Home Blog Page 742

KILLER DEPORTED Refugee who stabbed youth footballer Kiyan Prince to death has been deported to Somalia

0

Sunday 29,June 2025 {HMC} A SOMALIAN refugee who stabbed youth footballer Kiyan Prince to death outside a school has been deported.

Hannad Hasan was given sanctuary in 2001 after fleeing the war-torn African nation.

But just five years later, the thug teen killed QPR youth player Kiyan, 15, after he tried to break up a fight.

Hasan, 17, got Kiyan in a headlock and stabbed him through the heart with a penknife in a May 2006 murder in Edgware, north-west London, which horrified Britain.

Hasan was handed a minimum of 13-years behind bars and was denied parole last year.

The now 35-year-old was flown to Somalia in October 2024.

Queens Park Rangers called their ground the Kiyan Prince Foundation Stadium in 2019 after a fan vote over naming rights.

The West London championship club reverted to their Loftus Road name three years later.

When Hasan was jailed, Judge Paul Worsley said: “Taking the life of another is always a terrible thing – taking the life of a talented, popular 15-year-old schoolboy who was known to you and who had done you no wrong and had everything to live for defies description.”

After the verdict, Mr Prince said the family was “ecstatic, over the moon” at the sentence.

A Home Office spokesperson said: “Foreign nationals who commit crime should be in no doubt that we will do everything to make sure they are not free to roam Britain’s streets, including removing them from the UK at the earliest possible opportunity.

“Since the election we’ve removed 4,436 foreign criminals, a 14% increase on the same period 12 months prior.”

Not-for-profit KPF is committed to using Kiyan’s legacy to combat knife crime and other forms of youth violence.

Source Hiiran online

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo hirgelisay nidaamka PISCES (Personal Identification Secure Comparison and Evaluation System),

Sabti 28-June 2025 {HMC} Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa si rasmi ah u hirgelisay nidaamka PISCES (Personal Identification Secure Comparison and Evaluation System), kaas oo hadda si buuxda uga hawlgala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho.

Hirgelinta nidaamkan ayaa la socda tababar heer sare ah oo loo qabtay saraakiil ka tirsan waaxyaha kala duwan ee hay’adda, si loo xoojiyo xirfadooda la xiriirta adeegsiga nidaamka iyo sugidda amniga xuduudaha dalka.

Munaasabadda xiritaanka tababarka iyo daahfurka nidaamka cusub oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa waxa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, wakiillo ka socday Dowladda Mareykanka oo uu hoggaaminayay Mr. Bob, iyo saraakiil ka socday hay’adaha amniga gudaha iyo kuwa caalamiga ah sida Interpol.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa xusay in nidaamka PISCES uu sare u qaadayo awoodda dowladda ee la socodka dhaq-dhaqaaqa dadka, xakameynta tahriibka iyo dambiyada la xiriira, isla markaana uu kaalin mug leh ka qaadan doono sugidda amniga qaranka.

Wasiirka ayaa dhiirrigeliyay in saraakiisha tababarka dhammeystay ay si hufan uga faa’iideeyaan aqoonta ay barteen.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa tilmaamay in nidaamkan uu yahay tallaabo weyn oo lagu hormarinayo maamulka socdaalka iyo adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah, taasoo lagu gaari karo adeegyo degdeg ah oo ammaan ah.

Sidoo kale, wakiilka Mareykanka, Mr. Bob, ayaa sheegay in taageerada ay siiyeen hirgelinta PISCES ay ka tarjumayso iskaashi qoto dheer oo u dhexeeya labada dal, isagoo muujiyay kalsoonida ay Dowladda Mareykanku ku qabto dadaalka Soomaaliya ee dhinaca amniga.

{DAAWO MUUQAALKA} Dadkan waa Dadkii idin jibiyay oo Idinka Adkaaday, waxaa Furunta ujoogaa ciribtirka AS”Xil, Maalik

0

Sabdi,28 Juun 2025 {HMC}  Dadkan waa Dadkii idin jibiyay oo Idinka Adkaaday, waxaa Furunta ujoogaa ciribtirka AS”Xil, Maalik

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Barnaamijnka Dhacdooyinka Caalamka 28-06-2025

0

Sabdi,28 Juun 2025 {HMC} Barnaamijnka Dhacdooyinka Caalamka 28-06-2025

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxeey Dhaqanka Hiiraan Ku Xasuusan Doonaan Nabadoon Dacar AUN?

0

Sabdi,28 Juun 2025 {HMC}  Maxeey Dhaqanka Hiiraan Ku Xasuusan Doonaan Nabadoon Dacar AUN?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Hawlgalka AUSSOM oo Furmaya 1-da Luulyo

0

Sabdi,28 Juun 2025 {HMC}  Hawlgalka AUSSOM oo Furmaya 1-da Luulyo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Laamaha Amaanka Caabudwaaq oo ka Hadlay Shaqaaqa Maanta dhacday

0

Sabdi,28 Juun 2025 {HMC}  Laamaha Amaanka Caabudwaaq oo ka Hadlay Shaqaaqa Maanta dhacday

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 28-6-2025.

0

Sabdi,28 Juun 2025 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyay 28-6-2025.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Sacuudiga oo qarka u saaran in uu Xukun Dil ah ku fuliyo Maxaabiis Soomaali iyo Itoobiyaan ah.

Sabti 28-June 2025 {HMC} Maxbiistan oo ka soo jeeda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay tiradooda gaareyso 56 maxbuus, kuna xiran xabsiga Najiraan ee dalka Sacuudiga, ayaa la sheegay in dilkooda uu dhici karo “maalin kasta,” sida ay warbaahinta Middle East ku warrantay. Maxaabiistan ayaa lagu helay dambiyo la xiriira ka ganacsiga mukhaadaraadka, kuwaas oo ah dambiyo ciqaabtoodu tahay dil.

Liis ay heshay MEE ayaa muujinaya in 43 Itoobiyaan ah iyo 13 Soomaali ah ay sugayaan fulinta xukunka dilka ah, halka ugu yaraan lix qof la dilay bishii lasoo dhaafay.

Wararka ayaa sheegaya in maxaabiista loo sheegay inay is macsalaameeyaan, taas oo muujinaysa in dilalku si rasmi ah u billowdeen kadib ciidda Carafo.

Tirakoobka hay’adda Amnesty International wuxuu muujinayaa in ugu yaraan 52 qof lagu dilay Sacuudiga intii u dhaxaysay Janaayo ilaa Abriil 2025, kuwaas oo dhammaantoodna la xiriirinayay mukhaadaraad.

Warbixintu waxay xustay in dad badan lagu xukumay dil iyadoo lagu eedeeyay inay wadeen ama la haayeen daroogo sida Xashiish.

Waxaa kaloo jira eedeymo ah in maxaabiis badan aysan helin qareenno, turjubaano, ama caddayn sax ah oo lagu xukumo, iyadoo lagu qasbo inay saxiixaan qirashooyin aan la fahmin.

Mid kamid ah maxaabiista, Khalid Maxamed Ibraahim oo Soomaali ah, ayaa wajahaya dil, waxaana walaalkiis sheegay in Khalid uu ahaa muwaadin dhibaatooyin siyaasadeed iyo shaqo la’aan darteed uga baxay Itoobiya isagoo rajo ka qabay nolol wanaagsan, balse xabsiga la dhigay tan iyo 2018.

Wuxuu dil ku mutaystay kaddib markii uu rumaystay talo uu ka helay askari xuduudda ka howlgalla, kaasoo u sheegay inuu sheegto inuu yahay tahriibiye daroogo si loo sii daayo.

Khilaafka Puntland iyo Dowladda Soomaaliya oo Kala Qaybiyay Xisbiyada Siyaasadeed ee Puntland.

Sabti 28-June 2025 {HMC} Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si toos ah u saameeyay xisbiyada siyaasadeed ee Puntland. Qaar ka mid ah xisbiyadan ayaa si buuxda u garab istaagay maamulka Puntland, halka kuwo kalena ay muujinayaan taageero u janjeerta dhinaca Dowladda Federaalka.

Arrintan ayaa horseeday kala qeybsanaan baahsan oo dhexda ka jebisay xisbiyadii Puntland, kuwaas oo hadda u kala jabay laba garab oo kala aragti duwan. Shirkii Wadatashiga Qaranka ee dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sii huriyay khilaafka, kadib markii xubno sare oo ka tirsan hoggaanka qaar ka mid ah xisbiyada Puntland ay ka qaybgaleen, taasoo dhalisay muran iyo dood ka dhex aloosantay xisbiyadii ay ka tirsanaayeen.

Dhanka kale, qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee Puntland ayaa shirar ku qabtay magaalada Garowe, iyagoo si cad uga hor yimid shirka Muqdisho. Waxay sheegeen in xubnaha ka qayb galay aanay metelin mowqifka rasmiga ah ee xisbiyadooda, isla markaana aysan jirin wax wadatashi ah oo laga sameeyay ka qaybgalkooda.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay HOL ayaa sheegaya in Madaxtooyada Puntland ay cadaadis saarayo xubno ka tirsan xisbiyada si ay xisbiga uga saaraan mas’uuliyiintii ka qayb galay shirkii Muqdisho.

Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo wadatashi ah ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Garowe, iyadoo xisbiyo badan ay ka shirayaan sidii tallaabo mideysan looga qaadi lahaa xubnihii ka qayb galay shirka Muqdisho.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh, ayaa intii uu socday shirkii Muqdisho sheegay in la qorsheynayo mideynta xisbiyada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay xisbiyada Puntland.

Isku soo wada duuboo, inta badan xisbiyada siyaasadeed ee Puntland waxaa hoggaamiya ama aasaasay siyaasiyiin xilal sare ka haya maamulka Puntland, taasoo lagu dhaliilo inay wiiqday doorkii mucaaradnimo iyo xukuumad saxid ee xisbiyada. Tani waxay dhalisay su’aalo laga qabo madax-bannaanida iyo hufnaanta xisbiyadaasi.

Dhawaanna, siyaasiyiin mucaarad ah oo kasoo jeeda Puntland ayaa ku dhawaaqay madal cusub oo lagu magacaabo Madasha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda Puntland, iyagoo ku tilmaamay inay tahay madal mucaarad ah oo u taagan sixitaanka qaladaadka maamulka iyo difaaca nidaamka dimuqraadiyadda.