Home Blog Page 721

Talyaaniga oo Dowladda Soomalia ugu deeqay gaadiid Gaashaaman.

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Dowladda Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday inay si bilaash ah ugu wareejinayso Dowladda Federaalka Soomaaliya 30 gaari oo ah nooca gaashaaman ee fudud VBL Puma 4×4, kuwaasoo horey u lahaayeen Ciidanka Difaaca Talyaaniga.

Go’aankan ayaa sida ku cad warbixinta ah deeq dowladeed oo lambarkeedu yahay 273, kaasoo ay si rasmi ah u oggolaadeen guddiyada Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Baarlamaanka Talyaaniga.

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in gaadiidkan ay yihiin kuwo horay u isticmalayeen ciidanka dalkaas isla markaana aan la jaanqaadayn baahiyaha ciidanka Talyaaniga oo u baahan hub casriga ah, waxaan ciidanka wadankaas lagu qalabayn doonaa noocyo casri ah sida gaariyada Lince.

Wareejinta gaadiidkan ayaa lagu saleynayaa heshiiska iskaashi ee milatari ee labada dal kala saxiixdeen sanadkii 2013, waxaana sidoo kale suuragal noqotay kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka qaaday Soomaaliya cunaqabatayntii hubka, iyada oo la tixgelinayo horumarka amniga ee laga sameeyay dalka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo taageerada caalamiga ah ee dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Heshiiska wareejinta gaadiidka ayaa sidoo kale looga hadlay kulan dhawaan Muqdisho ku dhexmaray taliyaha ciidanka difaac ah Talyaaniga iyo wasiirka difaaca Soomaaliya oo uu wehliyay taliyaha milatariga Soomaaliya.

Inkastoo gaadiidkaan ay horay u isticmaalayeen ciidanka Talyaaniga marka la keeno Africa waxa uu noqonayaa gaadiid casri ah.

 

Aabe iyo xaaskiisa oo ku kacay fal si weyn uga yaabiyay dadka Soomaaliyeed.

 Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta la geeyey kiiska wiil yar oo aad loo jir-dilay, kaasi oo 3-sano jir ah, waxaana jir-dilay Aabihiis iyo xaaskiisa, maadaama hooyadii dhashay cunugaas ay kala tageen.

Wiilka yar waxaa lagu magacaabaa Cabdullahi, waxaa maxkamadda lagu soo bandhigay muuqaal naxdin badan oo muujinaya iyadoo aad loo jir-dilayo iyo korkiisa oo dhaawacyo daran ay ka muuqdaan.

Marqaatiyaal ayaa sidoo kale la keenay maxkamadda, waxaana Shuute la tusay ushii lagu garaacay cunuga yar oo ah jeedal dartiis ay waalidkiis uga soo iibsadeen suuqa, si ay ugu garaacaan.

Inkastoo cunugaan muddo dheer uu jir-dilkaani ku socday, hadana waxaa ogaaday deriska oo la wadaagay saldhigga booliska degmada Xamarjajab oo reerkasi uu deganaa.

Aabaha dhalay cunuga oo 30-jir ah iyo xaaskiisa ayaa lasoo taagay maxkamadda, waxaana marqaatiyaasha kamid aheyd haweeney Taliye ka ah saldhigga Booliska degmada Xamarjajab, waa G/Dhexe Raxmo Salaad oo qoyskaan eedeysanayaasha ah ka badbaadisay cunuga.

Waxay sheegtay in cunuga si xun loo jir-dilay, waxaana lasoo bandhigay, sawirro muujinaya in xitaa xalinaya hal xawaaji looga garaacay, taliyaha saldhigga Raxmo Salaad ayaa sheegtay in markii ay geysay isbitaalka ay dhakhaatiirto xaniyaha cunuga yar ka miireen ‘maal.’

Kiiskaan ayaa maanta noqday mid argagax badan ku abuuray dadkii ka qeyb galay fadhigii maxkamadda, xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayaa si cajiib ah u soo bandhigtay sharaxaada, sidii loo jir-dilay nuunaha iyo dembiga loo heysto ninka cunuga dhalay iyo xaaskiisa.

Cunuga hooyadiis wuxuu ka soo qaatay isagoo saqiir ah, kadib markii ay kala tageen, wuxuu u keenay haweeneydaan la eedeysan oo seddax sano heysay, labadooduna waxay u jir-dili jireen si wadajir ah.

Markii la weydiiyey sababta ay u dili jireen wiilkaan yar waxay ku sheegeen inuu matagi jiray markii ay wax siiyaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Shacab cabasha ka muujiyay dhul ay sheegen in lagu haysto.

0

Sabti, 05 Jully 2025 {HMC}  Shacab cabasha ka muujiyay dhul ay sheegen in lagu haysto.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Mareykanka iyo Midowga Yurub oo isku mari la’ Howlgalka Cusub ee Soomaaliya.

0

Sabti, 05 Jully 2025 {HMC}  Mareykanka iyo Midowga Yurub oo isku mari la’ Howlgalka Cusub ee Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyay Qasaarihii Ka Dhashay Dagaalada Maanta Ka Dhacay Hiiraan

0

Sabti, 05 Jully 2025 {HMC}  Wararkii ugu Danbeeyay Qasaarihii Ka Dhashay Dagaalada Maanta Ka Dhacay Hiiraan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dhacdooyinka Caalamka Iyo wararkii ugu Dambeeyey Bariga Dhexe.

0

Sabti, 05 Jully 2025 {HMC}  Dhacdooyinka Caalamka Iyo wararkii ugu Dambeeyey Bariga Dhexe.

{DAAWO MUUQAALKA} Maxeey Tahay Xiisada Ka Taagan Puntland Maxaasa Sababay?

0

Sabti, 05 Jully 2025 {HMC}  Maxeey Tahay Xiisada Ka Taagan Puntland Maxaasa Sababay?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} “Wasiir Fiqi” Riyo ahayd in Xamar la badbaadiyo, sanadkaan beey rumooday”

0

Sabti, 05 Jully 2025 {HMC}  “Wasiir Fiqi” Riyo ahayd in Xamar la badbaadiyo, sanadkaan beey rumooday”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Macawiisleeyda Xawaadle oo Kaabiga Ku Haayo Deegaano aay AS Ku Suganyihiin

0

Sabti, 05 Jully 2025 {HMC}  Macawiisleeyda Xawaadle oo Kaabiga Ku Haayo Deegaano aay AS Ku Suganyihiin

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 05-7-2025.

0

Sabti, 05 Jully 2025 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyay 05-7-2025.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA