jumac 04 Jully 2025 {HMC} Golaha wasiirada oo war kasoo saaray Shirka Mucaaradka iyo Madaxada Dowladda.
Jimco, 04 Jully 2025 {HMC} Ruushka ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada xukunka Taaliban, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Afghanistan Amir Khan Muttaqi uu ku tilmaamay go’aan geesinimo leh.
Waxa uu Khamiistii magaalada Kabul kula kulmay danjiraha Ruushka u fadhiya Afgaanistaan, Dmitry Zhirnov, halkaas oo Mr Zhirnov uu si rasmi ah ugu gudbiyay go’aanka dawladdiisa ay ku aqoonsatay maamulka Taalibaan ee dalka Afghanistan.
Muttaqi ayaa sheegay in ay tahay ” waji cusub iyo xidhiidh togan, ixtiraam labada dhinac ah iyo dhacdadani ay”tusaale” u noqon doonto dalalka kale.Taalibaan waxay raadinaysay aqoonsi iyo maalgashi caalami ah tan iyo markii ay xukunka ku soo noqdeen Agoosto 2021, in kasta oo ay jiraan warbixinno sheegaya xadgudubyada sii kordhaya ee xuquuqda aadanaha.
Jimco, 04 Jully 2025 {HMC} Magaalada Muqdisho waxaa mar kale shir ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay Wehliyaan guddiga dowladda ee wadahadallada u xil saaran iyo Madasha Samatabixinta ee mucaaradka.
Shirkaas oo ahaa wareegii labaad wadahadalada ayaa waxaa la sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo hore loogu heshiiyey in ajandaha ay ka mid noqdaan.
Mucaaradka oo dhankooda BBC la hadlay ayaa waxay sheegeen in ay dowladda isku fahmeen qaar ka mid ah qodobadii laga wadahadlay.
Af-hayeenka madasha mucaaradka ee la baxday Samatabixinta Daahir Maxamuud Geelle oo BBC la hadlay ayaa sheegay in muhiimadda kulanka uu ahaa in diiradda la saaro afar qodob oo xasaasi ahaa.
“Waxaa balantu ahayd in afar qodob oo asaasi ah aan ka wadahadalno, arrimaha amniga inaan ka wadahadalno, arrimaha midnimada aan ka hadalno, arrimaha dastuurka aan ka hadalno, arrimaha doorashooyiinkana aan ka hadalno” ayuu yiri Mr Geele.
Mr Geele ayaa farta ku fiiqay in kulankii hore waxyaabaha lagu ballansanaa ay ka mid ahaayeen in madaxda madasha ay la xiriiraan madaxda maamul goboleedyada maqan ee Puntland iyo Jubbaland, arrintasina ay fuliyeen oo ay madaxwaynaha uga warbixiyeen.
“Waxaa lagu ballamay inta aan shirka labaad la isugu soo laaban in aan la xiriirno maamul goboleedyada labada ah ee ka maqan oo aan ka shaqeyno sidii ay ku imaan lahaayeen, dabcan howshii aan isku ogeyn oo madaxwaynuhu naga rabay maadaama baryahan ay kala xanaaqsanaayeen labadaas maamul waan la xiriirnay, madaxwaynaha warbixin ayaan ka siinay in xaalku fiican yahay, arrimahanna ay soo dhaweynayaan” ayuu intaa ku daray.
Af-hayeenka madasha mucaaradka ee la baxday Samatabixinta Daahir Maxamuud Geelle wuxuu carabka ku dhuftay in caqabadda ka hortimid marka laga hadlayo labada maamul ee maqan ay tahay arrinta Jubbaland.
“Caqabado ayaa waxay ka jiraan xagga Jubaland oo marna xagga duulimaadka ama cunaqabateyn ay saaran tahay, marna mashariicdii ka xanniban yihiin, marna haddee madaxwaynihii nafsadiisa Jubbaland ay dacwo ka taalo meeshaan” ayuu yiri Mr Geele.
Qaar ka mid ah qodobadda muhiimka ahaa ee ay labada dhinac ka wadahadleen shalay ayaa la isku fahmay.
Mucaaradka ayaa waxaa ay sheegeen in la isku fahmay qodobo ay ka mid yihin ‘amniga iyo la dagaalanka argagixisada’.
