Home Blog Page 718

{DAAWO MUUQAALKA} Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Moqokori.

0

 

 Isniin , 07 Jully 2025 {HMC} Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Moqokori.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay ka wada hadlayaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo masar.?

0

Isniin , 07 Jully 2025 {HMC} Maxay ka wada hadlayaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo masar.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maamulka SSC Khaatumo oo shacabka gobolka Sanaag ugu baaqay in ay ku soo biiraan dowlad goboleedka cusub”

Isniin 07 Jully 2025 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa war-murtiyeed ay soo saartay ku sheegtay in ay si buuxda u taageerayso qorshaha dowladda federaalka ee la xiriira shirweynaha lagu dhammeystirayo dhismaha dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo.

Wasaaraddu waxay tilmaantay in qorshahani uu waafaqsan yahay dastuurka dalka, gaar ahaan qodobbada khuseeya maamulka dhiska, ilaalinta midnimada, iyo horumarinta siyaasadda guud ee dalka.

Waxa ay sidoo kale carabka ku dhufatay in shirweynahan uu yahay fursad lagu xoojinayo wadajirka bulshada dega gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhammaan bulshada SSC-Khaatumo & Maakhir in ay si mideysan uga qaybgalaan shirweynaha, kana shaqeeyaan xoojinta wada-tashiga iyo isu-tanaasulka si loo dhiso hay’ad dowladeed oo matasha rabitaanka shacabka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddiyo farsamo oo isugu jira heer federaal iyo heer goboleed ay hagi doonaan habraaca shirweynaha si uu u noqdo mid miro-dhal ah oo lagu dhammeystiro dhismaha dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo.

Hadalka SSC Khaatumo ayaa ku soo aadaya xilli dhaqdhaaqyo ay ciidamada Puntland ka wadaan gobolka Sanaag, kuwaasi oo diidan dhismaha dardar galinta howlaha dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Puntland oo ciidan dheeraad ah geysay gobolka Sanaag

Isniin 07 Jully 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhaqdhaqaaqyada ay ciidamada Puntland ka wadaan gobolka Sanaag, iyada oo askar hor leh geysay deegaannada gobolkaasi.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Maamulka Puntland ciidamo geeyay degmooyinka Dhahar, Xingalool iyo Ceelbuh oo ay hadda ku sugan yihiin  ciidan lagu xoojisey kuwo kale oo ku sugan yihiin wafdi sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Magaalada Ceelbuh ayaa waxaa ka socda abaabulka kulan ballaaran oo ay yeelanayaan bulshada deegaanka iyo mas’uuliyiin heer gobol iyo Federaal, kaasi oo looga arrinsan doono dhismaha Dowlad gobolkeedka SS Khaatumo.

Waxgaradka gobolka Sanaag ayaa waday dadaalo lagu dajinayo xiisadda, iyaga oo la hadlay mas’uuliyiinta hor kaceysa oo uu kamid yahay guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirishiid Cawl.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn 07 07 2025

Isniin 07 Jully 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadoow

Farsamadii :: Ismaaciil Cabduqaadir

          HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Dhacdooyinka ugu Danbeeyay Caalamka 06-07-2025

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Dhacdooyinka ugu Danbeeyay Caalamka 06-07-2025

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa Caawa ka soconaya Deegaanada Maamulka SCC-KHAATUMO.?

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Maxaa Caawa ka soconaya Deegaanada Maamulka SCC-KHAATUMO.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Si toos ah ayuu u toogtay Darawal mooto Bajaaj iyada oo tahay Bil Ramadaan

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Si toos ah ayuu u toogtay Darawal mooto Bajaaj iyada oo tahay Bil Ramadaan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 06-7-2025.

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn 06 07 2025

Axad, 06 July 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Ismail abdiqadir