Home Blog Page 681

{DAAWO MUUQAALKA} Cabdirashiid janan ”Asiga oo AS ah oo cilin waayey kismaayo hadane ikama Cilin karo”

0

jumac 25; July 2025 {HMC}  Cabdirashiid janan ”Asiga oo AS ah oo cilin waayey kismaayo hadane ikama Cilin karo”

HOOS KA DAAAWO MUUQAALKA 

Dagaal goordhaw dib uga qarxay magaalada Baladxaawo

Jimco 25 July 2025 {HMC} Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu dib uga qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland oo labadii maalin ee la soo dhaafay isku hor fadhiyay duuleedka magaaladaas.

Ilo ku sugan degmada Baladxaawo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalka uu si rasmi ah uga qarxay agagaarka xerada ciidamada ee lagu magacaabo xero Uk oo ku taala duuleedka Bari ee degmada Baladxaawo.

Xerada lasoo sheegayo inuu agagarkeeda dagaalka uu ka socdo waxaa ku sugan saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Fedaraalka, kuwaas oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan oo horay u soo noqday Wasiirkii amniga Jubbaland.

Dagaalka ayaa lasoo sheegaya inuu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan oo si weyn looga maqlayo deegaanada ku dhadhaw magaalada, walina si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka haatan ka socda agagaarka xerada ciidanka ee xero Uk oo fariisin u aheyd ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Fedaraalka iyo maamulka Jubbaland oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Dagaalkaan ayaa ah mid salka ku haayo loolan la xariira gacan ku heynta iyo maamulida magaalada Baladxaawo, taasoo u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland, kuwaas oo laba maalin ka hor ku dagaalamay gudaha degmadaas, waxaana dagaalkaasi hore ku dhintay ilaa 10 ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo si kulul ugu hadlay Markabka ay Puntland haaysato.

0

jumac 25; July 2025 {HMC}  Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo si kulul ugu hadlay Markabka ay Puntland haaysato.

 

 

 

HOOS KA DAAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH FAAHIN Dagaal ka socda Gobolka Sh/Hoose.

0

jumac 25; July 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Dagaal ka socda Gobolka Sh/Hoose.

 

 

 

HOOS KA DAAAWO MUUQAALKA 

 

Dagaal culus oo ka socda deegaanka Sabiid iyo Caanoole

Jimco 25 July 2025 {HMC}Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in deegaanka Sabiid iyo Caanoole inuu ka socdo dagaal culus oo aroornimadii hore ee saakay ka bilaawday gudaha deegaankaas, kaasoo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dalka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM iyo kuwa AS.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii kooxda AS ay ku qaaday fariisimaha deegaankaasi ay ku leeyihiin ciidamada is garabsanaya weerar ku bilaawday qaraxyo aad u xoogan oo jugtooda laga maqlay deegaano ka fog fog Sabiid iyo Caanoole.

Qaraxyada kadib waxaa labada dhinac wali halkaas ku dhexmaraya dagaalkii ugu cusla ee halkaas ka dhaca sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen dad shacab ah oo ku sugan Sabiid iyo Caanoole.

Waxaa lasoo warinaya khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac inuu ka dhashay dagaalka ka socda gudaha deegaanka Sabiid iyo Caanoole, hayeshee si rasmi ah looma ogaan karo inta uu dhan yahay khasaaraha dagaalkaan oo socda mudo ka badan sadax saacadood oo xiriir ah.

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo ku aadan dagaalka culus ee ka socda gudaha deegaankaas.

Ugu dambeyntii 21-kii bishii lasoo dhaafay ee June ayay aheyd markii deegaankaan  Sabiid iyo Caanoole ay ka xureeyeen maleeshiyaadka AS oo halkaasi mudo gacanta ku haayay.

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.

Dagaalka ka dhax qarxay Thailand iyo Cambodia.

Jimco 25 July 2025 {HMC} Waxaa soo dib u qarxay iska horimaadyo dhanka xuduuddda ah oo u dhexeeya dalalka Thailand iyo Cambodia.

Dhinac walba waxa uu dhinaca kale ku eedeeyay in uu bilaabay isku dhaca ugu dambeeyay iyo dagaalka. Arbacadii, Thailand waxay ku dhawaaqday inay dalkeeda ka cayrinayso safiirka Cambodia.

Sida laga soo xigtay maamulka Thailand, ugu yaraan afar iyo toban qof ayaa la dilay. Tobanaan kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay.

Askari dilal u geestay Ciidan kalle oo gacanta lagu soo dhigay.

0

Jimco 25 July 2025 {HMC} Ciidamada amaanka maamulka Puntaland , ayaa gacanta ku dhigay askari katirsanaa ciidanka maamulkaasi oo subaxnimadii Khamiista magaalada Garowe ku dilay saddex askari oo katirsanaa dowladda hoose ee Garawe, halka afar qof oo kalana dhaawac u geestay.

Askariga ayaa falkan toogashada ah geestay kaddib markii laga soo xiray mooto uu lahaa, waxa uuna falka marka uu geestay kaddib horey usii qaatay qoray uu lahaa mid kamid ah askartii uu dilay iyo gaari uu qof shacab ah kala degay.

Taliska ciidanka booliska Puntland, gaar ahaan qeybta Booliska gobolka Nugaal, ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen eedaysane Cabdiraxmaan Maxamed Ali , kaa oo dil aad looga argagay ka geestay Garowe kana baxsaday falka kaddib laamaha amaanka.

Howlgalka lagu soo qabtay askarigan ayaana qaatay saacado badan, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in eedeysanaha si deg deg ah loo horgeyn doono maxkamadda ciidamada iyo dambiyadda culus

Puntland refuses Somalia and Turkey’s demands to release weaponry on ship.

Friday 25 July 2025 {HMC} he standoff continues between the government of the semi-autonomous region of Puntland and the federal government of Somalia over a cargo ship loaded with Turkish weaponry that is being detained. The government of Puntland insists it is investigating the true ownership of the military hardware on the vessel, rejecting the calls by both the federal government of Somalia and Turkey to release the vessel and its cargo.

The federal government in Mogadishu issued its first public statement on the incident on Wednesday, July 23, five days after the vessel was seized, saying it “categorically denounces the hijacking and aggression against the Sea World vessel.” It said it was demanding the “immediate and unconditional release of the vessel,” while calling the actions of Puntland an “unlawful operation.”

Puntland contends the Sea World (13,000 dwt registered in Comoros) was “loitering for two days” off the coast, raising suspicions. Built in 1977, the vessel has a shadowy past, and Equasis lists both its owners and managers as unknown. Puntland reports it “apprehended” the vessel on July 18, acting on intelligence and fears after a group of young fishermen had already boarded the vessel. Puntland says it took control of the vessel, and after being contacted by Somali traders who claimed ownership of the cargo, it moved the ship to port for an investigation.

In a statement responding to the federal government, Puntland today, July 24, says the situation is “casting doubt on the true ownership of the cargo aboard the vessel. Pictures posted on social media show a variety of trucks and military equipment loaded aboard the vessel. The federal government asserts that the equipment is legal and destined for the TURKSOM Military Training Center operated by Turkey near Mogadishu. It said there is also commercial cargo on the ship owned by Somali traders.

Puntland reports it is looking into reports that some of the small arms on the vessel may have been looted in the port. Media reports show pictures of citizens handling machine guns, rifles, and pistols believed to have been taken from the ship.

“The Puntland Government continues its investigation into the vessel and the rightful ownership of its cargo to ensure that the military equipment does not fall into hands that might threaten Somalia’s security and stability,” a spokesperson for Puntland said in the government’s official statement. Observers note that the autonomous state and the federal government have been at odds, and this detention of the ship is likely politically motivated.

 

The Maritime Executive

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio HIiraanweyn 25 07 2025 

Jimco, 25 Jully 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo : Yasiin Ali Ahmed

Farsamadii :: Muuse Cali Xeroow

         HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO

Goormaa ayuu Faransiiska Dowlad u aqoonsanayaa Falastiin?

0

Jimco 25 July 2025 {HMC} Madaxweyne Emmanuel Macron ee Faransiiska ayaa ku dhawaaqay go’aan adag oo ay ku aqoonsan doonaan Dowladda Falastiin, tillaabadaasi oo ay ka caroodeen Mareykanka iyo Israa’iil.

Macron wuxuu sheegay in go’aanka aqoonsiga Falastiin ay kaga dhawaaqi doonaan kal fadhiga Guud ee Qaramada Midoobay ee bisha Sebtember.

Madaxweynaha Macron ayaa ku dooday in go’aankaasi uu la jaanqaadayo mowqifkooda cadaalad iyo nabad waarta oo ka hana qaadda Bariga Dhexe.

Go’aanka Faransiiska ayaa la micno ah in mid ka mid ah xulafada ugu dhow ee Israa’iil isla markaana ka tirsan dalalka awoodda leh ee G7 uu si cad u jebiyay mowqifka reer Galbeedka ee aan taageerin aqoonsiga Falastiin.

Inkastoo in ka badan 142 dal oo ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay aqoonsadeen ama ay wadaan qorshaha, haddana dalalka awoodda leh sida Maraykanka, UK iyo Jarmalka ayaa weli ka caga-jiidaya.

Dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ee Norway, Ireland iyo Spain ayaa bishii May shaaciyay inay bilaabeen geeddi-socodka aqoonsiga Falastiin, hase yeeshee Faransiiska ayaa noqonaya dalka ugu miisaanka culus ee Yurub ee qaada tallaabadaas.

Dhanka kale, dowladda Maraykanka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Donald Trump ayaa ka carrootay go’aanka Faransiiska, iyaga oo aan ka qeybgali doonin shir ay Qaramada Midoobay qorshaynayso oo ku saabsan xal laba-dowladood ah oo ay noqdaan Falastiin iyo Israa’iil.