“Afartii arrimood oo aan sheegay labo ka mid ah-na waan isku waafaqnay oo waan isla meel dhignay, arrimaha amniga iyo la dagaalanka argagixisada dalka sidii looga qaban lahaa iyo arrimaha midnimada soomaaliya” ayuu yiri Af-hayeenka madasha mucaradaka ee Samatabixinta.
Daahir Maxamuud Geelle ayaa xusay in qodobka aan la isku fahmin uu yahay qodobka dastuurka oo uu sheegay inuu muhiim u ahaa wada-xajoodka.
“Arrimahaas dastuurka ayaan isla meel-dhigi waynay” ayuu intaa ku raaciyay.
Mr Geele ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda marka ay qaadayso tilaabo ka baxsan dastuurka ay tahay inay kala tashato dhinacyada kala duwan.
“Sideedaba dowladda markay ku kaceyso tallaabo ka baxsan dastuurka waxay u baahan tahay heshiis inay ka gasho marka dastuurka la baddalayo ama dastuurka wax lagu darayo, ama laga dhimayo markay tahay ama mudda xileedka markuu dhamaado halkee la aadaa, arrimahaasi waxay dowladda u baahan tahay dadka inay kala arrinsato” ayuu yiri Mr Geele.
#XIGASHO BBC.
Jimco, 04 Jully 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yasiin Ali Ahmed
Farsamadii :: Ismaaciil Cabduqaadir
HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO
Jimco, 4 July 2025 {HMC} Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah u shaacisay in la dhameystiray mashruuca weyn ee Biyo-xireenka Webiga Buluugga ah ee Nile, mashruuc muddo dheer khilaaf ka dhex abuurayay dalalka dariska ah ee Masar iyo Suudaan.
Biyo-xireenka, oo loogu magac daray Biyo-xireenka Horumarka Qarniga, ayaa laga bilaabay dhismahiisa sanadkii 2011 iyadoo miisaaniyaddiisu ahayd $4 bilyan.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa dhameystirka mashruuca, ku tilmaamay fursad wadaag ah oo aan ahayn halis.
“Farriinteennu waa cadahay Biyo-xireenka maaha khatar, balse waa fursad wadajir loo wada faa’iideysan karo,” ayuu yiri Abiy, isaga oo la hadlayay Masar iyo Suudaan.
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in biyo-xireenka uu muhiim u yahay kobcinta baahida tamarta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha, halka dowladaha Masar iyo Suudaan ay ka walaacsan yihiin in mashruucani uu saameyn ku yeelan karo biyaha ee ay ka helaan webiga Nile.
Khamiis, 03 July 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani osoble
Farsamadii ::Muuse Cali Xeroow
Khamiis 3 July 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kulliyadda Tababbarka Ciidamada ee Turkiga (TurkSom).
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, ay ku howlan tahay dhismaha ciidan Qaran oo loo dhamaystiray aqoon iyo hoggaamin wanaagsan, si loo xaqiijiyo himilada dowladnimada, taas oo ay saldhig u tahay dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in difaaca dalka iyo xoreyntiisa ay tahay mudnaanta kowaad ee uu leeyahay ciidanku, sidaas darteed Askariga Soomaaliyeed waxa uu leeyahay karaamo iyo mudnaan gaar ah.
“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay laf-dhabar u yihiin dowladnimo xooggan oo isku filan, sidaasi darteed waa in aad qaadaan masuuliyadeeda, waxa aad u diyaar-garowdaan in aad dalkeenna ka xoreysaan cadowga oo soo celisaan qiimaha, sharafka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha, oo dardaaran u jeediyay ciidanka tababbarka qaatay, ayaa xusay in cutubyadani ay door weyn ka ciyaari doonaan dadaallada dowladdu ugu jirto xaqiijinta amniga dalka iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah oo caqabad ku ah amniga iyo midnimada dalkeenna.
Raiisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, shacabkooda iyo Xukuuumaddooda, dadaalkooda iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Khamiis 03 Jully 2025 {HMC} Ciidamadu waa sharafka Soomaaliya hadii aad noqotaan Fulayo dalku waa burburayaa