Home Blog Page 672

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 29 07 2025

Talaado  29 July 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Roodo  Xuseen/Mustaf Ali

Farsamadii ::Ismail abdiqadir

War ka cusub sarkaalkii iyo askartii lga watay Doolow

Talaado 29, July 2025 {HMC] Ciidamada Itoobiya oo shalay weeraray xerada NISA ee degmada Doolow ayaa watay Taliyihii NISA ee xeradaas, Gaashaanle Saleebaan Gayre iyo dhowr kamid ah askartiisa.

Askarta Itoobiyaanka oo ay wehlinayeen ciidamo daacad u ah guddoomiyaha degmada ayaa hareereeyay xerada ay deggenaayeen ciidamo ka tirsan hay’adda NISA, taas oo suurta-gelisay inay wataan Taliyaha iyo askar dhowr ah oo ku sugnaa xerada.

Sida ay ogaatay hiiraanweyn , Sarkaalka la xiray iyo askartiisa ayaa dib u helay xoriyadoodii, kadib markii ay soo furatay dowladda federaalka oo ayadu xiriir la sameysay saraakiisha Itoobiyaanka.

Taliyaha ayaa muddo kooban ku xirnaa xarun ciidan, waxaana sidoo kale sii deyntiisa ku lug lahaa dadaallo hoose iyo cadaadis siyaasadeed oo ka yimid dhinacyo kala duwan.

Inkastoo si rasmi ah loo ogeyn illaa iyo hadda sababta keentay xariga Taliyaha NISA ee Doolow, waxayna kusoo aadeysa xilli ay gobolkaasi ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, magaalada u dhow ee Beledxaawo, waxaa mar kale ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada federaalka iyo kuwa daacadda u ah Jubaland. Ciidamo gurmad ah oo labada dhinac ah ayaa la arkayay iyagoo ka imaanaya dhinaca Doolow iyo Ceelwaaq, taas oo halis gelinaysa inuu sii xoogeysto iska horimaadku.

Si kastaba, weerarka Itoobiyaanka ku qaadeen xerada NISA ee Doolow ayaa waxa uu galaaftay nolosha laba qof, oo uu ku jiro hal askari oo ka tirsanaa ciidamada federaalka, iyo sidoo kale tiro kale oo dhaawac ah, iyadoo baddina uu burburay hubkii yaalay xeradaasi.

Isku dhaca ka dhacay Doolow ayaa u muuqda inuu xiriir la leeyahay colaad ballaaran oo dib uga soo cusboonaatay gobolka Gedo, taas oo ku saabsan gacan ku haynta gobolka, ayna isku hayaan Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubaland.

{DAAWO MUUQAALKA} Xal laga Gaaray Ciidamo Xertay wadada Gasha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

0
Talaado 29, July 2025 {HMC}  Xal laga Gaaray Ciidamo Xertay wadada Gasha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAKA 

{DAAWO MUUQAALKA} Gurmadyo Ciidan oo Gaaray Baladxaawo iyo Ciidamada Dowladda oo Gudaha u Galay Magaalada.

0
Talaado 29, July 2025 {HMC}   Gurmadyo Ciidan oo Gaaray Baladxaawo iyo Ciidamada Dowladda oo Gudaha u Galay Magaalada.

 

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAKA 

{DAAWO MUUQAALKA} FAAHIN FAAHIN Dagaal Culus oo ka Qarxay Degmada Baladxaawo

0
Talaado 29, July 2025 {HMC} FAAHIN FAAHIN Dagaal Culus oo ka Qarxay Degmada Baladxaawo

 

