Home Blog Page 67

{DAAWO MUUQAALKA) Madaxweynne Xasan shiikh iyo Shiikh Shariif oo Kulan gaar ah ku leh Villa Soomaaliya.

0

Qamiis 26 Feb 2026 {HMC}  Madaxweynne Xasan shiikh iyo Shiikh Shariif oo Kulan gaar ah ku leh Villa Soomaaliya.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA) Madaxweyne Trump Oo Digniintii ugu dambeeyay Siiyay Ilhaan Cumar.

0

Qamiis 26 Feb 2026 {HMC} Madaxweyne Trump Oo Digniintii ugu dambeeyay Siiyay Ilhaan Cumar.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA) Israa’iil Oo War Kasoo Saartay Safiirkii Somaliland u Magacaawday.

0

Qamiis 26 Feb 2026 {HMC} Israa’iil Oo War Kasoo Saartay Safiirkii Somaliland u Magacaawday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

DFS ayaa shaaca ka qaadday in ay kahortagtay kiis lagu tahriibinayey dadka Somaliyed .

0

Khamiis 26 Feb 2026 {HMC} Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday inay fashilisay isku day la doonayay in si sharci-darro ah dalka looga saaro gabar yar oo Soomaaliyeed, taas oo qorshuhu ahaa in loo tahriibiyo dalka Liibiya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay in gabadhan laga soo tahriibiyay magaalada Laascaanood, iyadoo ay wehliyaan shakhsiyaad ku lug leh shabakadaha tahriibinta dadka.

Kooxdan ayaa isku dayay inay si khayaano ah ugu sameeyaan dukumintiyo safar si ay u marin-habaabiyaan laamaha amniga, balse feejignaan dheeri ah oo ay muujiyeen saraakiisha socdaalka ayaa horseedday in la fashiliyo qorshahaas.

“Baaritaan iyo hubin qoto dheer oo ay sameeyeen saraakiisheena garoonka ayaa lagu ogaaday in gabadhan da’da yar ay ku jirtay gacanta dad tahriibiyeyaal ah. Waxay isku dayeen inay adeegsadaan dukumintiyo been abuur ah, balse dadaalkeenna ku aaddan ilaalinta muwaadiniinta ayaa ka xoog batay dhagartooda.” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda Socdaalka.

Kiiskan ayaa hadda loo gudbiyay Laanta Baarista Dembiyada ee CID-da, si baaritaan rasmi ah loogu sameeyo dadkii ku lugta lahaa falkan, loona horgeeyo cadaaladda.

Ugu dambeyntii, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku raadjoogto shaqsiyaadka ku lugta leh tahriibinta dadka oo la sheego in ay dano dhaqaale ugu dhaqaaqaan falkaasi.

Maalmihii la soo dhaafay dhalinyarro badan oo Soomaaliyeed ayaa qaab tahriib ah loogu qaadayay dalal ay kamid tahay Liibiya, si ugu sii gudbaan qaaradda Yurub.

Ilhaan Cumar oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha dalka Maraykanka.

0

Khamiis 26 Feb 2026 {HMC}  Madaxweynihii dalka Maraykanka, Donald Trump, ayaa mar kale weerar dhinaca afka ah ku qaaday labada Xildhibaan ee ka tirsan Kongareeska Mareykanka ee kala ah Ilhaan Cumar iyo Rashiida Tlaaib.

Qoraal uu bartiisa Truth Social ku baahiyay ayuu labadaasi Xildhibaan ku baaqay in laga tarxiilo dalka Mareykanka, ka dib markii ay ku sheegay in ay ku xadgudbeen sharciga dalkaasi.

“Markaad eegto Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib, oo xalay si aan la xakameyn karin ugu qaylinayay munaasabaddii quruxda badnayd ee State of the Union, iyadoo la ogyahay inay yihiin siyaasiyiin kharriban oo dalkeenna u xun, waa inaan dib ugu celinnaa halkii ay ka yimaadeen sida ugu dhakhsaha badan.” Ayuu yiri Trump.

Xildhibaannadaan ayaa la arkay iyagoo qeylinaya xilli uu Trump jeedinayay khudbad uu uga hadlayay midnimada Mareykanka iyo guudaaha uu gaarey maamulkaasi.

Ilhan Omar, oo ah Soomaali-Ameerikaan, iyo Rashida Tlaib, oo ah Falastiini-Ameerikaan, ayaa ka mid ah xubnaha ugu codka dheer ee Koongaraska Maraykanka, iyagoo mar walba si adag u dhaleeceeya siyaasadaha Trump, gaar ahaan kuwa la xiriira socdaalka iyo xuquuqda aadanaha.

Maxeey tahay Sababta uu Madaxweynaha Jabuuti u diiday in uu la kulmo Madaxweyne Cirro.?

0

Khamiis 26 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maqaal ku qoray Jeune Afrique isagoo cambaareeyay aqoonsiga ay Somaliland ka heshay Israa’iil. Waxa uu ku sifeeyay arrintan sidan:

“Ujeeddada Israa’iil waa in ay ka faa’iideysato dhulkan iyadoo wadata ujeedo aan nabad ahayn, waxaana la cabsi qabaa in maamulka Somaliland uu wax walba siin doono Netanyahu si uu u helo aqoonsigan.”

Markii wax laga waydiiyay saldhig militari oo ay Israa’iil ka sameysan karto Berbera, Madaxweyne Geelle waxa uu ku jawaabay: “Taasi waa waxa ugu weyn ee laga baqayo.”

Madaxweyne Geelle ayaa intaa ku daray “Imaaraadku waa hormuudka Israa’iil ee gobolka, waxayna ‘iibiyeen’ aqoonsigan, taasoo keentay in Israa’iil ay ka faa’iideysato.

.Imaaraadku waxay khilaaf ka abuuraan Yemen, Suudaan, Soomaaliya, Chad, Libya, iyo meel kasta oo ay ka hawlgalaan. Jabuuti waxay marwalba u dhowdahay Sacuudi Carabiya, oo xitaa waxa ay siisay saldhig militari.”

Sidoo kale, Madaxweyne Geelle ayaa ka hadlay xiriirka Jabuuti iyo Somaliland, gaar ahaan madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo yiri:

“Xiriirku waa qabow. Jabuuti ayaa diiday in ay la kulanto ama telefoon ka qabato Cabdiraxmaan Cirro.

Xadka weli wuu furan yahay, balse duulimaadyadii hawada ee u dhexeeyay Jabuuti iyo Hargeysa waa la hakiyay.

.Falsafada hoggaamiyeyaasha Somaliland muddo 34 sano ah waxaa lagu soo koobay hal war: ‘Haba yaraatee agoonsi aan helno, xitaa haddii ay tahay mid shaydaan.’ Looma baahna in la yiraahdo sidaas, gobolka iyo Soomaaliya in dhib loosoo jiido iskuma raacsana.”

Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka si adag uga horyimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, taasoo ay ku tilmaamtay wax aan la aqbali karin oo ka hor imaanaya midnimada Soomaaliya, axdiga Midowga Afrika, iyo xeerarka caalamiga ah.

Hogaamiyayaasha Yurub oo bilaabay Xiriir toos ah oo in ay la sameystaan Shiinaha kadib dhaqan xumada Trump.

0

Arbaco 25 Feb 2026 {HMC} Dalalka Yurub ayaa bilaabay Xiriir toos ah oo ay la sameynayaan Shiinaha kadib dhaqan xumada Trump.

Ra’iisul wasaaraha Jarmalla, Friedrich Merz ayaa gaaray Shiinaha, wuxuuna maanta wada-hadal lagu xoojinayo xiriirka iyo kalsoonida labada dal uu la yeeshay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, iyadoo Merz uu noqonayo hoggaamiyihii saddexaad oo galbeedka ka socda oo muddo labo bilood gudahood booqanaya Shiinaha,

Dhawaan waxaa sidan oo kale u booqday dalka shiinaha ra’iisul wasaarayaasha wadamada canada iyo Ingiriiska.

Booqashooyinkan is dabajooga ah ayaa ka dhalatay carada ay reer galbeedka ka qaadeen hab dhaqanka Madaxweyne Trump.

Iran oo mar kale ku Celisay in ay Weeraridoonaan Saldhigyada Mareykanka Bariga dhaxe.

0

Arbaco 25 Feb 2026 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda Wadanka  Iiraan, Cabbaas Araghchi ayaa waraysi uu maanta sii daayay wargeyska Indian Today, wuxuu ku sheegay:

“Haddii Mareykanku go’aansado inuu na soo weeraro, saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla gobolka waxay noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah.Annagu uma aragno inay yihiin dhul ay leeyihiin dalalka deriska ah ama waddamada ay ku yaallaan, balse waxaan u aragnaa inay yihiin saldhigyo Mareykan ah.

Markii hore, markii aanu ku qasbanaanay inaan weerarno saldhig Mareykan ah oo ku yaalla Qatar, waxaan ka hor weerarka la xiriiray Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar.Waxaan si cad ugu sheegay in weerarku uusan ahayn mid ka dhan ah Qatar, balse uu yahay mid lagu beegsanayo xarumo Mareykan ah oo ku yaalla dalkaas.Waxaan rabnay inay fahmaan farqigaas.”

Qaramada Midoobay oo cunaqabateyn ku soo rogay afar saraakiil oo ka tirsan RSF.

0

Arbaco 25 Feb 2026 {HMC} Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabateyn ku soo rogay afar saraakiil oo ka tirsan RSF kuwaas oo lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhacay gobolka.

Saraakiisha la saaray cunaqabateynta waa:

1. Cabdulraxiim Xamdaan Daqlo – Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee RSF iyo walaalka hoggaamiyaha RSF.

2. Cali Yacquub Gibril – Taliye sare oo hoggaaminayay howlgalada RSF ee Al-Fashir.
3. Cusmaan Maxamed Xamiid Maxamed – Sarkaal sare oo ka tirsan taliska howlgalada RSF.
4. Cabdullaah Maxamed Xasan – Hoggaamiye sare oo lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha rabshadaha iyo xadgudubyada ka dhacay Darfur.

Cunaqabateyntan ayaa isugu jirta xayiraad safar iyo xayiraad hantida dibadda, iyadoo lagu eedeeyay masuuliyadda xadgudubyo culus oo ka dhan ah rayidka.

Zimbabwe rejects Trump’s $367m funding package.

0

Wed 25 Feb 2026 {HMC} Zimbabwe has turned down a $367-million health funding package from Washington, with the administration of President Emmerson Mnangagwa expressing concerns over its impact on sovereignty and national control.

That package, which could have been the single largest health investment by any international partner in Zimbabwe in recent years, is now off the table.

US Ambassador to Zimbabwe Pamela Tremont also confirmed that negotiations had collapsed, saying Zimbabwean authorities have assured the US that they are prepared to continue the fight against diseases such as HIV, TB and malaria independently.

Local media in Zimbabwe report that the rejection of the controversial US initiative was ordered by President Mnangagwa.

One of the contentious points in the deal is about giving the US access to Zimbabwe’s national health data, including pathogen samples and epidemiological information from Zimbabweans, in exchange for the $367-million funding package.

Zimbabwe’s Herald newspaper quoted Secretary for Information, Publicity and Broadcasting Services Nick Mangwana as saying partnership “must be built on a foundation of mutual respect, transparency, and reciprocal benefit” and that the proposed deal with the US did not meet this “fundamental criteria”.

Transactional diplomacy

Zimbabwean officials also rejected other conditions attached to the agreement. These include giving the US greater access to Zimbabwe’s critical mineral resources.

The southern African country expressed concern that such provisions could give Washington strategic control over sectors vital to Zimbabwe’s long-term economic independence.

While Zimbabwe turns away American funding, many African countries have accepted it, including Nigeria, the continent’s most populous country, and Kenya, which has now suspended its own version of the deal due to a court case against it after concern was raised over granting the US access to sensitive health data.

In total, Washington says sixteen African nations have signed such health deals under Trump’s America First Global Health Strategy, involving about $18.3-billion funding to fight infectious diseases on the continent.

The initiative replaces health programmes previously implemented under USAID, with more focus now on American interest, as part of the Trump administration’s transactional foreign policy.

SOURCE:TRT Afrika and agencies