, have died from “famine and malnutrition” since the war began in October 2023.

On Friday, dozens of Palestinians were killed in Israeli attacks across the Strip, hospital sources said. More than 80 people were also injured.

Witkoff met with Israel’s Prime Minister Benjamin Netanyahu shortly after his arrival in the country on Thursday, the Israeli leader’s office said.

Earlier this week, Trump contradicted Netanyahu’s insistence that reports of hunger in Gaza were untrue, with the US leader saying the enclave was experiencing “real starvation”.

The United Nations and independent experts had warned for months that starvation was taking hold in Gaza due to the Israeli military blockade on humanitarian relief, and this week, they said “famine is now unfolding”.

‘War crime’
In a report on Friday, Human Rights Watch (HRW) called Israel’s use of starvation of civilians as a weapon of war a “war crime”.

“Israeli forces are not only deliberately starving Palestinian civilians, but they are now gunning them down almost every day as they desperately seek food for their families,” said Belkis Wille, the group’s associate crisis and conflict director.

“US-backed Israeli forces and private contractors have put in place a flawed, militarised aid distribution system that has turned aid distributions into regular bloodbaths,” she added.

The rights group called on states to press Israel to immediately stop its use of lethal force against Palestinian civilians and lift its restrictions on the entry of aid into Gaza. It also urged the US and Israel to suspend the GHF distribution system.

Speaking to Al Jazeera on Friday, Martin Griffiths, the former under-secretary-general of the UN humanitarian affairs office, said GHF’s aid distribution system has turned into a “catastrophe”.

“They are, in fact, under instructions by [the Israeli military]. All of this is a crime. All of this is a deep betrayal of humanitarian values,” said Griffiths, who is now the director of Mediation Group International.

“I think it’s a catastrophe more than a disappointment,” he added. “I think it’s a great sin. I think it’s a great crime.”

The UN’s rights office in the Palestinian territory said at least 1,373 people have been killed seeking aid in Gaza since May 27, including 105 in the last two days of July.

‘Act quickly’ to prevent mass starvation

Meanwhile, angered by Israel’s denial of aid and ongoing attacks on Gaza’s population, the United Kingdom, Canada and Portugal this week became the latest Western governments to announce plans to recognise a Palestinian state.

Last week, French President Emmanuel Macron said France will recognise Palestine at the UN General Assembly in September, following Spain, Norway and Ireland’s lead.

Some 142 countries out of the 193 members of the UN currently recognise or plan to recognise a Palestinian state.

Following a meeting with Netanyahu in Jerusalem on Thursday, Germany’s Foreign Minister Johann Wadephul said “the humanitarian disaster in Gaza is beyond imagination.

“Here, the Israeli government must act quickly, safely and effectively to provide humanitarian and medical aid to prevent mass starvation from becoming a reality,” he said.

On Friday, Wadephul said Germany would provide another $5.7m in aid for the civilian population in Gaza, giving the money to the UN’s World Food Programme.

Germany’s Bundeswehr armed forces started dropping aid supplies over Gaza, starting with two Luftwaffe flights carrying almost 14 tonnes of supplies, according to the German Federal Ministry of Defence. France also started to airdrop 40 tonnes of humanitarian aid.

“Faced with the absolute urgency, we have just conducted a food airdrop operation in Gaza,” President Emmanuel Macron said on social media platform X on Friday.

“Airdrops are not enough. Israel must open full humanitarian access to address the risk of famine,” he added.

Source Al-Jaziira

Maamulka Puntland oo qiratay inuu Xasan Sheekh kaga guuleystay…

Sabdi 02 Agoosto 2025 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda Puntland, gaar ahaan arrimaha SSC iyo khilaafka kala dhexeeya dowladda Soomaaliya.

Lugatoor ayaa markii ugu horreysay qiray in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay uga guuleysteen arrimaha SSC-Khaatumo, isla markaana aysan fileyn waxa ku dhacay, maadaama haatan dowladda federaalka ay dhistay maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa xusay in dhabaha ay qaadeen reer Laascaanood ay ku noqotay la yaab, waxaana uu dhinaca kale ka horyimid dhismaha maamulka cusub.

“Khaatumo annagaa xoraynay, dhaawacyadii annagaa daaweyney, Dhulbahante hal doollar ma bixin; isma lahayn Xasan Sheekh baa idinka qaadaya, weli lama kala bixin ee talo isugu keen keena, Warsangelina waa PL sax maaha in la sheegto.” ayuu yiri Ilyaas Lugatoor.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in Puntland ay si weyn u garab istaagtay xilliyadda dagaalka SSC, isla markaana ay la gashay dagaaka, una daaweysay dhaawacyadii ugu badnaa, kadib markii la geeyay Garoowe, balse taasi beddalkeeda loo daba maray dowladda federaalka oo uu xilligan khilaaf adag kala dhexeeyo maamulka Puntland.

“2000 oo dhaawac ah oo Garoowe la keenay anaa gacanta ku hayay anaa saxiixay lacagta lagu daaweeyay oo mas’uuliyadda qaaday Dhulbahantane ma bixin, qurbejoogna ma bixin dowladda Puntland-baa bixisay” ayuu sii raaciyay Ilyaas Cismaan Lugatoor

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay Dhulbahante in ay ku abaal dhaceen Puntland oo horay dhiig ugu hurtay, si a u gaaraan guusha ay maanta haystaan.

“Dhulbahante waxaan is lahaa waa talo xun yahay ee waa nasiib badan yahay, balse abaal-baan ka filay abaal la’aan baa ka muuqatay” ayuu markale yiri madaxweyne ku xigeenku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan uu kasii daray khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Garoowe, kaas oo sii xoogeystay markii ay dowladda federaalka ay maamul cusub ka dhistay magaalada Laascaanood, kaas oo ka madax bannaan Puntland iyo Somaliland.

Muungaab oo ku dhowaaqay go’aan cusub ,

Sabdi 02 Agoosto 2025 {HMC}   Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga hirgelinayo inta u dhaxeysa waddada Cabdiqaasim iyo Banaadir ee degmada Hodan ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo farxad-gelinayo shacabka caasimada.

Muungaab ayaa shaaca ka qaaday in todobaadkan maamulka gobolka Banaadir uu qaadayo tallaabo culus oo ay go’aamisay xumuumadda Soomaaliya, taas oo lagu furayo waddooyin badan oo hadda xiran, kuna yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Dhagxaanta waddooyinka yaalla ee aan munaasabka ahayn in laga qaado ayaa loo baahan yahay maalmaha soo socdo waxaa magaaladan ka dhici doona barnaamij ay xukuumadda soo go’aamisay, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha amnigana ay fulinayaan oo ah in waddooyin dhowr ah oo lambar culus ah oo xiran dib loo furi doono” ayuu yiri Muungaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka uu yahay in shacabka loo fududeeyo isku socodka guud ee Muqdisho, maadaama uu haatan soo hagaagay amniga, wax badana laga qabtay.

“Ujeedka waxaa waayay inuu fududaado guud ahaan isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyada oo mar weliba la tixgelinaayo amniga wanaagsan ee caasimada” ayuu sii raaciyay.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka Soomaliyeed, wuxuuna ka codsaday inay garab siiyaan hay’adaha amniga, ayna kala shaqeeyaan nabad-geylada.

“Bulshada caasimada waxaan ugu baaqayaa in ay mar waliba gacan siiyaan hay’adaha amniga, sababtoo ah amniga kaliya qoray laguma sugo shacabka door ayay ku leeyihiin” ayuu mar kale yiri duqa Muqdisho.

Dhanka kale, guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii shacabka dib loogu celin lahaa canshuurta laga qaado, si loo horumariyo adeegyada kala duwan ee bulshada iyo dib u dhiska kaabayaasha, waxa uuna ballan qaaday fulinta dhismaha waddooyin kale oo laga hirgelinaayo Magaalada Muqdisho.

Muungaab ayaa tan iyo markii la magacaabay waday dadaallo horumarineed oo ku aadan caasimada, isaga oo sidoo kale isbeddal wayn ku sameeyay hoggaanka gobolka Banaadir.

Qoysaskii ka barakacay Dagaalkii Baladxaawo oo dib ugu laabanaya guryahooda

Sabdi 02 Agoosto 2025 {HMC}  Magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo oo labadii maalin ee lasoo dhaafay xaaladeedu daganeyd ayaa waxaa dib ugu soo laabanaya guryahooda dadkii ka barakacay dagaaladii qaraara ee labadii todobaad ee lasoo dhaafay ku dhexmarayay gudaha iyo daafaha magaaladaas ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Boqolaal shacab ah ayaa la arkaayay saacadahii lasoo dhaafay, iyagoo dib uga soo laabanaya goobahii ay horay ugu barakaceen oo kala ahaa xadka Mandhera iyo deegaano kale oo ku yaala duuleedka magaalada Baladxaawo.

Qaar ka mid ah qoysaskan dib ugu soo laabtay magaalada Baladxaawo ayaa warbaahinta u sheegay iney si weyn ugu faraxsan yihiin dib ugu soo laabashada guryahoodii ay uga barakaceen dagaalkii ugu dhaceeyay ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.

“Barakac dhibkiisa waxaa garanaya qofkii hoygiisa ka carara, waxaan mudo 10 maalin ah daganeyn dhul banaan oo maalintiina cadceedu laga joogi karin habeenkiina qabow daran u soo dhacayo, waxaana inoo sii dheera cuno la’an biyo la’an, waa Alle mahadiis hadan gurigeygii dib ugu soo noqday” ayuu yiri mid ka mid ah dadka dib ugu soo laabtay gurigiisi Baladxaawo.

Dib u soo laabashada qoysaskaan horay uga cararay dagaaladii ka dhacay Baladxaawo ayaa kusoo aadeysa, iyadoo ciidamada dowladda ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta guud ee degmada Baladxaawo 30-kii bishii lasoo dhaafay ee July, islamarkaana loogu baaqay dadkii barakacay iney dib ugu soo laabtaan guryahooda.

DFS oo soo bandhigtay ciidan loo diyaariyay dib u xureynta degmada Aadan Yabaal

Sabdi 02 Agoosto 2025 {HMC} Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa wada abaabulka qorshe culus oo ay ku dooneyso iney markale dib kula wareegto gacan ku heynta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa deegaanka Garasweyne kula hadlay ciidamadii ugu badnaa oo loo qorsheeyay iney kooxda AS b ka xureeyaan degmada Aadan Yabaal iyo deegaanada kale oo ay ka sugan yihiin Shabeellaha Dhexe.

Ciidankan lagu soo bandhigay deegaanka Garasweyne ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la tilmaamay iney yihiin kuwa aad loo tababaray, islamarkaana ku qalabeysan agab casri ah oo loogu talagalay in lagu fuliyo howlgallo culus ee la xiriira la dagaalamka AS iyo sugidda amniga.

Saraakiisha hoggaamineysa abaabulkaan waxay sheegeen inuu yahay mid qayb ka ah wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda AS , kaasoo looga gol lee yahay in looga xoreeyo dhamaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba ha ahaate howlgalkan ayaa lagu wadaa inuu bilaawdo maalmaha soo socda, waxaana si wadajir ah u fulin doono ciidamada xoogga dalka, kuwa Booliiska iyo xoogaga dadka deegaanka.

Ugu dambeyntii abaabulkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo degmada Aadan Yabaal iyo degmooyin kale oo muhiim ah bilahii lasoo dhaafay kooxda AS si buuxdo ula wareegeen, sida Moqokori iyo Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Puntland oo si adag uga hortimid maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya

Sabdi 02 Agoosto 2025 {HMC} Puntland ayaa si adag uga hortimid maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, oo ay ku midaysan yihiin gobollada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Maxamed (Qaraaje), ayaa ku tilmaamay maamulkan cusub inuu yahay maamul laga leeyahay aragti siyaasadeed oo gaaban, islamarkaana la doonayo in qalalaase iyo isqabqabsi looga dhex abuuro dadka wada degga Sool iyo Sanaag.

“Waa nasiib-darro in la isku dayo in iska horkeeno dadkii dhulkooda si wadajir ah u difaacanayay. Waan arki doonnaa halka uu ka shaqayn karo maamulka laga dhisay Laascaanood. Waligeedba gobolka Sanaag kama talin wax dusha looga keenay,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.

Cabdirisaaq Qaraaje wuxuu xusay in sababtii Puntland horey ugu aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo ay ahayd duruufo dagaal oo markaas jiray, balse xaaladda maanta taagan wuxuu ku tilmaamay duullaan cad oo lagu hayo midnimada Puntland.

Wuxuu eedayn u jeediyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay isku dayayso inay dalka u kala qaybiso gobol gobol, taasoo uu sheegay in ujeeddadeedu tahay in colaad lagu kala dhex abuuro shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka guddoomiyaha ayaa kusoo beegmaya, iyadoo siyaasiyiinta kasoo jeedda gobolka Sanaag ee wax ka dhisay maamulka Waqooyi Bari ay sheegeen inay dhawaan tegidoonaan gobolkaas si uu maamulka cusub uga shaqeeyo degaanadiisa.

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay tahay Sababta Maraykanka u daneynayaa Xiriirka Eretareeya?

0

Sabti 02 Agoosto 2025 {HMC} Maxay tahay Sababta Maraykanka u daneynayaa Xiriirka Eretareeya?

 

 

HOOS KA DAAWO MUUlQAKA

 

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maamulka Maagalada jigjiga oo soo saaray Amar la Xiriira Marka la aasayo Meeydka.

0

Sabti 02 Agoosto 2025 {HMC}  Maamulka Maagalada jigjiga oo soo saaray Amar la Xiriira Marka la aasayo Meeydka.

HOOS KA DAAWO MUUlQAKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa maanta ka cusub xaalada Magaalada Baladxaawo.?

0

Sabti 02 Agoosto 2025 {HMC} Maxaa maanta ka cusub xaalada Magaalada Baladxaawo.?

HOOS KA DAAWO MUUlQAKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay dil ka dhacay Hargeeysa.

0

Sabti 02 Agoosto 2025 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay dil ka dhacay Hargeeysa.

HOOS KA DAAWO MUUlQAKA