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAKA 

Ciidan gadoodsan oo xirtay wadooyin kuyaalo Boosaaso

Talaado 29, July 2025 {HMC [=Wararka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in askar gadoodsan ay xirteen wadada gasha Garoonka Diyaaradaha ee magaaladaasi.
Askartan oo kamid ah ciidamada ku dhaawacmay dagaalka ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuraha gobolka Bari ayaa cabanaya in aysan helin daryeelkii ay mudnaayeen.
Maamulka degmada Boosaaso iyo taliska qaybta booliska gobolka Bari ayaa ciidamada u taggay goordhawayd, iyaggoo wada-hadal la yeeshay.
Weli laguma guuleysan in wadadaas la furo, taas oo ah wado muhiim u ah isu-socodka dadka ee magaalada Boosaaso.
Ciidamo badan oo ku dhaawacmay dagaalka ka socda buuraha Caalmiskaad ayaa lagu daryeelaya xarruumaha caafimaadka ee magaalada Boosaaso

Dagaal markale dib uga qarxay Beledxaawo

Talaado 29, July 2025 {HMC Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal mar kale ka qarxay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo laga maqlayo rasaas culus iyo madaafiic.
Goobjoogeyaal ayaa soo sheegaya in tiro madaafiic ah ay ku dhaceen guryo ay deggan yihiin dadka shacabka ah iyo weliba xerada  UK ee ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.
Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka, wallow aan la weli la ogeyn.
Sidoo kale, dadka shacabka ah ayaa ka barakacaya gudaha magaalada Beledxaawo, iyaga oo gaarey deegaanno ay kamid yihiin magaalada Mandheera.
Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco

Nin hubeeysan oo togasho ka fuliyay Mareykanka.

Talaado 29, July 2025 {HMC}Nin hubeysan ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka ku dilay afar qof — oo uu ku jiro sarkaal booliis ka hor inta uusan is toogan. Qof kale ayaa si aad ah u dhaawacmay

Ninka weerarka geystay ayaa dabaq dheer oo ku yaala Park Avenue gudaha u galay isaga oo wata qori, waxaana uu bilaabay toogasho.

Intaa ka dib, wuxuu koray dabaqa soddon iyo soddonaad , halkaas oo uu sidoo kale dhimasho ka geystay.

Booliska ayaa magaciisa ku sheegay Shane Tamura, oo ah 27 jir ka ka soo jeeda magaalada Las Vegas. Baaritaan ayaa socda oo la doonayo in lagu ogaado sababta uu u geystay weerarka.

Taiwan oo war kasosartay hada kasoyeray Shiinaha

Talaado 29, July 2025 {HMC}Xafiiska Wakiilka Taiwan ee Somaliland ayaa soo saaray war uu kaga jawaabayo hadallo iyo eedeymo kasoo yeedhay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, kuwaas oo lagu diidanaa heshiiskii dhawaan dhexmaray Taiwan iyo Somaliland ee ku saabsanaa iskaashiga dhinaca ilaalinta xeebaha.

Qoraal uu baahiyay Xafiiska Taiwan ayaa lagu sheegay in heshiiska cusub uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga badda, isla markaana uu la jaanqaadayo yoolka istiraatiijiga ah ee Somaliland ee ah in laga dhigo xeeb ka madax bannaan saameynta iyo faragelinta dibadda, si loo dhiso dhaqaalaha buluugga ah (Blue Economy).

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in Taiwan ay diyaar u tahay inay sii xoojiso wada-shaqeynta ay la leedahay dalalka sida Maraykanka, UK, Midowga Yurub iyo kuwa gobolka, si loo sugo xasiloonida iyo kala dambeynta caalamiga ah ee ku saleysan xeerarka caalamka.

Taiwan waxay ugu baaqday Dowladda Shiinaha in ay joojiso ficilo ay ku tilmaantay cabudhin  iyo colaad hurin kuwaasi oo ay sheegtay in Shiinuhu ka wado gobolka, iyada oo sheegtay in halkii laga abuuri lahaa colaad, loo baahan yahay in la taageero nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Taiwan waxay  sheegtay in Taiwan iyo Shiinaha aanu midna mid kale xukumin, isla markaana Dowladda Shiinaha (PRC) waligeed aanay xukumin Taiwan xitaa hal ilbidhiqsi. Waxa kale oo lagu xusay in Taiwan ay tahay dal madax-bannaan oo aan marna hoos tagin nidaamka Beijing. Sidaas darteed, dadaallada Shiinaha ee lagu carqaladeynayo iskaashiga u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland ayaa lagu tilmaamay kuwo waxba kama jiraan ah.

Xafiisku wuxuu si gaar ah u iftiimiyay in Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee lambarkiisu yahay 2758 uusan marnaba xusin Taiwan sidii Shiinuhu ku andacooday, isla markaana aan lagu caddeyn in Taiwan ay ka mid tahay Shiinaha. “Qaraarku wuxuu si gaar ah u khuseeyay cidda ku matasha Shiinaha fadhiga Qaramada Midoobay, balse Beijing waxa ay si khaldan ugu fasirtay in uu xoojinayo mabda’a Shiinaha keliya.” Taiwan waxay sheegtay in kaliya dowladda sida dimoqraadi ah loo doortay ee Taiwan ay xaq u leedahay inay matasho shacabka reer Taiwan.

Dalalka G7 ayaa marar badan ku celceliyay diidmada ay ka qabaan isku day kasta oo lagu beddelayo meeqaamka jasiiradda Taiwan — sida in Shiinuhu isticmaalo xoog ama cabsi galin.

Dhanka kale, war kasoo baxay safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, ayaa si adag loogaga horyimid heshiiska badda ee Somaliland iyo Taiwan, iyada oo lagu tilmaamay mid “xadgudub ku ah mabda’a Shiinaha kaliya.” Shiinaha ayaa ku andacooday in heshiiskaasi uu khatar ku yahay midnimada dhuleed ee Shiinaha, isagoo ugu baaqay in la joojiyo.

Somaliland ayaa iyaduna si adag uga jawaabtay eedaynta Shiinaha, waxayna sheegtay in heshiiska badda ee lala galay Taiwan uusan waxba u dhimayn danaha Shiinaha, balse uu yahay iskaashi amni iyo horumarineed. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa xusay in Somaliland ay heshiiska uga dan leedahay in ay xoojiso amaanka xeebaheeda.

Puntland oo gacanta ku dhigay gaari sahay u siday Daacish.

Talaado 29, July 2025 {HMC} Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgal qorsheysan ku qabtay gaari nooca Dhaynta ah oo raashin iyo qalab tamarta cadceedda ah u waday kooxda Daacish ee ku sugan togga Baallde, halkaas oo ay ciidamadu horey uga sameeyeen go’doomin dhinac walba ah.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Biyo Kulule, oo u dhaxeeya magaalada Boosaaso iyo aagga Baallde, iyadoo ciidamada ay sidoo kale gacanta ku dhigeen laba nin oo dhalinyaro ah oo la socday gaariga. Sida lagu sheegay war kooban oo ay soo saareen laamaha amniga, raggan ayaa lagu tuhunsan yahay inay si qarsoodi ah u wadeen sahayda, si ay ugu gaarsiiyaan Daacish meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

 

Wararka laga helay gudaha kooxda Daacish ayaa muujinaya in ay ka dhammaadeen keydkii raashinka iyo dawooyinka, taas oo sababtay in ay sahaydo ka dalbadaan magaalada Boosaaso, xilli ay wajahayaan cadaadis xooggan oo kaga imaanaya ciidanka Puntland.

 

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in xubnaha Daacish haatan isugu urureen saddex aag oo kala ah: Il-Abbal, Yucrin, iyo Maraagade, kuwaas oo dhammaantood ku yaalla togga Baallde, oo 20km u jira magaalada Boosaaso.

Ciidamada Puntland ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan gulufka ka dhanka ah kooxdaasi, si looga ciribtiro dhammaan saldhigyadooda gobolka Bari.