Home Blog Page 684

Waa Kuma Ninkani aay Dowladda Federaalka u xilsaartay gobolka Gedo?

KHAMIIS, 24 Jully 2025 {HMC} Maalmihii la soo dhaafay waxaa gobolka Gedo ka taagnayd xiisad u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland, oo xiriirkoodu horey u ahaa mid aan wanaagsanayn.

Xiisaddan ayaa isku beddeshay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac, kadib markii diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah oo sida wafdi uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ay gaareen magaalada Beledxaawo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cabdirashiid Janan u magacowday Madaxa ciidamada NISA ee gobolka Gedo, isaga oo qaabilsanaan doona xasilinta gobolkaasi.

Haddaba waa kuma Cabdirashiid Janan?

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo ku magac dheer Cabdirashiid Janan waxaa uu ku dhashay deegaan ku yaalla duleedka degmada Doolow oo lagu magacaabo Geedwayne. Cabdirashiid ayaa sidoo kale barbaarnimadiisii ku soo qaatay isla deegaanka Geedwayne ee waqooyiga gobolka Gedo.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa la sheegaa in bilowgii 1995-kii uu ku biiray dagaalyahannada ururkii Al-Itixaad Al-Islaami, oo markaas ka arriminayay deegaannada gobolka Gedo. Cabdirashiid Janan ayaa ka qayb qaatay dagaallo uu ururka Al-Itixaad Al-Islaami deegaannadaas kula galay ciidamada Itoobiya.

Kadib markii Itoobiya ay la wareegtay gobolka Gedo sanadkii 1996-kii, Cabdirashiid Janan ayaa heshiis la galay jabhad la oran jiray SNF, oo gacansaar la lahayd ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa gobolka Gedo, una hoggaamin jiray Korneel Cumar Xaaji Masalle.

Ku biiridda jabhadda SNF ee Cabdirashiid Janan ayaa dhalisay isfaham dhex maray isaga iyo saraakiishii hoggaaminaysay ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa deegaannada gobolka Gedo. Taasoo Cabdirashiid dhalacsiisay in sannadkii 2009-kii uu noqdo guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Cabdirashiid Janan ayaa hore loogu tilmaami jiray gacanta midig ee madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), isagoo horay usoo noqday wasiirka amniga ee maamulka Jubbaland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 31-da bishii August sanadkii 2019-ka Cabdirashiid Janan ku xirtay magaalada Muqdisho, iyadoo dowladdu ay ku eedaysay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Dhowr bilood oo uu dowladda Soomaaliya u xirnaa Cabdirashiid Janan ayaa xabsiga ka baxsaday 28-da bishii January 2020-ka, iyadoo la sheegay in uu doon ku tagay magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubbaland.

Hay’adaha xuquuqul insaanka oo ay ka mid tahay Amnesty International ayaa sidoo kale Cabdirashiid Janan ku eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo uu ka gaystay gobolka Gedo.

Sanadkii 2017-kii, guddi u xilsaarnaa cunaqabataynta Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa Cabdirashiid Janan ku eedeeyay in uu gaystay xadgudubyo dambiyo ah, waxaana lagu eedeeyay in uu is hortaagay kaalmo bini’aadantinimo oo loo waday dad rayid ah oo u baahnaa intii u dhaxaysay sanadihii 2014-kii iyo 2017-kii.

Gobolka Gedo ayaa markale noqday xudunta khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, iyadoo sidaan oo kale ay ugu dagaalameen gobolka Gedo xukuumaddii faderaalka ee uu hugaaminayay madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Dagaalkii u dambeeyay ee shalay ka dhacay magaaladaasi ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyada oo Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland eedo is weydaarsadeen.

Askari katirsan ciidanka Puntland oo Garowe ku dilay Labo Qof

KHAMIIS, 24 Jully 2025 {HMC} – Ugu yaraan labo qof oo ka mid ahaa shaqaalaha ilaalada canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Garowe ayaa lagu dilay magaalada Garowe, halka saddex kale ay dhaawacyo culus soo gaareen, kadib markii askari ka tirsan ciidamada amniga Puntland uu rasaas ku furay gaari nooca Brobax ah oo ay la socdeen.

Falkan ayaa dhacay kaddib markii sida la sheegay askariga falkan geystay uu ka carooday mooto Bajaaj uu lahaa, taasoo ay ciidmada Dowladda Hoose u xareeyeen canshuuro lagu lahaa. Sida la xaqiijiyay, rasaasta uu furay askariga ayaa sababtay dhimashada darawalkii gaariga waday iyo hal askari oo la socday.

Eedeysanaha ayaa la xaqiijiyay inuu ka tirsanaa guutada Goodir ee ciidamada Daarawiishta Puntland, wuxuuna ka baxsaday goobta falka uu ka dhacay. Laamaha amniga Puntland ayaa hadda wada howlgallo lagu raadinayo.

Sida ay sheegeen ilo caafimaad, qaar ka mid ah askarta dhaawacantay ayaa qaba dhaawacyo halis ah, kuwaas oo hadda lagu dabiibayo isbitaallada magaalada Garowe.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan dambiyada amniga lidka ku ah ee ka dhaca magaalada Garowe waxaa si toos ah ama dadban ugu lug yeesha askarta.

 

Mucaaraadka oo ka Gaabsaday ineey ka hadlaan Markabkii Puntland Qabatay

KHAMIIS, 24 Jully 2025 {HMC} Mucaaradka dowladda oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore iyo Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka ayaa dhaliil kala kulmay bulshada, ka gadaal markii ay ka gaabsadeen ka hadalka Markabkii siday Hubka ee ay gacanta ku dhigeen ciidamada Puntland July 18, 2025.

Warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa maamulka Puntland ku eedaysay in ay afduubteen Markab lagu magacaabo MV SEA WORLD kaas oo siday shixnad ciidan, oo ay leeyihiin ciidamada Turkiga iyo Ganacsato Soomaaliyeed.

Maamul Gobaleedka Puntland oo ka hadlay warka ka soo baxay dowladda dhexe ayaa qaadacay, iyaga oo sheegay in Markabka siday saanad ciidan, ay ciidamada Puntland ka qabteen Xeebta Bareedo, ka gadaal markii ay ugu tageen Markabka oo dul saaran ciidamo Maleeshiyaad ah.

Dowladda Soomaaliya oo falka ay ku gacday Puntland ku sifaysay mid ka hor imaanaya qarannimada iyo midnimada ayaa dhanka kale waxaa jiray gaabis iyo dhaliil loo jeediyay mucaaradka dowladda, oo laga sugayay ka hadalka dhacdadaan oo bulshada dhexdeeda hadal hayn ka abuurtay.

Mucaaradka oo lagu yiqiinay ka hadalka khilaafka iyo arrimaha siyaasadeed ee soo kala dhexgala dowladda dhexe iyo maamul gobaleedyada ayaa hadda u muuqda kuwa sii guranaya.

Qabsashaday Markabka ka dib dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Gedo waxa ay u dirtay Cabdirashiid Janan oo ku magacaaban Taliyaha NISA ee gobolkaas, kaas oo dagaal kula galay magaalada Beledxaawo ciidamada maamulka Jubbaland.

Falkaan ayaa mucaaradka waxa ay ku sheegeen in ay ka xunyihiin, iyaga oo dowladda Soomaaliya ku dhaliilay tallaabadaan oo ay ku sifeeyeen in ay fursad siinayso cadowga ummadda Soomaaliyeed, ka dib warsaxaafadeed ay soo saareen July 22, 2025.

Talihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa mucaaradka ku dhaliilay sida ay uga gaabsadeen ka hadalka dhacdadaan, isaga oo yiri, “Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, si sahal ah waraaqo wey u soo saari karaan marka ay kasbanayaan dareenka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, laakiin way ka aamusayaan marka Dowladda Federaalka laga gardaran yahay. Waa muhiim inay muujiyaan dareen qarannimo, ayna Dowladda Federaalka garab istaagaan marka la afduubanayo hanti ay Dowladda Federaalka si sharci ah ku fasaxday.”

Dhacdadaan ayaa mucaaradka hor dhigtay waydiimo dhawr ah, waxaana weli bulshada sugayaan go’aankooda ku aadan Markabka ay gacanta ku dhigeen ciidamada Puntland.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn 24 07 2025

0

KHAMIIS, 24 Jully 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo : Mustaf Cali Caddow

Farsamadii :: Muuse Cali Xeroow

HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO

Tanzania police seize boat transporting illegal drugs from Kenya

Wednesday 23, July 2025 {HMC} The Tanga Regional Police Force in Tanzania has seized a boat from Kenya which was transporting outlawed drugs in the country.

Authorities in Tanzania said that the boat was transporting khat “mirungi” from Kenya through the Indian Ocean in the Mawe Mawili area, Kwale Village on the border of Mkinga District and Tanga City.

Tanga Regional Police Commander, ACP Almachius Mchunguzi said the white fibre boat was seized by the Marine Police Force following intelligence reports and extensive monitoring of the methods used by smugglers.

Although the two suspects on board the boat escaped when they reached the shore, the boat and its cargo of khat have been seized and placed under police custody.

Commander Mchunguzi said the Tanga Regional Police Force will continue to strengthen patrols and special operations in maritime areas which are often used as a route for smuggling illegal goods from neighbouring countries.

Tanga Regional Police Force Commander speaks after boat from Kenya is seized
He has also urged citizens to cooperate with state agencies by providing early information on any indicators of crime, especially those related to the illegal drug trade, to protect society and strengthen national security.

Khat is a type of drug derived from a plant called “Catha edulis” which contains the chemicals cathinone and cathine, which increase the speed of the functioning of the nervous system.

The drug is known by the names gomba, veve, miraa, kangeta, mugokaa, colombo, asili, mbaga, alenle, and jaba among others.

It has been used since ancient times in the countries of the Horn of Africa, especially Ethiopia, Eritrea, Kenya, Somalia and the Arabian Peninsula in Yemen.

Khat is mostly used in gatherings that include mostly men although in recent years women have joined the use.

Khat in Tanzania

The drug thrives and is found in abundance in the Kilimanjaro-Same, Tanga-Lushoto and Arusha Mt. Meru regions in Tanzania. It is, however, classified as illegal in the country.

According to the Tanzanian Drug Control and Enforcement Authority (DCEA), a large amount of khat is imported into the country illegally from neighbouring Kenya, where it is a legal commercial crop.

Any involvement with khat (growing, selling, storing, using, etc.) in the country is a criminal offence and is punishable by up to life imprisonment.

The World Health Organization (WHO) lists khat as a drug that creates “dependence” in people, meaning it produces a continuing desire to keep using it.

Some European countries that previously allowed the use of khat have begun to outlaw it after seeing its side effects. It is also banned in countries like the United States and Canada.


by Jason Ndunyu
Wednesday July 23, 2025

Federal government accuses Jubbaland leader of orchestrating deadly clash Beled Hawo town

Wednesday July 23, 2025 {HMC} Somalia’s Ministry of Internal Security has accused Jubbaland regional leader Ahmed Mohamed Islam, widely known as Ahmed Madobe, of orchestrating a deadly attack against federal forces in the contested town of Beled Hawo, in the Gedo region, on Tuesday.

In a statement, the ministry condemned what it called a “criminal act” committed by forces loyal to Ahmed Madobe, claiming they launched a coordinated assault on federal army camps and public service centers.

“The Ministry of Internal Security of the Federal Government of Somalia regrets and strongly condemns the criminal act committed by the accused Ahmed Mohamed Islam in Beled Hawo, where militias under his command brutally attacked the offices of national security agencies and the Somali National Army,” the statement said.

Targets reportedly included the Immigration and Nationality Agency office and military camps housing government troops. The ministry vowed that all individuals involved in the attack would be held accountable and brought to justice.

The violence erupted after the federal government deployed Abdirashid Janan—a controversial former Jubbaland security minister—as the new regional intelligence chief for Gedo. Janan arrived Tuesday morning aboard a military helicopter from Mogadishu, escorted by senior Somali army officers and reinforcements.

His appointment immediately triggered a backlash from Jubbaland-aligned forces, who oppose federal control over the Gedo region, a strategically important area bordering Kenya and Ethiopia.

Heavy fighting broke out shortly after Janan’s arrival, with Jubbaland forces claiming they had recaptured the district headquarters and surrounding areas. According to a statement from Jubbaland’s state-run media, several pro-federal fighters were captured during the clashes, and Janan had fled the town and was being pursued.

At least five soldiers were reportedly killed, and dozens of others—including civilians—were wounded in the fighting, though exact casualty figures remain unconfirmed due to restricted access in the area.

The confrontation highlights the deep and ongoing tensions between Somalia’s federal government and the Jubbaland administration, particularly over political and security control of Gedo, a region at the heart of their longstanding power struggle.

Somalia, Switzerland sign agreement to strengthen immigration services and security

Wednesday July 23, 2025 {HMC} Somalia’s Immigration and Citizenship Agency (ICA) and Switzerland’s State Secretariat for Migration (SEM) have signed a new cooperation agreement to improve immigration services and enhancing border security systems.

The agreement was signed by ICA Director General Mustafa Duhulow, who is currently on an official visit to Switzerland. The signing followed a series of high-level meetings with Swiss officials from the ministries of justice and foreign affairs, as well as technical experts in immigration and border management.

The agreement focuses on modernizing Somalia’s immigration infrastructure, building the capacity of ICA personnel, and enhancing the security, integrity, and international recognition of the Somali passport.

“This is a results-oriented partnership that will significantly improve the quality and credibility of Somalia’s immigration services,” said Director General Duhulow during the signing ceremony.

As part of the visit, the Somali delegation toured Swiss land borders and international airports to observe the application of advanced technologies in border control operations.

Officials say the collaboration will contribute to Somalia’s broader national security goals, improve the efficiency of immigration procedures, and boost global confidence in Somali travel documents.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya Caalamka 23 07 2025

0

Arbaco, 23 July 2025 {HMC } Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 23/07/2025

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} puntland Oo Shaacisay in markabka hubka siday uu xalaal u yahay kadib warkii DFS Kasoo baxay.

0

Arbaco,23  July 2025 {HMC}  puntland Oo Shaacisay in markabka hubka siday uu xalaal u yahay kadib warkii DFS Kasoo baxay.

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xiisad ka taagan Baladxaawo iyo Madaxweyne ku xigeenka Jubbland oo Gaaay .

0

Arbaco,23  July 2025 {HMC} Xiisad ka taagan Baladxaawo iyo Madaxweyne ku xigeenka Jubbland oo Gaaay

HOOS KA DAAWO MUUQALKA