Home Blog Page 731

Soomaaliya oo Hirgelisay Nidaam Cusub oo lagu Sugayo Amniga Xuduudaha

Arbaco, 02 Jully 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay nidaam cusub oo biometric ah oo lagu sugo amniga xuduudaha, si wax looga qabto tahriibka dadka, laga yareeyo socdaalka sharci darrada ah, loogana hortago khataraha amni ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Nidaamkan waxaa taageeraya Dowladda Mareykanka.

Hirgelinta nidaamkan ayaa ka dambeysay tababar afar maalmood socday oo ka dhacay Muqdisho, halkaas oo khubaro Mareykan ah ay ku barayeen saraakiisha socdaalka Soomaaliyeed isticmaalka nidaamka PISCES (Personal Identification Secure Comparison and Evaluation System) – oo ah barnaamij biometric ah oo ay horumarisay Dowladda Mareykanka, loogana faa’iideysto meelaha ugu waaweyn ee laga soo galo dalka.

Nidaamkan ayaa u oggolaanaya hay’adaha socdaalka Soomaaliyeed in ay si toos ah uga fiiriyaan liisaska digniinta caalamiga ah, ay ogaadaan aqoonsiyada been-abuurka ah, ayna la socdaan dhaqdhaqaaqyada dadka looga shakisan yahay.

Mustaf Dhuxullow, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa sheegay:
“Arrintan kaliya maaha horumarin tiknoolaji, waa tallaabo lagu difaacayo dadkeena laguna dhisayo kalsoonida shacabka.”

Tababarka waxaa fududeeyay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya waxay soo saartay baasaboorka cusub ee jiilka saddexaad oo wata chip-yo biometric ah iyo nidaamyo adag oo ka hortagaya been-abuurka, si uu ula jaanqaado heerarka caalamiga ah. Tani waxay siineysaa muwaadiniinta aqoonsi sugan waxayna xaddideysaa adeegsigii sharci darrada ahaa ee shabakadaha dambiyada.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa si dhow ula shaqeysay Hay’adda Socdaalka Soomaaliya iyo hay’adaha amniga Mareykanka si loo xaqiijiyo hirgelinta guuleysata ee nidaamyadan cusub

{DAAWO SAWIRADA} Kulamo Kadhan ah AS Oo kasocdo Dagmada Moqokori Ee Gobolka Hiiraan

Arbaco, 02 Jully 2025 {HMC}Waxaa Degmada Moqokori ka socda kulamo heer sare ah oo u dhexeeya mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo saraakiisha kala duwan ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasoo diiradda lagu saarayo xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda AS.

Kulamadan ayaa waxaa hormuud u ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye, isagoo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida gaar ahaan militariga iyo hay’adda nabad sugidda Qaranka iyo sidoo kale mas’uuliyiin hore, sida Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax, iyo Guddoomiyihii hore ee Degmada Maxaas.

Ujeedada kulamadan ayaa ah sida loo laba jibbaari karo howlgalka dagaal ee lagula jiro AS, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa qorshaha dib-u-xoreynta deegannada ay kooxdaasi dhawaan ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo Taas oo cabsi ku abuuray shacabka deegaanka.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale kulammo gaar ah la yeeshay saraakiisha ciidamada deegaanka ee loo yaqaan “Macawiisleeyda”, oo door muuqda ka qaata dagaallada ka dhanka ah AS.

Waxaa kulamadan lagu falanqeeyey baahiyaha degdegga ah ee ciidamada deegaanka, xoojinta wada shaqeynta laamaha amniga, iyo sidii loo gaari lahaa guulo waaweyn oo joogto ah.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo AS ay dhawaan dhaqdhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen deegaano hoos yimaada Degmada Moqokori, taasoo keentay in la dareemo xaalad amni oo cusub iyo baahi loo qabo in la adkeeyo difaacyada deegaanka.

Kulamadan ayaa la filayaa in ay horseedaan qorshayaal cusub oo wax ku ool ah, kuwaas oo lagu Dagaalamaayo kooxda AS weli ku sugan qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, gaar ahaan agagaarka Degmada Moqokori.

