Sabti, 05 Jully 2025 {HMC} Todobdka Hidaha iyo Dhaqanka ee Jaamacada Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Sabti, 05 Jully 2025 {HMC} Todobdka Hidaha iyo Dhaqanka ee Jaamacada Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
sabti, 05 July 2025 {HMC} Halkan ka daawo Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 02/07/2025
Hoos ka daawo Muuqaalka
Sabti, 05 Jully 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh)ayaa magcaabay xubnaha guddiga farsamo ee dhameystirka maamul dhiska Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.
Hoos Ka Aqriso Qoraalka :



Sabti, 05 Jully 2025 {HMC} Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay in joogitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya loo kordhiyey lix bilood oo dheeraad ah, taasoo beddelaysa qorshihii hore ee lagu waday inay dhammaanayaan bixitaankooda 30-ka June 2025.
Go’aankan ayaa yimid kaddib kulan lagu falanqeeyey dib u dhac ku yimid howlgalka cusub ee, kaasi oo beddelaya howlgalkii hore ATMIS.
Dib u dhacyadaas ayaa si gaar ah ugu yimid dalalka ciidamada keeni lahaa, gaar ahaan dalka Masar, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Midowga Afrika.
Ciidamada Burundi ayaa sii joogi doona Soomaaliya si ay u xoojiyaan howlgalada ka dhanka ah AS, isla markaana u taageeraan dowladda Soomaaliya.
Kordhinta lixda bilood ah ayaa ujeedkeedu yahay in la siiyo waqti dheeraad ah dhammaan waddamada ciidamada ku soo dari doona AUSSOM si ay u dhameystiraan diyaar garowgooda.
Midowga Afrika ayaa hoosta ka xarriiqay caqabadaha weli horyaalla geeddi-socodka kala guurka, oo ay kamid yihiin dhibaatooyinka dhaqaale iyo kuwa agab, kuwaasoo si weyn u saameeyey qorshaha kala guurka.
Burundi ayaa muddo ka badan toban sano kaalin muuqata ka qaadanaysay nabad-ilaalinta Soomaaliya, balse dhawaan ayay ku dhawaaqeen in ay ka baxayaan dalka sababo u gaar ah.
Sabti, 05 Jully 2025 {HMC} Xubnaha Beesha Caalamka ee C6+ iyo Madasha Mucaaradka ayaa shir ku leh xerada Xalane, iyagoo ka wada hadlaya xal u helidda khilaafka doorashooyinka.
Shirkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxda mucaaridka ay dhowaan kulan la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, balse aan la shaacin heshiis rasmi ah oo laga gaaray.
Afhayeenka Madasha mucaaridka ayaa sheegay in qodobo qaar la isla meel dhigay, hase yeeshee weli aan la gaarin heshiis buuxa, iyadoo qodobbada doorashooyinka ay weli khilaaf ka taagan yihiin.
Wararka qaar ayaa tilmaamaya in Madasha Samatabixinta ay Beesha Caalamka u gudbisay cabasho ku saabsan in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan dhab ka ahayn in la gaaro heshiis rasmi ah, balse uu doonayo in uu waqtiga iibsado.
Beesha Caalamka ayaa dadaal ku bixinaysa in la gaaro heshiis wadar ogol ah ka hor dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo hor leh.
Sabti, 05 July 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadoow & Sahro Gabre
Farsamadii ::Ismail abdiqadir
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA