Home Blog Page 739

{DAAWO MUUQAALKA} Cali Guudlaawe ”Mashaariicdaan dalka iyo Dadka Faaido ayaa ugu jirto”

0

Axad, 29 June 2025 {HMC} Cali Guudlaawe ”Mashaariicdaan dalka iyo Dadka Faaido ayaa ugu jirto”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Axmed Madoobe Qofka inta aan la Xisaabin ha is xisaabiyo.

0

Axad, 29 June 2025 {HMC} Axmed Madoobe Qofka inta aan la Xisaabin ha is xisaabiyo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Wiil Soomaali ah oo Dil kageystay London ayaa Laga soo masaafuriyay Dalka Ingiriiska.

Axad 29 June 2025 {HMC} Hanad Xasan oo toorreey ku dilay wiil lagu Magacaabi jiray Kiyan Prince, waqooyi-galbeed Dalka Ingiriiska ayaa loo masaafuriyay Soomaaliya sida uu qoray wargeyska The Irish Sun.

Hanad waxa uu Kiyan Prince ku dilay bannaanka iskuulkii ay dhiganayeen iyadoo lagu xukumay ugu yaraan 13 sano markaa kadibna la eegayo hab-dhaqankiisa xabsiga.

Maganglayo la siiyay sanadkii 2001-dii ayuu dalka ku joogay Hanad oo ka soo jeeda Soomaaliya. Balse shan sano kaddib waxa uu dilay Kiyan oo ka mid ahaa ciyaartoyda da’yada yar ee naadiga QPR.

Ciyaartoyga oo xiligaas jiray 15 sano ayaa isku dayay in uu kala dhexgalo dagaal socday.

Hanad waxa uu jiray 17 sano, waxaa uuna Kiyan wadnaha ka geliyay tooreey bishii May sanadkii 2006-dii. Dilka oo ka dhacay xaafada Edgware oo ku taal Waqooyi Gableed London waxa uu noqday mid si weyn u gilgilay Britan.

Waxaa Hanad lagu xukumay 13 sano iyadoo sanadkii la soo dhaafay loo diiday in la sii daayo. Sababta loogu diiday in la sii daayo ayaa la sheegay in ay la xiriirto kaddib markii la ogaaday in uusan wax horumar weyn ah sameyn mudadii uu xirnaa iyadoo uu si aan qumaneyn ula dhaqmi jiray qaar ka mid ah shaqaalaha xabsiga.

Naadiga Queens Park Rangers oo magacooda loo soo gaabiyo QPR waxay u bixiyeen garoonkooda Kiyan Prince sanadkii 2019-kii kaddib markii taageerayaasha naadiga ay u codeeyeen balse saddex sano kaddib ayey dib ugu soo celiyeen magacoodii hore ee Loftus Road.

Sababaha keenay masaafurinta waxaa ka mid ah sida dilka u dhacay oo aheyd arrin murugo leh oo qof da’ yar naftiisa ku waayay iyo horumarka yar uu sameeyay intii uu xabsiga ku jiray iyo cadeymaha kale ee la geliyay diwaankiisa. Guddiga sii deynta ayaan ku qancin in Hanad uu yahay qof ku haboon in bulshada uu dib ugu laabto.

Kaddib xariggiisa waxaa ka hadlay garsoore Judge Paul Worsley oo sheegay in ay tahay wax aad uu xun oo khalad ah in aad disho qof aan waxba kaa sameyn oo ahaa 15 jir ciyaal iskuul caan ahaa kaas oo ku yaqanay.

Sidee dilka u dhacay?

Marka dilka dhacayay Hanad Xasan waxaa uu jiray 17. Waxa uu Kiyan ku weeraray tooreey uu wadnaha ka geliyay kaddib markii Kiyan uu isku dayay in uu kala dhexgalo dagaal ka dhacay dugsiga London Academy School ee ku yaal xaafadda Edgware bishii May ee sanadkii 2006-dii.

Hanad ayaa oggolaaday in uu dilka geystay balse diiday in uu si ula kac ah u dilay, wuxuu ku dooday in ay aheyd dhacdo si kam ah ku timid. Labadii bishii July ayuu xukunkiisa dhacay. Maxkamadda waxa ay u sheegtay markaas in uu 13 sano falkaas u galo xabsi.

Inta badan marka qofka xabsiga dhameysto, dhaqankiisuna fiican yahay oo guddiga ku qancaan waa la sii daayaa. Haddii dhaqankiisa sidii hore uu u xun yahay waxaa dhacda in aan loo oggolaan qofkaas in uu ku laabto bulshada.

Hanad iyo Kiyan iskuulka ayey wada dhiganayeen balse hal sano ayuu Hanad ka sareeyay Kiyan. Si xoog leh ayuu u soo qabtay kaddibna waxa uu ula soo baxay middi uu ku tilmaamay in ay ay tahay mid yar oo lagu ciyaaro taas ayuuna kaddib wadnaha ka geliyay.

Sidoo kale waxaa maxkamadda laga sheegay in labo toddobaad ka hor markii uu falkaas geyestay uu gabar kale ugu hanjabay in uu mindi gelinayo kaddib markii labo koox oo iska horjeeda ay ku murmeen kuraasta baska.

Xigasho BBC

Muxuu yahay nidaamka PISCES ee lagu soo kordhiyey socdaalka Soomaaliya.?

Axad 29 June 2025 {HMC} Nidmaanka PISCES, waxaa bilowday wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka waaxdeeda Ka Hortagga Argagixisada sanadkii 1997-dii . Ujeedada mashruucan ayaa ahayd in dalalka la siiyo nidaam kombiyuutar ah oo casri ah si ay u horumariyaan awooddooda la socodka dadka laga shakiyo – gaar ahaan kuwa argagixisada lala xiriiriyo – iyo fududeynta habka socdaalka iyo soo gelidda dalka.

Dowladaha shisheeye ayaa loo xilsaaray inay isticmaalaan nidaamka si ay u sameeyaan liisaska dadka laga shakiyo, ulana wadaagaan xogtaas Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Xogta ay la socdaan waxaa ka mid ah sawirrada wejiga, faraha, iyo macluumaadka shakhsiyadeed ee dadka u socdaalaya Mareykanka kana soo baxaya dalal “khatar sare leh”.

PISCES, ayaa ka kooban qalabyo kala duwan sida Kamarado, barayaal baasaboorda ah kuwaas oo bixiya tababaro, rakibaad iyo taageero farsamo intaba.

Xarumaha socdaalka, booliska, iyo hay’adaha sirdoonka ee dalalka ka qeybgalaya nidaamkan ayaa si toos ah uga heli kara xogta laga aruuriyay xarumaha socdaalka iyadoo loo marayo wide area network (WAN).

Sanadkii 2007-dii ayaa nidaamka lagu kordhiyey kartida ogaanshaha dukumentiyada been abuurka ah,baadhitaanka biyomeetrikada (faraha ) iyo hagaajinta habka raadinta magacyada.

Sidaas oo kale sanadkii 2010-2011ayaa hannaanka laga qayb galiyey dalal Maraykanku arko kuwa khatar sare oo ammaan leh sida dalalka Ciraaq, Afganistan iyo Pakistan.

DFS oo Mudeeysay Waqtiga Dhismaha maamulka SSC Khaatumo

Axad, 29 June 2025 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta ayaa ku dhawaaqday in shirweynaha dhamaystirka maamulka SSC-Khaatumo la qaban doono 10-ka bisha July 2025.

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda ayaa lagu xusay in go’aankan uu salka ku hayo dadaallada socda ee la xiriira dhismaha iyo dhamaystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo.

Warqadan ayaa la sheegay in ay daba socoto go’aanadii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran iyo booqashadii ra’iisul wasaare Xamsa ee 15-kii April 2025.

Wasaaraddu waxay sidoo kale magacaabeysaa xubno farsamo oo ka shaqeyn doona arrimaha shirkan iyagoo la shaqeyn doona dowladda federaalka ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan oo mashruuc weyn ka dhagax dhigay Sh/Dhexe

0

Axad, 29 June 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan oo mashruuc weyn ka dhagax dhigay Sh/Dhexe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa kasoo kordhay Xaalada Moqokori?

0
Axad, 29 June 2025 {HMC} Maxaa kasoo kordhay Xaalada Moqokori?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Midowga Afrika oo Xil muhiim ah u Magacaabay Cabdiwali Cali Gaas.

0

Axad, 29 June 2025 {HMC} Midowga Afrika oo Xil muhiim ah u Magacaabay Cabdiwali Cali Gaas.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 29 06 2025

0

Axad 29, June 2025 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN

{DAAWO MUUQAALKA} MW Xasan sheekh oo gaaray Haawaay

0

Axad, 29 June 2025 {HMC} MW Xasan sheekh oo gaaray Haawaay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA