Home Blog Page 738

Amaanka Muqdisho oo manta si weyn loo adkeeyay.

0

Isniin 30 June 2025 {HMC} Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin xaqiijinta Amniga, inta lagu guda jiro maalmaha xurriyada gaar ahaan 1 Luuliyo.

Saraakiisha Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in ay si gaar ah u sugayaan amniga guud ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka si looga fogaado falal amni darro.

Sidoo kale, Saraakiisha Ciidanka ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dadaalada lagu sugayo Amniga, wixii amni darro ahna la soo wadaagaan.

Howlgallada Booliiska ayaa ku soo aadaya xilli ay fooda nagu soo heyso munaasabada 1 Luuliyo oo ah markii ay xurnimada qaateen gobolada Koofurta la midowga Gobolada Waqooyi.

Maxaa ka jiro in dhaqaalaha Soomaaliya Oo sare u kacay sadankii 2024.

0

Isniin 30 June 2025 {HMC} Hay’adda Istaatistikada Qaranka ayaa soo saartay warbixin muujinaysa koboc dhaqaale oo la taaban karo ee sanaddii 2024, iyadoo wax-soo-saarka gudaha (GDP) uu kordhay 4.1%, marka la barbar dhigo sanadkii ka horeeyay oo uu ahaa kororku 2.3%.

Qiimaha wax soo-saarka guud ee 2024 ka ayaa gaaray $1.9 bilyan, halka uu sanadkii ka horeeyay ahaa $1.7 bilyan.

Ilaha kala duwan ee dhaqaalaha sida Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga iyo adeegyada ayaa dhammaantood muujiyay koror kala duwan.

Beeraha iyo kalluumeysiga ayaa mid walba waxaa ku yimid koboc gaaraya 2.2% , halka waaxda xoolaha laga diiwaangeliyay 0.8% oo sare u kac ah.

Adeegyada ayaa iyaguna koror xooggan sameeyaan sababo la xiriira ganacsiga oo soo kabanaya.

Saadaasha sanadka 2024 ka oo dhan waxay muujinaysaa in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu gaari karo 4.2%.

Hay’adaha caalamiga ah sida Bangiga Adduunka iyo IMF ayaa iyaguna saadaaliyay koboc togan, iyagoo ku qiyaasay GDP-ga Soomaaliya inuu gaari doono 3.7% sanadkan.

Tillaabadaasi ayaa muujinaysa Kalsoonida ay Beesha Caalamku ku qabto dhaqaalaha dalka.

Israa’iil oo amar ku bixisay inay dadku ka baxaan Gaz

0

Isniin 30 June 2025 {HMC} Israa’iil ayaa ku amartay Falastiiniyiinta in ay isaga baxaan qeybo ka mid ah waqooyiga Qaza ka hor inta aan la kordhin dhaq dhaqaaqa militari, xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu wado heshiis xabbad joojin ah.

Dadka ku nool xaafadaha magaalada Gaza iyo Jabalia ayaa loo sheegay inay u dhaqaaqaan dhanka koonfureed dhanka xeebta ee al-Mawasi iyadoo howlgallada militariga Israa’iil ay “xoojiyeen oo ay u badiyeen dhanka galbeed”.

Ugu yaraan 86 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil 24 saac ka hor duhurnimadii Axadda, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho. Saddex carruur ah ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerar lagu qaaday waxa loogu yeero “aagga nabdoon” ee al-Mawasi, waalidkood ayaa sheegay. Trump ayaa ku celceliyay baaqyada ah in “heshiiska lagu sameeyo Gaza” oo “la soo celiyo la haystayaashii”.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyey Dagaalkii Galabta ka dhacay Deegaanka Ceel Qooxle.

0

Axad, 29 June 2025 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyey Dagaalkii Galabta ka dhacay Deegaanka Ceel Qooxle.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} “Moqokori Waxaa soo gaaray Ciidamadii ay DFS usoo dirtay.” Xildhibaan Maalik

0

Axad, 29 June 2025 {HMC} “Moqokori Waxaa soo gaaray Ciidamadii ay DFS usoo dirtay.” Xildhibaan Maalik

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Barnaamijnka Dhacdooyinka Caalamka 29-06-2025

0

Sabdi,29 Juun 2025 {HMC} Barnaamijnka Dhacdooyinka Caalamka 29-06-2025

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Yaa caawa ku sugan Deegaanka Ceel Qooxle oo Galabta Dagaal Culus uu ka dhacay.?

0

Axad, 29 June 2025 {HMC} Yaa caawa ku sugan Deegaanka Ceel Qooxle oo Galabta Dagaal Culus uu ka dhacay.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 29-6-2025.

0

Sabdi,28 Juun 2025 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyay 29-6-2025.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} MW Xasan sheekh ”Mashruucaan Dadka soomaaliyeed ayaa leh Dad gaar ah uma xerno”

0

Axad, 29 June 2025 {HMC} MW Xasan sheekh ”Mashruucaan Dadka soomaaliyeed ayaa leh Dad gaar ah uma xerno”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {29/06/2025}

Axad 28, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani osoble

Farsamadii ::Abdiqani osoble