Arbaco,23 July 2025 {HMC} Xiisad ka taagan Baladxaawo iyo Madaxweyne ku xigeenka Jubbland oo Gaaay .
HOOS KA DAAWO MUUQALKA
Arbaco,23 July 2025 {HMC} Xiisad ka taagan Baladxaawo iyo Madaxweyne ku xigeenka Jubbland oo Gaaay .
HOOS KA DAAWO MUUQALKA
Arbaco,23 July 2025 {HMC}Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Markabkii hubka ay la wareegtay Puntland.
HOOS KA DAAWO MUUQALKA
Arbaco,23 July 2025 {HMC} Gumeeyso waan diidnay xurnimo ayaan u dhaqaaqnay hada Waxii ka dambeeyo
HOOS KA DAAWO MUUQALKA
Arbaco,23 July 2025 {HMC}fAAH fAAHIN:.Jubbland oo Ciidamo farabadan Baladxaawo Geeysay.
HOOS KA DAAWO MUUQALKA
Arbaco,23 July 2025 {HMC} Maxaa saakay ka Cusub Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gado.?
HOOS KA DAAWO MUUQALKA
Arbaco,23 July 2025 {HMC}Booliska soomaaliya oo ka falceliyey Ninkii Xaaskiisa jirdilay.
HOOS KA DAAWO MUUQALKA
Arbaco 23 July 2025 {HMC} Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Cabdinuur, ayaa sheegay in markabka Sea World ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegatay uu “xalaal u yahay” Puntland, isla markaana maamulka Puntland uu xaq buuxa u leeyahay in uu adeegsan karo ama ka shaqaysiin karo dekedaha Puntland.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ay dhankeeda sheegtay in ay tallaabo ka qaadi doonto maamulka Puntland haddii uusan u hogaansamin sharciga dalka, iyadoo ku andacoonaysa in maamulka Puntland uu ku xadgudbay awoodihii dowladda dhexe iyo xeerarka dalka.
Cabdifitaax Cabdinuur ayaa sheegay in Puntland aanay ka baqayn hanjabaadaha DFS, isagoo ugu baaqay dowladda dhexe in ay ka waantoowdo waxa uu ku tilmaamay “faragelin iyo cabsi gelin sharci darro ah”.
Xiisaddan ayaa sii hurinaysa khilaafka siyaasadeed iyo midka maamulka dekedaha ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Arbaco 23 July 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagula kacay markabka lagu magacaabo SEA WORLD ee wata calanka Jasiiradda Comoros
Muqdisho, 23 July 2025: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD.
Markabku wuxuu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM.
Si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaac ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, Shixnaddu waxay ku socotay sifo sharci ah oo si buuxda u waafaqsan shuruucda Dalka iyo kuwa caalamiga ah.
Marka laga soo tago qalabka ciidan, markabku waxuu sidoo kale siday badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.
Qodobka 54aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah, wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya si gaar ah ugu xilsaarayaa difaaca amniga qaranka bad iyo barriba. Afduubka markabkan oo ay fuliyeen kooxo ka tirsan Dowlad-Goboleedka Puntland, wuxuu si toos ah ugu xad-gudbayaa Dastuurka KMG ah, wuxuuna dhaawacayaa gobonnimada, midnimada iyo madax-bannaanida qaranka.
Sida ku cad Xeerarka Caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS) ee 1982, Falkasta oo lagu afduubto markab ganacsi ama mid si sharci ah oggolaansho uga haysta Dowlad, waxay hoos imaanayaan qeexitaanka burcad-badeednimo, waana dembi ciqaabeed, si waafaqsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya:
1. Waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac, oo lagama maarmaan u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, oo ay ku jirto Puntland.
2. Waxay uga digeysaa Puntland sii socoshada dhammaan hawlgallada sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha ku aaddan maamulkeeda, isla markaana ugu baaqaysaa in ay kala shaqeeyso Dowladda Federaalka, xaqiijinta marin ammaan ah oo fududeeya Isku socodka maraakiibta ku shaqeysa oggolaanshaha dowladda Soomaaliya.
3. Waxay caddeyneysaa in ay ka go’antahay ka hortaga falalka burcad badeednimo iyo maxkamadaynta shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lugta leh burcad-badeednimada, iyadoo la raacayo xeerarka ciqaabta qaranka iyo kuwa caalamiga ah.
Dowladda Federaalka, oo ah ilaaliyaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marnaba ma aqbali doonto tallaabo kasta oo halis gelinaysa madax-bannaanida qaranka iyo amniga badda.
Sii heysashada sharci darrada ah ee markabka SEA WORLD, waxay horseedeysaa in Dowladda Federaalka ah ay tallaabo amni oo sharciga waafaqsan ka qaado goobaha iyo furdooyinka xuddunta u noqda falal burcad-badeednimo oo liddi ku ah xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah.
Tilaabooyinkaas oo ay ku hubinayso amniga maraakiibta sida sharciga ah ku maraya badda Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ugu baaqeysaa dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, oo ay ku jirto Puntland, in ay ixtiraamaan waajibaadka dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka ee ku saabsan arrimaha difaaca iyo maareynta bad-maaxidda, faragelin kasta oo aan sharci ahayn waxay halis gelinaysaa amniga qaranka iyo midka gobolka.

Arbaco 23 July 2025 {HMC} Bishii Diseembar 2023, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u qaaday cunaqabateentii hubka ee Soomaaliya saarneyd tan iyo 1992, tillaabadaasi oo Dowladda Federaalka siisay fursad ay si toos ah uga soo dhoofsan karto hub iyo saanad militari, si loog xoojiyo dagaalka AS.
Laakiin, tan iyo markii la qaaday cunaqabata, waxaa la arkayay walaac la xiriira saameynta ka dhalan karta hubka la soo galiyo dalka ee dadka ama maamulada gacanta u galay.
Ciidamada badda ee Puntland ayaa horraantii bishan gacanta ku dhigay markab lagu magacaabo Sea World oo ku xirtay xeebta Bareeda ee gobolka Bari.
Markabkan, oo ka yimid Turkiga, wuxuu watay gaadiid dagaal, hub culus iyo qalab milatari. Waxaana la sheegay inuu u soo socday magaalada Muqdisho gaar ahaan xirada Turkiga ee Turksom.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay baarayaan saanada ciidan ee saaran Markabka, mana jiro ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka.
Falanqeeyayaal ayaa arrintan u arka tusaale kale oo muujinaya isku xirnaan la’aanta dowlad dhexe iyo maamul goboleedyo, gaar ahaan marka ay timaado amniga qaranka.
Dhacdada labaad waxay ka dhacday bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Caabudwaaq, halkaas oo dad deegaanka ah ay qabteen laba gaari oo siday hub culus oo aan si cad loo shaacin cidda iska leh iyo halka loo waday.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmiga ah oo ay soo saartay Wasaaradda Amniga Galmudug taariikhdu markay ahayd 16-ka July 2024, hubkaasi wuxuu ahaa mid si sharci darro ah uga soo gudbay xuduudda Itoobiya, waxaana la doonayay in si qarsoodi ah loo gudbiyo gudaha dalka.
Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu dhex arkaayay hubkaas oo gacanta u galay dad shacab ah arrintaasi oo sii abuurtay walaac.
Hadaba maxay tahay saameynta ka dhalan karta hubka oo gacanta u gala cid aan aheyn Dowladda sharciga ee Federaalka?
Inkasta oo caalamka aqoonsan yahay Nidaamka xakameynta hubka ee dowladda Federaalka ayaa haddana waxaa jira culeysyo ka imaanaya Maamul goboleedyada iyo Maleeshiyaadka deegaanka.
Inta badan goobaha hubkaan lagu qabtay si buuxda dowladda Federaalka ugama taliso, waxaana awood ku leh Maamul goboleedyada iyo maleeshiyaadka deegaanka.
Beesha Caalamka ayaa si dhaw ula shaqeeya dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dadaaleysa in ay hanato amniga guud ee dalka, balse waxaa ay falanqeeyaasha tilmaamayaan in Nidaamka Federaalka dabrey dowladda oo aysan qaadi karin tillaabooyin hor leh.
Saameynta ka dhalan karta hubkaan ayaa ah in caalamka arko dhibaatada hubka soo galaya gudaha dalka, isagoo aan gaareyn goobihii sharciga ee loogu talagalay.
Arbaco 23 July 2025 {HMC}Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee saldhigga degmada Deyniile ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Maxamed Cabdullahi Cali, kaasi oo si xun u jir dilay xaaskiisa, Khadro Cabdullahi Maxamuud.
Falka uu geystay eedeysanaha ayaa si weyn uga dhex muuqday baraha bulshada, taasoo keentay caro ballaaran oo shacabka ka muujiyeen.
Ciidanka ayaa ku booriyay shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si loola dagaallamo tacaddiyada noocan oo kale ah.
Haweenayda la jir dilay ayaa waxaa ay ka timid Holand.