Home Blog Page 730

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 02-7-2025.

Arbaco 2 July 2025 {HMC}  Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Three dead after AU helicopter crashes at airport in Mogadisho.

Wednesday 2 July 2025 {HMC} A helicopter used by an African Union peacekeeping mission has crashed at the international airport in the Somali capital, Mogadishu, killing at least three people, authorities said.

The incident occurred at Aden Adde airport on Wednesday as the helicopter was trying to land, according to Artan Mohamed, the head of the immigration office at the airport.

The helicopter, which belonged to the Ugandan Air Force but was being operated by the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), had taken off from Baledogle Airfield in the Lower Shabelle region with eight people on board, he said.

Three of the people on board survived the incident, according to a Ugandan military spokesperson.

AUSSOM also confirmed that at least three people had survived the crash, which it said took place at around 7.30am (04:30GMT) local time.

The survivors were taken to the AUSSOM hospital, it added, without giving details about their health.

Witnesses described the helicopter plummeting to the ground and exploding, causing a fire.

Abdirahim Ali, who lives nearby, said he saw “a huge explosion and smoke everywhere” while aviation officer Omar Farah told The Associated Press news agency that he “saw the helicopter spinning and then it fell very fast”.

Minor delays were reported at the airport, but the director-general of the country’s civil aviation authority said that flights had resumed.

“The situation is under control. The runway is clear and fully operational – flights can land and take off as usual,” Ahmed Macalin Hassan noted.

The AUSSOM mission has more than 11,000 personnel in Somalia from countries including Uganda and Kenya.

They are helping the Somali military to counter the armed group al-Shabab, an al-Qaeda affiliate that wants to topple the country’s government and establish its own rule.

This week, the Somali army killed a prominent leader from the group in the Middle Shabelle region, state media reported.

Quoting military sources, the Somali National News Agency said the leader was targeted during an operation in the Dar Nama’a area.

Muxuu yahay iskaashiga militari ee u dhaxeeyo Uganda iyo Soomaaliya?

Arbaco 2 July 2025 {HMC} Dowladaha Uganda iyo Soomaaliya ayaa leh taariikh iskaashi militari, gaar ahaanna ciidanka ay Uganda usoo dirtay dalka ee qeybta ka ah kuwa nabad-ilaalinta Midowga Afrika oo markii ugu horreysay magacoodu ahaa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga waxay ka mid yihiin talisyada waddamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo ay iyagu yihiin taliska koowaad waxayna ka howlgalaan gobolka Benaadir oo caasimadda Muqdisho kamid tahay iyo gobolka Shabeellaha Hoose.

Dalalka kale ee ciidankoodu joogo Soomaaliya waxaa ka mid ah Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Uganda ayaana ah dalkii ugu horreeyay ee ciidan usoo dira Soomaaliya bishii March ee sanadkii 2007, welina waa dalka ciidanka ugu badan uu ka joogo Soomaaliya.

Iskaashigan militari ayaa qeyb ka ah la dagaallanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu jirto kooxda al-Shabaab oo inta badan laga saaray koofurta Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale abuuray jawi lagu dardar-gelin karo nabadda Soomaaliya iyo inay bulshadu fursad u hesho waaxo lala xisaabtami karo kuwaasoo bixin kara adeegyo dhisina kara dhaqaalaha gudaha isla markaana isku xiri kara dhaqaalaha qaranka iyo dowladda.

Bishii February ee sanadkan labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiis iskaashiga ammaanka ah oo lagu xoojinayo iskaashiga difaaca.

Wasiirka gaashaandhigga Uganda Jacob Oboth Oboth, iyo wasiirkii gaashaandhigga xilligaas Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Kampala ku kala saxiixday heshiiska.

“Uganda iyo Soomaaliya waxay leeyihiin xiriir wanaagsan. Waxaan Soomaaliya joognay 17 sano in ka badan, waxaana rajo ka qabnaa Soomaaliya oo sidan ka wanaagsan,” ayuu yiri Hon. Oboth.

Wasiirkii gaanshaandhigga Soomaaliya ee xilligaas ayaa isagana ciidamada Uganda ku ammaanay sida ay naftooda ugu hureen xasilinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagana isla bishaas gaaray magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, waxa uu la kulmay dhiggiisa Yoweri Musevani oo ay kawada hadleen la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Xadaana oo si kooban uga warbixiyay safarka madaxweynaha ayaa sheegay in wafdiga la socda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay kulamo la qaateen mas’uuliyiinta dalka Uganda.

Door muhiim ah

Reer

Reer Uganda qaarkood ayaa u arka kuna faraxsan in Uganda ay dadaal dheeri ah ka sameyneyso gobolka, qaar kale ayaa aaminsan in ku lug lahaanshaha Uganda ee Soomaaliya ay keentay inay isku soo jeediso kooxda al-Shabaab.

Bishii July 2010, labo qarax ayaa ka dhacay caasimadda Uganda ee Kampala, kaasoo ay ku dhinteen 76 qof oo telefishin ka daawanayay cayaaraha Koobka Adduunka, taasoo keentay baaqyo ah in Uganda ay ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya.

Qaar kale waxay aaminsan yihiin in kharashka ku baxaya howlgalka uu aad u badan yahay, lacagtaasna ay tahay in lagu maal-geliyo dayactirka waddooyinka iyo in koronto loogu geliyo dadka ku nool meelaha aysan koronto fiican ka jirin.

Balse booska Uganda ay ka taagan tahay arrintaas waa mid cad.

“Ficilka qarxinta Uganda wuxuu caddeyn u yahay baahida loo qabo in la xasiliyo lana xakameeyo Soomaaliya. Kan waa dadaal ay tahay qof walboo dunida jooga inuu yiqiinsado,” ayuu xilligaas yiri afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulayigye – kaasoo intaa ku daray in iyadoo qaraxyadaasi dhaceen haddana ay muhiim tahay in ciidanka Uganda ay sii joogaan Soomaaliya.

Waxaa laga yaabaa in ciidamada Uganda ay cadow u arkaan kooxda al-Shabaab, balse beesha caalamka ayaa u aragta inay door muhiim ah ka qaadanayaan taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya iyo xasilinta dalka.

XIGASHO BBC

iskaashigii U dhaxeeyay Iiran iyo Qaar ka Mid ahHay’adda Caalamiga ah oo istaagay

Arbaco, 02 Jully 2025 {HMC}  Madaxweynaha Iran ayaa si rasmi ah u oggolaaday go’aanka lagu joojinayo iskaashigii ka dhaxeeyay Iiran iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga,

Qoraal lagu daabacay Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa lagu sheegay in tillaabadani tahay jawaab celin iyo aargudasho weeraradii dhawaan Israa’iil ay ku soo qaaday dalkaasi.

Go’aankan ayaa yimid, xilli dalalka reer galbeedka iyo Israa’iil ay walaac ka muujinayaan in Iiraan hesho Awood iyo hubka Nukliyeerka.

Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga ayaa hore hubin iyo kor joogteyn ugu hayn jirtay xarruumaha Iiraan ay ku horumarineyso Nukliyeerka

{DAAWO MUUQAALKA} Saraakiisha Ciidamada Oo Faah faahin ka bixiyay xaalada amaan Moqokori

0

Arbaco, 02 Jully 2025 {HMC} Saraakiisha Ciidamada Oo Faah faahin ka bixiyay xaalada amaan Moqokori

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maxeey AUSSOM Ka Yireen Diyaarad ay lahaayeen oo Ku Burburtay Garoonka Muqdisho?

Arbaco, 02 Jully 2025 {HMC} Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya AUSSOM ayaa war kasoo saaray Diyaarad taabacsan Howlgalka ayna lahaayeen ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga kuna dhacday Garoonka magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

War kasoo baxay Holwglka AUSSOM ayaa lagu sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM ay ku soo dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, iyadoo ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Balidoogle.

“Saddex ka mid ah 8-dii qof ee rakaabka ahaa ee la socday diyaaradda ayaa isla markiiba la soo badbaadiyay, waxaana loola cararay isbitaalka taabacsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) si gurmad caafimaad loogu sameeyo.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AUSSOM.

Waxaa hadda socda hawlgalo baadi goob iyo samatabixin ah oo lagu soo saarayo shaqaalihii iyo rakaabkii haray kuwaasi oo la socday diyaaradaan saakay ku dhacday Garoonka magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, maamulka duulista Hawada Soomaaliya ayaa bilaabay baaritaanno lagu ogaanayo waxa sababay shilkan, waxaana soo dhicitaanka diyaarada uu sameeyn kooban ku yeeshay shaqadii ka socotay garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xasan oo warbaahinta Qaranka la hadlaayay ayaa tilmaamay in la xiray ilaa 600 oo mitir oo ah qeybta diraadaha ay ku ordaan xigtana dhanka Afasiyooni, maadaama halkaas ay ku soo dhaceen walxo la xiriira bur-burka diyaaradda.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Midowga Africa Oo war kasoo saaray diyaarad ku burburtay Garoonka Muqdisho

0

Arbaco, 02 Jully 2025 {HMC} Midowga Africa Oo war kasoo saaray diyaarad ku burburtay Garoonka Muqdisho

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xabado toos ah ciidanka dowladda oo kala eryaya dhallinyaro dibadbax ka sameynaya isgoyska KM4.

0

Arbaco, 02 Jully 2025 {HMC} Xabado toos ah ciidanka dowladda oo kala eryaya dhallinyaro dibadbax ka sameynaya isgoyska KM4.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 02/07/2025

0

Arbaco, 01 July 2025 {HMC} Halkan ka daawo Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 02/07/2025

Hoos ka daawo Muuqaalka 

Mucaaradka Dowlada Somaliya Oo Muqdisho Shir Ugu Furmay

Arbaco, 02 Jully 2025 {HMC} Siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shir xasaasi ah uga socdaa magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa imaanaya iyadoo la filayo in maalinta berri ah kulankii labaad la yeeshaan Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 25-kii bishii June uu dhex maray kulankii ugu horeeyay.

Shirka Madasha mucaaradka ayaa waxaa looga doodayaa qodobadii ay la hortegi lahaayeen kulan ay la leeyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar aanu ka helnay xubno ka mida Madasha Mucaaradka ayaa sheegaya in kulanka maanta ay ku diyaariyaan in si rasmi ah loo guda galo qodobadda muhiimka ah ee La isku hayo.

Kulankii hordhaca ayaa la isku afgartay ajande ka kooban afar qodob, balse waxaa Ugu muhiimsan labada qodob ee kala ah:

1. Wax ka bedelka Dastuurka oo madaxweynuhu ogolaaday in laga wadahadlo.
2. Iyo Hannaanka Doorashooyinka oo La raadinayo Doorasho heshiis lagu yahay.

Wadahadalka labada dhinac waxaa saameyn ku leh Arrin muhiimka oo madaxweyne Xasan Sheekh u xilsaaray Mucaaradka, taasoo ah inay La xiriiraan, wadahadalkana kusoo daraan maamul Goboleedyada maqan ee Puntland iyo Jubbaland.

Xogtii ugu danbeysay ayaa sheegeysa inay xiriiro dhex mareen madaxda Mucaradka, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, isla markaana ay labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland shuruudo ku xireen wadahadalka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulanka labaad ee la filayo inay Berri yeeshaan Madasha mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee labada dhinac dood toos ah ka yeeshaan qodobadda la isku khilaafsan yahay.

Guddi farsamo oo labada dhinac ah ayaa la filayaa in la sameeyo, kaasoo ay kulankii hore ay diideen Mucaaradka.