Arboco , 09 Jully 2025 {HMC} itoobiya oo Hub iyo Daawo siineeyso macawisleeyda Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arboco , 09 Jully 2025 {HMC} itoobiya oo Hub iyo Daawo siineeyso macawisleeyda Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Wednesday 9 July 2025 {HMC} Joao Pedro scored twice against his former club as Chelsea reached the FIFA Club World Cup final on Tuesday with a 2-0 win over Fluminense.
Less than a week after joining Chelsea from Brighton & Hove Albion, Pedro struck either side of halftime to set up a meeting with either Real Madrid or reigning European champions Paris Saint-Germain in Sunday’s final.
The game ended on a worrying note for Chelsea after midfielder Moises Caicedo limped off with an ankle injury.
Both sides began with high intensity at MetLife Stadium despite the temperature reaching 35 degrees Celsius at kickoff.
Chelsea dominated the early stages and got its reward in the 18th minute when Pedro Neto’s cross into the box was cleared straight to Pedro, who curled a shot into the far corner.
Malo Gusto almost doubled the lead moments later, winning a header in the box but directing his effort straight at goalkeeper Fabio.
Fluminense had its best scoring chance of the first half when Hercules beat goalkeeper Robert Sanchez to the ball and fired a shot that was hooked away on the line by Marc Cucurella.
The Brazilian outfit then had a penalty for a Trevoh Chalobah handball overturned after the referee reviewed the incident on the pitchside monitor and ruled the defender’s arm was in a natural position.
Chelsea regained the initiative after halftime as Caicedo and Cucurella both went close with shots from distance.
Pedro scored his team’s second goal in the 56th minute, cutting inside on the counterattack before lashing a drive that bounced in off the underside of the bar.
Fluminense looked deflated as Chelsea continued to press forward in the oppressive conditions.
Gusto’s long-range attempt narrowly missed the top-right corner and substitute Nicolas Jackson sent an angled shot into the side-netting when Cole Palmer was free inside the six-yard box.
Playing against his former club, 40-year-old defender Thiago Silva was arguably Fluminense’s best player, blocking and repelling a number of Chelsea attacks.
His clearing header from a Cucurella cross in the 75th minute almost certainly denied the Premier League club a third goal.
Fluminense pushed to get back into the match but struggled to break down Chelsea’s organized defense. Substitute Keno almost broke the English team’s resistance in the final minutes, steering a header wide after beating Reece James in the air.
Arboco , 09 Jully 2025 {HMC} Gaadiidka iskaga kala safro Muqdisho iyo Baladweyne oo laga Joojiyay isticmaalka wadada jiinka.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco July, 8 2025 {HMC} Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa wareysi la sii daayay Isniintii ku sheegay in Israa’iil, oo bishii hore dagaal 12 maalmood qaatay la gashay Iiraan, ay isku dayday inay disho.
Hadalladan ayaa yimid wax ka yar bil ka dib markii Israa’iil ay 13-kii Juun bilowday duqeymo aan noocooda horay loo arag oo ka dhan ah Iiraan, kuwaas oo lagu dilay taliyeyaal sarsare oo ciidan iyo saynisyahanno dhinaca Nukliyeerka ah.
Weerarrada Israa’iil ayaa dhacay laba maalmood ka hor inta aanay Tehran iyo Washington isugu imaan wareeg cusub oo wada-hadallo Nukliyeer ah, taasoo hakad gelisay gorgortankii lagu doonayay in heshiis looga gaaro barnaamijka atoomikada ee Iiraan.
“Haa, way isku dayeen. Siyaabahaas ayay u dhaqmeen, laakiin way ku fashilmeen,” ayuu Pezeshkian u sheegay shaqsiga caanka ah ee warbaahinta Mareykanka, Tucker Carlson, isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd inuu aaminsan yahay in Israa’iil ay isku dayday inay disho.
“Ma ahayn Mareykanka kii ka dambeeyay isku-dayga dilkeyga. Waxay ahayd Israa’iil. Waxaan ku jiray kulan… waxay isku dayeen inay duqeeyaan aagga aan kulanka ku lahayn,” ayuu yiri sida ku cad tarjumaad laga soo xigtay hadalladiisa oo Afka Faarisiga ahaa, isagoo u muuqday inuu tixraacayo isku-day dil oo la sheegay inuu dhacay intii uu socday dagaalkii dhowaa.
Ugu yaraan 1,060 qof ayaa ku dhintay Iiraan intii uu socday iska horimaadka, sida ay sheegtay Hay’adda Shuhadada iyo Arrimaha Mujaahidiinta ee Iiraan (Iran’s Foundation of Martyrs and Veterans Affairs).
Weerarrada Israa’iil ayaa kiciyay weerarro aargoosi ah oo isugu jiray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo, kuwaas oo 28 qof ku dilay gudaha Israa’iil, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.
‘Dagaallo aan dhammaad lahayn’
Dagaalkii 12-ka maalmood socday ee dhexmaray Iiraan iyo Israa’iil, ayaa waxaa dhacday in Israa’iil oo kaashanaysa Mareykanka, ay weerarro ku qaadday xarumaha Nukliyeerka Iiraan ee Fordo, Isfahan iyo Natanz.
Xabbad-joojin dhexmartay Iiraan iyo Israa’iil ayaa dhaqan gashay tan iyo 24-kii Juun.
16-kii Juun, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ma uusan meesha ka saarin qorshayaal lagu dili karo hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, isagoo sheegay inay taasi “soo afjari doonto iska horimaadka,” ka dib markii ay soo baxeen warar sheegayay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu diiday tallaabadaas.
Intii uu dagaalku socday, mas’uuliyiinta Iiraan waxay sidoo kale sheegeen in la fashiliyay shirqool ay Israa’iil ku doonaysay inay ku disho Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi.
Arbaco July, 8 2025 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag ayaa kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Amb Wang Yu.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay amniga iyo iskaashiga labada dal, iyada oo Shiinaha ku dhawaaqay inuu Soomaaliya ka taageerayo khataraha Miinooyinka la galiyo dhulka.
Danjiraha ayaa ku dhawaaqay in hal milyan oo lacagta dalkaasi ay ku bixinayaan dadaallada miino soo saarista iyo wacyi galinta bulshada.
Danjire Wang Yu ayaa sheegay in ay door muhiim ah ka qaadan doonaan sugida Amniga iyo ka hor tagista khataraha miinooyinka.
Wasiir Fartaag ayaa dhankiisa u mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada miino-saarka, qalabaynta hay’adaha ammaanka iyo tayeynta laamaha fulinta sharciga.
Arbaco July, 8 2025 {HMC} Garoomada diyaaradaha ee Maraykanku uma baahnaan doonaan rakaabku inay kabaha iska siibaan inta lagu jiro baaritaanada amniga ee ay fuliso Maamulka Amniga Gaadiidka – taasoo meesha ka saaraysa nidaamkii ay dadka badan ka soo horjeedeen labaatan sano kadib.
Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem ayaa sheegtay in isbeddelku uu si dhakhso ah uga dhaqan galayo garoomada diyaaradaha ee Maraykanka, in kasta oo hannaan baariseed “kala duwan” uu sii jiri doono.
Rakaabku ayaa waxaa wali laga doonayaa in ay iska bixiyaan suunka iyo jaakadaha islamarkana boorsooyiinka laga saaro laptop-yada iyo walxaha dareeraha ah, laakiin sharciyadaas sidoo kale dib ayaa loo eegi doonaa, sida ay sheegtay Xoghayaha Amniga Gudaha.
Shuruudda ah in rakaabka diyaaraduhu ay kabaha iska siibaan si ay baaritaanno ay u maraan aya ka jiray dalka oo dhan tan iyo 2006-dii ka dib markii nin British ah uu bam ku dhex qariyay mid ka mid ah kabihiisa duulimaad ka yimid Miami.
Noem ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay ku sheegtay Talaadadii: “Tignoolajiyada amnigeena si weyn ayay isu bedeshay, way horumartay, TSA-na way isbedeshay.
Talaado , 08 Jully 2025 {HMC} Dhacdooyinka ugu Danbeeyay Caalamka 08-07-2025
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Talaado , 08 Jully 2025 {HMC} Yaawado qorshaha Dib Loogu qabsanaayo Moqokori ee ka socdo Degmada Maxaas.?
Talaado 8 July 2025 {HMC} Jamhuuriyadda Iskeed Ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku eedeysay in ay faragelin ka waddo gobolka Sanaag, gaar ahaan in ay ciidamo geysay deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag, isla markaana ay hubeyneyso dadka shacabka ah.
Hadalkan ka soo baxay Somaliland ayaa imaanaya iyadoo xiisad ay ka taagan tahay gobolka Sanaag taas oo u dhaxeysa dhinacyo kala duwan.
BBC-da ayaa la hadashay wasiirka warfaafinta Somaliland, Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay deegaano nabad ah dhibaato ka abuureyso.
“Waxaa nasiib-darro ah wixii ay mas’uulka ka ahaayeen iyo nabadgalyadii Muqdisho ee looga fadhiyay iyo koonfurta Soomaaliya ay ka sameeynayeen in ay ku fashilmeen, taa badalkeedana ay ka bilaabeen deegaano nabad ah carqalad iyo ciidamo in ay ka qoraan”.
Wasiirka waxa uu sheegay in waxa ka socda gobolka ay u arkaan daandaansi iyo faragelin lagu sameynayo Somaliland. Wuxuu kaloo sheegay wasiirka in dowladda Soomaaliya ay ciidamo geyneyso deegaano ka tirsan Sanaag sida deegaannada Badhan iyo Dhahar.
BBC ayaa weydiisay wasiirka caddeymaha uu hayo ee la xiriira in dowladda Soomaaliya ay ciidamo geyneyso deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.
“Dalka anagaa joogna, warka aan idin siineyno waa wax jira, waraaqo ayey soo saareen wasaaradooda arrimaha gudaha oo lagu leeyahay waxaan ismaamul goboleed dhameystiran u sameyneynaa Sool-bari iyo Sanaag-bari” ayuu yiri wasiirka oo sheegay haddii khilaaf ka jiro dadka deegaanka in wixii khilaaf ah ay Somaliland khibrad u leedahay sidii ay ku xalin laheyd.
BBC-da ayaa weydiisay Axmed-Yaasiin sababta ay ku diidayaan hadii ay jiraan dad deegaanka oo halkaas shir ku qabsaday si ay mustaqbalkooda uga arrinsadaan. Wuxuu sheegay wasiirka in aysan cabburin dadka.
“Degmada Ceerigaabo wixii khilaaf ah ee ka dhacay madaxweynaha wuxuu u dhigay gogol, sidii ayeyna u fidsan tahay, haddana meel wanaagsan ayey noo mareysaa” ayuu yiri wasiirka oo sheegay in aysan caburin dadka ayna tixgeliyaan ra’yiyada kala duwan ee dadku qabaan.
Wasiirka oo sidoo kale ka hadlay baaq ay u direen beesha caalamka ayaa sheegay in baaqoodu uu la xiriiray arrinta gobolka.
“Beesha caalamka waxaan ugu baaqnay lacagta loogu talogalay in Soomaaliya nabadgalyadeeda lagu ilaaliyo, ciidanka Soomaaliya ee halkaas jooga mushaar iyo dhaqaale u qaataan oo la doonayo in rabshado looga abuuro dhulkaas” ayuu yiri wasiirka oo ku tilmaamay dowladda Soomaaliya in ay duulaan ku tahay.

Dhinaca kale, dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisay eeda uga timid Somaliland ee ah in ay abaabul ciidan ka wadaan gobolka Sool.
Wasiir ku xiigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo BBC-da la xiriirtay ayaan weydiinay waxa ka jira eedda Somaliland.
“Hadaladaas waa hadalo aan raad laheyn oo been-abuur ah ah, runtii wax ka jira ma lahan, dowladda Soomaaliya waxay u taagan tahay in ay dadka Soomaaliyeed nabadeyso oo ka shaqeeyso in ay isku soo dhawaadaan”.
Mar aan weydiinay war ka soo baxay dowladiisa oo sheegaya in maamul loo sameynayo Khaatumo ayuu ku jawaabay wasiirka in tahay mas’uuliyad saaran dowladda federaalka Soomaaliya.
“Dowladda dalka iyadaa ka mas’uul ah, howlaha la xiriira taageerada maamulada dalka ka jira iyo sida dadka Soomaaliyeed laysugu soo dhaweyn lahaa, waa mas’uuliyad dowladda saaran” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo intaas ku daray in maamulka Khaatumo uu yahay mid cusub oo ka tirsan maamulada dowladda federalka.
“Khaatumo waa maamul curdun ah oo dowladda Federalka ka tirsan, sida markii warfdiga raysalwasaaraha ay booqdeen looga heshiiyay, waxay wasaarada arrimaha gudaha ka taageereysay sidii ay maamulkooda u dhameystiri lahaayeen oo dhismahooda u hagaajin lahaayeen si la mid ah maamuladii ka horeeyay” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala oo sheegay in ay tahay shaqo lagu cawinayo dadka deegaakaas ku nool iyo sidii ay danahooda uga tashan lahaayeen.
Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sheegay in uusan aaminsaneyn in faragelin loo arko xiriirka ay dowladda Federalka la sameyneyso dadkeeda.
“Dowladda Soomaaliya oo dalka Soomaaaliya faragelineysaa ma aqaano xigmadda ay ku dhisan tahay iyo meesha uu eraygaas ka yimid, dowladdu waxay u dhaaratay in ay u adeegto dadka Soomaaliyeed”.
Ma ahan Somaliland cidda kaliya ee diidan in dowlada federalka ay timaado gobolada Khaatumo ee sidoo kale Puntland ayaa ka horjeeda.
Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in deegaandaas ay ka dhaceen doorashooyinkii Puntland.
“Dadka Puntland ee Sanaag deggan taladooda Puntland ayey taal, taladooda iyagaa xor u ah, waxay goosteen maamulkii ay wax ka dhiseen in ay ilaaliyaan, haddii aad idinku goosateen in aad maamul gaar ah noqotaan, fariinteydu waxay weeye halkaa ku ekaada hadii aad halkaa ka xadgudubtaan, wax aanan anaga mudneyn, idinkana mudnayn ayey arintu isu bedeleysaa” ayuu yiri.
XIGASHO BBC
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA