Home Blog Page 736

MW Xasan oo Magacaaway Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka

Isniin 30 June 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabay Mudane Wali Guuleed Nuur, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Wakaaladda Madbacadda Qaranka oo ka mid ah hay’adaha hoos yimaada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa dib u hawlgelinteeda waxaa la filayaa inay kaalin mug leh ka qaadato hawlaha la xiriira daabacaadda dukumentiyada kala duwan ee dowladda iyo hawlaha kale ee muhiimka ah ee dalka looga baahanyahay.

Waxaa markii ugu horeysay ay Wakaaladda Madbacadda Qaranka hawlgashey sanadkii 1971-kii, iyadoo door weyn ka cayaartay ka haqabtirka dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee dalka ka jiray dhanka arrimaha daabacadda.

Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa saameeyay wakaaladda oo ka mid noqotey hay’adihii ku burburay colaadihii jiray.

Maxeey Tahay Aqoosiga Ku Saabsan Soomaliya oo aay Kenya ka Hadashay?

Isniin 30 June 2025 {HMC} Wasiirka Caafimaadka ee Kenya, Aaden Barre Ducaale, ayaa Sabtidii, 28-ka Juun 2025, mar kale ku celiyay in Kenya ay si buuxda u aqoonsan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay xuska sanadguuradii 65-aad ee Xorriyadda Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Nairobi, una martigeliyay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Cabdulle, ayuu Aadan Duale carrabka ku adkeeyay in Kenya ay si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanidiisa.

“Kenya waxay bogaadinaysaa dadaalka Soomaaliya ee ku wajahan nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan qorshaha kala guurka ah ee ATMIS ilaa AUSSOM. Waxaan si buuxda u aqoonsannahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana taageersanahay dhammaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda gobolka iyada oo loo marayo diblomaasiyad iyo iskaashi,” ayuu yiri Duale.

Duale wuxuu sidoo kale muujiyay sida Nairobi diyaar ugu tahay sii xoojinta xiriirka labada dal ee ku yaalla Bariga Afrika, isagoo ku adkeeyay in Soomaaliya iyo Kenya ay leeyihiin xiriir iskaashi oo dheef-wadaag ah.

“Xilli Soomaaliya ay u dabaal-degto guushan taariikhiga ah, waxaan muujiyay diyaar-garowga Kenya ee ku aaddan iskaashi ku saabsan horumarinta dhaqaalaha badda (Blue Economy), xoojinta xiriirka dadweynaha, iyo wadajirkeena ku aaddan hormarinta nabadda, la-dagaallanka isbeddelka cimilada, iyo horumar waara — heer gobol iyo caalami ahba,” ayuu yiri Duale.

Duale waxaa munaasabaddaas uu ka qeyb galay isagoo wakiil ka ah Madaxweynaha Kenya William Ruto, waxaana la socday mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan xukuumadda Kenya, kuwaas ay ka mid ahaayeen Wasiirka Haweenka Hanna Cheptumo, Xoghayaha Joogtada ah ee Arrimaha Dibadda Korir Sing’oei, iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Waaxda Dhaqanka Ummi Bashir, iyo qaar kaloo badan.

Ballanqaadka Kenya ee Soomaaliya waxa uu yimid hal bil kadib markii Somaliland ay xafiis diblomaasiyeed ka furatay magaalada Nairobi, inkastoo wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ay si cad u diidday maalmo yar ka hor.

SH/Dhaxe oo laga Wado Dhaqdhaqaaqyo lagu Hishiisiinayo Beelo Dago Gobolkaas

Isniin 30 June 2025 {HMC} Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Wasiirka Wasaarada dib u hishiisiinta Hirshabelle mudane Cabdullaahi Cadde ayaa Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe ka furay shirka dib u hishiisiinta Beelo Walaalo oo isku gacan gaaray deegaano hoostada Warsheekh

Shirka waxaa goob joog ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Hirshabelle Gudoomiyaasha Degmooyinka Warsheikh,Balcad ,laamaha amniga iyo Mas’uuliyiin kale

Waxaana la isku keenay shirka odoyaasha labda dhinac ee dirirtu dhexmartay

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay labada dhinac in la qaato hishiis nabadeed si aysan uso noqon colaada ragaadisay dadka degan Gobolkan.

 

Dab Qasaara Dhaliyay oo ka Kacay Magaalo Kutaalo Turkiga

Isniin 30 June 2025 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in dab xoogleh uu ka kacay gobolka Izmir ee dalkaas kass oo sababay barakaca dad dagenaa tuulooyin ka agdhow goobta uu dabku ka kacay

Afar tuulo iyo labo xaafadood oo u dabku ku soo fiday ayaa laga daadgureeyay dadkii ku noolaa sida ay sheegeen maamulka gobolka Izmir,

Dabkan ayaa galay maalintii labaad oo uu si toos ah u hurayo, waxaana socda dadaallo ballaaran oo lagu daminayo.

Wasiirka Beeraha iyo Dhirta ee Turkiga, Ibrahim Yumakli, ayaa sheegay in dabka uu si xooggan ugu faafay deegaanno hor leh kaddib markii ay kiciyeen dabeylo xoog leh oo gaari kara 50km saacadiiba.

In ka badan 1,000 qof, diyaarado dab-demis ah iyo gaadiid kale ayaa ku howlan daminta dabka. Iyadoo hakad la galiyay howlaha duulimaadyada ee garoonka caalamiga ah ee Izmir Adnan.

Maalmihii la soo dhaafay Koofurta Yurub waxaa ka kacayay dab xooggan, waxaana laga barakacayay boqolaal ruux.

Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 30 06 2025

0

ISNIIN 30, June 2025 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya oo laga Hirgiliyay Hanaanka Socdaalka ee PISCES.

0

Isniin, 30 June 2025 {HMC}  Soomaaliya oo laga Hirgiliyay Hanaanka Socdaalka ee PISCES.

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 29 06 2025

Isniin , 30 June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri baryare & Yaasiin Cali

Farsamadii ::Ismail abdiqadir

{DAAWO MUUQAALKA} Kenya oo War cusub kasoo sartay Madax-banaanida Soomaaliya.

0

Isniin, 30 June 2025 {HMC}   Kenya oo War cusub kasoo sartay Madax-banaanida Soomaaliya.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dab lagu waayay hanti badan oo ka kacay Suuqa ugu weyn Gaarisa.

0

Isniin, 30 June 2025 {HMC}  Dab lagu waayay hanti badan oo ka kacay Suuqa ugu weyn Gaarisa.

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Cali Guudeey ”Reer Hiiraan Dagaalka isma dhiibi Doonaan”

0

Isniin, 30 June 2025 {HMC}  Cali Guudeey ”Reer Hiiraan Dagaalka isma dhiibi Doonaan”

 

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA