TALAADO, 08 July 2025 {HMC} Hoolgal Qorsheesan oo laga Fuliyay Sh/Hoose
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Hoos ka daawo Muuqaalka
Hoos ka daawo Muuqaalka
Hoos ka daawo Muuqaalka
Talaado , 08 Jully 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, Axmed macalin Fiqi ayaa beeniyay wararka sheegaya in dowladdu ay ciidamo gaysay Goboladda Sool iyo Sanaag.
Wasiirka oo qoraal kooban ku daabacay bartiisa Facebook ayaa sheegay in wararkaasi aysan sal iyo raad laheyn.
“Waxaan caddaynaynaa in Dawlad Federaalka ah aysan ciidan geyn Gobollada Sanaag iyo Sool, sabab loo geeyana aysan muuqan. Shakhsiyaadka dawladda Federaalka ku eedaynaya arrintaasna wax caddayn ah oo ay soo bandhigeen ma jirto” ayuu yiri Wasiir Fiqi
Puntland iyo Somaliland ayaa hore u sheegay in Dowladda Federaalka ay ciidan geysay gobollada Sool iyo Sanaag maalmihii la soo dhaafay dadka deegaanka dhaqdhaqaaqyo ka wadeen.
Magaalada Laascaanood ee caasimadda SSC Khaatumo ayaa waxaa ka socda kulamo ay yeelanayaan dadka deegaanka, kuwaasi oo looga arrinsanayo dhismaha Maamul ay ku mideysan yihiin gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.
Talaado , 08 Jully 2025 {HMC} Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa isku mowqif ka noqday dadaallada ka socda gobollada Sool iyo Sanaag ee dhismaha SSC Khaatumo.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeyay in ay hurineyso colaada gobolka Sanaag, wuxuuna ugu baaqay in la ilaaliyo deegaannada xuduudka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo xiran tuutaha ciidanka ayaa farriin adag u diray SSC Khaatumo, isaga oo ugu baaqay in ay ku ekaadan deegaannada ay maamulaan.
“Haddaad goosateen in aad maamul gaar ah noqotaan, halkiina ha soo dhaafina, dadka Sanaag iyo Highland taladooda Puntland ayay taalla, joojiya faragalin, haddii kale wax aan idinka iyo annaga na kala geyn baad la kulmi doontaan” Madaxweyne Deni
Puntland iyo Somaliland ayaa diidan dhismaha maamulka SSC Khaatumo, gaar ahaan in ay ku biiraan deegaannada gobolka Sanaag.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay guddi ka kooban 8 ruux oo dhammeystiri doona dowlad goboleedka SSC Khaatumo.
Waxaa xigay in ay dhaqdhaaqyo ka billaawdeen gobolka Sanaag, iyada Maamulka SSC Khaatumo muujiyay in ay soo dhaweynayaan cidii wax ku darsaneysa gaar ahaan gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.
Tillaabooyinka ayaa ku soo aadaya xilli 10 bishaan magaalada Laascaanood ka furmi doono shir wada tashi ah oo ay leeyihiin Bulshada deggan gobollada Sool iyo Sanaag.
Talaado , 08 July 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadoow& Sahro Gabre
Farsamadii ::Ismail abdiqadir
Talaado , 08 Jully 2025 {HMC} Waxaa Degmada Maxaas ka socda abaabul xooggan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab si looga saaro degmada Moqokori oo ay gacanta ku hayaan kadib dagaalkii ka dhacay Maalintii Shalay.
Waxaa magaalada Maxaas gaaray u qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidamada Deegaanka, Cali Jeyte Cusmaan, oo caan ku ah hoggaaminta iyo abaabulka ciidanka deegaanka. Waxaa halkaas hore ugu sugnaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad, waxaana wehlinaya Taliyaha Guutada 5-aad iyo saraakiil kale.
Waxaa socda kulamo u dhexeeya saraakiisha, maamulka gobolka, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Maxaas, kuwaas oo diiradda lagu saarayo sidii loo dardar-gelin lahaa qorshaha dagaalka iyo sidii kooxda AS looga saari lahaa degmada Moqokori.
Dhanka Kale Waxa la Xaqiijiyay Geerida Taliye Abdi Muumin Cilmi {Abdixiish} oo ka Mid ahaa saraakiisha firfircoon ee Nabadsugidda, isla markaana ka qaybgalay dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Moqokori isagoo hogaaminayay ciidamo Ka Tirsan Nabad Sugida Qaranka.
Talaado , 08 Jully 2025 {HMC} WAR DEG DEG AH Cali jeeyte oo Dib ugu laabtay Furimaha Dagaalka.
Talaado , 08 Jully 2025 {HMC} Saraakiil Sh/Dhexe u tagay dardargalinta howlgalada AS