Jimco, 27 June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yasiin Ali Ahmed
Farsamadii :: Mustaf Ali Addow
HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO
Jimco, 27 June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yasiin Ali Ahmed
Farsamadii :: Mustaf Ali Addow
HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO
Jimco 27 june 2025 {HMC} Maamulka Iran ayaa fuliyay mowjado xarig iyo xukuno di loo kala kuwaas oo lagu fuliyay dad looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin hay’adaha sirdoonka Israa’iil, kaddib dagaalkii dhawaan dhexmaray labada dal.
Arrintan ayaa timid ka dib markii ay tallaabadan hogaamiyeyaasha dalkaas ku tilmaameen inay tahay mid aan hore loo arag oo ay ku soo xad-gudbeen laamaha ammaanka Iran isla markaana ay ku kaceen wakiillo Israa’iiliyiin ah.
Mas’uuliyiinta ayaa tuhunsan in macluumaadka la siiyay Israa’iil ay qeyb ka qaateen dilal joogto ahaa oo lagu bartilmaameedsaday xubno sar sare intii uu socday dagaalka.
Dadkaas waxaa kamid ahaa Hossein Salami, taliyihii Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC)
Weerarada Israa’iil ayaa sidoo kale lala beegsaday tiro kale oo saameyn ku leh barnaamijka Nukliyeerka Iran, oo ay ku jiraan lix saynisyahano nukliyeer ah, sida ay sheegtay wakaalada wararka Tasnim ee xiririka la leh IRGC.
Dadka reer Iran waxa aanay isku mid ka ahayn waa basaasnimada. Mossad, sirdoonka Israa’iil waa laga tiro badan yahay. Deegaan kuma laha dalkaas, laakinse waxay la socdaan waxa ay samaynayaan saynisyahanada Iiraan.
Waxay ka qeyb galayaan shirar lala yeelanayo jeneraalada Iiraan. Waxay u noqotay rooxaan aysan arki karin Iiraaniyiinta. Mossad waxaa laga yaabaa inay hayso xog aysan maamulka Iran haynin.
Mossad ma aysan galin dhamaadkii dagaalka iyo habeenki dagaalka. Waxay ku sugnaayeen Iran.
Mas’uuliyiinta Iran waxay beegsadeen cid kasta oo lagu tuhmo inay la shaqaynayso sirdoon shisheeye, iyagoo sheegay in arrintaasi ay tahay mid lagu sugayo amniga qaranka.
Maalinkii 12-aad ee dagaalka, Iran waxay daldashay sadeex ninoo looga shakisanaa inay u basaasen Israa’iil.
Mas’uuliyiintu waxay shaaciyeen in boqolaal qof la xiray. Kuwaas oo looga shakisanyahay basaasnimo.
Jimco ,27 Juun 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Duqeeyn Culus oo ka dhacday Degmada Aadan yabaal.
Khamiis , 26 Juun 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.
Khamiis 26 june 2025 {HMC} Ciidanka Booliska oo gacanta ku soo dhigay 17 qof oo iskugu jira Askar iyo Shacab ku eedeysan qalqal-gelin amni.
Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta guud ee Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha kale ee Amniga Caasimadda Muqdisho ayaa lagu soo qabtay xubnahaan oo isugu jira shacab iyo askari ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo ku eedeysan inay jebiyeen amarkii lagu mamnuucay in rasaas loo adeegsado dabaal-degyada maalmaha xorriyadda.
Taliska Qeybta Guud ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in baaritaano socda lagu ogaanayo hadii ay jiraan khasaare ka dhashay rasaastii xalay sida sharci darrada ah loo riday, isla markaana eedeysanayaashan la horgeyn doono Maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loo waafajiyo.
Xubnaha hadda la qabtay ayaa gaaraya 17 qof, waxayna hay’adaha amnigu baadi-goobayaan tiro kale oo la tuhunsan yahay in ay xerooyin Ciidan rasaas ka dhex rideen.

Khamiis 26 june 2025 {HMC} Ugu yaraan 29 carruur ah ayaa ku geeriyootay, halka in ka badan 250 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii uu qarax ka dhacay Iskuulka Sare ee Barthelemy Boganda ee magaalada Bangui ee caasimadda Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.
Qaraxa ayaa ka dhacay gudaha Iskuulka xilli dib loo soo celinayay korontada matoorka transformer-ka iskuulka kadib markii uu ciladoobay, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada ee dalkaas.
Inta badan ardayda dhimatay oo ay ku jiraan 16 gabdhood ayaa ku geeriyooday goobta dhacdadu ka dhacday, halka qaar kale ay ku dhinteen isbitaalka, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka dalkaas.
260 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay Qaraxa, waxaana lagu daaweynayaa isbitaallo kala duwan, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.
Qiyaastii 5,000 oo arday ah ayaa iskuulka ku sugnaa waqtiga uu Qraxu dhacayay, iyagoo ku jiray imtixaanno.
Khamiis , 26 Juun 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh oo dar-daaran u diray Dhalinyarada Sooaaliyeed.
Khamiis , 26 Juun 2025 {HMC} Qoysaska Muwaadiniin Marookaan ah oo ku xiran Soomaaliya ayaa dalbaday in dalkoodi lagu sooceliyo
Khamiis , 26 Juun 2025 {HMC} Hogaamiyaha Iran oo jeediyay khudbadii ugu Adkeynd Tan iyo Dagaalkii Israiil ay la galeen.