Arbaco , 25 Juun 2025 {HMC} Deegaanada Ay qabsadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Arbaco , 25 Juun 2025 {HMC} Deegaanada Ay qabsadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Arbaco , 25 Juun 2025 {HMC} Dood adag ayaa ka dhalatay Aflagaadada Wasiir Caydiid uu u Geystay RW Xamse iyo Baarlamaanka Puntland oo Si adag uga Hadlay Maxeey ka dhaheen Baarlamaanka Puntland Aflagaadadii uu u geystay RW Xamse Wasiir Caydiid.?
Arbaco , 25 Juun 2025 {HMC} Siddee AS Looga saaray Masaajid Cali Gaduud”Afhayeenka Gaashaandhiga”’
Arbaco 25 June 2025 {HMC} Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa shaaca ka qaaday in maanta dalka dib loogu soo celiyay 30 muwaadin oo Soomaali ah oo oggolaanshahooda looga soo kaxeeyay dalka Liibiya kadib xabsi iyo xaalado adag oo nololeed oo halkaasi ku haysatay.
Wasiir kuxigeenka oo hadal ka jeediyay Gegidda diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho markii ay ka soo degtay diyaaraddii siday muwaadiniintaasi, ayaa hadalkii uu warbaahinta u jeediyay ay ahayd sidatan:
Bismillaah.
Waxaan halkaan u taagannahay inaan soo dhoweyno in ka badan 30 muwaadiniin Soomaaliyeed oo si mutadawacnimo ah looga soo daad-gureeyey dalka Liibiya, ka dib markii ay soo mareen xabsiyo iyo xaalado nololeed oo aad u adag.
Waxaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo socda ay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa soo gaaraan ku dhowaad 60 muwaadiniin kale, kuwaasoo isna laga soo badbaadiyey halisyo naf iyo maalba leh.
Tallaabadan waa qayb ka mid ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto yareynta tahriibka sharci darrada ah, oo ay dad badan oo Soomaaliyeed ku waayeen noloshooda.
Anigoo ku hadlaya magaca dowladda, waxaan ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed, hay’adaha dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn inay si buuxda uga qayb qaataan badbaadinta muwaadiniinteenna, arrintanina waa mas’uuliyad wadareed.
Sidoo kale, waxaan codsaneynaa in laga bilaabo maanta, hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ay si adag ula dagaallamaan shabakadaha tahriibka ee dhalinyaradeenna ka dhoofinaya gudaha dalka.

Arbaco 25 June 2025 {HMC} Kulankii Madaxweynaha JFS, Guddiga Dowladda ee u xil-saaran wadahadallada iyo xubnaha Madasha Samatabixinta, waxaa la isku raacay in laga wadahadlo afar ajende oo muhiim u ah dowlad-dhiska dalka, kuwaas oo kala ah: 1-Adekeynta midnimada dalka, 2-Hanaanka dib u eegista dastuurka, 3-Amniga iyo ciribtirka argagixisada, 4-Hanaanka doorashooyinka tooska ah oo heshiis lagu yahay.
HOOS KA AKHRISO QODOBADA LAGU HESHIIYAY

Arbaco 25 June 2025 {HMC} Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta sameeyay isbedello waawayn, kadib wareegto uu soo saaray, taas oo isugu jirto magacaabis iyo xilka qaadis.
Muungaab ayaa Daa’uud Maxamed Maalin u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Waaxda Dakhliyada kala duwan ee Dowladda Hoose ee Xamar, iyada oo xilalkii laga qaaday Xasan Xuseen Cabdullaahi, Cumar Fareey Muuse iyo Mudane Bashiir Maxamuud Wehliye.
Daa’uud ayaa ka hor magacaabistan ahaa Wasiirka Dastuurka Gowladg-oboleedka Galmudug, isagoo ka door biday xilka agaasime waaxeedka ee maanta loo magacaabay.
Sidoo kale Shaafici Axmed Cali, ayaa isna loo magacaabay Madaxa Khidmadaha iyo Adeegyada ee Waaxda Dakhliyada kala duwan Dowladda Hoose ee Xamar.
Waxaa kale oo isla wareegtadan lagu magacaabay Maxamuud Xaaji Cali Fiidow oo noqonaya Madaxa Gaadiidka iyo Ganaaxyada ee Waaxda Dakhliyada kala duwan Dowladda Hoose ee Xamar.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta uu magacaabay in ay dardargeliyaan howlaha shaqo ee Waaxda Dakhliyada kala duwan.
Todobaadkan gudihiisa ayay ahayd markii isbeddello noocaan oo kale ah uu sameeyay gudoomiyaha gobolka, kadib markii uu mas’uuliyiin cusub u magacaabay waaxda warfaafinta ee dowladda Hoose, waxaana agaasime looga dhigay Wariye Xuseen Cabdulle.
Isbeddelladan ayaa qayb ka ah tallaabooyin dheeraad oo uu haatan wado Muungaab oo horay xilalkii uga qaaday guddoomiyeyaal degmo, isaga oo magacaabay kuwa kale oo cusub oo durbo xilalka la wareegay, waxaana arrintan ay qayb ka tahay qorshihiisa horumarineed ee caasimada.
Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si dardar leh u shaqeynayey tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxaana lagu tilmaamay nin aad u garanaya shaqada loo dhiibay iyo hoggaaminta gobolka.
Si kastaba ahaatee, Muungaab ayaa xilkan horay usoo qabtay waxaana guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho loo magacaabay sannadkii 2014, isaga oo intii uu hayay ku guuleystay hirgelinta qorsheyaal dib-u-habeyn ah oo lagu hagaajinayay maamul-wanaagga, nadaafadda magaalada, iyo amniga Muqdisho.
Waxaa kale oo uu horay usoo noqday guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo xilligaas caan ku noqday adkeynta sharciga iyo la dagaalanka dambiyada la xiriira amniga qaranka.
Arbaco 25 June 2025 {HMC} Wararka laga helayo Gobolka SH/Dhexe ayaa sheegaya inuu Dagaal culus ka socdo degaanka Masaajid Cali Gaduud, halkaas oo ay ku dagaalamayaan ciidamada xoogga Dalka.
Sida ay wararku sheegayaan, dagaalka ayaa ku bilowday weerar ay ciidamada xooga dalka ee isugu jira Danab iyo Gorgor ku qaadeen degaanka Masaaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelada dhexe oo halkaasi ay ku sugnaayeen Al-shabaab.
Wararka laga helayo dadka degaanka iyo ciidamada degaanka ayaa sheegaya inay Ciidamada dowladda ay dib u qabsadeen degaanka muhiimka ah ee Masajid Cali-Gaduud, iyadoo dagaal looga saaray Alshabaab.
Dadka degaanka ayaa noo xaqiijiyay inay Ciidamada xoogga dalka ee Danab iyo Gorgor ay gudaha u galeen, iyadoo dagaalkuna weli socdo.
Weerkan ayaa yimid, kadib diyaar garow ay maalmahan wadeen ciidamada dowladda oo mar kale isu diyaariyay inay dib ula wareegaan degaanadii Alshabaab hore u qabsadeen.
Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Ciidamada XDS, Daraawiishta Dowladda Hirshabeelle, iyo Ciidanka xaq-u dirirka ee dadka deegaanka ayaa si buuxdo ula wareegeen degaanka Masjid Cali Gaduud, isla markaana Alshabab lagu gaarsiiyay jab aad u culus.
Saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in ay wadaan howlgallo oo lagu nadiifinayo magaalada Masaajid Cali gaduud.
Weerarka ay maanta ciidamada dowladda qaadeen ayaa ka mid ah qorshaha dib-u-xoreynta guud ee gobolka Sh/Dhexe.
Arbaco 25, June 2025 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN