Arbaco 25 Feb 2026 {HMC} ”AS Maanta Meel kasto oo ay joogaan dhaqaalihii ay heli jireen ayaa ka Cuurya… See more
{DAAWO MUUQAALKA) Wasiir Xasan ‘Maal galin ay heleen AS ayaa shacabkeena lagu Xasuqay, maanta kadib taas ma dhaceeyso’
Arbaco 25 Feb 2026 {HMC} Wasiir Xasan ‘Maal galin ay heleen AS ayaa shacabkeena lagu Xasuqay, maanta kadib taas ma dhaceeyso’
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA)Wasiir Jamaal ”Weey dhamaatay waqtigii AS lacagaha ay ka qaadaan ay ku dhibaateeyn jireen”
Arbaco 25 Feb 2026 {HMC} Wasiir Jamaal ”Weey dhamaatay waqtigii AS lacagaha ay ka qaadaan ay ku dhibaateeyn jireen”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya Caalamka 25-02-2026
Arbaco 25 Feb 2026 {HMC} Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya Caalamka 25-02-2026
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Madaxweynaha Israa’iil oo yimid caasimada Dalka itoobiya
Madaxweynaha Israa’iil oo yimid dal Soomaaliya daris la ah
Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa Arbacada saaka ah yimid magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Waa booqasho rasmi ah oo uu madaxweynaha Israa’iil ku tegay Itoobiya.
Markii uu Madaxweyne Herzog ka degay Gegida diyaaradaha ee Bole International Airport, waxaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gedion Timothewos iyo Wasiiru-dowlaha, Danjire Berhanu Tsegaye.
Warkan oo la soo dhigay bogga Facebook-ga ee wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, ayaa lagu sheegayu in inta uu joogo dalka, Madaxweyne Herzog waxa la filayaa inuu wadahadallo kala la yeesho saraakiil sare oo ka tirsan xukuumadda kuwaas oo la xirriira arrimaha xoojinta xiriirka labada dal.
Baarlamanka oo maanta loo qeybinayo cutubyadii ugu dambeeyay ee Dastuurka.
Xildhibaannada labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho kulan wadajir ah, kaasoo diiradda lagu saarayo soo bandhigida cutubyada 10-aad iyo 11-aad ee Dastuurka dalka.
Kulankan ayaa ka dambeeyay ka doodista iyo dhammaystirka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka, iyadoo maalinta Axadda ee todobaadkaan la soo gabagabeeyay. Hadda waxaa la guda galayaa dhammaystirka labada cutub ee ugu dambeeya ee ka harsan Dastuurka, waxaana la filayaa in ay dhammaadaan dib-u-eegista Dastuurka tan iyo 2012, oo uu soo bandhigi doono Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey u sheegay in dowladdiisa ay dhammeystiri doonto Dastuurka, inkasta oo dadaalladaasi ay la kulmeen caqabado ay ka mid yihiin mucaarad taageersan ka hortagga wax ka beddelka Dastuurka. Kulanka maanta ayaa ka dhacay xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jira Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka, kuwaas oo hore u saameeyay wada-hadaladii siyaasadeed ee dalka.
Kulanka maanta ayaa sidoo kale la filayaa in lagu soo bandhigo Ararta cusub ee Dastuurka, kuwaasoo la jaanqaadaya baahiyaha iyo himilooyinka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana guddiyada xaqiijiyay in cutubyada la soo bandhigi doono ay yihiin kuwo waafaqsan ujeedooyinka iyo mabaadi’da qaranka.
Cutubyada la soo bandhigi doono maanta waxaa ka mid ah:
Cutubka 10aad: Shaqaalaha Rayidka ah.
Cutubka 11aad: Nidaamka Maaliyadda Guud.
Cutubka 12aad: Difaaca iyo Amniga Qaranka.
Cutubka 13aad: Qodobbo Guud.
Sidoo kale, munaasabadda ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa dhammaystirka iyo hirgelinta cutubyadaas, iyadoo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku wargelin doono waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan ansixinta iyo hirgelinta cutubyada.
Masar oo beenisay in ay Itoobiya kala shaqeynayso sida u helili laheed bad
Dowladda Masar ayaa si adag u beenisay warbixin dhowaan uu faafiyay wargeyska The National ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, kaas oo sheegayay in Qaahira ay Itoobiya u soo bandhigtay marin badeed si loogu beddelo tanaasul ay ka samayso muranka Biyo-xidheenka Nile.
Ilo-wareedyo rasmi ah oo ka tirsan xukuumadda Masar ayaa warbixintaas ku tilmaamay mid gebi ahaanba aan sal iyo raad toona lahayn
Masar waxay caddeysay in maamulka iyo amniga Badda Cas ay tahay mas’uuliyad u gaar ah Dalalka Xeebta leh, maadaama uu yahay marin istiraatiiji ah oo si toos ah ugu xiran amniga qaranka ee dalalka xuduudka la leh.
“Ma jiraan dawlado kale (oo aan bad lahayn) oo xaq u leh inay ka qayb qaataan qabanqaabo kasta ama isfaham la xiriira amniga iyo maamulka Badda Cas,” ayay yiraahdeen Saraakiisha ka tirsan Dowladda Masar.
Warbixintii The National ayaa sheegtay in Masar ay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed u soo jeedisay qorshe ay kaga gacan siinayso helitaanka marin badeed iyadoo adeegsanaysa xulafo Afrikaan ah, haddii Itoobiya ay dabacsanaan ka muujiso muranka biyo-xidheenka.
Sidoo kale, wargeyska ayaa sheegay in Masar ay u dirtay Itoobiya digniin dadban oo ah inay adeegsan karto saameynteeda diblomaasiyadeed iyo tan ciidan si ay Itoobiya uga xannibto dekedaha dalalka deriska ah sida Soomaaliya, Suudaan, iyo Jabuuti, haddii ay diiddo dalabkaas.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa mar kale xoojiyay mowqifkan isagoo sheegay in nidaamka gobolka uusan oggolayn in dalalka badda aan lahayn ay soo farageliyaan maamulka biyaha caalamiga ah.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay taagan tahay xiisad gobolka ah oo salka ku haysa heshiis dhex maray Itoobiya iyo maamulka Somaliland, kaas oo Masar ay si adag uga hortagtay, iyadoo garab istaag u muujisay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
{DAAWO MUUQAALKA Baarlamanka Soomaaliya oo kulan aanan caadi eheyn yeelanaya.
Arbaco 25 Feb 2026 {HMC} Baarlamanka Soomaaliya oo kulan aanan caadi eheyn yeelanaya.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Sacuudiga oo Midowga Afrika kala hadlay ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Arbaco 25 Feb 2026 {HMC} Sacuudiga oo Midowga Afrika kala hadlay ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Trump prefers diplomacy with Iran, but vows Tehran will ‘never’ obtain nukes.
Wed 25 Feb 2026 {HMC} President Donald Trump has used his State of the Union address to signal a preference for diplomacy with Iran, even as he maintained a hardline stance against the country’s nuclear ambitions.
Speaking to a joint session of Congress on Tuesday, Trump has confirmed that the United States is currently engaged in active negotiations with Tehran.
“We are in negotiations with Iran, and they want to reach an agreement,” Trump has told lawmakers.
He has stressed that whilst he favours a diplomatic path, his administration remains committed to the longstanding US policy of preventing Tehran from acquiring nuclear capabilities.
“I will never allow the world’s largest funder of terrorism to possess a nuclear weapon,” the President has vowed.
Despite the talk of diplomacy, Trump has used the address to highlight the domestic turmoil within Iran, claiming that “the regime has killed 32,000 protesters” during recent unrest.
He has framed his administration’s “maximum pressure” strategy as the catalyst for bringing Tehran back to the table, asserting that the US is negotiating from a position of unprecedented strength.
“For decades, American policy has been based on not allowing Iran to obtain a nuclear weapon,” Trump has said.
He has noted that whilst the military option remains on the table, a “diplomatic solution” is his preferred outcome to ensure regional stability and national security.
SOURCE:TRT World & Agencies



