Khamiis , 26 Juun 2025 {HMC} Wan dhaqan galineynaa qodobada aan soo saarnay”MW Axmed Madoobe”’
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis , 26 Juun 2025 {HMC} Wan dhaqan galineynaa qodobada aan soo saarnay”MW Axmed Madoobe”’
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis , 26 Juun 2025 {HMC} Dalka waan badbaadineynaa qof gaar ahna dalka ma matali karo”MW DEni”
Khamiis , 26 Juun 2025 {HMC} Waxba kama jiraan Xurnimada maanta loo dabaaldagayo ee la qaatay 1960.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco 26, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali & Sahro Gabre
Farsamadii ::Ismail abdiqadir
Khamiis 26 june 2025 {HMC} Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in uu hadda ku kalsoon yahay in uu burbur weyn u geystay barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.
Waxaa uu dhanka kale shaaciyay, inuu doonayo in uu dib u furo wadahadalladii Tehraan ee barnaamijka nukliyeerka looga hadlo.
Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in xogtii ugu dambaysay ay xaqiijinayso, in la burburiyay saddexdii goobood ee ugu waaweynaa Nukliyeerka Iran.
Si kastaba ha ahaatee, ergeyga madaxweyne Trump ee Bariga Dhexe, ayaa sheegay in uu sii wadi doono in uu Iran ku cadaadiyo in ay ka tanaasusho barnaamijkeeda tayeynta nukliyeerka.
Steve Witkoff waxa uu sheegay in uu rajaynayo in uu dib u bilaabo wadahadaladii ku saabsanaa heshiis nabadeed oo dhamaystiran todobaadka soo socda
Laakiin wuxuu sheegay inuu hadda ku rajo weyn yahay heshiis nabadeed oo dhammaystiran oo lala gaaro Tehran.
Khamiis 26 june 2025 {HMC} Qoysaska Muwaadiniin Marookaan ah oo ku xiran Xabsi ku yaala Magaalada Garowe ee Puntland ayaa dalbaday in wiilashooda si shuruud la’aan ah loogu celiyo wadankoodi.
Lix muwaadin oo u dhalatay dalka Marooko, kuwaas oo horay loogu xukumay dil toogasho ah ka hor inta aan wax dambi ah lagu soo oogin, lana amray in la masaafuriyo, ayaa dhankoodi baaq deg deg ah u direy Dowladda iyo shacabka Marooko, si ay gacan uga geystaan sidii ay dalkooda ugu laaban lahaayeen.
Qoysaska muwaadiniintaan ayaa cabasho rasmi ah u gudbiyey 19-kii Maajo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Morocco, Waxa ay ugu baaqeen in si deg deg ah loo soo fara geliyo dhibaatada haysata caruurtooda, kuwaasoo weli xabsiga ku jira, inkastoo ay maxkamadu amartay in la sii daayo, laguna masaafuriyo muddo sanad iyo bar.
Mid ka mid ah maxaabiistaasi ayaa wargeyska Al-Oumk u sheegay marqaati cod ah oo uu kaga sheekeeyay in la shirqoolay markii ay imaanayeen Soomaaliya oo ay rabeen shaqo caadi ah balse madaxa loo galiyay Kooxda Daacish.
Cabashada qoysaska ayaa xaqiijisay in wiilashooda ay Soomaaliya u soo galeen iyaga oo ujeedkoodu ahaa inay ku shaqeeyaan qandaraasyo shaqo, laakiin wax yar ka dib ayaa la ogaaday in la khiyaaneeyey oo ay ku lug lahaadeen kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka (ISIS).
Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland ayaa 2-dii March 2024-ka dil toogasho ah ku xukuntay lixdaan qof oo u dhashay dalka Marooko, ka dib markii lagu helay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish.
Khamiis 26 june 2025 {HMC} Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa markii u horreysay ka hadashay khasaaraha gaarey Xarruumaha Nukliyeerka Iiraan ee la duqeeyay.
Agaasimaha Sirdoonka CIA-da Mareykanka ayaa sheegay inuu jiro dhaawac soo gaarey xarruumaha Nukliyeer, kaasi oo qasbaya in sanado dib loogu soo celiyo waxa burburay.
Mareykanka ayaa si wayn uga soo horjeeda dadaallada Iiraan ku dooneyso in ay ku yeelato hub Nukliyeer ah, kaasi oo ay u arkaan mid saameyn ku yeelan kara Bariga Dhexe.
Hadalka Sirdoonka Mareykanka ayaa ku soo aadaya xilli warbixin sirdoon oo horudhac ah oo sheegaysay in duqeymihii Maraykanka ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran aysan guulaysanin.
Hore Iiraan waxay u sheegtay inuusan wax khasaare ah soo gaarin xarruumaha Nukliyeerka oo ay ka socdeen howlaha bacriminta iyo soo saarista hubka.
Khamiis , 26 Juun 2025 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Warmurtiyeed kasoo baxay Shirkii MW Deni iyo Axmed Madoobe.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis , 26 Juun 2025 {HMC} Howlgalo xoogan oo maanta ka Socda Deegaano hoostaga Masaajid Cali Gaduud.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA