Home Blog Page 719

Maxaa Kasoo Kordhay Xiisada Biya xireenka Webiga Nile

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Xilli dhawaan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ku dhawaaqay in la dhammeystiray Biyo xireenka ay ka dhalinayaan Korontada ayaa waxaa tillaabadaasi walaac ka muujiyay dalalka dariska la ah ee Masar iyo Suudaan.

Biyo xireenkan oo ku yaalla Webiga Nile ayaa la billaabay sannadkii 2011, iyada oo ay ku baxday in ka badan 4 bilyan oo Dollar, wuxuuna noqon doona mashruuca koronto-dhalinta ee ugu weyn ee Afrika.

Dalalka Masar iyo Suudaan oo horeba diidana biyo-xreenka ayaa haddana muujinaya khataraha ay la kulmi karaan. Masar oo wax ka badan 90 boqolkiiba dadkeeda ku tiirsan yihiin biyaha Nile ayaa sheegtay in aysan ogolaaneyn wax kasta oo ka hor imaanaya danaha dadkeeda.

Madaxda Masar iyo Suudaan oo kulmay ayaa carrabka ku adkeeyay in tallaabo kasta oo hal dhinac qaado sababi karto khatar iyo colaad hor leh.

Khilaafka Biyo xireenka ee u dhaxeeya Masar, Itoobiyo iyo Suudaan ayaa saameyn kara dalalka gobolka oo ay ugu horreyso Soomaaliya.

Dadka falanqeeya Siyaasadda ayaa tilmaamaya in Soomaaliya looga baahan yahay in ay qaadato go’aanno adag, iyada oo isku miisaameyso xiriirka ay la leedahay labada dal ee Itoobiya iyo Masar.

Marka la eego labada dal, Itoobiya ayaa Soomaaliya la leh xuduudka ugu dheer, iyada oo saameyn toos iyo mid dadban ku leh gudaha dalka gaar ahaan dhinaca Amniga, waxaana dalka ku sugan ciidamo hoos yimaada howlgalka AUSSOM.

Dhinaca Masar, waa dal carbeed iyo saaxiib taariikhi ah, iyaga oo Soomaaliya ka caawiya dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Waxbarashada.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa tagey dalka Masar, isaga oo dhigiisa dalkaasi, Cabdifitaax Alsiisi kala hadli doona xaaladda gobolka iyo Ciidanka Masaarida ee la filayo in ay yimaadan gudaha Soomaaliya. Labada dal ayaa waxaa ka dhaxeeya heshiis dhinaca difaaca ah oo dhigaya in ay dalka yimaadan 10 kun oo ciidan Masaari ah, kaasi oo la saxiixay bishii Agoosto ee sannadkii 2024.

Itoobiya ayaa si adag u diidan ciidamada Masaarida ee imaanaya dalka, sida uu sheegay Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Itoobiya, Marshal Berhanu Jula, dhaqdhaqaaqyadaasi ku tilmaamay kuwo khatar ku ah Amnigooda.

Xiisadda soo cusboonaatay ee Biyo-xireenka Nile ayaa markale sababi karta in Somaaliya khilaaf siyaasdeed dhexda ka gasho, haddii aysan ka fiirsan tillaabooyinka la qaadayo.

{DAAWO SAWIRADA} Sida MW Xasan loogo Soo Dhaweeyay Dalka Masar

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo uu ku tegay safar shaqo.

Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigalinta qaran ee ay u sameeyeen wafdiga Jamhuuriyadda, taas oo muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab.

{DAAWO MUUQAALKA} Iiran oo si adag ugu hanjabtay Irsaaiil iyo Mareykan ka

0

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Iiran oo si adag ugu hanjabtay Irsaaiil iyo Mareykan ka

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

 

 

{DAAWO MUUQAALKA} Midowga Afrika oo Ku dhawaaqay taageero cusub oo loogu talagalay Amniga Soomaaliya

0

Axad, 06 Jully 2025 {HMC}  Midowga Afrika oo Ku dhawaaqay taageero cusub oo loogu talagalay Amniga Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Reer Hiiraan ee talada ay ka go’do waa in ay shir isugu yimaadaan Baladweyne.

0

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Dadka Reer Hiiraan ee talada ay ka go’do waa in ay shir isugu yimaadaan Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 06/07/2025

0

Axad, 06 July 2025 {HMC} Halkan ka daawo Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 06/07/2025

Hoos ka daawo Muuqaalka 

Kolama Xoogan oo ka Soconayo Gobolka Sool iyo Dhisamaha SSC-Khatumo Bilow ah

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Waxaa soconaya dadaalo lagu xoojinayo Aqoonsiga Dowlad goboleedka SSC Khaatumo, iyada oo dadka deegaanno kamid ah gobolka Sanaag ay daneynayaan in ay ku soo biiraan maamulka.

Kulamo ayaa ka kala socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyo Ceelhura oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Maamulka SSC Khaatumo ayaa billaabay wada tashiyo la xiriira dhammeystirka dowlad goboleedka, iyada oo kulamo ay ka dhaceen Caasimadda SSC Khaatumo.

Hoggaamiyaha dowlad goboleedka SSC Khaatumo ayaa la kulmay Odoyaasha dhaqanka ee qaar kamid ah deegaannada maamulkaasi.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa ugu baaqay bulshada deegaanka in ay ka shaqeeyaan dhismaha dowlad goboleedka SSC Khaatumo.

Dhinaca kale, ciidanka Puntland iyo Somaliland ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada gobolka Sanaag, halkaasi oo ay ka socdaan kulmada dadka deegaanka.

Maamulka SSC ayaa la qorsheynaya inuu ka koobnaado saddex gobol, iyadoo dowladda Federaalka ay magacaawday guddi ka kooban 8 xubnood oo ka soo talo bixin doona howlaha dhismaha dowlad goboleedyada.

Maxaa Ka Jiro in Puntland Xasaanadda Ka Xayuubineeyso Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Maamulkaas?

Axad, 06 Jully 2025 {HMC Maamulka Puntland ayaa ku howlan inay xasaanada ka qaadaan guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo lagu eedeeyay inuu doonayo inuu gobolka Sanaag ka gooyo Puntland.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay HOL ayaa sheegay in xildhibaano katirsan Baarlamaanka Puntland iyo guddoonkoodaba ay abaabulayaan mooshin xasaanadda looga xayuubinayo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland.

Kaddib marka laga xayuubiyo xasaanadda Baarlamaanka, Puntland waxay qorsheynaysaa inay dacwad kusoo oogto guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, sidoo kalena ay usoo jarto waaran maxkamadeed oo lagusoo xirayo.

Xildhibaan Cabdirashiid ayaa shalay isagoo tuute xiran kasoo muuqday tuulada Ceelbuh ee gobolka Sanaag, halkaas oo isaga iyo siyaasiyiin kale ay ka qaban qaabinayaan shirweyne beesha Warsangali ay ku tageerayso inay ku biiraan maamulka SSC Khaatumo, kuna dhawaaqaan in ay ka go’een Puntland.

Hase ahaatee, Puntland oo ciidamo geysay Ceelbuh ayaa joojisay shirkaas, inkastoo xildhibaan Cabdirashiid iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda gobolka Sanaag iyo Haylaan ay ku adkaysanayaan in shirkaas uu qabsoomayo, iyagoo sheegay dadka reer Sanaag inay xaq u leeyhiin inay masiirkooda ka shiraan kuna biiraan cidda ay doonayaan.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa ku eedeysay dowladda Federaalka Soomaaliya inay dabada ka riixayso siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Sanaag ee ka shaqeynaya Sanaag iyo Haylaan lagu biiriyo SSC Khaatumo.

 

MW Xasan oo u Safray Dalka Dalka Masar.

Axad, 06 Jully 2025 {HMC  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta u safray dalka Masar, halkaasi oo kulamo kula yeelan doono dhigiisa dalkaasi, Cabdilfitaax Alsiisi.

Kulanka ayaa la filayaa in looga hadli doona dhinacyada Amniga gaar ahaan Howlaha Ciidanka AUSSOM iyo doorka ciidamda Masaarida.

Madaxweyne Al-siisi ayaa dhigiisa Xasan Shiikh uga warbixin doono halka ay marayaan howlaha soo daabulista Ciidanka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal.

Kulanka Madaxda Soomaaliya iyo Masar wuxuu ku soo aadaya xilli xiisadda ka taagan gobolka ay sare u kacday, ka dib markii Itoobiya ay dhammeystirtay biyo xireenka Nile, tillaabadaasi oo ay diidan yihiin dalalka Suudaan iyo Masar.

Dowladda Itoobiya ayaa khatar amni u aragta ciidamada Masaarida ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM

Soomaliya ayaa dareemaysa xaalad jahwareer ah oo la xiriirta sida ay u marayn lahayd xiirka labada dal ee Itoobiya iyo Masar oo siyaabo kala duwan saamayn ugu leh Soomaaliya.

Iran tells millions of Afghans to leave or face arrest on day of deadline

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Millions of Afghan migrants and refugees in Iran have been asked to leave or face arrest as a deadline set by the government comes to an end.

Sunday’s target date neared amid public concerns over security in the aftermath of the 12-day conflict with Israel, which the United States joined with air strikes on Iran’s uranium-enrichment facilities.

But humanitarian organisations warned that mass deportations could further destabilise Afghanistan, one of the world’s most impoverished nations. Iran is home to an estimated 4 million Afghan migrants and refugees, and many have lived there for decades.

In 2023, Tehran launched a campaign to expel foreigners it said were living in the country “illegally”. In March, the Iranian government ordered that Afghans without the right to remain should leave voluntarily by Sunday or face expulsion.

Since then, more than 700,000 Afghans have left, and hundreds of thousands of others face expulsion. More than 230,000 departed in June alone, the United Nations International Organization for Migration said.

The government has denied targeting Afghans, who have fled their homeland to escape war, poverty and Taliban rule.

Batoul Akbari, a restaurant owner, told Al Jazeera that Afghans living in Tehran were hurt by “anti-Afghan sentiment”, adding that it was heartbreaking to see “people sent away from the only home they have ever known”.

“Being born in Iran gives us the feeling of having two homelands,” Akbari said. “Our parents are from Afghanistan, but this is what we’ve always known as home.”

Mohammad Nasim Mazaheri, a student whose family had to leave Iran, agreed: “The deportations have torn families apart.”

The Office of the UN High Commissioner for Refugees (UNHCR) estimated that Iran deported more than 30,000 Afghans on average each day during the war with Israel, up from about 2,000 earlier.

“We have always striven to be good hosts, but national security is a priority, and naturally, illegal nationals must return,” Iranian government spokesperson Fatemeh Mohajerani said on Tuesday.

Late last month, the UNHCR said, of the 1.2 million returning Afghans, more than half had come from Iran after its government set its deadline on March 20.

“They are coming in buses, and sometimes, five buses arrive at one time with families and others, and the people are let out of the bus, and they are simply bewildered, disoriented and tired and hungry as well,” Arafat Jamal, the UNHCR representative in Afghanistan said as he described the scene at a border crossing.