{DAAWO MUUQAALKA} Duulimaayadii Tansaaniya iyo Soomaaliya oo Dib loo soo celinaayo

0

 

Arbaco, 02 Jully 2025 {HMC}Duulimaayadii Tansaaniya iyo Soomaaliya oo Dib loo soo celinaayo

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda iiraan oo mesha ka saartay wadashaqeyntii kala dhaxeeysay Hay’adda tamarta aduunka

0

Arbaco, 02 Jully 2025 {HMC}  Dowladda iiraan oo mesha ka saartay wadashaqeyntii kala dhaxeeysay Hay’adda tamarta aduunka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Turkiga oo Bilaaway falanqaynta iyo fasiraadda xogta uu ururiyay Markabkii Oruc Reis ee Bada Soomaliya

Arbaco, 02 Jully 2025 {HMC} Markabkii Oruc Reis ee dhawaan Sahminta Shidaalka ka sameeyay gudaha Soomaaliya ayaa gaarey dalka Turkiga, halkaasi oo uu ku soo bandhigi doono xogaha uu aruuriyay.

Markabka iyo shaqaalaha saarna ayaa nabad tagey dalkooda, markii ay dhammeeyeen howlihii ay ka hayeen gudaha dalkeena Soomaaliya, sida ay qorayaan Warbaahinta Caalamiga.

15 ka bishii ina dhaaftay ee juun ayaa masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya markabka ka sagootiyeen xeebaha magaalada Moqdisho.

Markabkan ayaa sahamin ka sameeyay saddex goobood oo ku yaalla xeebaha Soomaaliya, iyadoo masaafo ahaan lagu qiyaasay 4 kun oo kiiloomitir oo laba jibbaaran.

Hawlgalka Sahankan ayaa qeyb ka ahaa heshiiskii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsanaa iskaashiga soo saarista shidaalka.

Waxaa la filayaa in bilaabato falanqaynta iyo fasiraadda xogta uu soo ururiyay Markabku intii uu sahanka ka waday xeebaha Soomaaliya.

Muddo bil ilaa laba bilood gudahood ah ayaa la filayaa in lagu shaaciyo natiijada rasmiga ah ee sahanka, iyadoo si weyn loogu rajo weyn yahay in goobahaas ay ku jiraan kayd shidaal oo fara badan.

Dadka Soomaaliyeed ayaa sugaya in ay arkaan Shidaalka dalka oo la soo saaray, si loo helo shaqo abuur, loogana faa’iideysto kheyraadka dalka.

DFS oo War Kasoo Saartay Diyaarad Ku Dhacday Muqdisho

Arbaco, 02 Jully 2025 {HMC} Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xasan ayaa faah faahin ka bixiyay diyaarad Helicopter ah oo saakay ku dhacday garoonka magaalada Muqdisho.

Axmed Macallin Xasan oo warbaahinta Qaranka la hadlayay ayaa u sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kacda ee Helicopter ka ee ku burburtay Garoonka ay lahaayeen howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Maareeyaha ayaa hadalkiisa intaa raaciyay in diyaaradaan ay kasoo kacday deegaanka Baledogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayna ku dhacday qeybta Afasiyooni ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu xusay Maareeye Axmed Macallin Xasan in diyaaraddu ay saarnaayeen 8 qof kuwaas oo aan wali la xaqiijin karin xaaladdooda maadaama ay socdaan gurmadyo la xiriira daminta dabka ka kacay diyaaradda ku bur-burtay halkaas.

Durba waxa uu Mareeyaha xusay inay bilowdeen baaritaano ku aadan sababta keentay soo dhicista diyaaraddaan oo aan ilaa hadda cadeeyn waxa sababay inay soo dhacdo.

Maareeyaha ayaa sheegay in shaqada garoonka hadda sidii caadiga aheyd ay ku socoto, balse la xiray ilaa 600 oo mitir oo ah qeybta diraadaha ay ku ordaan xigtana dhanka Afasiyooni, maadaama halkaas ay ku soo dhaceen walxo la xiriira bur-burka diyaaradda.

{DAAWO MUUQAALKA} FAAHIN FAAHIN Kulamo ka Dhacay Degmada Moqokori

0

Arbaco, 02 Jully 2025 {HMC}  FAAHIN FAAHIN Kulamo ka Dhacay Degmada Moqokori

 

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay tahay Sababta Maraykanka U- hakiyay shixnad hub ah oo u socotay Ukray?

0

Arbaco, 02 Jully 2025 {HMC}Maxay tahay Sababta Maraykanka U- hakiyay shixnad hub ah oo u socotay Ukray?

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH FAAHIN Diyaarad ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

0

Arbaco, 02 Jully 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Diyaarad ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dab maalintii Sadaxaad ka soconaya Buurta Daalo ee Soomaliland.

Arbaco, 02 Jully 2025 {HMC} Dab maalintii Sadaxaad ka soconaya Buurta Daalo ee Soomaliland.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA