Home Blog Page 660

NISA oo howlgal ka dhacay Hiiraan ku dishay Xubno ka tirsan AS .

Sabdi 02 Agoosto 2025 {HMC}  Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaas ayaa lagu beegsaday guri ay ku shirayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta, kuwaas oo ku hawlanaa abaabulka falal wax u dhimaya amniga shacabka deegaanka.

Sida ay sheegtay NISA, howlgalkaasi ayaa waxaa lagu dilay siddeed xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Taliska NISA ma soo bandhigin magacyada iyo sawirada maleeshiyaadka kooxda AS.

Taliska NISA ayaa kordhiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda AS uu ka fulinaya meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda.

Madaxweyne Trump oo warqad u diray madaxwaynaha Eritrea Isayas Afawarq

Sabdi 02 Agoosto 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa warqad u qoray madaxweynaha Eritrea Isayas Afawarqi, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea Yamane Gabremasaqal.

Sida uu Yamane Gabremasqal ku sheegay qoraal uu soo dhigay bogga X, farriinta Trump ee Madaxweynaha july 30,2025 “Washington waxay doonaysaa inay dib u soo celiso xiriirkii ixtiraamka iyo wax dhisida lahaa ee Asmara”

“Xiriirka ku saleysan runta iyo is ixtiraamka ayaa wanaajin doona fursadaha nabadeed ee bariga Afrika iyo Badda Cas,” ayuu yiri sarkaalka Eritrea.

Sida laga soo xigtay Yemen, Trump wuxuu dib u hagaajin doonaa burburka iyo dhibaatooyinka maamulka Biden uu ku abuuray adduunka.

Intii uu ku sugnaa Aqalka Cad, maamulka Joe Biden waxa uu cunaqabatayn ku soo rogay hay’adaha ammaanka Eritrea iyodhinacyadii ku lugta lahaa dagaalka Tigray.

Dhanka kale, maamulka Donald Trump ayaa xayiraad guud oo dhanka fiisaha ah ku soo rogay Eritrea, oo ay ku jiraan 11 dal oo kale, tan iyo bishii hore, iyagoo ku sababeeyay “walaac dhanka ammaanka ah oo qaranka ah.

Wareysi uu siiyay telefishinka Eritrea 19-kii November, ayuu madaxweyne Isayas ku sheegay in dalkiisa uu doonayo in uu xiriir “saaxiibtinimo” la sameeyo Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadaaladii ugu horeeyay ee lagu wanaajin lahaa xiriirka labada dal ay fashilmeen, islamarkaana shaqada ay sii socon doont

Xukun Dil ah oo lagu Riday Askari ka Tirsanaa Ciidanka Booliska.

Sabdi 02 Agoosto 2025 {HMC} Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku dhawaaqday xukun dil ah oo qisaas ah, kaas oo lagu riday Ex-Dable Boolis Bakar Cabdicasiis Maxamed, oo horey uga tirsanaa Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad.

Eedeysanaha ayaa lagu helay dambi ah dil kas ah, kaddib markii uu si bareer ah u toogtay muwaadin muruqmaal ahaa oo lagu magacaabi jiray Marxuum Cali Iskoow Daa’uud. Dilka ayaa dhacay 28-kii bishii June ee sanadkan, agagaarka Masjidka Cali Boolaay ee degmada Waabari. Sida la sheegay, sababta uu u dilay marxuumka waxay ahayd kaliya “Maxaad iisoo fiirisay”.

Isla maalinta uu falka dilka geystay ayuu eedeysanuhu isku dayay inuu baxsado isagoo adeegsanaya mooto Fekon ah, balse waxaa lagu qabtay isla habeenkii degmada Cabdicasiis, kadib hawlgal ay sameeyeen hay’adaha ammaanka.

Baaris dheer oo uu sameeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa horseeday in dacwadda la horgeeyo maxkamadda, waxaana si rasmi ah loo oggolaaday qaadista kiiska 27-kii July 2025.

Garsoorka Maxkamadda oo si buuxda u dhegaystay markhaatiyada iyo caddeymaha la horkeenay ayaa ugu dambeyn ku xukumay Ex-Dable Bakar dil toogasho ah, taas oo ah qisaasta marxuumka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xukunka uu yahay mid cadaaladeed oo waafaqsan shareecada iyo xeerarka ciidamada.

Guddoomiye Aadan Madoobe maanta gaaray Magaalada Baydhabo.

Sabdi 02 Agoosto 2025 {HMC}  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano oo uu hogaaminayo ayaa goordhow soo gaaray Magaaladda Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaaladda Baydhabo kusoo dhoweeyay Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka ee Magaaladda Baydhabo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ka dib shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen xarunta Madaxtooyadda ee Magaaladda Baydhabo ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Dr Cali Siciid Fiqi waxa uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyay Magaaladda Baydhabo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo qeybaha kala duwan bulshada Magaaladda Baydhabo uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo maalmaha soo socda ku sugnaan doona Magaaladda Baydhabo ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uiyiinta Maamulka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Somali refugees in crisis in Dadaab as women’s jobs disappear amid aid cuts.

0

Saturday 2, August 2025 {HMC} Somali women earning a living in traditional house plastering have been put out of work by the shrinking of the overall social economy in Dadaab refugee camps in Kenya.

Khadija Hassan Mohamed earned a living plastering the exterior of houses using a mixture of soil and cow dung for the 14 years she has lived in Dadaab.

It’s a skill she knew from back home in Jamame, Somalia’s Lower Juba region, where they lived off their 12-hectare farm until being forced to flee due to conflict and drought.

However, as fewer houses are being built in the refugee camps due to a general lack of finance, her last job was in April.

Khadija, mother of 11, noted that the few people building preferred to use corrugated iron sheets. She used to earn 10-15,000 Kenya shillings a month, which was sufficient for their basic needs.

“When the work stopped, the family’s situation significantly worsened. There’s no income and the situation is very complicated. I just sit at home; I can’t afford the food we used to cook, and we can’t sustain ourselves. It’s like a heavy burden has fallen on us. When I can’t afford anything and can’t provide, I just sit alone and talk to myself,” Khadja told Radio Ergo’s local reporter.

The 9,000 Kenya shillings cash aid she received monthly from the UN’s World Food Programme (WFP) ended in May. Food rations have also been reduced and the 30 kgs of food she received from WFP barely lasts for two weeks.

Economic hardship in Dadaab means that few people can hire women like Khadija for domestic chores, although she tries to make the odd 3-400 Kenya shillings doing laundry jobs.

“I just wander around the town. If I find laundry work, I do it, and in the evening that’s how I cook for them. If I don’t find any, I rely on God. That’s how we live. Sometimes, after bathing the children, I just put them to sleep. In the morning, without having cooked anything for them, I go look for work again.”

Her husband worked on construction sites but has had no work since the beginning of the year as building is frozen. They are allowed five jerrycans of water daily from a well three kilometres away, where she walks to carry the water back.

Five of her children were expelled from school in June because they could not pay the 400 shillings per child for school supplies.

“The children are without education. They’re just sitting at home. We couldn’t afford it when the children told us, Mum, I don’t have a pen, I don’t have a bag. When we had money, we used to buy those pens, books, and bags for them including uniforms, and everything they needed for their schooling,” Khadija said.

Faduma Abdiqadir Khamis, another traditional house plasterer, was also the main breadwinner for her family of 15, including her five children and six siblings.

“Since my work stopped, my life has severely declined. It was good before but now we have nothing. My children and I just look at each other! We live on cooked food that our relatives give us. Last night and the night before, I didn’t cook anything, and even now I have nothing to cook. They go to bed hungry and wake up hungry,” she told Radio Ergo.

Faduma explained that she had fallen ill due to strenuous work and anxiety. In May, whilst washing clothes for a family one afternoon, she fainted and was taken to the camp hospital. She was diagnosed with high blood pressure and diabetes.

Since then, she has been confined to home, feeling sad when her children cry and she can’t do anything for them.

“I became sick with high blood pressure. I fell sick doing the laundry work. When my sickness worsened, I gave up have to and stay at home,” she said. “My blood pressure is very high. My children and I have given up hope and we have a big problem on that front – no food, no clothes, and no schooling for the children.”

Fadumo’s husband, who worked with a handcart, is also unemployed. Their last food ration from WFP ran out on 9 July, and they have nothing else to cook.

Fadumo’s family also came from Jamame, where they lived off their eight-hectare farm in Bardhere-yarey village. In the three years they’ve been in the refugee camps, the quality of life has been on a downward slide.

They live in an area far from Hagadera camp where the closest well, which has low water levels, is five kilometres away. Her husband fetches three 20-litre jerrycans daily, which is not enough.

Their own makeshift shelter they were helped to build by other camp residents when they arrived in 2022 is in dire need of repair after damaging strong winds, but they lack money for materials.

According to Amina Abdiqadir Ali, head of women’s empowerment with local organisation, Women Lead Steering Committee, 200 women house plasterers had been out of work since the beginning of the year.

She said refugee women and youth were currently facing the worst level of unemployment ever in Dadaab, as contracts with aid organisations had ended, and casual labour jobs had shrunk.

“Women who used to go out at dawn and do manual labour, washing laundry, plastering houses, sweeping yards, or running restaurants, have all stopped. The women who used to plaster houses and wash clothes, their work has stopped as such jobs are no longer found in the camps,” she said.

Amina added that the youth finishing school were jobless, and the cuts in humanitarian aid meant that many families were going without cooking meals.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 2- 8-2025

Sabdi 2 August 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Mustaf Ali Adow \Cabdiqani Cosoble 

Farsamadii ::Ismail abdiqadir

{DAAWO MUUQAALKA} Maxkamadda Ciidamadda oo xukun riday Maanta.

0

Sabti 02 Agoosto 2025 {HMC}  Maxkamadda Ciidamadda oo xukun riday Maanta.

HOOS KA DAAWO MUUlQAKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Muungaab” Todobaadkan waxaan dib u fureeyna Wadooyinka Caasimada ee Xiran.

0

Sabti 02 Agoosto 2025 {HMC} Gudoomiye Muungaab” Todobaadkan waxaan dib u fureeyna Wadooyinka Caasimada ee Xiran.

HOOS KA DAAWO MUUlQAKA

 

Somali government mobilizes troops to retake Aden Yabaal in Middle Shabelle region

0

Saturday 2,August  2025 {HMC} Somali government is preparing to launch a major military offensive to retake Aden Yabaal district in the Middle Shabelle region from Al-Shabaab, as part of the second phase of its ongoing war against the extremist group.

Military officials speaking from Garasweyne village on Saturday confirmed that a significant force comprising Somali National Army (SNA) troops, police units, and mobilized local militia has been assembled for the operation, which is expected to commence in the coming days.

They said the troops involved are “highly trained and equipped with modern weaponry,” and are ready to conduct “serious operations aimed at defeating Al-Shabaab and restoring lasting security.”
“This is part of the second phase of the war against Al-Shabaab, which aims to liberate all areas where they are present in the Middle Shabelle region,” one senior official told reporters.

The strategic mobilization comes after Al-Shabaab regained control of several key areas in central Somalia, including Aden Yabaal in Middle Shabelle and towns like Moqokori and Mahaas in the Hiiraan region.

The upcoming joint operation will rely heavily on local collaboration, with residents playing an essential role in supporting government forces on the ground—a tactic that has proven effective in past campaigns across Hirshabelle State.

Source Hiiraan online

Somali Interior Minister vows support for new Northeast Regional Administration

0

Saturday 2,August  2025 {HMC}  Somali federal government has reaffirmed its support for the newly formed Northeast Somali Regional State, following the conclusion of a landmark state formation conference in Las Anod that officially transitioned the SSC-Khatumo interim administration into a permanent federal member state.

At a government-backed ceremony held in Las Anod on Friday, Minister of Interior, Federal Affairs, and Reconciliation, Ali Yusuf Ali Hoosh, expressed the federal government’s commitment to strengthening the new administration’s capacity to deliver essential services and governance.

Minister Hoosh announced that Mogadishu would step up support through an aid package tailored to meet critical community needs and reinforce the operational capabilities of the nascent regional government. He highlighted the federal government’s central role in the formation of the Northeast Administration, framing the development as a pivotal moment for national unity.
“This collaborative approach is seen as a key strategy to ensure that regional governments have the necessary resources to operate effectively and contribute to the nation’s broader stability,” Minister Hoosh said during his remarks.

He also extended his best wishes to the leadership of the new administration, expressing optimism that it would foster peace and drive development in Somalia’s northeastern regions.

The SSC-Khatumo conference, which concluded Wednesday in Las Anod, brought together elders, politicians, and civil society representatives from across the Sool, Sanaag, and Ayn regions. Participants unanimously agreed to establish a federal member state under the name Northeastern Somali Regional State, with Las Anod designated as its capital.

The gathering formally dissolved the SSC-Khatumo interim administration and ratified a new constitution, cementing the status of the region as part of Somalia’s federal framework. The final declaration emphasized the principle of local ownership, with community-led dialogue resolving long-standing disputes that had previously stymied political consensus.

The creation of the new administration marks a significant shift in the region’s political landscape, especially amid competing claims from Somaliland, which had long asserted authority over the area. The move is expected to heighten federal-local cooperation while posing new challenges for Somalia’s ongoing state-building process.

 

Source Hiiraan online