Home Blog Page 720

Texas floods leave at least 51 dead, 27 girls missing.

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Rescuers scoured a devastated central Texas landscape of mangled trees, overturned cars and muck-filled debris Saturday in an increasingly bleak mission to locate survivors, including 27 girls who have not been seen since their camp was slammed with a wall of water in a historic flash flood.

The flooding in Kerr County killed at least 43 people, including 15 children, and at least eight people died in nearby counties.

Authorities still have not said how many people were missing beyond the children from Camp Mystic, a Christian summer camp along a river in Kerr County where most of the dead were recovered.

The destructive, fast-moving waters rose 26 feet (8 meters) on the Guadalupe River in just 45 minutes before daybreak Friday, washing away homes and vehicles. The danger was not over as rains continued pounding communities outside San Antonio on Saturday and flash flood warnings and watches remained in effect.

Searchers used helicopters, boats and drones to look for victims and to rescue people stranded in trees and from camps isolated by washed-out roads.

Gov. Greg Abbott vowed that authorities will work around the clock and said new areas were being searched as the water receded. He declared Sunday a day of prayer for the state.

“I urge every Texan to join me in prayer this Sunday — for the lives lost, for those still missing, for the recovery of our communities, and for the safety of those on the front lines,” he said in a statement.

Authorities were coming under scrutiny over whether the camps and residents in places long vulnerable to flooding received proper warning and whether enough preparations were made.

The hills along the Guadalupe River in central Texas are dotted with century-old youth camps and campgrounds where generations of families have come to swim and enjoy the outdoors. The area is especially popular around the July Fourth holiday, making it more difficult to know how many are missing.

“We don’t even want to begin to estimate at this time,” Kerrville City Manager Dalton Rice said earlier.

Source: AP

Rescuers scoured a devastated central Texas landscape of mangled trees, overturned cars and muck-filled debris Saturday in an increasingly bleak mission to locate survivors, including 27 girls who have not been seen since their camp was slammed with a wall of water in a historic flash flood.

The flooding in Kerr County killed at least 43 people, including 15 children, and at least eight people died in nearby counties.

Authorities still have not said how many people were missing beyond the children from Camp Mystic, a Christian summer camp along a river in Kerr County where most of the dead were recovered.

The destructive, fast-moving waters rose 26 feet (8 meters) on the Guadalupe River in just 45 minutes before daybreak Friday, washing away homes and vehicles. The danger was not over as rains continued pounding communities outside San Antonio on Saturday and flash flood warnings and watches remained in effect.

Searchers used helicopters, boats and drones to look for victims and to rescue people stranded in trees and from camps isolated by washed-out roads.

Gov. Greg Abbott vowed that authorities will work around the clock and said new areas were being searched as the water receded. He declared Sunday a day of prayer for the state.

“I urge every Texan to join me in prayer this Sunday — for the lives lost, for those still missing, for the recovery of our communities, and for the safety of those on the front lines,” he said in a statement.

Authorities were coming under scrutiny over whether the camps and residents in places long vulnerable to flooding received proper warning and whether enough preparations were made.

The hills along the Guadalupe River in central Texas are dotted with century-old youth camps and campgrounds where generations of families have come to swim and enjoy the outdoors. The area is especially popular around the July Fourth holiday, making it more difficult to know how many are missing.

“We don’t even want to begin to estimate at this time,” Kerrville City Manager Dalton Rice said earlier.

Source: AP

Booliiska Magaalada Dhuusamareeb oo amar cusub dul dhigay ganacsatada

Axad, 06 Jully 2025 {HMC
Taliska ciidanka Booliiska ee degmada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa soo saaray amar la xariira in ganacsatada magaaladaasi ku xiraan goobahooda ganacsi Kaamira CCTV.

Taliyaha Booliiska ciidanka Booliiska ee magaalada Dhuusamareeb Dhame Nuur Cilmi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in amarkaan uu yahay mid lagu xaqiinijaayo amniga guud ee Caasimadda ah ee Galmudug.

Taliyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka ku nool Dhuusamareeb iney si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amaanka si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida guud ee magaalada Dhuusamareeb.

“Ganacsatada waa inay goobahooda ganacsiga ku xiraan “Caamiro CCTV”, si loo sugo amniga Magaalada Dhuusamareeb, taasi waxay fududeyn doona in amniga Caasimadda si wanaagsan loo xaqiijiyo, ganacsatada waxaan ugu baaqaya iney fulin doonaan amarkaan lagu sugayo amniga” ayuu yiri Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb Nuur Cilmi.

Waxaa sidoo kale digniin u diray Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb askarta hubka ku dhex haysta gudaha magaalada Magaalada, wuxuuna sheegay in arrintaasi aan la aqbali doonin, islamarkaana ay talaabo ka qaadi doonaan askarigii ay ku arkaan isagoo hub ku dhex wata gudaha magaaladaas.

Ugu dambeyntii amarkaan kasoo baxay Taliska Booliiska Dhuusamareeb ayaa kuso aadaya, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay magaalada Dhuusamareeb ku soo kordhayeen falalka la xariira amni darada.

Midowga Afrika oo Ku dhawaaqay taageero cusub oo loogu talagalay AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa kulan ay yeesheen ku adkeeyay taageeradooda buuxda ee la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni siyaasadeed.

Goluhu wuxuu si gaar ah u ammaanay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso dardar-gelinta ajendayaasheeda qaran, wuxuuna ugu baaqay dowlad-goboleedyada, oo ay ku jiraan Jubaland iyo Puntland, in ay qayb ka noqdaan hannaan wada-hadal siyaasadeed ah oo loo dhan yahay.

Golaha ayaa sidoo kale muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan khatarta Al-Shabaab, wuxuuna ku booriyay ciidamada ammaanka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada, iyagoo helaya taageero joogto ah oo ka timaadda saaxiibada caalamka.

Midowga Afrika wuxuu shaaciyay kordhin lacageed oo dhan $10 milyan oo dheeri ah oo lagu daray Sanduuqa Kaydka Xaaladaha Degdegga ah, taasoo ka dhigeysa wadarta guud ee la heli karo $20 milyan sanadkan 2025, si loogu taageero hawlgalka AUSSOM.

Sidoo kale, goluhu wuxuu ugu baaqay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska iyo saaxiibada kale in ay taageeraan shir dhaqaale uruurin ah oo loogu talagalay AUSSOM, si loo helo maalgelin joogto ah oo lagu sii wadi karo hawlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in Guddiga Midowga Afrika uu toddobaadyada soo socda u gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay warbixin dhammeystiran oo la xiriirta saldhigyada cusub ee AUSSOM, saadka iyo baahiyaha duulimaadyada si ay u helaan taageero joogto ah oo ka timaadda xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Midowga Afrika ayaa markale caddeeyay in aysan ka bixi doonin Soomaaliya ilaa laga gaaro guul buuxda oo ka dhan ah Al-Shabaab, lana sugo nabad iyo dowladnimo rasmi ah.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 06 07 2025

Axad, 06 July 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadoow & Sahro Gabre

Farsamadii ::Ismail abdiqadir

{DAAWO MUUQAALKA} Dagaal laga cabsi qabo inuu ka dhex qarxo Itoobiya iyo Eritrea

0

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Dagaal laga cabsi qabo inuu ka dhex qarxo Itoobiya iyo Eritrea

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada 14-ka Oktoobar oo Wacyigelin u sameeyay bulshada

0

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Ciidamada 14-ka Oktoobar oo Wacyigelin u sameeyay bulshada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Howlgalo kala Duwan oo ka soconaya Deegaano hoostaga Degmada Moqokori.

0

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Howlgalo kala Duwan oo ka soconaya Deegaano hoostaga Degmada Moqokori.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay tahay Caqabadaha xiligaan haaysto Dhalinyrada Gobolka HIiraan.?

0

Axad, 06 Jully 2025 {HMC}Maxay tahay Caqabadaha xiligaan haaysto Dhalinyrada Gobolka HIiraan.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn 06 08 2025

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yasiin Ali Ahmed

Farsamadii :: Ismaaciil Cabduqaadir

          HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO

Elon Musk oo dhisayo Xisbi siyaasadeed cusub.

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Maalqabeenka ugu taajrsan Mareykanka Elon Musk, ayaa ku dhawaaqay inuu dhisayo xisbi siyaasadeed cusub oo kula tartamaya doorashooyinka labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga

Wuxuu ku magacaabay xisbigiisa America Party, wuxuu ku sheegay inuu noqon doono xisbi si istaraatiji ah u dhismi doona oo marka hore 2 ama 3 kursi oo Senate ah iyo 8 ilaa 10 kursi oo golaha Congress-ka ah diiradda saaraya sidii ay ku heli lahaayeen.

Tiradaas wuxuu ku sheegay inay awood u yeelanayaan celinta sharciyada aan loo baahnayn in labada gole ay ansixiyaan.

Dhismaha xisbigan, wuxuu ka dhashay caro uu Elon Musk ka qaaday Trump iyo ansixinta sharci cusub oo xaddidaya shirkadaha madaxa bannaan oo ku jiray sharciga ay ansixiyeen golaha Senate-ka Mareykanka, kaasoo si weyn uga soo horjeeday Musk.

Elon Musk wuu samayn karaa xisbi siyaasadeed, haddii uu raaco shuruucda iyo nidaamka dalka Maraykanka u yaalla samaynta xisbi siyaasadeed.

Qodobada looga baahan yahay qof doonaya inuu xisbi siyaasadeed ka sameeyo Maraykanka waxaa ka mid ah:

Ujeeddo siyaasadeed cad: Waa inuu qeexaa aragtida iyo hadafka xisbiga, sida: xorriyadda, dhaqaalaha, deegaanka, ama teknoolojiyadda.
Magac xisbiga iyo astaan rasmi ah: Xisbigu waa inuu yeeshaa magac aan hore loo isticmaalin iyo astaan calaamad u ah.
Diiwaangelin rasmi ah: Waa in xisbiga laga diiwaangeliyaa heer federaal iyo gobol (State level), iyadoo la raacayo sharciga Komishanka Doorashooyinka Federaalka (FEC) iyo kan gobollada.
Saamayn siyaasadeed oo muuqata: Waxaa la rabaa in xisbigu yeesho taageerayaal badan, iyo inuu tartan geli karo doorashooyinka heer gobol iyo federaalba.
Maalgelin iyo xisaab cad: Xisbigu waa inuu helo maalgelin sax ah, isla markaana muujiyo meelaha ay ka imanayaan dhaqaalaha iyo sida loo isticmaalo, taasoo FEC si dhow ula socoto.
Taageero shacabka: Waa inuu yeeshaa taageero ballaadhan oo shacabka ah si loogu aqoonsado xisbi dhab ah, iyadoo badanaa loo baahan yahay tiro saxeexyo sharci ah oo lagu caddeeyo taageerada.
Haddii Elon Musk uu damco inuu xisbi cusub sameeyo — tusaale ahaan “Xisbiga Ameerika” — wuxuu yeelan karaa saameyn weyn maadaama uu yahay ganacsade caalami ah, lana jecel yahay bulshada qaar, laakiin waa inuu sida qof kasta u hoggaansamaa nidaamka sharci ee u degsan samaynta xisbi.