Arboco , 09 Jully 2025 {HMC} Xawaadle Saqiir iyo kabiir in AS uu la dagaalamo ayuu go’aan saday”Goodax bari”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arboco , 09 Jully 2025 {HMC} Xawaadle Saqiir iyo kabiir in AS uu la dagaalamo ayuu go’aan saday”Goodax bari”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arboco , 09 Jully 2025 {HMC} Shiinaha oo Soomaliya Ka Caawinayo Ka Hortaga Qaraxyada
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco July, 9 2025 {HMC} Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in cid kasta oo ka qaybqaadanaysa dhac iyo dab qabadsiin goobaha ganacsiga ama xarumaha dolwdda xilliyada mudaaharaadyada dawladda lagaga soo horjeedo in “lugaha laga toogto”.
Weerarada lagu qaado saldhigyada booliiska ama saraakiisha ayuu sheegay Mr Ruto in loo qaadan doono “ku dhawaaqid dagaal” oo ka dhan ah Kenya.
Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya laba maalmood ka dib markii ay magaalada caasimadda ah ee Nairobi ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda, kuwaasi oo isku bedelay rabshado.
Guddiga xuquuqul insaanka ayaa sheegay in 31 qof ay ku dhinteen in ka badan boqolna ay ku dhaawacmeen iska horimaadyada.
Dhallinyarada Kenyanka ah ayaa si isdaba joog ah isugu soo baxay waddooyinka bilihii la soo dhaafay, iyaga oo ka careysan musuqmaasuqa, dhaqaale xumada iyo eedeymaha arxan darada ah ee booliska.
Arbaco July, 9 2025 {HMC}Dadaalkii Turkiga ee dhexdhexaadinta u dhexeysay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo la xiriiray is-afgaradkii muranka dhaliyay ee Itoobiya la gashay Somaliland, ayaa u muuqda mid si rasmi ah u fashilmaya.
Wada-hadalladii uu Ankara martigeliyay ee bilowday horraantii 2024, ayaa markii hore rajo dhaliyay, balse ugu dambayn istaagay iyadoo sababaha ugu waaweyn ay yihiin kalsooni darro qoto dheer, loollan siyaasadeed oo gobolka ah iyo ajandayaal iska hor imaanaya oo ay wataan labada dal.
Turkiga, oo xiriir dhow la leh Muqdisho iyo Addis Ababa, ayaa isu muujiyay dhexdhexaad dheellitiran, hase yeeshee wuxuu ku guuldareystay inuu xalliyo khilaafka ugu weyn ee ah damaca Itoobiya ee ah inay marin badeed ka hesho Somaliland.
Arrintan, oo Soomaaliya u aragto ku xadgudub cad oo lagu sameeyay madax-bannaanideeda dhuleed, ayaa noqotay caqabadda ugu weyn ee wada-xaajoodyada burburinaysa.
Sannadkan 2025, calaamadaha diblomaasiyadeed ee ka imaanaya Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa muujinaya in wada-hadalladii si aamusnaan ah u burbureen.
Itoobiya waxay weli ku dheggan tahay fulinta heshiiska ay la gashay Somaliland ee la xiriira marin badeed, halka Soomaaliya ay sii waddo olole diblomaasiyadeed oo ballaaran oo ay kaga hortagayso waxa ay ku tilmaamayso jebinta midnimada dhulkeeda.
Iyadoo aan la filayn wareeg cusub oo wada-hadal ah, dadaalkii Ankara ayaa si dhab ah u istaagay. Wuxuu noqday dhibbane uu liqay loollanka siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika, iyadoo su’aalaha la xiriira madax-bannaanida, aqoonsiga Somaliland iyo saameynta gobolka ay sii qoto dheeraanayaan.
Dhanka kale, Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi, ayaa 6-dii Luulyo mar kale ka hadlay arrimaha amniga Badda Cas, isagoo ballan qaaday inuu xoojin doono taageerada milatari ee dalkiisa si uu uga qeyb qaato badbaadada gobolka Geeska Afrika.
Hadalkan wuxuu ku dhawaaqay kaddib kulan uu magaalada xeebta leh ee El Alamein kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Labada hoggaamiye ayaa muujiyay is-afgarad istiraatiiji ah, iyagoo ka wada hadlay xasilloonida gobolka xilli ay xiisado ka jiraan Geeska Afrika.
Dhanka Itoobiya, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa 3-dii Luulyo hortagay baarlamaanka dalkiisa isagoo mar kale caddeeyay in dadaalka Itoobiya ee helitaanka marin badeed uu yahay mid nabadeed. Wuxuu sheegay in Itoobiya leedahay xaq madax-bannaani ah oo ay ku raadsato danahaheeda istiraatiijiga
Arboco , 09 Jully 2025 {HMC} Isma dhiibeyno oo AS Hiiraan ma qabsan karo Waan soo laabaneynaa.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arboco , 09 Jully 2025 {HMC} Taliye shub ” Ninkii baxa lacagtiisa ruf”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arboco , 09 Jully 2025 {HMC} ninkii Jaajuus ah Oo Macawisleyda ku jiro goobta ha lagu dilo.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco July, 9 2025 {HMC} Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Muuse Salaad wehliye oo deeq taageero iyo isgarab taag ah kala wareegay Dawlad G deegaan-ka soomali Galbeed Ethopia si loogu kabo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Munaasabadda wareejinta deeqdan oo ka dhacday degmada Feerfeer ee xadka Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa waxaa wareejiyay Hoggaan-ku-xigeenka Xafiiska Nabadgelyada DDS, Mudane Idiris Jibriil, Taliyaha Guud ee Booliska DDS Sarreeye Guud Cabdi Cali Siyaad, Taliyaha Sirdoonka Ciidanka Milateriga Bariga Itoobiya Kornayl Xasan, oo uu weheliyo kornayl C/risaaq Mukhtaar oo kamid ah saraakiisha sare ee hay’addaas, iyo masuuliyiin kale.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Mudane Muuse Salaad Weheliye, oo aay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Saraakiisha dowlad Hirshabeelle iyo masuuliyiin kale, ayaa uga mahadceliyay DDS taageeradaas, kuna tilmaamay tallaabo dhiirrigelin leh iyo tusaale mudan in lagu daydo, madaama dagaal culus oo halgan ah ay kula jiraan Alshabaab.
Taageeradan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu wajahayo Alshabaab iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga ee labada dhinac
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Muuse Salaad wehliye ayaa xusay in Maanta halganka aay ku jiraan reer hiiraan cidkasto garab u noqoto aay xasuus naan doonaan.

Hoos ka daawo Muuqaalka
Arboco , 09 Jully 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo si toos ah u fasaxday Duulimaadyadii tagi jiray Jubaland.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA