Home Blog Page 743

Dowladda Qadar Miyaa Bilaawday Xalka Wada Hadalada Soomaaliland iyo Soomaaliya?

Sabti 28-June 2025 {HMC} Dowladda Qadar ayaa casuumaad u fidisay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyaga oo leh kulamo looga hadlayo iskaashiga labada dal iyo amniga badda cas.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu sheegay in kulamada looga hadli doono danaha labada dal, xaaladda gobolka iyo amniga Badda cas.

“Wadahadallada ayaa diiradda lagu saari doonaa muhiimadaha istaraatiijiga ah ee la wadaago, oo ay ku jiraan amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, dadaallada nabad-dhisidda gobolka ee Geeska Afrika, iskaashiga dhaqaalaha iyo kaabayaasha, iyo iskaashiga qoto dheer ee maalgashiga, tamarta, waxbarashada, iyo horumar waara” ayaa lagu yir War-saxaafadeedka.

Falanqeeysha Siyaasadda tilmaamaya in Qadar door wanaagsan ka qaadan karto dib u billaabida wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee istaagey.

Qadar ayaa ka mid ahayd dalalkii isku dayey inay dhexdhexaadiyaan Soomaaliya iyo Itoobiya ka dib markii heshiis muran badan dhaliyay la saxeexdeen hoggaamiyihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Turkiga ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inuu heshiisiiyo Soomaaliya iyo Itoobiya.

Hore, Madaxweyne Cirro wuxuu safarro kala duwan ku kala bixiyay dalalka saameynta ku leh xaaladda Soomaaliya sida Jabuuti, Kenya, Imaaraadka Carabta iyo Qadar.

Inta badan dalalka uu tagey wuxuu kala hadlayay sidii maamulkiisa u heli lahaa Aqoonsi iyo matalaad ay raadinayaan in ka badan 30 sano.

{DAAWO MUUQAALKA} Dagaalo Culus oo Mar kale ka socda Magaalada Caabudwaaq

0

Sabdi,28 Juun 2025 {HMC} Dagaalo Culus oo Mar kale ka socda Magaalada Caabudwaaq

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Trump oo soo bandhigay hal sabab oo uu ku wareeri karo Iiraan.

0

Sabdi,28 Juun 2025 {HMC} Madaxweyne Trump oo soo bandhigay hal sabab oo uu ku wareeri karo Iiraan.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Ciidanka DFS oo Fuliyay Howlgal Qorsheysan oo Lagu qabtay Horjooge ka tirsan AS Laguna soo Furtay Lacag iyo Hub.

Sabti 28-June 2025 {HMC} Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururka 161-aad, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaasi oo si xeeladaysan loo abaabulay ayaa Ciidanku ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al shsbaab , iyagoo sidoo kale helay hub kala duwan oo ay cadowgu u adeegsan jireen falal amni darro iyo mooto ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar kale caddeeyay doorkooda muuqda ee difaaca shacabka iyo la dagaallanka kooxaha Al shabaab iyagoo si geesinimo leh uga hortagaya khataraha ka imaanaya cadowga gudaha.

{DAAWO MUUQAALKA} Danab oo Howlgal kusoo qabtay Sargaal iyo hub AS ah.

0

Sabdi,28 Juun 2025 {HMC} Danab oo Howlgal kusoo qabtay Sargaal iyo hub AS ah.

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 28 06 2025

0

sabti 28, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaan Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Hogaanka Sare oo Ciidanka Uganda oo Gaaray Gobolka Shabeelada Hoose

Sabti 28 june 2025 {HMC}  Taliyaha Ciidamada Lugta Uganda, Jeneraal Kayanja Muhanga iyo Saraakiil uu hoggaaminayo oo safar ku yimid Soomaaliya ayaa qiimeyn u tagey deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha ayaa la kulmay Saraakiisha ciidanka Uganda ee hoos yimaada howlgalka AUSSOM, isaga oo kala hadlay dagaalka AS iyo guulaha ay ka gaareen la wareegida deegaanka Sabiib iyo Caanoole.

Ciidamada Uganda ayaa toddobo askari uga geeriyootay dagaal xooggan oo ka dhacay bannaanka deegaanka Sabiib iyo Caanoole, iyaga oo ka barbar dagaalamay Militeriga Soomaaliya.

Taliye Kayanja Muhanga ayaa ku amaanay ciidamada sida geesinimada leh ee ay uga qeyb qaateen dagaalka AS, isagoo xusay in la xoojiyo dadaallada lagu xasillinayo deegaannada laga saarey AS.

Ciidamada Uganda ayaa muddo dheer ka garab dagaalamayay Militeriga Soomaaliya, iyagoo qayb ka ahaa dagaalka ka dhanka ah AS tan iyo sanaddii 2007.

Soomaaliya oo ka Qeeybgashay Shirka Anshaxa Garaadka Macmalka oo lagu Qabtay wadanka Thailand

Sabti 28 june 2025 {HMC}  Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS Axmed Cusmaan Diiriye ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 3aad ee Anshaxa Garaadka Macmalka (Global Forum on the Ethics of AI) oo lagu qabtay magaalada Bangkok ee wadanka Thailand, intii u dhexeysay 24–27 Juun 2025.

Mudane Axmed Cusmaan Diiriye Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS ayaa dhanka kale ka qaybgalay doodo kala duwan oo lagu soo bandhigay madasha oo ay ka mid ahayd “Ministerial Dialogue on International Cooperation on AI”, taas oo ay ka qeyb galeen in ka badan 20 wasiir oo ka kala yimid dalal kala duwan, waxaana Doodda si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga caalamiga ah ee lagu hagaajinayo maamulka iyo anshaxa teknoolajiyadda Garaadka Macmalka ah (AI).

Wasiiru dowlaha oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa xusay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo la xiriirta isbeddelka dhijitaalka ah, iyadoo ay diyaarisay istiraatiijiyad qaran oo u dhaxaysa 2025–2029.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Inay socdaan sharciyo muhiim ah oo dhanka tiknoolajiyadda ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xeerka Dhowrista Xogta, Xeerka E-Transaction-ka iyo Xeerka Amniga Sheybaar-ka, Iyo in dalka uu bilaabay dhismaha xafiis u gaar ah oo u xil saaran arrimaha la xiriira AI, si loo helo siyaasad sugan oo waafaqsan horumarka dunida.

Wasiir Axmed Cusmaan ayaa ka qaybgalay dood kale oo lagu falanqeeyey habka ugu habboon ee dalalku u sameyn karaan qiimeyn ku saabsan heerka isticmaalka AI-da, iyagoo raacaya habraaca ay dejisay UNESCO.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS Axmed Cusmaan Diiriye ayaa ka mahadceliyey in Soomaaliya ay ka mid noqotay waddamada cusub ee la siiyey fursad lagu cabbiro heerka ay ka taagantahay diyaar-garowga maamulka ee la xiriira Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence).

Shirka wuxuu fursad weyn u ahaa Soomaaliya, si ay u xoojiso xiriirka caalamiga ah una hesho taageero farsamo, una qayb qaadato go’aannada caalamiga ah ee la xiriira mustaqbalka tiknoolajiyadda Garaadka Macmalka ah.

Faahfaahin Dagaal Qasaara Dhaliyay oo ka Dhacay Magaalada Caabudwaaq

Sabti 28 june 2025 {HMC}  Wararka naga soo gaaraya Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo gudaha magaalada.

Dagaalka ayaa salka ku haya muran la xiriira dhismaha saldhig Boolis oo laga wado magaalada, kaas oo muddooyinkii dambe uu khilaaf xooggan ka taagnaa.

Maleeshiyaad ka soo horjeeda dhismaha saldhigga iyo ciidamada amniga oo taageero ka helaya dad kale oo u ololeyneysa dhismaha saldhigga ayaa haatan ku dagaalamaya gudaha magaalada.

Khasaaraha dagaalka ayaa weli aan si rasmi ah loo xaqiijin karin, hase yeeshee wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in ay jiraan khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Xaaladda magaalada ayaa aad u kacsan, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka magaalada.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 28 06 2025

Sabti , 28 June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri baryare & Abdiyare

Farsamadii ::Ismail abdiqadir